Cudurka Macaanka & Halistiisa!

Maqaallo Keydmedia Online

Ka dib burburkii ka dhacy dalkeena Hooyo, waxaa adkaatay in bulshoweynta Soomaaliyeed aan la kala garan kan qaba ama uu asiibay Cudurka Macaanka iyo kan kale, maadaama aanan jirin wax daryeel Caafimaad oo ku aaddan bulshada ku dhaqan Dalka. Waa qormadda Jimcadda ee arimaha Bulshada, Diinta & Suugaanta ee Keydmedia Online. 

Cudurka Macaanka & Halistiisa!

Gaar ahaan goobaha dagaalku ka jiro iyo tiro koob ku aaddan dadka xanuunka Macaanka uu haleelay, haddaba walaal haddii aad ogsoon tahay khatarta uu leeyhay cudurkani waxaa ku muhiim ah inaad la tacaasho naftaada oo aad sida ugu dhaqsiyaha badan ku gaartaa waaxda caafimaad ee kuugu dhow.

Cudurka Macaanku waa cudur daran, kaasoo, haddii la daaweyn waayo keeni kara cudur Wadne xanuun, Indha la’aan, xumaanshaha Kelyaha iyo dhibaatooyin kaloo nafta khatar gelinaya.

Dad badan oo qaba cudurka Macaanka ee nooca 2 loo yaqaan waxuu iyaga soo hayey muddo u dhexeysa sagaal iyo 12 sano ka hor intii aanan laga helin. Waqtigaas dad badan oo kuwaas ka mid ah waxaa ku billaabmay dhibaatooyinka uu cudurku keeno qaarkood.

Laakiin waxaa war fiican ah haddii cudurka Macaanka goor hore la soo ogaado si fiicanna loo maamulo, in aad isaga yarayn karto halista dhibaatooyin daran oo caafimaadkaaga gaara.

Haddaba Waa maxay Cudurka Macaanku?

Waa cudur tilmaamaya marka tirada Gulukooska (Sonkorta) ee dhiiggaagu uu aad u sarreeyo, maxaa yeelay jirku si fiican uma isticmaali karo. Waxaa taas sabab u ah Beeryaradaada (Pancreas) oo aanan soo saarin Insuliin haba yaraatee, ama in aanan ku filnayn, si Gulukooska looga caawiyo in uu galo unugyada jirkaaga ama Insuliinta la soo saaro ayaanan si fiican u shaqaynayn (taasoo loo yaqaanno: U adkaysiga Insuliinta).

Insuliintu waa Hormoonada ay Beeryaradu soo saarto, taasoo Gulukooska u fasaxda in uu galo unugyada jirka, markaasoo loo isticmaalo shidaal laga helo tamar aynu u adeegsanno si aynu u shaqayn karno, u ciyaari karno guud ahaanna u wadan karno nolosheena. Waxay daruuri u tahay nolosha.

Gulukoosku waxuu ka yimaadaa cunista tamar dhaliyaha (Carbohydrate) waxaana weliba soo saara Beerka.

Insulinku waxa uu mas’uul ka yahay badalista Sokorta, iyo cunnooyinka kale sida Digirta, Gallayda, Qamadiga, iyo waxii lamid ah una badalo tamar.

Haddii aad cudurka Macaanka qabto, jirkaagu si fiican uma isticmaali karo Gulukooskaas waxuu markaa ku bataa dhiigga loomana isticmaali karo shidaal ahaan.

Calaamadaha Cudurka Macaanka:

Calaamadaha cudurka Macaanka ee nooca 2 ah marwalba si cad uma muuqdaan. Dadka qaba cudurka Macaanka qaarkood waxay calaamadaha ku xiraan sababo kale, sida duqoobidda ama jawiga hawada ee kulul. Dad kalena lagumaba arko wax calaamado ah haba yaraatee.

Ilaah kuguma keenee Calaamadaha ugu badan ee lagu garan karo qabista cudurkani waxay yihiin:

  • Isticmaalka dheeraadka ah ee musqusha – gaar ahaan habeenkii
  • Harraad siyaado ah
  • Daal aad iyo aad u badan
  • Culays dhacay oo aanan sabab loo hayn [Miisaankaaga oo musqaama] (Weight lose)
  • Cuncunka Saxaaxa ama Cabeeb si joogto ah qofka ugu dhaca
  • Boogaha oo si dhakhso yar looga bogsado
  • Aragga oo isku dhexdardarsama.

Qaybaha Cudurka Macaanka:

Cudurkani waxuu leeyahay laba nooc oo kala ah:

Nooca 1aad (Juvenile Diabetes):

Kaliya 5% ayaa qaba noocani dadka aalaabaa la gahelo Cudurka Macaanka. Waxaa inta badan laga helaa carruurta iyo kuwa aanan wali qaangaarin (Under 18 years- Premature), waana nooc ka dhasha burbur ku yimaada unugyo ka tirsan Beeryaraha magacooduna yahay (Beta cells) kuwaasoo soo saara dheecaanka Insuliinka loo yaqaan.

Haddaba calaamadaha u gaarka ah noocani waxaa weeye:

  • Kaadi badnaan.
  • Harraad fara badan.
  • Gaajo fara badan.

Nooca 2aad (Adult-onset Diabetes)

Waa marka jirku uusan soo saarin Insulin ku filan, ama Insuliinta uu soo saaro aanay u shaqaynin sida fiican ee la filanayo (u adkaysiga Insuliinta).

