Dhul-Badeedka Soomaaliyeed: “Been oo si joogto ah la idiinku sheego”

Keydmedia Online - Warbixin dheer oo uu qoray ururka ECOTERRA (July-Sept 2010) oo ku saabsan badda Soomaaliya ayaa cinwaankiisu ahaa “Dhul-badeedka Soomaaliya: Been aan gabasho lahayn oo si joogto ah la idiinku sheego.”
Maqaallo Keydmedia Online

Warbixinta oo ka kooban dhawr qaybood waxay u qoran tahay qaab ah “beenta la sheego,” iyo “xaqiiqada jirta,” oo jawaab u ah. Qoraalkaas oo SomaliTalk.com soo tarjumtey hoos ka akhri:

  • FG: Sida ay isku qeexaan “ECOTERRA waa Urur caalami ah oo dhawra bey’adda, una dooda xuquuqul Insaanka, oo xafiisyo ku leh Soomaaliya, Kenya iyo Tanzania. Waxa kale oo ururkaasi  la socdaa xaaladda waxyaabaha ku jira bad-weynta Hindiya ee ku dherersan xeebaha Bariga Afrika iyo badda khaliijka Cadan. ECOTERRA waxay ka hawl geleysey Soomaaliya laga soo bilaabo 1986, waxayna si xoogley ula socotaa burcad badeedda.”

Warbixinta ECOTERRA

Beenta: Ciidamada Badda iyo warbaahintooda oo ku andacooda in ay ku guulaysteen yaraynta burcad badeedda.

Xaqiiqada Jirta: Weligeed taariikhda ma dhicin mar ay xaaladaha burcad badeeda ee Geeska Afrika ka badan yihiin sida ay yihiin hadda (2010); ayadoo ay jirto in laga soo bilaabo dabayaaqadii 2008 halkaas laga bilaabay hawl-gallada maraakiibta ciidamada ee ka socda dalalka badan; maraakiibtaas iyo ciidamada (shisheeye) oo si joogto ah ugu sii badanaya Soomaaliya si aan weligeed hore loo arag – ciidamo aan halkaas lagu arkin xitaa markii uu socdey Dagaalkii 2aad ee Adduunka (WWII). Laakiin isla xilligaan waxaa burcad badeedu ay meeshii ugu saraysay gaarsiisay kordhinta rabshadaha iyo iska hor imaadyada.

Beenta: Ciidadamada badda (ee maraakiibta shisheeye) waxay ku hawl galaan Qaraar/Sharci Golaha Ammaanka ee Qarammada Midoobay

Xaqiiqada Jirta: Ciidamada Badda (ee shisheeye) marka la eego xeerka qawaaniinta caalamiga ah iyo sharciga qaranka Soomaaliya midna kama haystaan ogolaansho ama bataatanba/ habayaraatee ma haysaan qaanuun xuquuq u siinaya in ay galaan 200 nm (mayl-badeed) ee dhul-badeedka Soomaaliya.  Xeerka Golaha Ammaanka ee ciidamada (maraakiibta shisheeye) ay had iyo jeer cuskadaan waxa uu si qayaxan u sheegayaa in sida keliya ee uu ku noqonayo xeer dhaqan gala ay tahay Ogolaanshada Dawladda Soomaaliya, taas oo ah Baarlamaanka Soomaaliya oo aan xeerkaas la hor keenin, islamarkaasna warqad aan la hubin jiritaankeeda ee la sheegay in uu saxiixay madaxweynahii hore ee Soomaaliya Cabdullaahi Yuusuf weligeed lama arag ama lama soo bandhigin, dhanka kale warqadda uu Dawladda Soomaaliya u saxiixay Ergaygii hore ee Xoghayaha Guud ee Qarammada Midoobey ee Soomaaliya Walad Cabdalla oo reer Mauritania ah waa warqad sharci darro ah oo waxba kama jiraan ah (Nil & Void).

