Q-1AAD

Asalka Af-Soomaaliga

Maqaallo Keydmedia Online

Aqoonta is-barbardhigga Afafka (language comparative scientific) ayaa dhammaan Afafka dunida loo baheeyey sida ay isugu dhow yihiin oo ay isir wadaag u yihiin. Afafkaas waxa laga xusi karaa Indo-European, Neger-Congo, Tibet-Sino, Austronesian, Atlantic-Congo, Xamitic-Semitig (Afro-Asiatic) iwm. Waa qormadda Jimcadda ee arimaha Bulshada, Diinta & Suugaanta ee Keydmedia Online. 

Asalka Af-Soomaaliga

Haddaba Af-Soomaaligu waxa uu ka mid yahay Afafka bahda Xamitic-Semitig (Afro-Asiatic) ee lagaga hadlo goobo dhawr oo ka mid ah qaaradda Aasiya iyo Afrikaba waxa uuna ka sii yahay bahda Kushitigga waana Af baaxad weyn, dhul ballaaran oo dhaca mandiqadda bariga Afrikana lagaga hadlo. Sida la wada ogsoon yahayba, Af-Soomaaliga waxa lagaga hadlaa dalka Soomaaliya, Jabbuuti, Soomaali Galbeed iyo gobolka Soomaaliyeed ee loo yaqaan waqooyiga bari ee laga maamulo Keenya. Waxa kale oo jira Soomaali badan oo deggan qaybo ka mid ah dalka Yemen in ay Af-Soomaaliga ku hadlaan. Dibadjoog (Diaspora) xooggan oo Soomaali ah kuna hadasha Af-Soomaaliga ayaa iyana dunida daafeheeda ku baahsan.

AF-Soomaaliga waxa ay aad isugu dhaw yihiin Afka Canfarta (Afar) iyo Afka Saaxada (Saho) waana Afka kaliya ee ka tirsan bahda Kushitigga, kaas oo helay nidaam ama dawlad hirgelisa qoraalkiisa muddo ku siman ama ku dhow konton (50) sano, ilaa qarnigii sagaal iyo tobnaadna (19), baaris iyo bacrimin aqooneed ayaa lagu hayey waana Afka labaad ee ugu ballaaran Afafka Kushitigga marka laga reebo Afka Oromada oo aan isagu helin fursadda ah in uu noqdo AF qaran iyo mid rasmi (national and official language) ah oo dal leeyahay.1AF-Soomaaliga ayaa lagu qiyaasaa in ay ku hadlaan tiro ahaan dad dhan 12-25 malyuun oo ku ka la sugan meelaha aan kor ku soo xusnay, inkasta oo aanan anigu tiradaas ku qanacsanayn, tiro intaas ka badanina ku hadasho Af-Soomaaliga, balse, ay u muuqato in la siyaasadeeyey.

Maaddaama Soomaalidu tahay Ummad (Nation), islamarkaana ka duwan tahay dadyow badan oo dunida ku dhaqan marka laga hadlayo xagga Afka iyo dhaqankaba, waayo bulshooyin badan oo wada dega ayaan Af iyo dhaqantoona ka dhexayn sida qawmiyadaha Soomaalida deriska la ah ee ku dhaqan dalalka Keenya iyo Itoobiyaba. Waxaana jirta in ay qawmiyadahaasi isku Af-gartaan Afaf aan Afafkoodii ahayn, sida dalka Keenya oo afka Ingiriisiga iyo Swaaxiliguba yihiin Afafka rasmiga ah ee dalku leeyahay (official languages).

Af-Ingiriisiga ayaa ah af uu ka tagay gumeysigii dalka horey u gumeystay ee Ingiriiska iyo Sawaaxiliga oo ah af ka kooban afka Carabiga iyo Afka Baantuuga, in la isku Afgartana loo sameeyey ama af qolo gaar ahi iyadu ka dhigatay Afka rasmiga ah ee dalka (official Language) sida dalka Itoobiya oo Af-Amxaarigu yahay Afka rasmiga ah ee dalka waxaana ku hadla qowmiyadda Amxaarada la yiraahdo. AF-Soomaaliga ayaa ahaa Afka rasmiga ah ee ay adeegsdanaa hay’adaha dawladdu laga soo billaabo bishii Jannaayo sannadkii 1973kii, markaas oo golihii sare ee Kacaanka (Supreme Revolutionary Council (SRC) kana arriminayey dalka Soomaaliya muddo ku siman 20 sano uu ku dhawaaqay in Af-Soomaaligu yahay Afka rasmiga ah ee qaranka Soomaaliyeed leeyahay loona adeegsan doono Afka aasaasiga ee maamulka iyo waxbarashadaba.

Muddadaa wixii ka dambeeyana dawladdu waxa ay dhidibada u taagtay Akadeemiyadii cilmi baarista Afka, laguna kobcinayey Af-Soomaaliga. Waxa golihii sare ee kacaanku ay magacaabeen guddi loogu magac daray: guddigga Af-Soomaaliga (Somali Language Committee). Qoraalka Af-Soomaaliga oo loo adeegsaday ama lagu soo saaray farta Laatiinka (Latin orthography) ayaa waxa ay soo ururisay, meelna isugu keentay dhammaan wixii qoraal gacmeed (manuscripts) ahaa ee Af-Soomaaliga laga qoray.

