DHAARIN MAXAA XIGA?!

Dhaqan Soomaaligii hore iyo umadaha Islaamka marka laga fikrad qaadanayo dhaarta waxa ay joogtaa heer wanaagsan, oo qofka wixii uu ku dhaarto inuu fuliyo ayeey u badneyd laakiin dhaqankii iyo dariiqii haboonaa ee dhaarta waxaa dhalan rogay Soomaalida oo ka dhigtay dhaarta wax aan macnaba ku fadhin.
Maqaallo Keydmedia Online

Bal milicso, imisaa kutaab qur’aan gacanta u saaratay in Dalka, Dadka iyo Diinta ay u shaqeyn doonaan, isla markaana dhaarta dabadeed sameeyeey ficil lidi ku ah dhaartoodi kaasoo noqday in Dalka, Dadka iyo diinta ay ka shaqeystaan halkii ay u shaqeyn lahaayeen.

Tan iyo 1991-dii waxaan u soo joognay dhacdooyin siyaasadeed lagu soo afmeeray dhaar, laakiin waxaa xusid mudan in dhaar dabadeed aan wax qabad laga dhaxlin raggii u dhaartay in ay waxqabad la imaan doonaan.

Waxaan Maqli jiray Haadba Haad kici, duufaanta zamanka hadba darbi ayeey madaxa ku soo garaacday, waxaa la macsalaameeyay Hogaamiya kooxeedyadii, waxaa burburay Maxkamadixhii, waxaa meesha ka baxay horjoogayaashii hore ee TFG-da  waxaa masraxa siyaasadda lagu arkay dad aan hore loo aqoon, balse taas isbadal weyn lama iman.

Oktober 14-keedii ayaa Madaxweyne Shariif Shiikh Axmed waxa uu R/wasaare u magacaabay Max’ed Farmaajo oo ansixintiisi Baarlamanka ay isku maandhaafeen, waxaana dood dheer kadib uu helay codka kalsoonida, laakiin caqabada halkaasi kuma soo idlaan oo dhismihii xukuumadda kadib ayaa hadana waxaa dhashay buuq iyo fowdo, dhaxalkiisa uu noqday gacan ka hadal iyo dagaal.

Shoorar, shirar iyo amaro ka soo baxay hey’adaha iyo ururada taakuleeya Dowladda waxaa suurta gashay in 27-kii bishan lagu ansixiyo xarunta golaha shacabka, waxaana  xildhibaanada oo ku kala qeybsanaa aragtida ay natiijada ugu danbeysay noqotay in 251 xildhibaan oo ka mid ah 343 ka soo qeybgalay kulanka ay ku ansixiyaan “HAA” oo ah xukuumadda Raali baan ka nahay, halka 92 xildhibaan ay ku codeeyeen “MAYA” oo ah Dooni meyno xukuumadda.

Ansixin kadib ayaa isla galabkii waxa lagu dhaariyay xarunta madaxtooyada wasiiradii uu soo magacaabay Farmaajo, waxaana wasiirada 18-ka ah badankood oo goobta ku sugnaa ay si isku mid ah gacanta Midig u saaraan KUTUBKA QUR’AANKA KARIIMKA AH iyagoo ku dhaartay in Dalka, Dadka, Diinta ay wax u qaban doonaan, laakiin su’aasha is weydiinta mudan ayaa ah Dhaarta maxaa xigi Doona?.

Waxaa in badan leys weydiinayaa Wasiiradan qurba joogta u badan ee kutubka ku dhaartay waxqabadkooda sida uu noqon doona, ma noqon doonaan kuwa la imaadaa waxqabad iyo howlkarnimo, iyadoo la ogyahay in muda kooban uun ay u harsantahay Dowladda KMG ah xiligii loo qoondeeyay.

Wasiiradan qaarkood ayaa sheegay in waxqbad xoog leh ay la amin doonaan, isla markaana Amniga, kala dalanbeynta iyo nolasha shacabka ay wax badan ka qaban doonaan, laakiin waxaa shaki badan la galinayaa in ereyadaasi ay afgubaadsi yihiin isla markaana aanay laheyn ereyadaasi talaaba qaad haboon.

Waa hubaal haddii ay ka dhabeyso xukuumadda Farmaajo, waxaqabadka ay iminka afka ka sheeganeyso in ay ku guuleysan doonto magac iyo maamuus, laakiin waxaa in badan laga baqayaa in ay marto dariiqii ay usii faleen kuwii ka horeeyay ee Dalka Soo maray.

Shariif Shiikh Axmed Shalay dar daaran ayuu daba dhigay wasiirada kolkii kitaabka ay gacanta ka qaadeen ee ay dhaarta dhameesteen, waxaana uu u sheegay in looga fadhiyo wax qabad iyo wada ka duwan tii ay hore u mareen xukuumadihii hore.

Wasiirada badankood waa rag dhalinyara ah, qurba joog ah isla markaana jaamacada ka baxay, laakiin waxaa laga baqayaa in ay ku adkaato fahamka iyo la jaanqaadida siyaasadda qoorqabadka ku saleysan ee Soomaaliya.

Abdullahi O. Ahmed - London - keydmedia.net Correspondent

________________________________________________________________________________________





Maqaallo 19 October 2020 5:00

Warqadda Rai'sul Wasaare Maxamed Xussein Roble u diray Afarta Dowlad gobolleed ee Puntland, Jubbaland, Hirshabelle, Galmudug- ee taarikhdeeda tahay 17.10.2020, kuna saabsaneyd magacaabidda Xubnaha Guddiga hirgelinta doorashada heer federaal GHDHF 2020/2021, waxay abuurtay isweydiin badan: