LIVE Blogging: Doorashada Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya // Update - *Live*

Akhristayaal Keydmedia Online (KON) ayaa Doorashada Gudoomiyaha Baarlamaanka Cusub ee Soomaaliya Daqiiqad Daqiiqad idinku soo gudbiso halka ay mareyso Doorashada / Ka Aqriso Boggaan Wararkii ugu Dambeeyay oo kala dambeeyaan!
Maqaallo Keydmedia Online

*WARKII UGU DAMBEEYAY*

Tartankii doorashada guddoomiye ku-xigeenka labaad ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxaa ku guuleystay Mahad Cabdalla Cawad kaddib markii Afar musharrax ay xilkaasi u tartameen.


Muqdisho (KON) - Waxaa Xilka Gudoomiye ku xigeenka Koowaad ee Baarlamaanka Soomaaliya loo doortay Xildhibaan Jeylaani Nuur iikar.


Muqdisho (KON) - Prof. Jawaari oo ku guleystay in lo Doorta Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya ka dib markii u Cod ku reebay san Musharax oo u ka mid yahay Prof . Cali K. Galeyr.

Keydmedia waxay mar dhaw idiin soo gudbin doontaa War ku saabsan Dorasha Gudoomiyaha oo faah faahsan.


Cali Khaliif Galeyr oo Tanaasulay - 14:35

Muqdisho (KON)- Xili loo ballan sanaan in la guda galo wareegii ugu dambeeyay ee doorashada Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxaa wax yar ka hor ku dhawaaqay inuu tanaasulay Cali Khaliif Galeyr oo ahaa musharixii labaad ee dhibco ahaa ku xigay mudane Jawaari.

Cali Khaliif hadda wuxuu ku dhawaaqay inuu u tanaasulay Jawaari, Hoolka ay doorashada ka socoto waxaa qabsaday sacab iyo farxad aan la soo koobi karin.

Khudbado ayaa hadda la jeedinayaa


Natiijada Wareega Kowaad - 14:13

Muqdisho (KON)- Kadib markii ay suura gali wayday in wareega koobaad lagu soo gabagabeeyo doorashada Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxaa goordhowayd lagu dhawaaqay natiijada wareega koowaad ee doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya, xubnaha Baarlamaanka ee codeeyey waa 236-mudane, 234-kamid ah ayaa codeeyey, waxaa codadkoodu halaabeen labo Xildhibaan oo aan la qaadanin codadkooda.

Musharixiinta ayaa codadka ukala helay sidan.

Prof: Cusmaan Maxamed Jawaari oo helay 119-cod

P rof: Cali Khaliif Galayr oo helay 77-cod

Xassan Abshir Faarax oo helay 5-cod

Xaashi Cabdi Xaashi oo helay 23-cod.
C/rashiid Maxamed Xidig

Waxaa tanaasulay oo sheegay in uu tartanka isaga haray Xassan Abshir Faarax iyo Cabdirashiid Xidig labaduba waxay codadkooda siiyeen Xildhibaan Maxamed Cusmaan Jawaari.

Intaasi marka ay dhacday kadib ayaa waxaa Gudoomiyaha Baarlamaanka KMG ah  Gen Muuse Xassan Cabdulle uu ku dhawaaqay in la wajahaayo wareegii ugu dambeeyay ee doorashada Baarlamaaka Soomaaliya, isagoona intaasi ku daray in la dhaarinaayo Xildhibaanadii ay maanta maxkamadda sare go’aamisay in ay kamid yihiin Baarlamaanka Soomaaliya ee ay horay ugu diideen guddiga farsamada.

Dhaarta xildhibaanada hadda madasha ku soo biiray kadib ayaa waxaa la filayaa in laguda galo wareega ugu dambeeya ee doorashada, ayadoon intaasi kadib uu mid kamid ah Jawaari iyo Galeyr uu noqon doono Gudoomiyaha xaqa ah ee Baarlamaanka Soomaalia.

Mar walba iyo meel kasta kala soco [url=http://www.keydmedia.net]http://www.keydmedia.net[/url]




Wareegii Koowaad oo la soo gabagabeeyay - 13:15

Muqdisho (KON)- Doorashadii Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa hadda la soo gabagabeeyay wareegi koobaad, waxaana doorashada wareega koobaad ku horeeya Maxamed Shiikh Cismaan Jawaar oo kamid ahaa shantii musharax ee u taagneyd doorashada Afhayeenka Baarlamaanka Soomaaliya.

