Ciid wanaagsan

Maqaallo Keydmedia Online

Maamulka Warbaahinta Keydmedia Online, waxaa ay bulshada Soomaaliyeed ee muslimka ah ugu hambalyeynayaan munaasadda Ciidda Soon-fur.

Ciid wanaagsan

Dhamaan Umadda Soomaaliyeed ee Muslimka ah, Howl-wadeenadda iyo aqristayaasha sharafta leh ee Warbaahinta Keydmedia Online, waxaan ugu hambalyeneynaa farxadda munaasabadda qiimaha badan ee Ciidul Fidriga. CIID WANAAGSAN.

Munaasabadda Ciidul Fidriga, waa mid ku weyn mujtamaca Muslimiinta, waa mid si weyn loogu dabaal dego, ka dib dhamaadka bisha Soon-qaad ‘Ramadaan’ isla markaana ay curato bisha Soon-fur ‘Shawaal’ waana mid ka mid ah labada ciidood ee waaweyn ee Islaamku leeyahay.

Waxaan isku dardaarmeynaa, in aan is caawinno, garab istaagno kuweenna danyarta ah, Masaakiintana ka farxinno, waxaan ku duceysaneynaa in Allah naga aqbalo cibaadadii Soonka, sanadkaan sanadkiisa kalana nabad nagu gaarsiiyo.

Maamulka Warbaahinta Keydmedia Online, waxuu fursaddaan uga faa’iideysanayaa u duceynta dalka oo taagan marxalad adag, toobiyaha toosan Allow cagta noo saar.

Maamulka iyo Shaqaalaha KON waxey u rajeynayaan guud ahaan Muslimiinta gaar ahaan Muslimiinta Soomaaliyeed oo mudo rubuc qarni kor u dhaaftay dareenkoodu ku noolaa walaac ka imaanaya colaada u jeedo badanta ah ee ka ololeysa dalkooda Hooyo. 

Agaasimaha Guud ee Warbaahinta KON Cali Saciid Xasan ayaa u rajeeyay Shacabka Soomaaliyeed sanadka kan xiga in ay Nabad, guul barwaaqo iyo horumar ay ku gaaraan.

Hambalyo, Ciid Wanaagsan.

FG: Hadii alle idmo, boggaan kala socda Sawiradda Ciida iyo sida looga ciiday Caasimadda. 

Maamulka KEYDMEDIA ONLINE




Maqaallo 26 December 2021 0:05

Ul-hayaha ninkaan xigin intuu iridda booyaayo, intuu aano kuu dili ninkay talo ag-taallaaba, asal iyo aqoon nimaan lahayn labada loo iisho, intuu aqalka sare Soomaali ka arriminaayo, arki meyno eelkoo baxoo iluhu maaxdaane, arki meyno aamana Rasuul axad walaalaheye, ariki meyno uun wada dega gaclo awgeede. (Abwaan Xaaji Max’ed Adan Liibaan).