Fiber Optic Iyo Soomaaliya

Cabdi - Fiber Optics waa Qadka Isku xira Isgaarsiinta Caalamiga ah oo Xawaare sare ku socda (fast), Codka, Muuqaal iyo Data, oo ay Dunida Maanta isticmaasho, fiber Optic-gu waxaa u jabinayaa Qiimaha isgaarsinta ee Soomaaliya kula xiriirto Aduunka intiisa kale.
Maqaallo Keydmedia Online

Koox Caalami  ah "International Consortion" ayaa ku heshiisay in Geeska Africa la gaarsiiyo Technology Cusub, maadama Africa aysan la jaan Qaadi karin Dalalka Horumaray Xag dhaqale & Siyasadba, laakin Kheyraadka & dadweynaha ku nool Africa aawgeed Muhim u tahay.

Waxa la go'ansaday in Badda Africa Hoosteeda la marsiiyo Fiber Optic, mida Geeska Africa maraya waxaa la yiraahdaa EASSY (East Africa Submarine System), waana xariga isku xiraya Dalalka Bariga Afrika, laga bilaabo Sudan ilaa Koofur Afrika - Baxada dhulkani waa 10,000 Km.

Horaa loo yiri Ninkii Seexdaa sicii dibi dhal. Mashruucaan wuxuu socday muddo 10 Sanno ah, waxaana ku baxay Billions oo Dollar, maantanah waa Gabo-gabo oo manfaceedi ayaa mardhow la maali doonaa.

Soomaaliya iyo Wadamo badan ayaa Isgaarsinta sida Telefoonada iyo Internetka waxaa ay u isticmasha Satellitka. Hadaba, Fiber optic-gu waxaa u jabanayaa Qiimaha isgaarsinta aan kula xiriirno Aduunka intiisa kale.

Dowladaha ugu Nasiib badan waa kuwa Xeebaha leh, oo ay fiiladu si fudud usoo gaari karto, isla markaana Dhaqaale ka heli karo markay u sii gudbiyaan Dalalka Jaarka la ah. Soomaaliya oo nasiib u yelatay Xeebta ugu dheer Africa, waxaa loo qoondeeyey in toos ugu gudbin karto Koofurta Ethiopia, South Sudan, Central Africa, Waqooyiga Kenya, Ugandha, ilaa iyo Kongo.. laakin Dalkeena Dagaal Sokeeye ayuu ku maqnaa, cid ku sugayso ma jirto, Kenya-Mombasa Line & Jabouti beri hore ayey bilaaben, waxayna isku dayeen in saamiga ee hawada ee Soomaaliya ka faa'ideystaan maqnaashaheeda, Jabuuti waxay siin mardhow "Line" Somaliland & Ethiopia, Kenya-Mombasa Line wuxuu siin doona Afrikada Bari, South Sudan, Ugandha, maxaa u haray line Somaliya kaliyah Suqyada Soomaaliya? Cajiib...

Muqdisho Line oo mar dhow hirgali doono, wuxu teegsan doonaa Sadbursiga Kenya iyo Jabuuti ay sameyeen, inuu dib u soo celin, sida ay dekadaheena u cuno qaboteyeen oo kale. Laakin Maanta u shaqeeyaan.

Fiber Optic Muxuu ku soo kordhin Dalka?

Haduu Ebo idmo, Iftinkii Aqoonta ayaa badweynta Hindiya inooga soo curan, naga filan nagana badan:

Shirkadaha isgarsiinta Barakaat iyo dhashii ka farcamtay, Hormud, SomaPhone, Golis, Nation shaqo wanaagsan ayey u qabteen umuda, runtii faa'iido xoogan way ka heleen hawada Somalia, sida xawaladahu ugu heleen faa'iido Bank services, inkastoo lagu dhaliilo Sanshur ma bixin & tagerida kooxaha xagjirka ah, taana iyagaa dadka ka saari karo tuhunka. Dowladihii KMG kaalintooda way gabeen, dowladii Abdulahi Yusuf Wasirkii Postada & Isgaarsiinta Jama Jengeli iyo wiil uu adeer u yahay Abdikarim Jama uu xilka ku wraeejiyey dowladii Shiikh Sharif ayaa lagu eedeeyaa inay lunsadeen Mallaayin Dollar International long distances u hayeen  area code 252 oo private Paris account lagu shubom ilaa iyo hadana ay qaataan. Yaa dabo galay? Wasirka Postada Dowlada Federalka Ciil-Moge Hirsi muxuu ka ogyahay arintaas iyo Fiberoptic?

Waxay ahaatabo Fiber Optic wuxuu Ummuda u soo kordhin doonaa Horumarkii Shirkadaha isgaarsiinta bilaabeen, inuu a waxqabadkoda 100% sii kordhiyo, anigoo tixraacayo sidii 10 Sano ka hor fiberoptic line wax kaga badalay Yurub, Mareyka & dunida, waxaa la arki doonaa:

1. Dhamaan gudaha Somali area code (252) telephonada free lagu wici doono, caburintii way dhamatay, Kard la xoqo dooni ma leh

2. Qarashka lagu waco dibadaha sida Kenya 254, Ethopia ama Caalamka oo aad u yaraan doono

3. Internet Lacag la'aan ah ama aad Raqiis u noqon doona

4. Iskuul Online ah, Jamacadaha online, Quraanka, Ingriis

5. Toos u Daawo Boqolaal TV

6. Toos Video Conference Reerkada ula hadal meel kastoo ka joogaan dunida

7. Isgaarsiinta Shirkadaha ayaa wax badan isbadali doona  

8. Qof walba oo Macluumaad helo kara.

Dhibatada ka Iman karto Fiber-optic?

Tuugao badan oo Online dadka ku dhaco, kuwa caruurta ugaarsado, online sex, drugs, khamri, qamaar, & wixii xunba, taa waxaa iigaga daran kuwa sida qaabka jahilnimo u isticmalo internetka tusaale wadaad xume, qabqable qabiil, kooxaha argagixisada, kuwa xagjirka ah, iwm.

Waxaa oo idil waxaa ka badan faa'iidad uu keeni doono, dowlada Somalia waa in ay sii tababarto Police la dagaalamo waxa loo yaqaan Cyber Crime ama danbiyada internetka lagu galo oo dunida ku soo xoogeysan.

Dowladdu waa in ay diiwaan geliso canshurna ka qaato Shirkadaha mamumala Isgaarsiinta Cusub, waa arin u bahan in Gacanta lagu hayo, hadii kale Dariiqa ayey ka bixi doontaa.

Waan in Gobolada Jubooyinka, Bay, Central oo aad kaga danbeeyo Puntland & Somaliland lala wadaago kheyraadka dalka ee la aruursanyo, Technology cusub wax weyn ka bedeli doontaa. Waxaa ii muqda Fiberoptic inuu Somaliland & Jabouti, isku soo xiro, ka dibna Somalia, waayo bahida loo qabo business ayaa inaga baaxad weyn, Human resource, dad shaqeeyo, ama consumer ah, waxay joogaan Kofurta somalia, Qaxootiga Kenya jooga ayaa dalka lagu soo celin doonaa, sadaashii aan sanad ka hor Keydmedia ku Qoray "Kismayo the new Jourisalaam of Somalia" Manta mamulka Juba dhabahaa ayuu ku socdaa.

Salaam,

Warbixintaan waxaa Qoray: Cabdi - "Ila Tali Walaal"




Maqaallo 22 February 2021 13:48

Dowladda uu waqtigeedu dhamaaday ee Farmaajo hoggaamiyo ayaa 19/2/2021, magaalada Muqdisho galisay qalalaasihii ugu xoogganaa oo nuuciisa oo kale aan taariikhda la warin, waxayna joojiyeen mudaharaad nabadeed oo ay ku dhawaaqeen Golaha Midowga Musharixiinta.