Beenta: Ciidamada badda ee Midowga Yurub (EU NAVFOR) waxay heshiis la galeen Dawladda Soomaaliya, heshiiskaas oo ku saabsan Dhul-badeedka Soomaaliya iyo la dagaalanka burcd badeedka

Xaqiiqada Jirta: Warqad ay wada saxiixeen Safiirka Faransiiska u fadhiya Kenya, Ms Elisabeth Barbier – oo u saxiixday Midowga Yurub iyo Maxamed Cali Nuur – oo u saxiixay dalka martida loo yahay ee Soomaaliya – ayadoo arrintaas uusan ogeyn Baarlamaanka Soomaaliya – saxiixaas oo u dhacay qaab kulan qarsoodi ah, isagoo (safiirku) ku andacoonayey in uu wakiil ka ahaa Nuur Xasan Xuseen oo xilligaas ahaa Ra’iisul Wasaarahii xukuumaddii madaxweynahii hore ee DFKMG C/laahi Yuusuf, warqaddaasi waa sharci darro iyo waxba kama jiraan (Nil & Void) sababtoo ah Baarlamaanka Soomaaliya markii horena arrintaas uma xilsaarin, markii dambena ma ansixin, sidoo kale baarlamaanku ma bixin ogolaansho ay siiyeen in ciidamada dalalka Yurub ay ku galaan dhul-badeedka Soomaaliya.

Labada saxiix ee Yurub yo dalka martida loo yahay ee Soomaaliya midkoodna ma wato tastiiqin ama shaabad rasmi ah. Waa arrin aan marna caqliga geli Karin sida ay ku dhacday in ogolaanshada heshiis reebi kara  raad aad u weyn iyo cawaaqib lagu qeexay heshiiska, oo ay kamid yihiin dilka ciidamo shisheeye ay u geystaan dad Soomaaliyeed , arrintaas oo loo maareeyey si taxadar la’aan ah oo qeyru–masuul ah, oo aan la marsiin nidaam sax ah ee sharci ahaan looga baahnaa. Laakiin tani waxay soo ku soo xasuusinaysaa isku daygi sharci darrada ahaa ee Guddoomiyihii hore ee Kalluumaysiga Midowga Yurub, Mme. Emma Bonino, ay isku dayday – inkasta oo aysan arrintaas ku guulaysan waayo waxaa laga eryey xilkii Guddoomiyanamo ee Midowga Yurub – si ay shati (laysan) kalluumaysi oo sharci darro ah uga hesho Dagaal-Ooge Soomaaliyeed.

Wax kasta oo khuseeya ama taabanaya xornimada Soomaaliya waxaa xuquuqdeeda leh Baarlamaanka Soomaaliya – sidoo kale wax kasta oo taabanaya xornimada dhuleed ee Soomaaliya waa mid lagu go’aamin karo afti guud oo dadweynaha. Qaanuunka iska cad ee sharciga ah waxaa loo garab maray si toos ah oo sharci darro ah. Nuur Cadde, waa sida loo yaqaan’e, waxaa waadix ah in uu abaal-marin ku helay isxaanka uu u sameeyey Midowga Yurub, waxana laga soo qaadayaa in uu khiyaano qaran iyo mid shacab ka galay dadka iyo dalka Soomaaliya – Markii laga wareejiyey kursigii Ra’iisul Wasaaraha iyo golahiisii – waxaa loo dhiibay booska Wakiilka DFKMG u fadhiya Brusseles iyo booska Safiirka Soomaaliya u fadhiya Talyaaniga – oo ahaa dal kamid ah gumaystayaashii, oo ah dal weli ah mid si khaldan talooyin latalin (arrimaha Soomaalida) ugu qaabilsan Midowga Yurub. Sharci-nimada heshiiskaas waa in sidoo kale ay su’al ka keenaan dhanka Yurub. Talyaanigu waa dalka keliya ee reer Yurub oo isagoo aan ogolaansho ka haysan Midowga Yurub si toos ah lacag ugu dira saaxiibada Talyaaniga iyo Dagaal-Oogayaasha ee jaalayaasha is-bed-belaya ee arrimaha cakiran ee Soomaaliya.

Nidaamka la samaystay (ama macmaalka ah) ee ciidamada EU NAVFOR waxaa si khaldan u adeegsadey dalalka sida Norway, taas oo xitaa aan xubin ka ahayn Midowga Yurub, laakiin ku dhiiratey in ay unug ciidamo tababaran  u diraan ayagaoo adeegsanaya hawl-galka Midowga Yurub ayagoo saq dhexe weerar ku qaaday dekededaha dabiiciga ah ee Woqooyi Bari Soomaaliya, iyagoo halkaas ka geystey fal-dembiyeed aad u fool xun ay ku dhinteen kalluumaysato Soomaali iyo Yemen ah.

