Taagerada BFS ee heshiisksa siyaasadeed ee ku saabsan doorashada dadban 20/21

Falanqeyn Keydmedia Online

Barlamaanka Federaalka Soomaaliya (BFS) oo ka kooban Golaha Shacbiga iyo Aqalka Sare wuxuu Shalay oo ah 26ka Sebtember 2020 siiyay cod kalsooni iyo taagero ah heshiiskii siyaasadeed ee Madaxweynaha DF iyo Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada (DG) Xubnaha ka ah DF ay gaareen 17 Setember 2020, kuna saabsana hannaanka doorashada dadban 2020/2021.

Taagerada BFS ee heshiisksa siyaasadeed ee ku saabsan doorashada dadban 20/21

Dooda Barlamaanka ma dheereyn, waxaana si deg deg ah cod loogu qaaday heshiiska oo ay oggolaadeen 252 Xildhibaan, waxaa diiday 2 Xildhibaan, waxaa ka aamusay 1 Xildhibaan.

Dhawr arrimood oo laga soo jeediyay kalfadhiga labada Aqal ee BFS ama ku qoran heshiiska waxay u baahan yihiin wax ka dhihid.

1. Gudd ahaan heshiiska siyaasadeed wuxuu dhigaya doorasho dadban oo xor iyo xalaal ah, daahfuran, loo dhan yahay. Sida darted, waxaa laga marmaan ah in Dowladda Federaalka , Dowlad Goboleedyada, Siyaasiinta Xisbiyada, Aqoonyahannada Cilmiga doorashada inay iska kaashadaan dejinta habraaca xaqiijinaya in doorashada dadban ee 2020/2021 buuxiso shuruudaha laga rabo.

2. Xildhibaan Cabdiraxman Odawa wuxuu sheegay in Madaxweynaha JFS Maxamed Cabdullaahi Farmajo heshiiska soo raaciyay qoraal uu ku caddeynayo in dalka aysan ka dhici karin doorasho Hal Qof iyo Hal Cod (HQHC), kana codsanayo in la oggolaado heshiiska ku saabsan doorashda dadban. Muwaadin kasta oo mas'uul ah waa u muuqatay laba sano ka hor in doorasho HQHC aysan ka dhici karin Soomaaliya 2020, haseyeeshe Madaxweyne Farmajo ayaa goostay xeelad siyaasadeed ahaan in doorashada HQHC ka dhigto gabbaad uu ku gorgortamo si uu u helo waqti kororsi aan sharci aheyn iyo gacan ku haynta maamulka doorashada federaalka.

3. Xildhibaan Maxamed Sheikh Cosman Jawaari wuxuu taageray oggolaanshaha heshiiska, wuxuuna tilmaamay in shaqo badan dhimmaan tahay. Haseyeeshe Xildhibaan Jawaari wuxuu ka dhawaajiyay arrin khilaafsan sarreynta dastuurka iyo sharciyadda (legitimacy) dowladnimada Soomaaliya oo ah in haddii mudda xileedka 4 sano ah ee BFS dhammaado uu si shaqeynayo ilaa barlamaanka kale laga dhaarinayo si looga hortago inay dhacdo firaaqo barlamaan la'aan.

Ra'yigaas wuxuu dhiirrigelinaya in la abuuro dhaqan iyo hagardaamo xilgudasho la'aan si loo helo waqti kororsi ama waqti dheereysi aan sharciga waafaqsaneyn ee hay'ad kasta oo leh muddo xileed go'aan. Dastuurka DF wuxuu dhigaya sarreynta sharciga taaso macnaheedu yahay inaan lagu xadgudbin muddo xileedka dastuurka ama sharciga gooyo. Oggolanshaha qodobka oggolaanaya jiritaanka BFS dhammadka muddo xileedkiisa kaddib wuxuu jideynaya in hay'adaha kale ee dowladdana helaan muddo dheereysi. Waa marmarsiinyo lagu abuurayo waqti kororsi. Madaxweynaha DF, Madaxweynayaasha DG, iyo xoogagga siyaasadda ayaa mas'uul ka ah inay doorasho kasta ku dhacdo waqtigeeda loogu talagalay, oo aan marna la oggolaan ku xadgudubka waqtiga go'an ee hay'ad dowladeed loogu tala galay. Ilaalinta dhammaadka muddo xileedka waxay ka mid tahay dhaarta uu marayo qofka mas'uulka.

