Dowladda ma haysataa waxay ku doodo marka Ilaahay hortiisa la isgeeyo?

Samatalis Xayle — Samatalis Xayle ayaa ka falanqeynaya Weerarkii Labaad ee lagu qaaday Villa Soomaaliya, Maalintii Talaaaddada iyo Waxqabad la'aanta Dowladda Federaalka
Dowladda ma haysataa waxay ku doodo marka Ilaahay hortiisa la isgeeyo?

Markaan si fiican ugu kuurgalay wararka ka imaanaaya madaxtooyada wadanka, waxaa isoo baxay, in labo jiho laga soo weeraray xarunta; ayna suurta gashay kuwii soo weeraray meesha inay soo galaan madaxtooyada qaybta baabuurta la dhigto ee dhanka xafiiska wasiirka koowaad; laakiin intaas ma dhaafin; kuwii weerarka soo qaaday waa la dilay ama waa isqarxiyeen; laakiin mixnadda waxay socotay amin dhan saacad ama labo saacadood; marka waxaa jiri kara dhimasho iyo dhawac xagga askarta iyo Dowladda ah, laakiin arintaan amintaan lagama warqabo.

Cashar. Qofka waa inuu haystaa sabab uu dhinto, oo markaas uu Ilaahay la hortagi karo, haddii kale, si dhab ah ma u dagaalamaayo, dhimashada waa ka war wareegaa.

Marka Dowladda uu Xassan Sheekh madaxda ka yahay waxay dagaal kula jirtaa qolo mabda' caalami ah aaminsan, walow uu saxsanayn, oo waxay wadaan ay shareeco ahayn, caddayteedana meeshaan aan ka soo buuxiyay, wajibuug, sida ayagoo dilaaya dad shacab ah oo sooman, gubaaya hanti dadwayne ayadoon dadliil cad loo hayn, bacidna sheeganaaya, gantaalo lagu garaacay Xamar, Cali Jabal oo sheegtay, haddana waxay haystaan rabaan inay ku doodaan Ilaahay agtiisa.

Marka su'aasha waxay tahay Dowladda Xassan Sheekh ma haysataa waxay ku doodo hadhooti marka Ilaahay hortiisa la isgeeyo. Jawaabta waa maya?

Sababtana waa tan; qodobka caalamig ah ay ku doodi karto waa shuurada, yaan dadka la khasbin, oo ha loo daayo inay aayahooda ka tashadaan, siday qabto aayadda 38aad ee suuratu Shuuraa, talada waxay dhex taalaa, ay aayadda leedahay, bulshada dhexdeeda, cid gaar ah ma leh, sida Shebaab iwm; sidaad darteed, Shebaab cidna uma magacaabi karto Galgaduud, kamana burin karto, siday ku samaysay Sheekh Yusuf Kabokutukade, Kabokutukadena arintaan ma leh asagana, oo dad uma magacaabi karo Hargaysa, kamana burin karo, ee arintaas waxay u taala dadka ku dhaqan Galagduud, ama Hargaysa, ee uma taalo Shebaab ama Axmed Godane iyo inta la jirta; Hargaysana waa sidaas, iyo magaalooyinka kale ay Soomaalida dagto, bal adduunk oo dhan, u fiirso, waxaan gacanta ku haynaa mabda'a caalami ah.

Rag inuu kala adkaado, Nabiga NNKHA Ilaahay  waa ka magan gali jiray, qalabatu rijaal, marka qodobkaas uu cuksan karaa; xujo uu ka dhigan karaa; dadkana waa lagu kicin karaa; waa aragnay dadka libaaxyo ay noqonaaayaan sidii ka dhacday Baydhabo; laakiin taas ma dhicin wuxuu taageeray Shariif Xassan kooxdiisa oo taageero shacab aan haysan, waa laga teegeero badan yahay, siday caddeeyeen sawiradii iyo fiidiyowyaashii la soo galiyay shabakadaha ee ku saabsanaa mudaaharaadyadii ka dhacay Baydhabo Jannay, sanadkaan bilowgiisa ilaa mar dhow.

Beeshuu asaga uu ka dhashayna xuquuqdeeda waa inkiray, xuquuqdii ay ku lahayd gobolka shabeelaha hoose, caddaalo wax haloogu qaybiyo waa yiri, laakiin meeshay raacaayaan lama waydiin, oo Jasiira xittaa wuxuu raaciyay Baydhabo.

Arinta Shabeelaha hoose shuurada aa lagu xalin karaa; waxaa la dhihi karaa qolo walba ha raacdo cidday rabto, ka tashada aayihiina; waxaa dhici lahayd  in qoloba dhinac raacdo, gobolkana noqdo sida Mudug oo kale, meel xittaa magaalooyinka sida Galkacyo u kala qaybsanyihiin. Khasab ma jiro. Beel walba marka waa iska qanci lahayd. Caddaalo aa dadka deeqda.

Wasiirka koowaadna ma dhaamo Madaxwaynaha, sababtoo ah heshiis dhinac diidanyahay oo haddana beel ka mid ah beelaha wadanka ugu xoogga badan ( kow ah ama labo ah, ama saddex ah) diidantahay uu si dag dag ah uga ansixiyay golaha wasiirada, walbahaarkoodiina dhagaha jalaq uma siin, bacdina wadanka waa ka dhooftay, bacdina wuxuu dhahay Afrika waa taageertay heshiiskii, beesha caalamkana waa ku taageertay, oo ma dhihin war heshiiska dad badan oo gar leh aa diidan ee arinta hala xaliyo. Dadaa ciil la jiifa.

Marka asagana qodobkii shuurada ama in dadka loo daayo inay aayahooda ka tashadaan gadaal uu iskaga tuuray; waxay labadoodaba muujiyeen inay dan ka lahayn rabitaanka qaybo ka mid ah shicibka.

Maxay marka dadka ku kicin karaan? oy ku dhihi karaan u dhinta, ileen cadow raba inuu dhinto aa dagaal lugala jiraaye?

Ma ku yaabee marka in maalin cad xildhibaan la dhilo, meel ay saxmad ka jirto, oon la soo qaban, askar la dilo, oo inta badan la soo qaban, ayadoo loo wada jeedo?

Shicibka inuu aamusana ma aha mid meesha ku  jirta, waayo dhibka ayaguu ku socdaa, waa inay ka mudaaharadaan waxay rabin, ama ayaga iyo ilmahooda aa kharashaadka bixinaaya, hadda iyo mar dambe labadaba.

Samatalis Xayle
haille60@yahoo.com




    Maqaallo 11 September 2020 15:57

    Khudbadihii Madaxweynayaasha dowlad goboleedyada Galmudug, Koofur Galbeed, iyo Hirshabelle ka jeediyeen Shirka ka dhacay Baydhabo 9.9.2020 waxay ahaayeen khudbado lagu muujinayo burburka heshiiskii dhusamareb-1, kala qaybsanaanta dowlad goboleedyada, iyo fashilka hadafka asaasiga ah iyo guulaha gogosha dhusamareb.