DADKA IYO DAAQA IYAMAA DARAN?!

Cabdillahi A. Caabi — Horta marka hore, Daaqa halkan wuxuu ka wadaa dhirta qurxinta loo isticmaalo ee magaaloyinka lagu beero, si kale hadaan u dhigo, Waraabinta dhirta iyo waraabinta dadka iyamaa horeeya?!
Maqaallo Keydmedia Online
DADKA IYO DAAQA IYAMAA DARAN?!

Wuxuu kor-jooge ka ahaa in muddo ah Beer uu aad jeclaa  in mar kasta  (Gu’ iyo Jiilaal) ay cagaar ahaato, sababtoo ah waxay lahayd qalabkii waraabka iyo Biyihii oo ku filnaa, waxa ay ku taalay Magaalada Hargeisa, waa magaalo madaxda JSL isla markaana ah xarunta dhaqaalaha iyo siyaasada hogaanka u haysay Gobolkan yar eeuu ka qaybta yahay,wuxuu in badan ku dadaalay in caasimada iyo hareeraheedaba uu ku qurxiyo dhir waawayn oo hadhkooda laga faa’iido quruxna caasimada u soo kordhiya iyo kuwo yaryar oo indhaha uun u roon (Qurux uun leh), balse aan wax hadh ah iyo dheef kale midna lahayn.

Nasiib wanaag si fiican ayay u baxday dadaal iyo tacab badan oo uu galiyey kadib, meel qurxoon oo indhaha u roon, dadka yimaadaan ayna ka xiise goyn ayay noqotay, waxaa la waydiistay in caasimadana sidan oo kale u qurxiyo, balse in badan buu beerta uun dadaalkiisu ku koobnaa, waxay socotaba waxay si fiican u baxdaa xilliga Gu’ga oo biyuhu aad u badan yihiin, Roobabkuna aad u di’I jireen, marka uu Roobku da’o waxaa biyo fiican hela dhirtii uu dadaalka badan galiyey, waxaana u buuxsami jiray Ceelasha  oo Dooxa oo u dhawaa ku yaalay, Roobka ka dibna (xiliga Jiilaalka) waxaa uu isticmaali jiray Ceelashaas oo maalin walba soo maaxan jiray, si joogto ahna uu u isticmaali jiray.

Waxaa kale oo halkaas ku soo beegmay inuu hormood ka noqdo waaxda Deegaanka ee Ururo halkaasi ka hawl gala iyo Dallad iyaduna deegaanka ka shaqaysa, oo ururku ka mid noqday aasaaskeediina uu qayb ka ahaa, waxa uu tijaabiyey inuu dhiraynta ka fuliyo meelo beerta ka baxsan, wuxuu abuuray meel dhirta lagu tarmiyo laguna xanaaneeyo (Nursery) oo beerta dhexdeeda ah, isagoo adeegsanaya Ururka kor ku xusan iyo Biyaha beerta oo ahaa kuwo badan,  si markaasi uu u gaadho hawshii ahayd dhiraynta caasimada, waxaa uu 100 Geed oo isugu jira kuwii aan soo sheegay ku beeray Jaamacadaha iyo Guryaha magaalada Hortooda, Maamulada jaamacadahaas iyo dadkii guryaha lahaa ayuu ku balamiyey inay dhirta xanaaneeyaan oo waraabiyaan, dhirtu biyo kaliya uma  baahna ee sida carruurta ayay u baahan yihiin in la xanaaneeyo oo Cuntada, Ciida iyo Carradaba loo ilaaliyo, waxaa kaloo intaa dheer in la quseeyo oo laantii si xun u baxdoba laga jaro, si ayna geedka inta kale u galaafan.


Wuxuu in muddo  ah kormeer ku tagayey goobihii uu dhirta ku beeray, sida caadada bani-aadamku iska tahay, waxoogaa ayaanu tagin, 6 bilood kadib waaba dhirtii oo wax ka hanaqaaday yaryihiin, (1-5 geed), oo kuwii jaamacadaha u badan ayaa naftu qaarka danbe kaga ii jirtaa, waxaa uu dib ugu soo laabtay beertii oo iyaduna hawshii badnayn iyo shaqadii uu ka yareeyey oo banaanka uu ku dadaalay, iyada qudheedii ayaa dayacantahay, waxaa uu markaa dib u habayn ku sameeyey qorshihiisii ahaa dhiraynta magaalada ee ka baxsan beerta, iyadii ayuu ku koobay hawshii, waxay sidii ku socotoba waxaa dhacay waqti biyo la waayey, machine-ka markuu istaadhoba ee xaga beerta u jeestoba waxaa quyuu soo gala xaafaddii jaarka ahayd oo wada haraadan oo jirikaano wada sita, uma diidi karo oo hebel iyo heblaayo ayuu u garanayaa, wuxuu ku yidhi “aynu qaybsano oo beertana badh idinkuna badh” waa ay kag aqbaleen, mudo markuu sidaa ku waday, ayay biyihii gabaabsi noqdeen, oo kolba kii la hor waraabiyo mooyee kii kale ayay ka go’aan biyihii (dadkii iyo dhirtii), dhirtu hadli maayaane, dadkiibaa hadlayoo waxay yidhaahdeen “anagu aan ku horayno waraabka maanta ka dib” “hagaag” ayuu ugu jawaabay, markaana dhirtii ayay biyihii ka yaraanayaane sow ma arkaysid.

Markii ay dhowr cisho dhirtii biyo la’aan noqotay, xilliguna iska adag yahay, oo biyo la’aantii wali jirto Roobabka oo raagay awgeed, ceelashiina maaxdii yareeyeen, dadkii jaarka ahaana ay wali biyihii quyuu u soo galaan, ayuu go’aan ku gaadhay in qof danbe shaarubaha u darin goob biyo ah, kaliya dhirta ka fuuryeelo, subaxaas go’aankaas ayuu ku soo toosay, galabtii markay tahay ayuu badanka waraabka dhirta u jeesan jiray, iminka todobaadkiiba mar ayuu waraabiyaa beerta hadayna labadii todobaadba mar ka noqon, waayo biyuhu sidii hore uma badna, maaxitaankuna sidii hore maaha.

Go’aankan ka sokow naxariis iyo qalbi jileec ayuu u dhashay, markii go’aankii fulitaankiisii la gaadhay, dadkii oomanaa iyo dhirtii oomanayd ayuu isbarbar dhigay, wuxuu sawirtay kee dhimashadiisa loo ooyaa, la tabaa, saamayn badan manaafacaad ahaan, waxaa u soo baxay dadka waraabi dhirtu ha iska joogtee, sidii ayuu dadkii ku waraabiyey, go’aankiisiina u noqday mid naxariistiisa iyo dadnimadiisii ka xoog waynaatay.
 
Gabogabo

Haddaan u imaado Qormadan ujeedadeeda oo aynu inagu isku dabaqno, maalmahan waxaa aad looga hadlaayey biyo la’aan Caasimada soo foodsaartay, waxaa taa ka danbeeyey in la yidhi Caasimadda ha la dhireeyo/qurxiyo, waa halkan aan leeyahay Dadka iyo Daaqa iyamaa daran?!

Miyey ka duwan tahay sheekadan aan kor kaga soo sheekeeyey, marka dadkii oo biyo la’aani hayso la leeyahay dhirta ha la waraabiyo.

Marka laga tago kharashka biyaha loo qoondeeyey ee meel uu maro aynaan garanayn, waxyaabo Biyuhu ka horayn lahaayeen oo laga horaysiiyano, marka baahiyaha aasaasiga ah la kala horaysiinayo Biyaha iyo laydhka ayaa ugu horeeya, gawaadhidan raaxada leh ee tobanaanka kun ee dollar jooga waxay ahayd inaynu biyaha ku bixino ama ka horaysiino.

Waxaa jirta xikmad tidhaahda ‘Intaanad falin ka fiirso’, ciday khusayso waxaan leeyahy intaydaa hawshan dhiraynta magaalooyinka ku dhaqaaqin, dadka biyo ka badan ha loo raadiyo, si dhirta intaa dheer loogu waraabiyo.

Cabdillahi A. Caabi
Hargeisa, Somalia




Maqaallo 19 October 2020 5:00

Warqadda Rai'sul Wasaare Maxamed Xussein Roble u diray Afarta Dowlad gobolleed ee Puntland, Jubbaland, Hirshabelle, Galmudug- ee taarikhdeeda tahay 17.10.2020, kuna saabsaneyd magacaabidda Xubnaha Guddiga hirgelinta doorashada heer federaal GHDHF 2020/2021, waxay abuurtay isweydiin badan: