Dagaalka Sokeeye ee Itoobiya oo galay xaalad cusub

Maqaallo Keydmedia Online

Soo rogaal-celintii xoogagga Tigreega iyo guuldarradii degdegga ahayd ee la soo deristay ciiddamda Itoobiya, waxay sababeen xaalado cusub oo soo wajahay Imbaraadooriyadda Itoobiya.

Dagaalka Sokeeye ee Itoobiya oo galay xaalad cusub

Dadka siyaasadda Itoobiya u dhuun-daloola iyo dublomaasiyiinta reer Galbeedka ee ku sugan Addis Ababa badankoodu waxay ku tilmaameen xaaladda hadda jirta dhammaadkii maamulkii uu RW Abiy Axmed ku amar-kutaaglaynayay saddexdii sanno ee aan soo dhaafnay haddii aysan noqonba dhammaadkii imbaradooriyaddii Xabashida ee muddada dheer xoogga isugu haysay qawmiyadaha kala duwan.

Waxa xaqiiqo ah in aan marnaba sidii hore wax u socon doonin oo ay wax badani isbeddeli doonaan.

Gabbood-falladdii iyo gumaadkii ay ciiddamada Itoobiya, kuwa Eritreya iyo maleeshiyooyinka Amxaaradu ka geysteen gobolka Tigreegu waxay wiiqeen sumcaddii maamulka Abiya Axmed iyadoo dawladdaha reer Galbeedkuna hadda ka aamin baxeen isaga iyo maamulkiisaba.

Xaaladda cakiran ee xilligan ka aloosan Itoobiya oo dawladaha adduunku si aad ah indhaha ugu hayaan ayaan ilaa hadda la malayn karin damaca xoogagga Tigreegu heerka uu gaadhsiisanyahay marka laga tago in ay si buuxda uga arriminayaan deegaankooda.

Waa arrin cidwalba iska garan karto in aanay suurogal u noqon doonin Tigreegu in ay mar kale la wareegaan talada Addis Ababa, kana baarqabeeyaan Itoobiya haseyeeshee waxaan shaki lahayn in aanay marnaba wax wada shaqayn ah la yeelan karin dawlad uu hoggaanka u hayo Abiy Axmed.

Waxaa la hadalhayaa in ku dhawaaqista natiijada doorashadii ka dhcday dhawaan dalka Itoobiya ka dib uu Abiya Axmed soo dhisi doono dawlad wadaag ah oo ay qayb ka yihiin xoogagga mucaaradku.

Haddaba Ku sii negaanshaha talada Addis Ababa ee Abiy Axmed waxa laga cabsi qabaa in ay kala dhantaali karto midnimada waddanka Itoobiya iyadoo ay hadda muuqato in deegaannada muhiimka ah sida Oromada iyo Amxaaradu ay dadaal ugu jiraan sidii ay talada Deegaannadooda si buuxda gacanta ugu dhigi lahaayeen, Tigreena hadalkiisaba daa.

Waxaa si weyn looga cabsi qabaa in mucaaradka Oromada oo uu si fool-xun ula dhaqmay Abiya Axmed ay la wareegaan deegaankooda dagaallo hor lihina halkaa ka billaabmaan iyadoo deegaano kalena ay hore uga jireen dhaqdhaaqyo ciidan iyo dagaallo qawmiyadeed.

Si kastaba ha haatee kala furfuranka Itoobiya ee sii karaar qaatay ka dib dagaalkii uu Abiy Axmed la beegsaday deegaanka Tigreega waxaan shaki lahayn in waddamada reer Galbeedka oo iyagu waligoodba si gaara u daneeya dalka Itoobiya ay isku dayi doonaan xooggana saari doonaan sidii mar kale la isugu kakabi lahaa Itoobiya.

Natiijada arrintan laga filan karaa ma aha mid qawmiyadaha Itoobiya si siman uga wada faa’idaysan doonaan. Waxaan shaki lahayn in Oromada iyo Amxaaradu dadaal weyn u geli doonaan sidii ay midkastaa saamayn ugu yeelan lahayd natiijada qaabaynta nidaamka siyaasaddeed ee Itoobiyada cusub inkastoo ayna u suurtogeli doonin Amxaarada hankeedii Federaal baabiinta ahaa.

Waxa aan iyana meesha ku jirta oo aan la dhayalsan doonin shuruudaha iyo arrimaha ay ku qanci karaan qawmiyadda Tigreegu oo iyada laga cabsi qabo in ay gooni-isutaag ku dhawaaqaan.

Haddaba deegaanka Soomaalida oo ah ka ugu dhulka weyn, tiro ahaana qawmiyadda 3aad ah waxaa cad in aanay iyagu habayaraatee wax saamayn ah ku yeelan doonin mustaqbalka Itoobiya.

Sidii weligoodba looga bartay waxay sacabbada u tumi doonaan hadba ciddii dumaasha ee talada Addis Ababa gacanta ku dhigta.

Isbeddel kasta iyo dhacdo walba waxa ka dhasha fursado muhiim ah oo ay lagamamaarmaan tahay in sida ugu habboon looga faa’idaysto.

Maamulka kusima Mustafe Cagjar iyo adeegayaashiisu waxa muuqata halkii ay ka midayn lahaayeen shacabka Soomaaliyeed ee deegaanka in ay weli ka shaqaynayaan falal saqajaanimo oo salka ku haya kala fogyanta iyo kala qaybinta ummadda.

Waxaa Cagjar iyo maamulkiisa laga dareemayaa cabsida ay ka qabaan xaalaadda cusub ee soo foodsaartay dalka Itoobiya iyo kaalinta laga filan karo in ay ka qaataan urrurada mucaaradka ee deegaanka siiba jabhadda Waddaniga Xoreynta Ogaadeeniya (ONLF) maadaama aan maamulka Cagjar waxba laga weydiin doonin oo ay hore ugu milmeen xisbiga Abiy Axmed ee PP.

Waxaan habayaraatee muuqan hiraalkii ummadnimo ee Soomaalida Deegaanku ku wajihi lahayd isbeddelka iyo xaallada aan la malayn karin waxa ka dhalan kara ee soo foodsaartay Itoobiya.

Sidaadarteed waxay mar kale iska naawilayaan ciddii dumaali lahayd ee ay sacabbada u tumi lahaayeen. Taasina waa isdullayn, xaqiraad iyo quudhsi la iska qabatimay iyadoo aan lagu xisaabtamayn muhimadda tirada dadka, baxaadda dhulka iyo khayraadka deegaankeena Eebbe ku mannaystay midna.

Khaliil Cabdiraxmaan Xasan [khaliilha484@hotmail.com]




Maqaallo 14 October 2021 8:20

Afar sanno ayaa kasoo wareegtay Qaraxii Isgoyska Zoobe, oo dhacay 14-kii October 2017, kaaso noqday midkii ugu dhimashada badnaa oo abid ka dhaca wadanka Soomaaliya, iyadoo ay ku dhinteen inta la xaqiijiyay oo ay dowladda faafisay dad gaaraya 632 ilaa 1000 qof, halka 316 kale ay ku dhaawacmeen.