CAJALADDA DIMUQARAADIYADDA!!!

Dr. Ismail Malaas - Nairobi - Gudoomiyaha Baarlamaanka si “Geesinimo” leh ayuu u sheegay in khilaafkii dhex maray dowladda KMG ah uu qeyb ka ahaa dabaqadda dimuquraadiyadda wuxuu gudoomiyaha Baarlamaanka ka hadlayay ansixinta ama gardaadintii dhibka badneyd ee xukuumadda Max’ed C/llaahi Farmaajo.
Maqaallo Keydmedia Online

Dimuqaraadiyadi kama dhicin Baarlamaanka waligeed intii dowladda KMG ah Soomaaliya ay jirtay, markaanse waxaa dhacay cajaladii dimuqaraadiyadda  oo ay khasab ka dhigtay war caddaa oo aan laalaab laheyn, kaasoo warbaahinta ay sheegtay in  midowga Yurub aanu aqbaleyn xili kordhin loo sameeyo dowladda KMG ah ama xukuumadda wixii ka danbeeya 21-ka August 2011 marka la gaaro warkaasoo uu sheegay MA GEORGES ANDRE wakiilka midowga Yurub.

Dimuqaraadiyadda oo aan hubo in Shariif Xasan ay tahay markii ugu horeysay ee uu ku dhawaaqo ama uu ka dhex sameeyo Baarlamaanka kadib masarx caruureedkii uu ahaa laxan dejiyihiisii  ayaa isoo xusuusiyay maqaal aan waa hore akhriyay waxna ka qoray xiligii kacaanka canaan kululna iga soo gaartay.

Run ahaantii  uma aanan dan lahayn in aan kacaanka wax u dhimo haseyeeshee maadaama Soomaaliya xiligaas loo baxshay jamhuuriyadda dimuqoraadiga Soomaaliya ayaan is iri u iftiimi xoogaa  dadweynaha in dimuqoraadiyadda ay xukunada shuuciga ahi dabaqayaan iyo tan reer galbeedkau dabaqaan ay wax badan kala duwan yihiin.

Maqaalkaas hadda ma soo bandhigi karo oo koobi kama hayo, waxaanse aad u xasuustaa hadaladii aan cuskanayay ee ku saabsanaa dimuqaraadiyadda.

Maqaalka aan akhriyay waxaa qoray qoraa weyn oo Masri ahaa laguna magacaabi jiray Axmed Cabdul Mucdhi Xijaasi, oo aan u maleynayo inaanu haatan nooleyn maadaama uu waagaaba da’ahaa, Qoraaga hadaladii uu ka qoray boqol guuradii 3-aad ee dhalashadii qoraaga caanka ahaa ee u dhashay Dalka Faransiiska laguna magacaabi jiray “Voltaire” ahaana gabyaa, faylasuuf iyo qoraa wuxuu ka yiri  Mitchel Dojee oo saaxibkey ahaa, gabyaana ahaa ayaa anoo Baariis jooga wuxuu igu casuumay magaaladaas si aan qaxwo u cabno una wada sheekeysano kana sheekeysanno gabayga innagoo fadhinay Qaxwada “Café Mombaris” .

Sheekadii waxay usii gudubtay xorriyadda fikriga kadibna waxay usii gudubtay mowqifka  Jeneraal De Gaulle uu ka taaganyahay aqoonyahanada Faransiiska ah ee carooday markii uu ahaa madaxweynaha dalka Faransiiska  waxayna abaabuleen dibad baxayo waa weyn, waxaana booliska Faransiiska ku adkaatay in ay joojiyaan ama dabciyaan banaanbaxyadaasi.

Jeneraal De Gaulle khatar ayuu tabay, laakiin wuxuu diiday inuu yeesho kaalin kaligii taliye isagoo ahaa hogaamiyihii xorriyadda u soo hogaamiyey Faransa , Jeneraal De Gaulle wuxuu go’aan ku gaaray inuu kula tartamo mucaaradadiisa doorashooyin cusub oo la sameeyo , mana oran waqtibaa ii haray ee hala sugo, ama ha u suurogeliyaan inuu  nidaam sameeyo ama haka qaadaan mas’uuliyadda , doorashooyin dimuqaraadi ahna ha uga qaadaan.

Dadkii Faransiiska oo dhami mowqifka De Gaulle way ayideen, meesha mas’uuliyiintii u dhawaa iyo la taliyaashiisii oo Booliska iyo Jeneraaladu ay wehliyaan  ay kula taliyeen inuu xirxiro madaxda ardayda iyo aqoonyahanadda ku biiray aqoonyahanadaasoo dad aad u waaweyn ka mid ahaayeen, waxaana ka mid ahaa Feylasuufkii weynaa ee Jan Pal Sarter, De Gaulle waa diiday ra’yigiis ma xiri Karin aqoonyahankaasi weyn ee Sarter, aqoonyahanka casrigan jooga dunidana caanka ka ah jeneraal De Gaulle wuxuu yiri erey taariikhda galay oo ahaa “ LA FRANCE N’ARRETE PAS VOLTAIRE” Voltaire wuxuu ahaa mufasarkii Faransa ee 350 sano ka hor jiray, wuxuuna hadalkiisa ka waday dadkan haatan carooday ee Arday iyo aqoonyahano ay ka mid yihiin, waa dad wata afkaartii feylasuufkii weynaa ee qarniyadaas hore ee la soo dagaalamay xukunkii kaniisadda maalqabeenadii dhulalka beeraha waaweyn lahaa dadkii awoodooda siyaasadeed gacanta ku heystay ee boqorkii Amiiraddi, farad fuuliyadii gaarka ka ahaa xukunka, maya ayuu yiri  Gen De Gaulle si fudud ayuu xukunka isaga dhiibay.

Aan markan isweydiino cajaladdii gudoomiyaha Baarlamaanka iyo mowqifkii Gen De Gaulle ee dimuqaraadiyadda ma isku dhaw yihiin?,

Mowqifka aqoonyahadda wasiiradda horey Baarlamaanku ka qaatay iyo mowqifka Gen De Gaulle ma isku dhawyihiin? Waa maya ansixinta xukuumadda Farmaajo ee ka kooban aqoonyahanadda ma daacad bay ku timid, mise cajaladii  dimuquraadiyadda waxaa loo sameeyay baqdin laga baqayo hadaladii wakiilka midowga yurub ee xildhibaannimo ku baa’bi laheyd , xildhibaanadda maanta jira?

Fadlan ka dhiibo aragtidaada maqalkan, adoo noogu soo gudbinaya Facebook.

Dr. Ismail Malaas - Nairobi - keydmedia.net Correspondent

________________________________________________________________________________________




Maqaallo 19 October 2020 5:00

Warqadda Rai'sul Wasaare Maxamed Xussein Roble u diray Afarta Dowlad gobolleed ee Puntland, Jubbaland, Hirshabelle, Galmudug- ee taarikhdeeda tahay 17.10.2020, kuna saabsaneyd magacaabidda Xubnaha Guddiga hirgelinta doorashada heer federaal GHDHF 2020/2021, waxay abuurtay isweydiin badan: