Dareenka xilka ku saaran (Qeybtii 1-aad)

Rabbi (swt) wuxuu saaray qof kasta oo bani aadam ah xil isaga u gaar ah, oo uu kala xisaabtami doono, lagana rabo qofku inuu kasoo boxo xilkaa saaran, isuna diyaariyo su´aalaha laga weydiin doono xilkaa isaga ah. Xilkaasi muxuu yahay, intee buu la egyahay, sidee loo gudan karaa suaalahaas in layswediiyana waxay hordhac utahay, in laga fikiro lana fahmo, loona tabtaysto sidii xilkaa looga soo bixi lahaa. Hadaba Xilkaasi muxuu yahay?
Maqaallo Keydmedia Online

Rabbi (swt) markuu abuuray aduunyada wuxuu abuuray Aabeheen Aadam, wuxuuna ka dhigay daryeelaha Aduunyada, wuxuuna faray inuu Aduunayada ka dhaqan galiyo Khayr, Alle kacabsi, Wanaag, Cadaalad, kana ilaaliyo gaalimada, sharta, xumaanta, dulmiga,  fasaadka iwm. Taas ayaana ah waajibka laga rabo qofkasta oo Muslim ah, oo qaatay xilkii lafaray Aabeheen Aadam iyo dhamaan Nabiyaashii ka danabeeyay calyhim asalaam. Waxaana wada ognahay Jannada Rabbi (swt) in lagu muto oo kaliya Iimaan xeel dheer iyo Camal saalix ah oo kutoosan Jidkii uu Rabbi caddeeyay. Camalka saalix ahna waxaa usareeya midka leh faaiidada guud, oo anfacaya Bulshada oo dhan, ee aan gaar uahayn qofka samaynaya oo kaliya. Sidaa darteed diinteena meel fiican kuma leh kaligii noolaade, ama kaligii cune, ama qofka aan dareemaynin dhibka Ummada, ee kunool dantaada karaaco ama maxaa igagalay.

Waxaa suaal ah, maxaan qaban karaa, maanaa Ummada dhibkeeda inaan wax ka qabto layga sugayaa? Xilkaasi soo masaara; Madaxda, Culimada iyo dadka awooda leh oo qur ah? Jawaabtuna waa haa; Xil adag baa kusaaran, lagaalana xisaabtami doonaa! Siaan taa u garwaaqsanana waxaad ogaataa Rabbi (swt) inuu kaa dhigay:

  • Qof Bani Aadam ah: ee uusan kaa dhigin Carro, ama Geed ama xayawaan iwm.
  • Oo Muslim ah oo qaatay waajibkii Nabiyaahsa, dareemayna inay jirto maalinta Qiyaamada Xisaab iyo suaal lays weydiin doono maxaad soo shqaysatay?
  • Oo dhimir qaba: oo kala garanaya Khayrka iyo sharta, Xaqa iyo baatilka, Wanaaga iyo xumaanta, illaa dadka aan dhimirka lahayni waxay waayeen qaybtii ugu saraysay ee xil lagu qaadi lahaa.
  • Oo laxaad qaba: awoodna u leh inuu wax qabto, wax fahmo, waxa saxda raadiyo, maadaam Rabbi (swt) uu siiyay Caqli iyo laxaad isku qoofalan.


