Fariin: Dhamaan Wax Garadka & Dhalinyarada Puntland - By Cabdirashiid Soomaali

By Cabdirashiid Soomaali - Waxaan halkaan fariin uga dirayaa dhamaan Walaalaheyga ku nool Maamul Gobeleedka Puntland gaar ahaan wax garadka iyo Dhalinyarada.
Maqaallo Keydmedia Online

Sababtoo ah waa cidda kaliya ee sida gaarka ay u taabanayso dhaliila aan shaki ku jirin inay ka imanayaan Maamulka Talada haye ee Faroole uu horkacayo ha ahaato mid Idaacadaha la la istaago ama mid ka dhex guuxda gudaha Puntland sida maantaba Shuruudaha loogu xiray la shaqeynta DF ee cusub.

Hadaba fariin teydu waxay tahay intaan u gelin Puntland waxay ka mid tahay Dawlada iyo Shacabka Soomaaliyeed waxii lahelana way leeyihiin hadii la qadana waa ay laqdayaan ayadoo aan wax cuqdada iyo xumaana jirin ayadoo uu saa yahay dhaqankena suuban iyo is fahanka Siyaasaded ee soo jiray weligiiba.

Waxaa Sanadadii damba soo boodo ku noqday Siyaasada Soomaaliya Maamulka Faroole oo Puntland ku noqday kaligii taliye aan waxba lala wadaagin Siyaasada Dawlada Federalkana uu doonayo inuu sidaa oo kale uu ku noqdo asigoo aan wax faaiido u heyn Maamulka Puntland hadii uu Faroole wanaag la doonyo Puntaland laguha uma geliyeen Dilal qorsheysan iyo Burcadbadeed fida iyo caburinta Saxaafada xorta ah oo ah meesha laga hago ra,yiga guud ee bulshada si ay is bedel usameeyaan taa uu Faroole aad uga soo horjeedo.

Waxana uu  doonayaa inuu Maamulka Puntland ku sii Hogaamiyo bohoosha colaada iyo foowdada Siyaasadeed ee Soomaali ay kasii gudbeyso waxana uu u muuqdaa Diktaatori soo baxaya xili ay dunida kasii dhamaanayaan kuligood Taliyaasha waxana beryahaan aad loo hadlhaye muddo kororsiga uu sameystay asigoo doonaya inuu Seddex Sano oo dambe sii hogaamiyo Puntland kadibna ku wareejiyo inankiisa weyn ee Maxamad Faroole.

Maxamad Faroole ayaa oo hadaba Maamulo Puntland taloo taasi maxay dhaantaa waxay carab ka dhiidhiyeen ayagoo barwaaqeysan sideebey ugu dulqaadan doonan waxgaradka iyo dadka Puntland. 

Mar kale waxaan leeyahay sadbursiga uu Reer Puntland u iftiiminayo Faroole u jeed keeda wax kale ma ahan ee waa inay kajeestaan arimaha cakiran ee ka jira Puntland una jeediyo dawlada Federalka oo uu u tusayo dawlad ey waxba ku leheyn Reer Puntland hadii ay Raisalwasaare helin.

Hadaba waxaa la yaab leh mar hadii Sheekadu saa tahay maxay ku leeyihiin Dawlada beelaha dega Goballada dhexe kuwa dega Hiiraan kuwa dega Khaatumo kuwa dega Waqooyi kuwa dega Juboyinka kuwa Dega Shabeelada Hoose iyo weliba kuwa dega Bay iyo Bakool sababtoo ah fayeenka Barlamanka waa u hadlaha xubnaha Baarlamaanka waxa ay go'aamiyaan marka sida sharciga ah la raaco sida hadaba muuqata.

Walaalayaal miyeynan cadeyn in Faroole sedbursiga uu la doonayo Reer Puntland ay tahay mid xaqdaro ah aan waxbana u faa'iideyneyn Reer Puntland, waa Su'aale muxuu Cabdiweli Gaas u qabtay Puntland oo aan ahayn inuuJeebkiisa buuxsaday.

 Halka Puntland waxqabad keeda laga hagaajin karo waa Madaxtooyada Maamulka Puntland ma'ahan Xafiiska Raisalwasaaraha iyo Madaxtooyada Federalka mid kood Faroole waxa uu qaban waayay ayuu rabaa eedeeda inuu dusha u saaro Maamulka Dawlada ee cusub hadii aanay Reer Puntland ey wax ka helin Maamulkan cusub waxay qeyb Libaax leh ka heleen kuwii ka horeeyay kuwa soo socdana cidna uma xirna laakiin waxaa jira beelo aanan kuwii hore wax ka helin kuwa cusubna aan wax ka helin taana xisaabta halgu darsado.

Waxaa beryahaan soo noq noqotay weedha ah "Dawladuba Koofur ayey Noqotay" waa la yaabe Puntland miyeynan Koofurta soo raacin hadii laga hadlayo SOMALIA MAP oo dhameystiran hadii Waqooyi loo magacaabi lahaayna raisalwasaaraha waxaa qaadan lahaa beelaha Waqooyi dega tan kale reer koofurku waa layaqaan cida ay doonayeen balse Madaxweynuhu waxa uu soo doortay nin ayna shacabku garaneyn in badane ay hoosta kawada karah sanayaan jaceel ay u qabeen qofkii ay doonayeen gunaanadkii waxaan leeyahay hala wada samro hana la ga war sugo waxa ay qabtaan.

WAX GARADKA:

Wax Garadka Puntland waxaan lee yahay Masiirka Maamulka waxa uu ku xiran yahay sida aad u fikirtaan waxaa haboon inaad muruq iyo maal gelisaan sidii loo heshiisiin lahaa dadka gobolka wada dega ee Faroole uu u kala xaglinayo iyo kuwa gobalka deriska la ah ee colaada uu ka hurinayo Faroole.

Waxaa haboon in laga shaqeeyo sidii aad uga badbaadi la heydeen xukun kaligii talis ah oo ku soo fool leh waxaa idin saaran xil weyn oo ladoonayo inaad dadka reer Putland aad u sheegtaan macnaha isuku tanaasulka iyo Dawlad wadaaga waa inaad dadka tustaan sida aad u garab taagan tihiin dawlada Soomaaliya dadkuna ay idinku daydaan markaas si loo helo wadan iyo dad isku wada xiran markaa waxaa meesha ka baxaya aragtidii qalaf saneed ee Faroole waxana hubaal ah inuu sii maamuli karin Puntland mar hadey taa meesha ka baxdo wax garadka Puntland oo dhan waa inay ka dhabeeyaan si taa loo xaqiijiyo dal iyo dibadba.

DHALIN YARADA:

Bulsho waa dhalinyaro si taa loo helaa waa in dhalinyarada putland eey ku daysadaan asaagooda carbeed ee diiday dulmiga iyo kaligii taliska waxaana ognahay markii ay dhaceen kacdoonadii carabta ka dib waxaa meesha ka baxay dadkii walaalaha ahaay ee lakala qoqobi jiray sida masar iyo filstiin libya iyo tunis marooko iyo jasaair oo dhamaantood madaxdooda ay kala xanibi jireen cadaawadna ka dhex abuuri jireen si xukunkooda mar mar siyo u yeesho waana tan uu maanta soomaali ka dhex wado faroole dhalinyarada reer putland waxaad tihiin kuwii ay ahayd maanta inay hogaamiyaan puntland berina ay hogaamiyaan qarankooda hadii nasiibka saacido waa inaad meel is ka dhigtaan ereyada dhiilada xambaarsan ee faroole ku goodiyo waa inaad tiraahdaan maya!!! kursiga nooga deg anagaa xaq u leh maamulkeena tan kale goosashada uu faroole ku hadaaqo yey dhibeysaa dabcan waxay dhibeysaa jiilka cusub ee soo kacaya oo aan la dhaqmi karin mustaqbalka soomaalida kale sida maanta heysata dhalin yarada somaliland 

Dhalinyarooy Puntland iyo Soomaaliyaba adinkeey idin su geysaa ayadoo sidan ka wanaagsan oo aan cadawna idin hor taagneyn rabina idin garab taagan yahay ee aan sida faroole xabashi ku tiirsaneyn marka waxaa la idinka baahanyahay inaad bulshada runta u sheegtaan oo aad ka sifeysaan aragtida faroole iyo kuwa lam midka ah waa inaad tiraahdaan maya!!!

Soomaaliya maanta iyo berri midna ma ahan ee waa mustaqbbal furan oo na sugaaya.

Allow Soomaaliya noo dhowr

WQ: C/rashiid Soomaali

 




Maqaallo 19 October 2020 5:00

Warqadda Rai'sul Wasaare Maxamed Xussein Roble u diray Afarta Dowlad gobolleed ee Puntland, Jubbaland, Hirshabelle, Galmudug- ee taarikhdeeda tahay 17.10.2020, kuna saabsaneyd magacaabidda Xubnaha Guddiga hirgelinta doorashada heer federaal GHDHF 2020/2021, waxay abuurtay isweydiin badan: