Duubabka Puntland Muqdisho Double Moral!

Dr.Ali. A. Hirabe - Waxaan Ilaahey uu nagu wargeliyay in diinta ilaah aanan lagu dhaafsiisan wax yar oo aduunka kugu kaafiyo,balse Suurada An-naxl aayada 94 aad ayaa dhaheeysa : ha ku gadanina balanka ama cahdiga ilaah qiimo yar Ilaah waxaa agtiisa ah ayaa idiin qeeyr roon haddii dadow aad wax ogtihiin.
Duubabka Puntland Muqdisho Double Moral!


4,5 ilaah kitaabka kuma sheegin ee waa mid cadaalo daro ku ah dhamaan umada Somali, ma cadaaladbaa 30 Hawiye, 30 Daarood, 30 Dir iyo 30 Digi iyo Mirif halka 15 ay yihiin inta dulman oo ah 65 % Qabiilo Somali??

Waxaa xusuus mudan in wax laga sheego in gumeeysiga cadi uu weligiisba raadinaayay sidii uu umadaan diinta uga fogeeyn lahaa, waxaa marna la iloobi-karin in dowladii dhalatay 1960 eey aheeyd mid calmaaniyada bilowgeedii ah oo aad u foolxumeeyd , midii ka danbeeysayna ee 1969 waxaa eey aheeyd calmaaniyad shuuciyada dadka waxaa lagu qasbayay mabaadiida Linin iyo Markis,waxii ka danbeeyayna waxaa dalkan ka dhashay calmaaniyiinta qabiilka ku dhisanoo burburisay kaabayaashii dhaqaalaha abuurayne burbur umadeed.

Waxaa xigay dowlad calamaaniyada qabiilka ee qaab dhismeedkeedana ahaa  4,5 waxaa wax laga naxa ha in maanta diiwaanka aduunka lagu qoray in Soomaali eey tahay afar qabiil iyo bar, hadaba waxaan dhihi lahaa waxaa jira wax yaabo aad u farao badan oo eey soomali ku heshiinkarto marka laga tago qabiilka.

Waxaa ugu sharfta badan oo eey soomaali ku heshiin kartaa diintooda Islaamka iyo sunadii nabigeena Maxed SCW, waxaa foolxuma ah in aan ku heshiino sharuucda laga soo maanguuriyay gaalada in dalkaan lagu dhaqo, waayo maaha sharuucdaa kuwa la jaan qaadikara umada ku dhalatay islaamka.

Duubabka ka yimid Puntland waa kuwa dhagarqabayaal ah oo dhawaan ansixiyay dastuurka dhaaquutka Puntland kaas oo aad ugu fog cadaalada shacuubta Puntland gaarahaan,guudahaane Somalida oo dhan, dib u fiiri dastuurka Puntland ee dhawaan la ansixiyay:

Qodobka 38aad - MUWAADINNIMADA

1. Qof kasta oo leh Jinsiyadda Puntland waa muwaaddin Puntland.

2. Muwaaddinka Puntland luminmaayo muwaaddinnimidiisa haddii uu qaato jinsiyad dal kale!!!!

Akhristow Duubabkii asnixiyay arimhaan kor ku qorani miyeey dhab ka tahay ansixinta dastuurka qabyo qoraalka, muwaadinimada Puntland iyo jinsiyasada Puntland ma aha wax qeexan oo Somalinimo isku soo jiidi kara,halkan waxaa ku cad in Puntland eeyan Somali ka tirsaneeyn.

Qodobka 39aad - WAAJIBAADKA MUWAADINKA

1. Muwaadin kasta waxaa waajib ku ah:

(b) Dhawridda diinta Islaamka, dastuurka iyo xeerarka kale ee dalka iyo kuwa caalamiga ah.
(t) Adkaynta midnimada ummadda iyo ilaalinta jiritaanka Qarannimada Puntland!
(j) Codbixinta xilliyada doorashooyinka.
(x) Bixinta canshuuraha ku waajibay.
(kh) Ka qaybgalka difaaca Puntland markii loogu yeero ama ay la soo gudboonaato.

2. Sharciga ayaa qeexaya ciqaabta lagu mutaysanayo gudasho la'aanta waajibaadka ku xusan qodobkan.

Akhristow sow ma cada in Puntland aayan ka mid aheeyn kuwa wax ka difaacaya qaranka Somalia balse aay yihiin kuwa meel iska dhigay difaaca qaranimada Somali iyo waajibaadka difaaca qaranka somali,sow ma aragtaan in Puntland tahay dowlad ka madaxbanaan Somalida inteeda kale.

Duubabkii ansixiyay qodobadaa sidee dalka,diinta iyo dadka loogu aamini karaa,maxeey u joogaan Muqdisho sow kuwa ku shaqeeya double moral standards maahan.

Teeyda anaa leh taadana kula lihi socn meeyso,Duubabka Puntland waa kuwii ku faraxsanaa duulaankii Xabashiga 2007 ee dalka Somali weli lama hayo mid ka damqaday dulaankii gumaadka la socday ee C/aahi Yusuf hormuudka ka ahaa,sidee loo aamina duligaa ???

Gumaadkii Muqdisho ee Ethiopianka qofkii ka damqan waayay miyeey kula tahay in aay ka naxayaan qaran ,dal iwm xaqiiqdii waa maya.

Kheyraadka dabiiciga ah iyo shirkadaha maalgashanaya iyo sida saamiga loo qeybsanaayo  Puntland waxaa aay ku cadyahay dastuurka Puntland oo sheegayo in Kheyraadka dabiiciga ah ee Puntland aay Puntland oo kaliya xaq u leedahay aanan marna soo hadal qaadin dowlad dhexe iwm sida oo ale dastuurka qabyo qoraalka ma cadeeynayo habqeeybsiga kheeyraadka dalka Somali si cad.

Qodobka 109aad - BANKIGA DHEXE

1. Bankiga Dhexe waa hay'ad Dawladeed Madaxbannaan, wuxuuna u xilsaaran yahay:

(b) Hirgelinta siyaasadda lacageed ee Xukuumadda.
(t) Daabicidda lacagta.
(j) Bankiga Dhexe waa Khasnadda Dawladda (Government Treasury).
(x) Oggolaanshaha shirkadaha maaliyadeed ee gaarka loo leeyahay.
(kh) Kormeeridda shirkadaha maaliyadeed ee gaarka ah iyo kuwa guud ee Puntland ka hawlgala.

1. Bankiga Dhexe waxaa hawlihiisa haga Guddi Maamul (Board of Directors) oo ka kooban toddoba (7) xubnood oo kala ah:

(b) Guddoomiyaha Bankiga Dhexe.
(t) Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda.
(j) Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Ganacsiga.

Duubabkii dhaqan geliyay dastuurka Puntland ee qodabadiisa kor xusan yihiin maxeey Muqdisho ka sameeynayaan sow ma qumana in dib loogu celiyo Puntland marba haddii aay goéen,xalaal iyo xaaraan waa la kala garanayaa balse teeyda anaa leh taadana kula lehi socn meeyso.

Kuwa xaqa rumeeyow noqda kuwa u istaaga darta Eebe oo ku marag kaca caddaalada yeeyna idinku xambaarin caro qoom in aaydan caddaalad falin ,caddaalada fala iyadaa u dhaw dhawrsashada Ilaah kana dhwrsada Ilaaheey Ilaah waa ogyahay waxa aad faleeysaan.

Halkas ayaad ka aragtaa in 4,5 wax la dhahaa aayan jirin balse umada aay tahay kuwa siman .  

Waxaan ku soo gaba gabeeynayaa tixdii cajiibka aheeyd ee uu tiriyay Cabdulle Raage:

Inta doqon fariid yahay, darajana qabiil tahay, dabaalna uu wax garad yahay,dambiilane garsoor yahay, dulmine xaqa ka mudan yahay, dablene janan ka adag yahay, in aan tiriyo deeleey dareenkeeyga ma ogola,  ( Waa erayadii abwaankii Cabdulle Raage Ilaah u naxariistee mar hada laga joogo kudhawaad 40 sanno)

Dr.Ali.A.Hirabe - Hirabe_a@hotmail.com




Maqaallo 27 October 2020 4:05

Qorshaha uu Trump ku doonayo in uu Ciidamadda Mareykanka ugala baxo Soomaaliya ayaa walwal ku abuuray xulufadda ku lugta leh dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, iyadoo laga codsaday Washington in ay dib uga fiirsato go'aankeeda.