Waxa la qarameeyey dhammaan warbaahintii Afafka kale ku bixi jirtay sida wargeyskii la oran jiray Stella d’Ottobre kuna soo bixi jiray Afka Talyaaniga waxaana loo beddelay Xiddigta Oktoobar (The October Star), wargeyskaasina waxa uu billaabay in uu ku soo boxo Af-Soomaali. Waxa kale oo iyana la qarameeyey idaacaddii Afka dawladda ku hadli jirtay ee Raadiyo Muqdisho (Radio Mogadisho) taas oo warka ka lalin jirtay Soomaaliya laga soo billaabo sannadkii 1943kii.2

Afka Soomaaligu waxa uu sidaa si la mid ah ka yahay Afka rasmiga ah ee bulshada gobolka Soomaali Galbeed ee ku hoos jira maamulka ama dawladda Itoobiya. Inkasta oo uusan Af-Soomaaligu ahayn Afka rasmiga ah (official language), haddana waxa uu ka mid yahay Afafka qaranka dalka Jabbuuti, idaacadda Jabuuti iyo warbaahinta kale ee dalkana Af-Soomaaliga waa laga baahiyaa waxaana jirta in Af-Soomaali lagu baahiyo wararka iyo barnaamijyada kaleba laga soo billaabo sannadkii 1943kii. Haddaba su’aasha is-weydiinta u baahan ayaa ah xaggee AF-Soomaaligu ka soo jeedaa? Yuuse bahnimo Afeed la wadaagaa? Maxaase arrintan caddayn u ah?

Aqoon-baarista iyo ka gungaaridda su’aalahan ayaa waxa jira khubaro badan, Afafkana ku takhasusay gaar ahaan Afafka lagaga hadlo qaaradda Afrika iyo inta ay ood wadaagta yihiin oo gacanka Carabtuna ku jiro, in ay arrintaas baaris dhammaystiran, aqoon iyo deggenaanshana ku fadhida ay Af-Soomaaliga ku sameeyeen waxa aynuna eegi doonaa qoraalladii ay ka sameeyeen cilmi-baaristan. Af-aqool Soomaaliyeed lana yiraahdo Professor Cabdullaahi Cumar Mansuur, barena ka ah Jaamacadda Università degli Studi di Roma, horeyna u ahaa bareyaashii Jaamacaddii Ummadda Soomaaliyeed ee Muqdisho wax badanna ka qoray sooyaalka iyo dhaqanka dadka iyo Afka-Soomaaliga ayaa tilmaamaya in Af-Soomaaliga ay isir adag wadaagaan Af-Carabiga maaddaama ay isla yihiin bahda Xemitic-Semitig (Afro-Asiatic) waxa uuna ku tilmaamayaa in ay yihiin ama la mid yihiin laba qof oo ilma adeer ah. Af-aqool Mansuur waxa uu intaas si raacinayaa in Af-Soomaaligu si aad ah ugu sii dhaw yahay Afafka la isku yiraahdo Kushitigga, uuna ka mid yahay bahdaas marka laga eego xagga qaab erey weereedka ama xarfaha (morphology).

Aqoonyahan Mansuur waxa uu rumaysan yahay in ay jiraan ilaa tiro boqolkiiba labaatan (20%) erey ka badan in ay wadaagaan Af-Soomaaliga iyo Af-Carabigu. Ma aha aqoonyahan Mansuur oo keliya cidda arrintaas qabta ee sida uu Mansuur tilmaamayo waxa iyana jira aqoonyahan Shariif Saalax Maxamed Cali (aun), ahaana madaxii guddiggii Afka Soomaliga iyo weliba Cardona Giorgio R oo isna ahaa Af-aqool cilmibaaris ku sameeyey Af-Soomaaliga, una dhashay dalka Talyaaniga, Professorna ka ahaa Jaamacadda Sapienza ee magaalada Rooma ee dalka Talyaaniga (Sapienza-Università di Roma), waxa ayna dhammaan khuburadani rumaysan yihiin in xiriir dheer iyo ereyo ka la amaahsi uu u dhexeeyo AF-Soomaaliga iyo AF-Carabiga.

Cilmibaaris la sameeyey laguna sameeyey ereyada Af-Carabiga ah, balse, maanta Af-Soomaali ahaan loo adeegsado ayaa tiro ahaan gaaraya laba (200) ilaa saddex (300) boqol oo erey asal ahaanna Af-Carabi ahaa, lagana helayo Af-Soomaaliga maanta lagu hadlo waana kuwo Soomaaliyoobey.

AFkaygow qaran jiraa tahay

AFkaygow qaali baa tahay

Aniga waxa aad tahay qudheyda.

AFkaygow qaran jiraa tahay

Jabbuuti qiimahaaga weeye

Jigjiga quruxdaada weeye

Gaarisa qaydkaaga weeye

Muqdisho qoridaada weeye

Hargaysa qaamuuskaaga weeye

Boorame qalinkaaga weeye

Boosaaso qiyaastaada weeye

AFkaygow AFkaygow Afkaygow

Aniga waxa aad tahay qudheyda!”

Abwaan Cabdirisaaq Xaamud (Jeylaani)

W/Q: Suldaan Maxamed Suldaan Ibraahim “Suldaan Garyare”




Maqaallo 16 June 2021 2:23

Raiisul Wasaaraha Xukuumadda Xil-gaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble, oo billaawgii bishii May lagu wareejiyay amniga iyo doorashooyinka dalka, lana siiyay taageero gudaha iyo dibadda ah labada, ayaa u muuqda inuu wali ku daaban yahay Xaafiiska Madaxweymaha waqtigu ka dhamaaday, go’aanna uusan gaari kari isaga oo aan la tashan fidno falkiya-yaasha Fahad iyo Farmaajo.