Cudurka Macaanka ee noocaas ah waxaa lagu daaweeyaa isbeddello lagu sameeyo hab nololeedka, iyadoo la qaato cunto dheellitiran oo caafimaad leh, iyadoo la kordhiyo firfircoonida, iyo iyadoo culays la iska rido haddii aad u baahato [Is caatayso].

Dadka qaarkood waxay u baahan karaan daawooyin iyo ama in Insuliin lagu mudo si ay u gaaraan caddadka Gulukooska ee dhiigga ee caadiga ah.

Miyaad halis ugu jirtaa Cudurka Macaanka?

Curiyeyaasha halista ha ee ku xiran Cudurka Macaanka ee nooca 2 ah qaarkood waa kuwo aadan adigu maamuli karin, kuwo kalena sida culayska xad dhaafka ah, tallaabo ayaad ka qaadi kartaa, si aad isaga yarayso halista qaadista cudurka Macaanka. Waa in aad Takhtarkaaga Guud ka codsato in uu kaa baaro cudurka Macaanka, haddii aad:

  • Tahay qof caddaan ah oo 40 jir ka weyn
  • Tahay qof madow, Aasiyan ah ama ka soo jeeda jinsiyad laga tiro badan yahay aanad ka weyn tahay 25 jir
  • Leedahay hal ama qaar ka mid ah curiyeyaasha

Halista ee ku qayaxan bogga xiga.

Curiyeyaasha halista:

  • Qof qoyskaaga ka mid ah oo aad isku dhow dihiin ayaa qaba Cudurka macaanka ee nooca 2 ah (waalid ama walaal).
  • Waxaa leedahay culays xad dhaaf ah ama wareegga dhexdaada ayaa ka weyn 37 halbeegga insh ragga ama ka weyn 35.5 halbeegga insh ragga Konfurta Aasiya ka yimid, ama ka weyn 31.5 halbeegga insh haweenka.
  • Waxaad leedahay Dhiigkar, waxaana hore kuugu dhacay istaagga Wadnaha ama hawlgabka jirka qaarkiis.
  • Waxaad tahay haweeney qabta cudurka boogaha badan ee xubinta abuurta ugaxda dumarka (polycystic ovary syndrome) waxaanad leedahay culays xad dhaaf ah.
  • Waxaad qabtaa cudurka badashada Gulukooska marka wax la cunin (impaired fasting glycaemia) (IFG) ama u adkaysi la’aanta Gulukooska (impaired glucose tolerance) (IGT).
  • Caddadka Gulukooska ee dhiiggaaga ayaa aad u kacay mar aad uur lahayd (Cudurka Macaanka ee Uurka).

Waxaad qabtaa dhibaatooyin daran oo la xiriira Caafimaadka Maskaxda.

Haddaba sida ay u badan yihiin curiyeyaasha halista ee aad leedahay, ayay u sii badanaysaa halista in aad qabto ama qaaddo Cudurka Macaanka. Sababaha kale waxaa ka mid ah cudurrada ku dhaca Beeryarada qaarkood, laakiin kuwaasi aad ayay dhif u yihiin.

Waxyaabaha aanan geysan Cudurka Macaanka qaarkood:

  • Cunidda Macmacaanka iyo Sonkortu. Ma geysato Cudurka Macaanka, laakiin haddii aad qaadato cuntooyin badan oo Sonkor iyo Baruur leh waxaad yeelan kartaa culays xad dhaaf ah.
  • Cudurka Macaanka kadis uma qaadi kartid, sida Hargabka.
  • Walwalka iyo walaacu ma geysto Cudurka Macaanka, in kastoo uu ku sii xumayn karo calaamadaha dadka cudurka hore u qaba
  • Shil ama cudur kaloo kugu dhaca ma geystaan Cudurka Macaanka, laakiin, waxay muujin karaan Cudurka Macaanka haddii uu hore kuugu jiro.

Dhibaatooyinka ka yimaada Cudurka Macaanka

Dadka qaba Cudurka Macaanka waxay halis dheeraad ah ugu jiraan in ay dhibaatooyin soo gaaraan, kuwaasoo ay ka mid yihiin:

  • Cudur Wadne xanuunka
  • Hawlgabka jirka qaarkiis
  • Wareegga dhiigga oo ay dhibaatooyin uga yimaaddaan
  • Waxyeello gaarta dareemeyaashiisa
  • Waxyeello ka gaarta Kelyaha iyo Indhaha.

Waxaa war fiican ah, haddii hore loo soo ogaado oo si fiican loo maamulo, in aad aad isaga yarayn karto halista noocyadaas ah.

Haddii aad u malaynayso in uu adiga kugu dabbakhmo wax aad ka akhrisatay xaashidan warbixinta, u tag Takhtarkaaga Guud kana codso in uu kaa baaro Cudurka Macaanka.

Cudurka Macaanka waa cudur daran oo u baahan in la iska daaweeyo. Haddaba sida ugu dhakhso badan ee aad tallaabo uga qaaddo ayay arrimuhu kuugu hagaagayaan.

Dr. Maxmed Cali Axmed 
Wixii Su’aalo iyo talo weydiin ah ku soo hagaaji: Cali_640@hotmail.com




Maqaallo 16 June 2021 2:23

Raiisul Wasaaraha Xukuumadda Xil-gaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble, oo billaawgii bishii May lagu wareejiyay amniga iyo doorashooyinka dalka, lana siiyay taageero gudaha iyo dibadda ah labada, ayaa u muuqda inuu wali ku daaban yahay Xaafiiska Madaxweymaha waqtigu ka dhamaaday, go’aanna uusan gaari kari isaga oo aan la tashan fidno falkiya-yaasha Fahad iyo Farmaajo.