Hadaba wareega koobaad ayaa waxaa loo kala helay sidaan:.

1-Prof, Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari oo helay 119-cod
2-Prof. Cali Khaliif Galeyr oo helay 77-cod
3-Cabdi Xaashi Cabdullaahi 23-cod
4-C/rashiid Xidig 10-cod
5-Xasan Abshir Faarax 5-cod

Mar dhow ayaa si rasmi ah loogu dhawaaqi doonaa codadka rasmig ah


Muqdisho (KON)- Waxaa daqiiqado ka hor la soo gabagabeeyay wareega koobaad ee doorashada Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya.

Lama ogaan karo lamana saadaalin karo cidda ku guuleysan karto doorashada, hasayeeshee waxaa hadda socota tirin codadka ay kala heleen musharixiinta u taagan qabashada xilka Afhayeenka Baarlamaanka oo gaaraya ilaa 5 musharax.

Faah faahinta warkana kala soco wararkeena soo socda.


DEG DEG - MUHIIM - DEG DEG

Muqdisho (KON) - Ra'iisul wasaarihiihore ee Xukuumadii xiligeeda dhamaatay C/weli Maxamed Gaas iyo Gudoomiyihii hore ee Baarlamaanka Shiif Xassan Sheekh Aadan ayaa goordhow waxaa lagu amray in ilaaladooda iyo hubkooda ay kala baxaan xarunta ay ka socoto doorashada Gudoomiyaha Baarlamaanka cusub ee Soomaaliya.

Shir gudoonka doorashada ayaa C/weli Gaas iyo Shariif Xassab ku amray inaan wax hub ah iyo ilaalo ah aan looga baahneyn goobta ay doorashada ka socoto maadaama amaanka goobta ay doorashada ka socoto aad loo adkeeyay.

Ilaalada Shariif Xassan ayaa u hogaansamay amarka ka soo baxay shitr gudoonka, hasayeeshee Ilaaladii C/weli Gaas ayaa diiday inay qaataan amarka loos oo jeediyay.


Muqdisho (KON)- Hadda waxaa si toos ah u socota codeynta doorashada Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya waxaa la guda galay wareega koowaad ee doorashada Gudodomiyaha Baarlamaanka.

Marka lasoo gaba gabeeyo wareega koowaad ee doorashada Guddoomiayaha Baarlamaanka musharaxiinta ayaa waxaa loo gudbi doonaa wareegyada kale ilaa laga gaaro wareega ugu dambeeya ee lagu kala baxo.

Shirkaan lagu dooranaayo Gudoomiyaha Baarlamaanka waxaa hadda fadhida 228-kamid ah mudanayaasha Baarlamaanka cusub ee Soomaaliya.

Tirada Xildhibaanada hadda fadhida kulanka waa kooram buuxa oo dooran kara Guddoomiye iyo labo Guddoomiye kuxigeen.

Akhristayaal Doorashada hadda, Keydmedia waxaa ay idiin balan qaadeysaa inay daqiiqad daqiiqad idinku soo gudbiso halka ay mareyso doorashada Gudoomiyaha Baarlamaanka.


Waxaa hadda socota khudbado furitaan ah iyo kala habaynta qaabka ay u fariisanaayaan Xildhibaanada musharaxiinta iyo martida ka qayb gelaysa doorashada.


Muqdisho (KON) - Waxaa daqiiqado ka hor xarunta tababarka Iskool Buluusiya ee magaalada Muqdisho waxaa si toos ah uga furmay shirka doorashada guddoonka Baarlamaanka Soomaaliya.

225 xubnoo dayaa soo xaadiraya kulankaan lagu dooranayo gudoomiyaha Baarlamaanka iyo labadiisa ku xigeyn.

La soco wararkeena, daqiiqad daqiiqad

Keydcmedia Online -Xafiiska, Muqdisho

 




Maqaallo 27 November 2020 5:30

Waxaa Sanadahan danbe aad kor ugu kacay xaaladaha furitaanka, burburka Qoyska iyo dayacanka Ubadka, hadaba Qoraalkaan ka Aqriso Furayaasha Guusha Qoyska wanaagsan,  tani waa qormadda Jimcadda ee arimaha Bulshada, Diinta & Suugaanta ee Keydmedia Online.