Waxaa taas dheer: Ciidaamada EU NAVFOR ee ku hawlgala magaca ATALANTA ama magaca reer Yurub, ma jiro cid xuquuq u siisay in ay waardiyeeyaan kalluumaysiga ka socda badda Soomaaliya. Inkasta oo ay ahaan lahayd arrin la soo dhaweeyo haddii ay dawladda Soomaaliya iyo shacabkaba ka caawin lahaayeen la dagaalanka maraakiibta shisheeye ee sharci darrada u kalluumaysta, xaqiiqada jirta waxay tahay in aan hal markab oo kamid ah kuwa sharci darrada u kalluumaysta ee la xaqiijiyey in ay halkaas ku sugan yihiin, aysan ciidamadaasi ka eryin meesha. (Mar haddii aysan difaacayn kalluunka) waxaa markaas “kor kala socodkooda kalluumaysiga” ay tahay in loo arko mid ay ku basaasayaan khayraadka dabiiciga ah ee Soomaaliya iyo – sida Soomaali badani ku aandacoodaan – in ay difaacaan maraakiibta sharci darrada ku jariifaya oo xaalufinaya kalluunka.

Beenta: ma jirto in si sharci darro ah oo looga kalluumaysto Badda Soomaaliya.

Xaqiiqada Jirta: Kalluumaysiga sharci darrada ah waa ka sii socdaa (Soomaaliya), laakiin had iyo jeer waa mid ku xiran xilliga ama (waqtiga bad-furanka) aad kor ugu kaca, waxaa kale oo sii socda shatiyada sida sharci darrada ah lagu siinayo maraakiibta shisheeye inkasta oo laga soo bilaabo April 2009 ay jirtay xannibaad arrintaas ay ka soo saartay Dawladda FKMG. Sharciga Kalluumaysiga Soomaaliya iyo qawaaniinta caalamiga ahba waxay dhigayaan in dawladda dhexe ee la aqoonsan yahay oo keliya ay  shatiyada siin karto shirkadaha shisheeye ee ku hawlan kalluumaysiga ganacsiga ah.

Dhanka kale dadka deegaanka ee noloshoodu ku tiirsan tahay kalluumaysiga waxaa qaanuunka u dejiya wakaalado ayagoo raacaya xeerka ay dejisey Wasaarada kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda, wasaaradaas oo awoodda iyo masuuliyadda arrintaas u xilsaari karta maamullada degaanka (laakiin aan arrintaas weli samayn). Sidaas daraadeed shirkad kasta oo shisheeye oo doonaysa kalluumaysi ganacsi, islamarkaasna dhoofineysa kalluun ama khayraadka kale ama noolayaasha kale ee ku jira badda sida Aar-goosatada iwm, waxay u baahan yihiin shati (laysan) ay bixiso  Dawladda FKMG, taas oo shatigaas bixin karta marka ay dejiso xeer cusub ee kalluumaysi iyo sidii xeerkaas loo dhaqan gelin lahaa, loona dhawri lahaa dhaqan gelintaas.

Wakaallada Horumarinta Caalamiga ah ee UK ee loo soo gaabiyo  (DFID) warbixin ay soo saartay 2005 ayaa sheegtay in muddadii u dhaxaysay 2003-2004 ay Soomaaliya ka luntay $100 million oo doolar oo ah dakhli soo geli lahaa, taas oo ay sababtay sharci darrada ay maraakiibta wax jariifa ee shisheeye ay Tuunada iyo Shrimp uga kalluumaystaan badda u gaarka ah Soomaaliya. Celcelis ahaan sannadkii waxaa shisheeyuhu ay badda Soomaaliya ka dhacaan khayraad badeed lagu qiyaasay 300 million oo doolarka Maraykanka.