Haduu Rabbi (swt) intaa oo dhan nasiiyay waa doqonimo inaan dhahno, waxba maqaban karro, oo waxa dhacaya unbaan daawanaynaa, waxaana noqonaynaa dad aan garanin qiimihooda iyo awooda uu Rabbi (swt) nagu manaystay. Xilka uu Rabbi (swt) nasaarayna kuma dhacayo garasha la´aanta, caqli xumada, maxaayeelay Rabbi (swt) wuxuu faray; Fikir badan, faham xeel dheer, dadaal fara badan, ilaalinta maslaxada guud iyo iskaashi xoog badan, si looga boxo dhibka, dacfiga, loona xaqiijiyo cadaalada, raxmada, wada noolaanta iyo iskaalmaynta ay ku dhisan tahay nolosha bani Aadamku. Rabbina (swt) wuxuu si adag inooga reebay inuu qofku haya raac iska noqdo, fikirkiisii iyo maskaxdiisiina uu u dhiibto dadakale, sida ay Somalidu tiraahdo (Kabtaada iyo tolkaa midna lagama dhexboxo). Ilaahay taas wuu xarrimay, maxayeelay wuxuu ku siiyay caqli iyo garasho kuu gaar ah, wuxuuna noo adkeeyay imtixaanka Aakhiro inuu qofwalba kali u mari doono, qofnana aan laga aqbali doonin anu waxaan iska daba socday hebel ama ree helbel iwm.

Hadaba akhristaha waxaan weydiin lahaa 2 su´aalood oo kaliya:

1. Dhibka aadka ubadan ee haysta Ummada Islaamka ah, gaar ahaan Somalida ah, yaa mas´uul ka ah, yaa sababay?
2. Sidee dhibkaa looga bixi karaa? yaase laga rabaa inuu wanaag ku badalo?

Waxaan hubaa hadii labadaa su´aalood laweydiina lahaa dadka Muslimiinta ah, gaar ahaan Somalida inay jawaabtu %95 noqon lahayd, dhibka waxaa keenay gaalada, Yahuuda, Cadaawaha Ilaahay iwm.

Su. Yaa laga rabaa inuu Ummada dhibka ka bixiyo, ka dulqaado?

Ja. Madaxda, Culimada, ururada, dhinaca kalana; in Ilaahay loo laabto, laga cabsado, isaga la baryo iwm.

Taasina waxay ka dhigan-tahay inaan lafahmin dhibku meesha uu kasocdo ee saxda ah iyo sababta keentay ee dhabta ah midna. Inta aan labadaa lagaranina raja lagama qabo in dhibka laga boxo, maxaayeelay qofka ay xoolihiisii dhumeen, isna dhinac kale u doonay, aad bay uadag-tahay inuu helo, madaama uu jidkale qaaday. Qofka tabarta daran ama garashada xunna  waxaa caadadiisa ah inuu dhibka iyo xumaanta haysata usaariyo dadka kale; cadaawaha, dhagar-qaba-yaasha xasadka iwm. Qofkii baadidada udoona meel ayna jirina, inuu soo helaa waa wax aan dhacaynin.

Intaa kadib, ma dhihi karraa dhibka iyo jabka nahaysta sababtiisu waa Alle kacabsi la´aanta?  Maya taasi xaqiiqa ma aha; laba sababoodba;

1. kuwa hadda dadka laynaya, dhiiggii Ummada ku fara-xalanaya, dadkii iyo dalkiiba God aad mugdi u ah kusii tuurayaa, waa kuwii sheeganayay Diinta wadaadnimada, dilka iyo daadinta dhiigana waxay usoo daliishanayaan Aayado iyo Axaadiis, ayna macnahooda dhuuxin.

2. Haduu Ilaahay qofkii ama Ummadii ku caasidaba jab iyo burbur kuridi lahaa, waxaa horteen baabi lahaa gaalooyinka Ilaahay jiritaankiisaba diidan, inaguna aan usoo wada qaxnay, ee barwaaqada iyo raaxada ku nool!    

AQRISO QEYBTA 2-AAD (RIIX MESHAAN)

Ahmed Abdulahi - keydmedia - Germany
a.alqasimi@yahoo.de




Maqaallo 19 October 2020 5:00

Warqadda Rai'sul Wasaare Maxamed Xussein Roble u diray Afarta Dowlad gobolleed ee Puntland, Jubbaland, Hirshabelle, Galmudug- ee taarikhdeeda tahay 17.10.2020, kuna saabsaneyd magacaabidda Xubnaha Guddiga hirgelinta doorashada heer federaal GHDHF 2020/2021, waxay abuurtay isweydiin badan: