Dukumiinti lagu Burburinayo Sharciga Badda Soomaaliya ee Law No. 37 // XOG

KON - Waxaa soo baxay Dukumiintiyo ku saabsan xeer ay Norway u diyaarisay in loo sameeyo badda Soomaaliya, laguna burburinayo sharciga dhul-badeedka Soomaaliya ee Law No. 37.
Maqaallo Keydmedia Online
Dukumiinti lagu Burburinayo Sharciga Badda Soomaaliya ee Law No. 37 // XOG

Dukumiinti iyo xog ay heshay SomaliTalk.com ayaa tibaaxay in waftigii Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya ee booqashada ku tegey Norway intii u dhaxaysey 6-13 April 2013, in si qayaxan loogu soo bandhigay Dukumiinti qaarkood ahaa QARSOODI (CONFIDENTIAL), oo ku saabsan xeer ay Norway u diyaarisay in loo sameeyo badda Soomaaliya, laguna burburinayo sharciga dhul-badeedka Soomaaliya ee Law No. 37.



Dukumiintigaas Norway soo bandhigtay oo cinwaankiisu ahaa "Law No.... on the Territorial Sea, the Contiguous Zone and the Exclusive Economic Zone of the Federal Republic of Somalia", waxaana si qayaxan ugu qoran "In Badda Dhulbadeedka Soomaaliya noqon doono 12 mayl-badeed."

Qodobka 8aad ee dukumiintigaas Norway Law No (............) waxa ku qoran  in "Laga laabto ama la baabi'iyo qodobka 1aad ee xeerka Law No. 37 ee Dhul-badeedka Soomaaliya ee soo baxay 10-kii September 1972". Ufiirso halkaas: Norway markii ay loodin weydey Law No. 37 ayey tiri halaga laabto.

Qodobka la doonayo in laba tirtiro Law No. 37 waxa uu dhigayaa sidan:

  • 1. Dhul Badeedka Wadanka Soomaaliya (Territorial Sea) waa qayb kamid ah badda oo gaaraysa 200 mayl badeed (nautical miles) ee xeebaha qaaradda iyo xeebaha jasiiradaha, oo lagu xadeeyey sida ku qeexan qodobka 2aad iyo 3aad ee Sharcigan.

Waftigii Guddoomiyaha Baarlamaanka, Maxamed Cismaan Jawaari, ee booqday Oslo, waxaa Norwegianku ku yiraah deen: Baarlamaankii Soomaaliya sannadihii 80-naadkii ma ansixin xeerka Law No. 37, hadalkaas waxaa si kulul uga jawaabey xildhibaan waagaas ka tirsanaa baarlamaankii Soomaaliya oo waftiga la socdey, waxana uu Norwegiankii si caro leh ugu sheegay "Aniga ayaa ka tirsanaa baarlamaankii Soomaaliya ee xilligaas, waana meel marinay sharcigaas Law No. 37."

Markale u fiirso dukumiintiga Norway ku dooneyso in lagu burburiyo Law No. 37. Waxaa loo qoray sidan  (Law No..... MEEL BANNAAN.... on the Territorial Sea). Taas oo Soomaalida loo banneeyey in ay meesha bannaan ku buuxiyaan lambar ay u sameeyaan "sharci cusub" oo badda Soomaaliya kusoo koobaya 12 mayl - (waxaan u bixneynaa Xeerka No. ZERO ... EBER.)

Qorshaha Norway ay soo jeedisey Guddoomiyaha Baarlamaanka Jawaari waxba kama dhehin. Laakiin waxaa Norway arrinta ku kululeeyay xildhibaano kale oo waftiga ka tirsanaa.

Xubnaha Norwegianka ee khariidadaha, arrimaha badda iyo heshiiskii MoU kala hadlay waftiga Barlamaanka waxaa ka mid ahaa Amb. Mr. Hans W. Longva. Waxaa xusid mudan in Mr. Longva uu ka mid ahaa xubnihii goob joogga ka ahaa markii DFKMG ahayd iyo Kenya kala saxiixanayeen heshiiskii Is-fahamka ee MoU oo April 7, 2009 lagu kala saxiixday Nairobi - markii dambese baarlamaanku ka dhigay Null & Void..

Waxaa kale oo xubnaha reer Norway ee waftiga la hadlay kamid ahaa Mr. Harald Brekke. Waxaa xusid mudan in Mr. Brekke uu ka mid yahay juqraafiyahanada Kenya ka caawiyey xogtii ay Qarammada Midoobey u gudbisatey May 6, 2009. (Eeg bogga 10aad ee xogtaas), islamarkaasna Mr. Brekke laga soo bilaabo 1997 waxa uu xubin ka ahaa guddiga go'aanka ka gaari doona xadaynta badaha adduunka.

Khariidadaha ay Norway usoo bandhigtay Waftiga Baarlamaanka waxaa ka mid ahaa Map ama Khariidad muujinaysa qaab aad ugu dhow sida uu dhigayo xeerka Law No. 37 oo ah 200 mayl-badeed iyo in xadka badda ee Soomaaliya & Kenya in uu ku suntan yahay xarriiq 90 derejo la samaynaysa xeebta taas oo u socota Koonfur bari, iyo weliba kordhintii badda ee Qaramada Midoobey ay dalalka xeebaha leh u ogol yihiin in ay gaarsiiyaan 350 mayl-badeed, waxaana khariidadu muujineysaa sidaas". Laakiin waxaa lagu xejiyey khariidad kale oo muujinaysa inta Kenya gudaha u soo gashay badda Soomaaliya. Taas oo loo qaadan karo jees jees.

Waftigii Guddoomiyaha Baarlamaanka Jawaari waxaa kale oo Norway usoo bandhigtay sida ay u dooneyso in Soomaaliya hirgeliso heshiiskii is-fahamka ee MoU-dii Kenya iyo Dawladdii KMG ahayd (xusuus: Baarlamaankii hore waxba kama jiraan ayey ka dhigeen MoU, Qaramada Midoobayna  heshiiskaasi la tixraaci karin.) Taas oo jirta ayaa hadalkii Norway ka mid ahaa "Waxaa dani idiinku jirtaa in aad Kenya la heshiisaan". Waxaana kulamadaas ka qayb galay shirkado Shidaal oo Norway leedahay.

Arrimahaas waxay si gaar ah ugu qeexan yihiin dukumiinti cinwaankiisu yahay "Somalia Agreements With Neighbouring Countries Will Allow the Commission To Consider..." Waxaa kale oo kamid ah dukumiintigii Walad Cabdalla hore ugu diyaariyey Dawladdii Shariifka, oo Norwayna xilligaas sheegtay inay wax ka caawintay, oo ahaa "Preliminary Information Indicative of the Outer Limits of the Continental Shelf."

Waxaa arrin lagu qoslo ahayd in Dukukiintiyada loo soo bandhigay waftiga Guddoomiyaha baarlamaanka ay kamid ahayd warqad la yiri ra'iisul Wasaarahii DFKMG Cumar C/rashiid ayaa u qoray Ban Ki-Moon "PM Omar Abdirashid Ali Sharmake Letter to Secretary General Ban Ki Moon 19 August 2009". Laakiin warqadaasi waxay ahayd mid lagu been abuurtay magaciisa.

Halkaas aan akhritayaasha xusuusino:

  • August 1, 2009 ayaa kulan ay isugu yimaadeen xildhibaanada Baarlamaankii KMG ahaa waxay si aqlabiyad ah ku diideen heshiiskaas is-faham. 334 xildhibaan ayaa cod xoog leh ku sheegay in heshiiskaasi yahay Waxba kama jiraan (NULL & VOID).
  • October 10, 2009 ayaa Cumar C/rashiid waxa uu warqad u qoray ban-ki Moon, taas oo uu ku wargelinayey in Baarlamaanka Soomaaliya ay waxba kama jiraan ka dhigeen MoU.
  • Is-fahamkaas markii baarlamaanku ganafka ku dhufteen waxaa xanaaqay Prof. Ibbi oo hormuud ka ahaa kuwa u ololaynayey heshiiskaas muranka gelinayey badda Soomaaliya. Waxana Prof. Ibbi uu August 19, 2009 waraaq u qoray Ban-ki-Moon ee Qarammada Midoobey. Warqaddaas oo uu ku qoray magaca Cumar C/rashiid, laakiin uu isagu (Prof. Ibbi) saxiixay. Waxana uu ku doonayey in uu MoU-ga taageero.
  • March 2, 2010 ayaa safiirka Soomaaliya u fadhiya UN waxa uu warqad u qoray Ban-ki Moon,waxana uu lifaaq ahaan ugu daray warqaddii Cumar C/rashiid ee October 10, 2009 uu ku wargelinayey in Soomaaliya waxba kama jiraan ka dhigtay MoU. (Cumar C/rashiid waxa uu ka mid ahaa kuwii markii hore u ololayn jirey MoU, laakiin waxa uu ku khasbanaaday in uu baarlamaanka warkiisa u gudbiyo caalamka maadaam uu ahaa hay'addii fulinta.)
  • Markaas ayaa qoraal kooban oo March 12, 2010 lagu faafiyey shabakadda rasmiga ah ee Qarammada Midoobey (UN) ayaa shaaca ka qaaday in Heshiiskii Is-fahamka (MOU) ee dhex maray DFKMG iyo Kenya "in Baarlamaanka Federaalka kumeelgaarka ay diideen is-afgaradkaas, sidaas daraadeedna waa in loo tixgeliyo mid aan lagu hawl geli karin ama la cuskan karin."