Dhibaatada sharci darrada iyo sida xad dhaafka loo kalluumaysto ma aha mid ku kooban Soomaaliya oo keliya: Guud ahaan sannadkii waxaa kalluunka xad dhaafka ah ee laga gurto badaha (adduunka) waxa uu gaaraa 50 Billion oo Doolar, sida ay qiyaaseen bangiga Adduunka (WorldBank) iyo hay’adda cuntada Adduunka (FAO.) Halka Suuqa Ganacsiga ee Wall Street markii uu khasaaray lacag lagu qiyaasay 1.5 Billion Doolar markiiba bangiyada iyo hay’adaha maaliyada (ee arrintaasi saamaysay) loo gurmadey oo lagu “badbaadiyey” 700 Billion Dollar ee mashruucii badbaadinta – ayadoo la adeegsaday lacagta cashuur bixiyaasha-, laakiin MA JIRTO wax laga qabtay badbaadinta badda (sida xad dhaafka looga gurto kalluunka.)

Beenta: Beesha caalamku waxay caawinaad siiyaan Soomaaliya iyo Soomaalida …

Xaqiiqada Jirta: Waxaa dhif iyo naadir ah in la bixiyo lacag ay ku yabooheen kuwo ugu sareey tun-weynayaasha ololaha lacag bixinta ka muujiya warbaahinta. Arrinta ku saabsan in aan la bixin lacagta lagu yabooho ma ah mid ku kooban Soomaaliya, waa been caalami ah oo xitaa ay cambaareeyeen dalalka G20.

Haddii lacag la gaarsiiyey Soomaaliya waa mid la siiyey hawl-gallada dembiilayaasha WFP (oo ay baaritaan ku waddo UN-tu), hub la gaarsiiyey, tababar dagaalyahaniinta Soomaaliya, oo ay tababaraan tababarayaashooda ajaaniibta ah. Xitaa ciidamada reer Yurub ee EU NAVFOR waxa keliya oo ayagoo waardiyaynaya ay soo galbiyaan maraakiibta sida hubka  iyo aalaadaha kale ee militariga ee ku coda ciidamada AMISOM, waxaana arrintaas loo diiwaan geliyaa in maraakiibta baddu ay soo gelibiyeen “mucaawino bini-aadamino”. Waxaana la aamusiyay hay’adaha NGO oo lagu maal-geliyo “daraasad” ay bixiyaan kooxaha sirdoonka, waxaana caawinaada dhabta ay gaartey meeshii ugu hoosaysay laga soo bilaabo dagaalkii ahliga ahaa.

Soomaaliya waxaa loo qoondeeyey in lagu hayo ilxumo iyo darxumo (eel) meesha ugu hoosaysa adduunka oo dhan, taas oo lagu qeexo dhimashada aan loo baahnayn: Waxaa la qiyaasay in saacad kasta in guud ahaan adduunka oo dhan ay ku dhintaan1600 qof, oo badankoodu ah carruur, una dhinta cudurro la xiriira maacaluul iyo faqiirnimo, waxaana malaayiin kale la halgamayaan sidii ay u badbaadi lahaayeen ayagoo aan haysan waxyaabaha asaasiga u ah ee nolosha, sida biyo nadiif ah, cunto, hoy, waxbarasho iyo daryeel caafimaad.

Arrintaas (darxumada iyo macaluusha ay adduunka ugu dhintaan dad qiyaas ahaan gaaraya38,400 qof maalin kasta) marka laga hadlayo, kuwa sida xun wax u fiiriya waxay ku andacoodaan in arrintaas loo baahan yahay, si loo xakameeyo ama loo yareeyo kororka tirada bini’aadamka ee adduunka ka badanaya. (Marka la dhuuxo habka is-barbardhigga ah ee qormadu u qoran tahay, waxaa laga fahmi karaa in sababta silica/darxumada loo badayo Soomaalida ay tahay in la yareeyo tirada dadka Soomaalida.)

Beenta: Dhammaan Soomaalida ku dhex jirta baddu waa burcad-badeed!

Xaqiiqada Jirta: Inkasta oo beesha caalamku si xooggan isugu dayeen in ay ka gudbaan qaanuunka gaboobay ee burcad-badeedka ayagoo cadayn ka dhiganaya “xaalad ama duruuf muuqata” in ay taasi ku filan tahay in burcad-badeeda la dilo ama la xakumo, oo la xiro. Markaas qolyaha habka sharciga ama sida sharciga ka baxsan u ugaarsada burcad-badeedu waxay doonayaan in haddii ay arkaan mar haddii ay jaranjaro kuu saran tahay doon in ay taasi ku filan tahay in la maxkamadeeyo qofkii dontaas watey, laguna oogo dembiga burcad-badeednimo ama in laba khaarijiyo kooxdaas.

Laakiin, “sida nolosha dhabta ah” ama xaqiiqada jirta waxay tahay in xeebta 3,300 km oo ku dherersan Soomaaliya  – oo ah dalka ugu xeebta dheer Afrika – wax kasta ayaad ku arkeysaa – Wanaagga, Xumaanta, iyo Fool-xumada.

Waxaad (xeebta/badda Soomaaliya) ku arkaysaa kalluumaysatada kuwa ugu naxariista badan oo ugu hawl-karsan,  oo wax soo saarkoodu halbowle u yahay hab-nololeedka boqolaal-kun oo ah bulshada Soomaalida, waxaad ku arkaysaa shirkadaha safriya ama soo dhoofiya dhammaan alaabta loo baahan yahay laga bilaabo burka ilaa batroolka, waxaad ku arkaysaa kooxo degaanka oo difaacaya aagga xeebta iyo baddooda, waxaad ku arkaysaa malasiyo ah tuugo maafiyo ah oo ay kiraysteen ganacsato cadaawad isu haya si midba kan kale uga weeraro xamuulka ay safrinayaan, xamuulkaas oo noqon kara alaab macduun ah ama mamnuuc ah ama daroogada sharci darada ah iyo hub, waxaad kale oo xeebta Soomaaliya ku arkaysaa kooxaha burcad-badeeda dhabta ah oo weeraraya maraakiibta ganacsiga ee aan wax dembi ah lahayn – kooxdaas burcad badeeda oo lagu suntay in ay yihihiin silsilad caalami ah oo isku xiran oo ugaarsanaya alaabta si ay u helaan lacag madax-fursho farabadan oo degdeg ah, waxaa kale oo xeebaha Soomaaliya lagu arkayaa arrimo intaas aan soo xusnay u dhexeeya oo aan lakala cadayn karin.

Xaqiiqadu waxay tahay suurtagal ma aha in qof bannaanka ka yimid (oo shisheeye ah) uu kala saari karo dadka doonyaha saaran ee ku sugan Geeska Afrika.

Arrimahaasi waa kuwo sabab looga dhigan karo in la xoojiyo hab maamulka degaanka maxalliga ah ee Soomaaliya si ay u dabagalaan kuwo xum, waxna uga qabtaan fool-xumada, ula macaamilaan wanaagga. Hawshaas hal-bawlaha ah ma ah in loo dhaafo aragtida ciiradu ku jirto ee maraakiibta badda ee shisheeye iyo kuwooda wajiga carada leh. Ayadoo la adeegsanayo caawinaadda beesha calamka marka la kobciyo oo la horumariyo  hab-nololeedka bulshada ku dhaqan xeebaha Soomaaliya, markaas burcad-badeedu waxay markale noqon doontaa arrin meesha ka baxda oo laga gudbo!

Beenta: Soomaaliya ma leh 200 mayl oo Dhul-badeed ah…

Xaqiiqada Jirta: Laga soo bilaabo 1972 beesha caalamku waxay qadarinayeen Xeerka Soomaaliya ee No. 37, xeerkaas oo xagga sharci ahaan la mid ah xeerarka kale ee la aqoonsan yahay ee ay leeyihiin dalalka ay kamid yihiin Benin, Republic of Congo, Ecuador, El Salvador, Liberia iyo Peru, dalakaas oo hore u sheegtay 200nm  in uu yahay dhul badeedkooda (Territorial waters) oo ay leeyihiin xuquuq sharicyeedka.

Laga soo bilaabo 1989, oo ahayd xilligii 40 dal oo Soomaaliya kamid tahay ay saxiixeen in ay aqbaleen Xeerka Caalamiga ah ee Sharciga Badaha Adduunka (ee loo yaqaan UNCLOS), waxay Soomaaliya lahayd dhul-badeed ku cabiran 200 mayl-badeed oo ah Territorial Waters (Waxaana soo hoos gelaya Aagga Ganacsiga Badda ee Gaarka ah ee loo yaqaan EEZ (Exclusive Economic Zone), aaggaas oo leh dhammaan xuquuqda iyo xeerarka guud ee badda ee la siiyey dalalka leh xeebaha. Soomaaliya hore ayey ugu dhawaaqday in ay leedahay xuquuqda iyo difaacidda aagaas, weligeedna arrintaas kama tanaasulin.

