Xaqiijinta Heshiiska Berlin 1884

Dib u soo noolaynta Hamiga Xabashiida - Qeybta 2-aad

Maqaallo Keydmedia Online

Waxyaabaha ugu weyn ee tusaalaynaya in Itoobiyaanku siyaasad ahaan doonayaa in lay la wareegayaan talada Geeska Africa waxa ugu cad oo muuqda waa dhismaha Ciidamada BADDA ee itoobiya kaasii daran xarunta dhexe ee laga maamulana ay noqonayso Gobolka ay dagan yihiin Xabashida ee BAHARDAR.

Dib u soo noolaynta Hamiga Xabashiida - Qeybta 2-aad

Lama shaacin Dekedda saldhiga u noqon doonta, deegaanka Ciidabada badda iyo meelaha ay ka howl gali doonaan mustaqbalka, ayadoo ay jirto in aysan Itoobiyaanku Bad lahayn inay ku fekeraan Ciidamo badeed waa arimaha ugu cajiibsan ee haddana la daawanayo.

Markaad isku qabato dhamaan adilooyinkaasi noo muuqanaya, iyo daawashada dhacdooyinka aan la dareensanayn ee si hoose oo qarsoon looga daah furayo waxaad moodaysaa in qorshe isku buuxa oo aan laga laabanayn himiladiisa la dhamaystiray.

Mar haddaan sida guud geeska Africa uga sheekeynay bal eeg gudaha Itoobiya waxa ka soconaya, iyo Sida Abiy Axmed U qiyaanay Dadkiisa reer OROMO waana naxdin badan yihiin macluumaadka ka soo baxaya Itoobiya. Oromo waxay dareensatay in Aby uu yahay Christian aan aaminsanayn waxa aabihii yahay, uuna raacay hooyadii dhashay oo asalkeeda lagu sheegay inay tahay XABASHIYAD lagana yaabo inay FALASHAH Itoobiya ka soo jeedo, waxaana intaasi dheer in Madaxweynaha Itoobiya laga dhigay Islaan DIPLOMASIYAD aad u caqli badan ahayd kana soo jeedo Qowmiyadda Amxaarada, waxay OROMADU ku eedeysay Aby ahmed inuu dhamaan Xafiisyada dowladda ka saray shaqaalihii ka shaqeyn jiray kuna badalay Shaqaalo ka soo jeedo Qowmiyad ahaan, waxaana la sheegaa in Talista Ciidanka Federalka ee Military uu gacanta u galiyey nin OROMO ah ku xigeena ka dhigay  midkale oo Amxaar ah, iyo Police Federalka inuu ka dhigay nin Amxaar ah kuxigeena uga dhigay nin Oromi ah.

Inkastoo laygaga sheekeeyey in habkaasi ciidankaasi u dhisan yahay oo aanan hubin, ama maclumaadka aan ka hayo uu yar yahay, oo sideedaba itoobiyaanku adag tahay in laga warhelo habdhiska ciidankooda, ayaa haddana waxaa jirtay intuu joogay la laayey Saraakiil ciidan oo aad u dhisan oo sida lagu laayeyna aan aad looga war bixin, iyo dagaalada ka cusboonaaday itoobiya oo jidka usii xaaraya soo dedejinta in Amxaaradu lagu wareejiyo, sababtuna waxay noqonaysaa in Itoobiya aysan isku hayn karayn cid aan Amxaaro ahayn, oo cidda kaliya ee maamulkeeda fahmi karta ay tahay qowmiyadda Xabashida oo mudda dheer talada soo hayn jirtay Talada dalkaasi itoobiya waxayna amxaaradu aaminsan yihiin in ayaga mooyaane aysan cidkaleba xaq u lahayn maamulka iyo dowladnimada Itoobiya iyo dhamaanta Geeska Africa.

Amxaaradu markay tagtay shirka Berlin 1884 waxay sheegteen in ay boqotooyada Itoobiya xuduudkeedu yahay, Magaalada KHARTUM illaa XEEBAHA BANADIR ee Muqdisho, iyo MUSSAWAC ooh adda Eritrea ah illaa Xeebaha ZANZIBAAR oo haddan Tanzania ah. Arinkaasi waxaa Shirkaasi ka jeediyey Xayle Salaase oo markaa ka socday Boqortooyadii Christianka ahayd ee Ethiopia.

Waxaa intaas dheerayd in Xayle Salaase UN-ka dhexdiisa ka sheegay in Somalida aysan ahayn dad dowlad noqon karaya oo ay ka mid yihiin Boqortooyada Itoobiya, ayna yihiin dad xoolo raacato ah oo aan garanayn waxay tahay dowladnimo. Inkastoo YURUB ka diiday sheegashada deegaan baxadaasi lahaa lagana itaal roonaaday oo aysan u suurtoobin hamigeedii sheegashada dhulka baaxadaasi lahaa, haddana Xabashidu wali kama raja guurin inay maalin uun hantiso sikastoo ay ku heli karto.

Gabagabada

Haddaan soo Koobno siyaasadda geeska Africa waxay u muuqanaysaa in la sugayo oo kaliya inta 2 nin kursiga banaynayaan waana Madaxweynaha Jabuuti qibrad wanaagsan u leh hanaanka looga sama baxo loolamada dunida ka jira oo runtii Maareeyey isuguna keenay Ciidamadii ugu badnaa ee dunida oo ayagoo isu cadow ah haddana mashaakil la’aan ku wada nool yihiin Jabuuti dhexdeeda.

Ninka kale waa madaxweynaha Eritrea kaasoo isku darsaday Qibrada siyaasadeed oo Macangagnimo ku xeeran, iyo inuu qibrad fiican u leeyahay dagaalada iyo Jabhadnimada ayna adag tahay in labadaasi masuul Meesha laga saaro. Xaqiiq waxaa ah in Hanaan qarsoodi ah oo kooxda maraykanku ka masuul yihiin muuqaalkiisa ka soo if baxayo, lagana yaabo inay u dhacdo siday u doonayeen.

Muhiimadda qormadan Waxay ka dhigan tahay, bal inaan Faham uun ka heli karno is badalka aan anagu Martida ka noqonay, ee sida xowliga ah uga socda Geeska Africa, ilaga soo Billaabo Sudan illaa Somalia, iyo waliba Yemen oo Saameyn buuxda ku leh Geeska Africa.

Mahad oo dhan Illaahay bay u sugnaatay nagu samay inaan ka sheekeyn karno waxyaabaha laga yaabo inay saameyn muuqata la iman doonaan.

Ibrahim Abdi Geele

jinniishumi@gmail.com




Maqaallo 20 July 2021 9:59

Maamulka Warbaahinta Keydmedia Online, waxaa ay bulshada Soomaaliyeed ee muslimka ah ugu hambalyeynayaan munaasadda Ciidda Adxda.