Aqoon Darida Islawaynida ku Dhisan!

Maxamed Dhagacade - Umad waliba waxay leedahay Taariikh Wanaagsan iyo waliba midxun. Waxay kaloo leedahay Dhaqano Wanaagsan oo ay haboontahy in la'ilaaliyo walibana lafaafiyo loona Bandhigo Bulshooyinka kale ee Caalamka, si ay u suurtowdo Indhaqankaa Wanaagsani uu badalo Dhaqanada xunxun ee Caalamaka Maanta ku baahsan.

Haday taasi dhacdane waxaa suurtoobaysa yareenta xumaanta, waxaan kor u kacay is dhaxgalka Bulshada iyagoo Nabad kuwada nool.

Waxay koloo Bulshooyinku leeyihiin Dhaqamo xunxun oo ay tahay in la ciribtiro lagana dheeraado gabi ahaanba.

Hadaba Soomaalidu waxay kamid tahay bulshooyinkaas aanu soo sheegnay oo Xumaanta iyo Samaanta Labadaba leh.

Wadanka Jarmal-ka wuxuu kamid yahay Wadamada mar'ay Taariikh aad u folxun ugashay diiwanka Taariikhda. Dagaalkii Labaad ee Aduunyada, waxaa Dagaalkaa horboodayay sababtiisan lahaa wuxuu ahaa Wadanka Jarmalka oo uu hogaaminayay kiligii Taliyihii waynaa ee HITLER, dagaalkaas waxaa ruuxdooda kuwaayay in ka badan 50 Milyan oo bini'aadam ah kuwaasoo isugu jiray YAHUUD, ARMEENIYAAN, qoomiyada loo yaqaano JIBSIGA, iyo waliba qoomiyado badan oo ah kuwa laga tirada badanyahay ee YURUB kunoolaa.

Ha ilaawin kumanaankii kun ee askarta ahaa ee dagaalkaa ku geeriyootay oo wadama badan ka koobnaa,SOOMAALIDU kamaysan maqnayn. Inkastooy dadka JARMALKU  taageereen qorshayaashii HITLER ee naxariis darada ku dhisnaa,hadane kamayasan hor'istaagin bulshawaynta JARMALKA in'ay kabixiyaan RAALIGALIN buuxda kadib markay arkeen 

waxay HITLER kutaageerayeen  foolxumadii uulahaa iyo siduu uburburiyaya guud ahaan dunida gaar ahaane dalka JARMAlKA naftigiisa oogaaray heer lakala qaybsado .RAALIGALINTAA ay dadka JARMALKA bixiyeen wax ceeb ah umayasan soojiidin sharftooda iyo waliba bini’aadantini madoda,balse waxay koruqaaday dadnimadooda bulsho,waxaana looga markhaati kacay ilbax nimadooda heerka aygaarsiisantahay.

Hadaba, Bulshada Soomaaliyeed maxaa looga baahanyahay in ay kabartaan JARMALKA?

Waxaa nalooga baahanyahay inaan kaga dayano in Qof walba iyo Ummad walba ay leedahay khaladaad iyo Wanaag ayna tahay sida Wanaagooda ay Mas'uuliyadiisa u qaataan, ay sidaasoo kale iyo waliba si kadaran Dusha u guritaan Mas'uuliyada khaladkooda, RAALIGALINA uga baxshaan islamarkaane Taariikhdooda Qoraan si'aysan baritoole ugu dhicin isla Khaladkii Shalay oo kale.

Hadaba bulshadeena maleedahay geesinimada Shacbaka JARMALKA oo kaleeto islamarkaane si geesinimo le intay usoo istaagaan Qof waliba khaladkuu kagalay Walaalkii Soomaaliyeed, qof kaleba hajooge, RAALIGALIN buuxda maka bixin karaa?

Sidaasoo kalane uu iska cafiyo isaga Khaladkii lagga galay, wixii lasoo dhaafayne uu Xalay dhalay kadhigo, ileen dhibaatadii la'isgaarsiiyay Dagaalkii 2-aad ee Aduunkaba waa la'iska ilaaway, ma waxaan ilaawi waynay waxa angoo walaalo ah aan isgaarsiinay? Meeshii dunidoo aan ogsoonahay inta ay'isujirto, Dad ahaan, Dhaqan iyo waliba Diin ahaanba iska ilowday wixii dhexmaray haatane ay Gacmaha isqabsadeen.

Waxaa nagu waajib ah inaan qaadano Dhaqankeena kiisa fiican dunidaan aanu ku noolnahayne lawadaagno wixii fiican, waa hadii aan rabno inaan asaagaya Latartano dhan walba.

Ma'ahan inaan ku ahaano dunida Dusheeda culays, inaan gacmaha hoorsano Aduuunyadane aanan waxba kusoo Kordhin sida Maanta aanu nahay oo kaleeto.

Iskadhaaf inaan Aduunka wax tarnee Anagiibaa teenii wax tarila, hadane aduunkiibaaba dhibaato ku noqonay, Burcad Badeed, argagixisa nimo iyo Isqarxis, Macaluul iyo Baahi aan Dhamaad lahayn, Aduunyadii oo ka daashay Filinkaan aan wadno!!

Foolxumadaa kama bexeeno ilaa xal waarah loohelo AQOONDARADAAN ISLAWAYNIDA  KUDHISAN, Markii horayba ISLAWAYNIDU doqonnimo ahayd hadane haday kudarsoonto AQOONDARIDA oo ahayd Cadowga Bulshooyinka waxa kuu soobaxaba waa FOOLXUMO.

Iftiin La'aanta AQOONDARIDA iyo Indha la'aanta ISLAWAYNIDA oo isbiirsadaa, habaar kaxun majiro.

Waxaana noogu filan Tusaale waxa haysta Wadankayaga Hooyo, mudo kabadan 20-Sano oo Dagaal ah maxaa keeni kara oo aad isleedahay oo aan ka ahayn AQONDARI ISALAWAYNI KUDHISAN?

Hadal iyo dhamaantiis LAKALA DHEEREE ORADNA MA'AHAN, fadhiga aynu ka kacnoo sidii bini'aadamkii aanu u fakarnoo meesha naloogatagay Ceebteeda aynu ka istaagno.

Maxamed Dhagacade - dhagacade123@hotmail.com // WAAYAHA UMMADDA


The Article was edited by: KEYD-M-21K - London - Keydmedia.net




Maqaallo 22 February 2021 13:48

Dowladda uu waqtigeedu dhamaaday ee Farmaajo hoggaamiyo ayaa 19/2/2021, magaalada Muqdisho galisay qalalaasihii ugu xoogganaa oo nuuciisa oo kale aan taariikhda la warin, waxayna joojiyeen mudaharaad nabadeed oo ay ku dhawaaqeen Golaha Midowga Musharixiinta.