Isku soo duuboo marka loo dhaba galo dukumiintiyadii Norway usoo bandhigtey Waftigii Jawaari, waxaa ka soo ifbaxaya in "Dawladda Federaalka Soomaaliya laga dhaadhiciyey qorshaha in ay baab'iso xeerka Law No. 37 ee Dhul-Badeedka Somalia (Territorial Sea) iyo Dekedaha ee soo baxay 10-kii September 1972 kaas oo dhigaya in badda Soomaaliya ku cabiran tahay 200 mayl-badeed. Waxaana lagu baab'nayaa qorshe ka soo baxay shirkii Addis Ababa ee Maarso 2013 iyo qorshaha ay Norway usoo bandhigtay Waftigii Guddoomiyaha baarlamaanka ee Norway tegey horraantii April 2013."

Maxaa la gudboon Baarlamaanka:

Baarlamaanka Soomaaliya waxaa xil ka saaran yahay in ay difaacaan danaha dalka & shacabka Soomaaliyeed, lana xisaabtamaan madaxda Soomaaliya marka ay ku tagri falaan awooda, la xisaabtamaan xukuumadda. Haddii xukuumadda iyo guddoonka baarlamaanku u ka janjeersadaan danta dalka, cidda la xisaabtamaysa waa baarlamaanka.

Adduunka badankiisu waxa uu xushmeeyaa go'aanada ay golaha baarlamaanadu gaaraan, sidaas daraadeed barlamaanka Soomaaliya waxaa hadda horyaal in ay sharci dastuuri ah kusoo saaraan in aan laga laabanayn Law No. 37, uuna yahay sharci ay lahayd badda Soomaaliya laga soo bilaabo 1972.

Shacabka Soomaaliyeed:

Marar badan waxaa dhacda in madaxda dal ay ku tagrifalaan xukunka ayagoo danahooda gaarka ah iyo xilkooda fiirsanaya ayna ilaawaan danta caamka ah. Taas marka ay dhacdo shacabka dalkaas ayaa madaxdooda markale ku baraarujiya cidda ay matalaan in ay tahay danta guud ee dalka iyo shacabka.

Shacabka Soomaaliyeed ayaan u dhaafaynaa arrintan.

Lifaaqan ama halkan ka eeg documents ay Norway u soo bandhigtay waftigii barlamaanka Soomaaliya ee booqashada ku tagay Oslo 6-13 April 2013.

  • FG: Qoraalka intii aanaan daabacin ka hor, markii SomaliTalk heshay dukumiintiyadaas waxaan la xiriirnay Xafiisyada Madaxweynaha, Ra'iisul Wasaaraha iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka oo aan arrimahaas wax ka weydiiney. Jawaab kama bixin.

Waxaana lagala xiriiri karaa:

Akhri Law No 37 oo AfSoomaali loo rogey

Baabintii MoU ee UN-ka markii baarlamaanku ka dhigay waxba kama jiraan:

Dhanka kale Norway waxay Waftiga Barlamaanka usoo bandhigtay qorshe ay Norway ku dooneyso in ay ku bedesho barnaamijkii Dhaqaale ee Ingriisku usoo jeediyey Dawladda Soomaaliya ee ahaa "Joint Financial Management Board UK", waxaana taas bedelkeed Noway waftiga usoo bandhigtay dukumiinti cinwankiisu ahaa "Public Financial Management Reform in Somalia - The Special Financing Facility (the SFF) 10 April 2013".

Faafin: SomaliTalk.com




Maqaallo 19 October 2020 5:00

Warqadda Rai'sul Wasaare Maxamed Xussein Roble u diray Afarta Dowlad gobolleed ee Puntland, Jubbaland, Hirshabelle, Galmudug- ee taarikhdeeda tahay 17.10.2020, kuna saabsaneyd magacaabidda Xubnaha Guddiga hirgelinta doorashada heer federaal GHDHF 2020/2021, waxay abuurtay isweydiin badan: