Dhaayaha Saxaafadda - Q2
Qeybtaan Keydmedia Online TV waxey kugu soo gudbineysaa Col. Axmed Cumar Jees oo ahaa Taliye ku xigeenkii Ciidamadda Gobolka Waqooyi-Bari ee Hargeysa 1990.
Axmed Cumar Jees wuxuu ka dhiidhiiyay kuna gacan seeray amaawiirtii General Morgan iyo Cali Samatar oo ey ku amrayeen inuu Xasuuqo Schacbiga Reer Hargeysa.
Axmed Cumar Jees wuxuu noqday Xoghayaha guud ee Ururka SPM (Somali Patriotic Movement), wuxuuna isbaheysi la sameeyay Ururradii la Dagaalamayay Ragiimkii Maxamad Siyaad Barre ee SNM iyo USC.
Ciidamada SPN ee Axmed Cumar Jees Hogaaminayay waxey ka howlgaleen Bay & Bakool ilaa Ex-Kontroll Muqdisho. Markey halkaas yimaadeen kadib waxaa Ururadii Mucaaradka kala firdhiyay oo Qabiil u kala Qeybiyay Kooxdii Manifesto oo Mas'uulka ka ahaa Burburkii Soomaaliya.
Cali Saciid Xasan ayaa Wareysigaan Taariikhiga ah kula yeeshay Col. Axmed Cumar Jees Degmada Banaaneey Sanadkii 1992.
Waa Muhim in aad Dhuuxdid oo Dhageysatit Erayada Maragaan Taarikhiga ah Axmed Cumar Jees.
Keydmedia Online - Xafiiska London
Add comment
Comments