Laakiin Soomaaliya waxaa asiibay dhaqdhaqaaqyo sharci darro ah oo ay aaggaas ka fulinayaan dalal dano gaar ah ka leh, arrintaas oo ay ka dhiidhiyeen Midowga Afrikaanka (AU oo xilligaas ahaa Ururka Midowga Afrika OAU) kulankoodii ku saabsanaa Maaraynta iyo horumarinta Xeebaha (PACSICOM, Maputo, 1998) oo magaalada Maputo, Mozambique, lagu qabtay 18-25 July 1998. Waxaana kulankaas si khaas ah walaac weyn looga muujiyey sida joogtada ah ee loogu xad-gudbo xuquuqda ay Soomaalidu u leedahay dhul-badeedkeeda iyo aagga Ganacsiga baddeeda (EEZ). Waxaana arrintaas si xooggan uga hadlay Safiirkii Masar mudane Ahmed Hagag oo markaas ahaa kaaliyaha xoghayaha guud ee Ururkii Midowga Afrika (OAU) – oo u xuub siibtey Midowga Afrika (AU) – safiirku waxa uu shirka ka sheegay in ay tahay in la xushmeeyo 200 nm ee aagga EEZ ee Soomaaliya leedahay.

Laga soo bilaabo 2009 Soomaaliya waxay leedahay 350 nm oo ah Qalfoofka Qaarada (aagga loo yaqaan Continental Shelf Zone “CSZ”), taas oo ku salaysan in sharciga caalamiga iyo in Soomaaliya ay sheegatay aaggaas oo loo diiwaan geliyey Soomaaliya kaddib markii ay 17 April 2009 u gudbisey Qarammada Midoobay iyo ururka caalamiga ah ee badaha Adduunka ka hor 13 May 2009 oo ahayd xilligii dalalka xeebaha leh loo qabtay in ay soo gudbistaan xogta cabbirka baddooda.

Akhbaartaas la gudbiyey waa in loo arko mid ka madax bannaan is-af-garadkii (MOU) aan laga fiirsan ee dhex maray xubno kamid ah Soomaaliya iyo Kenya oo oo ah laba dal oo ay ka dhaxyaso xuduud badeed. Is-afgaradkaas (MOU) waxaa diidey baarlamaanka Soomaaliya, sidaas daraadeed Qaramada Midoobay waxay ka saartay liiska (dukumiintiyada), mana aha heshiis la cuskan karo.

Sidaas daraadeed hab sharciyeedka ay Soomaaliya ku sheeganayso Qalfoofka Qaaradda oo fogaanteedu xeebta u jirto 350 nm waa mid tiir adag haysata. In la caddeeyo cabirka qalfoofka qaarada ee ka baxsan 200 nm waa xuquuq ay leeyihiin dalalka xeebaha leh ayadoo la raacayo xeerka caalamiga ah.

ECOTERRA Intl. waxay qeexaysaa: “Arrinta aysan dad badani u muuqanin in ay fahmeen ama aysan doonaynayn in ay fahmaan waa in degaanka Soomaalida in ka badan kala bar ay ku yaallaan xeebaa badda Soomaaliya, sidaas daraadeedna ay hal-bowle u tahay hab nololeedka dadka Soomaaliyeed. Laga soo bilaabo 1972 waxay Soomaaliya lahayd dhul-badeed, kaas oo isla cabbirkaasi uu laga soo bilaabo 1989 ahaa Aagga Ganacsiga EEZ - Exclusive Economic Zone (oo ku hoos jira Terrirorial Waters-ka ee uu dhigayo xeerka Soomaaliya ee Law no. 37) kaas oo bedkiisu yahay 825,052 kiiloomitir laba jibbaaran oo ah badda Soomaaliya, waxaa intaas sii dheer 55,895 kiiloomitir oo laba jibbaaran oo ah Qalfoofka Qaaradda ee loo yaqaan CSZ (continental shelf zone), oo ah dhul-badeedka  Soomaaliya.

Aagga Dhul-badeedka marka lagu daro baaxadda dhulka beriga ah ee Soomaaliya ee hadda oo ah 637,657 km² , waxaa isku darkoodu noqonayaa 1,462,709 km², taas marka lagu sii daro aagga Qalfoofka Qaaradda CSZ waxa dhulka iyo badda Soomaaliyeed noqonayaan 1,518,604 km².Cabbirkaas waxaa ka maqan the 350,102 km² oo ah oo isugu jira: dhulka Soomaaliyeed ee Itoobiya haysato oo qiyaastii ah 200,000 km², Jabuuti oo ah 23,200 km², dhulka ay maamusho Kenya ee NEP oo ah 126,902 km² – oo loo yaqaan NFD. Marka intaas la isku daro waxay baaxadda badda iyo dhulka Soomaaliyeed ka dhigeysaa 1,868,706 km² oo u dhiganta 0.37 % bedka adduunka oo dhan –Bedka adduunka oo dhan waa 510,072,000 km².

Xornimada dhulka Soomaaliyeed waxa uu gaarsiisan yahay hawada ka saraysa dhul-badeedka iyo sidoo kale ubucda badda iyo carrada hoosteeda, taas oo hadda gaarsiisan meel xeebta u jirta ilaa 350 nm (mayl-badeed).  Dhammaan nafleyda ku dhaqan dhulka iyo badda Soomaaliyeed  waxay xaq u leeyihiin in ay noolaadaan, waxana shardi ah in la xushmeeyo. Dhulkaas iyo Badda Soomaaliyeed (Somali Sphere ) oo hadda ah 1,518,604 km² – ha ahaado  637,657 km²  oo berriga ah (42%) ama 880,947 km²  oo ah badda iyo ubucdeeda (58%). (Qeexid: Xuduudda Qaranka/Dalka waxay ku fidsantahay xuduudda Qaaradda, Jasiiradaha, xuduud badeedka, qayb-dhuleedka, hawada sare iyo gabal Qaaradeedka.)

Muuqaalka qoraalkani xabaarsan yahay iyo warbixintaasi waxaan rajaynaynaa in ay qof kasta u cadayso (ama wax cad uga dhigto) muhiimadda uu dhul-badeedku u leeyahay dadka Soomaaliyeed iyo qaranka Soomaaliya iyo sababta ay ajaaniib badani ay faraha ula soo geliayaan dhulkaas istaraatiijiyada leh iyo khayraadkiisa dabiiciga ah, sidaaas daraadeedna ay gadaal marinayaan danaha dadka  dhulkaas u dhashay, iyaga oo geyaysiinaya dadka Soomaaliyeed faqiirnimo laga argagaxo iyo dagaallo lagu wadayo haddii aysan ka tanaasulin ugu yaraan qayb ka mid ah dhaxalkooda qaranka Soomaalida ee u gaarka ah.

Si kastaba ha ahaatee, waxaa muhiim ah in la xasuusnaado, inkasta oo kala duwaanaantu ay keeni karto xasilooni, isku dayga in shisheeyaha weerarka ah ay doonayaan inay la wareegaan meel kasta oo dunida korkeeda ah waxa ugu dambaynta cawaaqibkeedu yahay ciribta kuwa weerarka ah,” ayey qortay ECOTERRA Intl.

Waxaan halkaas ku joojinayanaa qaybtii 3aad ee Tarjumadii SomaliTalk.com ee qormadii ECOTERRA.

  • FG: Sida ay isku qeexaan “ECOTERRA waa Urur caalami ah oo dhawra bey’adda, una dooda xuquuqul Insaanka, oo xafiisyo ku leh Soomaaliya, Kenya iyo Tanzania. Waxa kale oo ururkaasi  la socdaa xaaladda waxyaabaha ku jira bad-weynta Hindiya ee ku dherersan xeebaha Bariga Afrika iyo badda khaliijka Cadan. ECOTERRA waxay ka hawl geleysey Soomaaliya laga soo bilaabo 1986, waxayna si xoogley ula socotaa burcad badeedda.”




Maqaallo 22 February 2021 13:48

Dowladda uu waqtigeedu dhamaaday ee Farmaajo hoggaamiyo ayaa 19/2/2021, magaalada Muqdisho galisay qalalaasihii ugu xoogganaa oo nuuciisa oo kale aan taariikhda la warin, waxayna joojiyeen mudaharaad nabadeed oo ay ku dhawaaqeen Golaha Midowga Musharixiinta.