4. Xildhibaan Jawaari wuxuu kaloo soo jeediyay dhismaha guddiyo xalliya khilaafaadka doorashada dadban iyo habraaca loo adeegsanayo xallinta khilaafaadka oo dhaqangelintiisa sugan tahay. Qodobkaan wuxuu taageraya xaqiijinta doorasho xor iyo xalaal ah.

5. Xildhibaan ayaa soo jeediyay in tirada codbixiyayaasha laga dhigo 51 sababtoo ah in beelaha qaarkood aysan ka heli karin goobta doorashada tirada codbixiyayaasha 101 qof ah. Waxaa muhiim ah in DF, DG, iyo deeqbixiyayaasha xil gaar ah iska saaran in codbixiyayaasha noqdaan dad ka madaxbannaan musharrixiinta iyo taagerayaashooda marka la soo xulo kaddib. Arrinta codbixiyayaasha waa xasaasi, waxayna u baahan tahay dib u eegid xeeldheer si loo helo doorasho xalaal ah. Odayaasha dhaqanka beelaha ayaa mas'uul ka noqonaya soo xulidda iyo soo gudbinta magacyada codbixiyayaasha kuraasta beesha, kuris kasta goonidiisa ayagoo raacaya shuruudo ku saabsan caddaaladda, ka madaxbannaanshaha kooxaha xagjirka ah, xiriir sokeeye gaar ah, haysashada kalsoonida dadka uu matalyo, laheyn dhalliilo mujtamaca iyo hay'adaha amniga la socdaan. Doorka bulshada ra'yidka wuxuu noqonaya inay ra'yi madaxbannaan ka bixiyaan hannaanka xulashada codbixiyayaasha inta aan la guda gelin xulashada iyo marka la soo gudbiyo liiska codbixiyayaasha si loo hubiyo haddii ay jiraan cillado u baahan saxitaan. Bulshada Ra'yidka waxay leedahay habraac ay ku xaqiijin karto hufnaanta iyo daahfurnaanta doorashada. Doorka guddiga doorashada DG iyo kan DF wuxuu noqonaya diiwaan gelinta, taakuleynta iyo tababarka codbixiyayaasha, la dagaalanka laalush iyo musuqmaasuqa codbixiyayaasha, iyo maamulka codbixinta. Waa in Miisaaniyadda doorashada lagu daro madax gaar u ah codbixiyayaasha loona qoondeeyo ilaa $15 milyan doolar.

6. Dhalliilaha doorashadii dadbaneyd ee 2016 waa diiwan gashan yihiin. Sidaa darted, Madasha DF iyo DG waxaa laga sugaya inay ansixiyaan xeerar tifaftiran ee loo raacayo hirgelinta doorashada dadban ee 2020/2021 ee BF, iyo ka hortagga dhalliilahaas. Waxaa muhiim ah in si deg deg ah la caddeeyo habraaca lagu xallinayo khilaafaadka iyo dacwadaha la xiriira doraashada si dhaqso ah, daahfuran, iyo caadil ah.

7. Eedaha dhalliilaha doorashadii dadbaneyd 2016 waxaa iska lahaa Madaxweynayaashii DG, Guddiyadii doorashada, iyo guddigii xallinta khilaafaadka oo cadaalo-darro iyo foolxumooyin badan ku kacay, taaso Soomaaliya u soo jiitay sumcad xumo meel kasta gaartay iyo kalsooni la'aan dowladda. Sidaa darted, waxaa laga maarmaan ah in Madaxweynayaasha DG iyo Guddiyada aysan dadka iyo dalka Soomaaliyeed u soo jiidin mar kale fadeexadii doorashadii 2016.

8. Musharrixiinta Aqalka Sare ee 2016 waxaa soo jeedinayay Madaxweynayaasha DG waxaana dooranayay Barlmaannada DG. Waxaa talo ah in la hormariyo doorashada xildhibannada Aqalka Sare, dhammaan codbixiyayaasha beesha loo asteeyay kuraasta Xildhibannada Golaha Shacbiga ay doortaan Xildhibaanka Aqalka Sare iyo musharrixiintana u tartami karaan.

9. Doorashada 2020/2021 waa badbaada dowladnimada Soomaaliya. DG waxay yihiin hirgeliyayaasha doorasho kasta ee her federal, her DG, iyo her dowladaha hoose. Sida darted, waxaa muhiim ah inay muujiyaan dadaal, hufnaan, daafhurnaan, garsoor lagu kalsoon yahay, iyo maamul wanaagga doorashooyinka.

10. Waxaa yididiilo ah in heshiiska siyaasadeed lagu daray qodob si gaar ah u taageraya kaalinta warbaahinta xorta ah, loona baahan yahay in warhaabinta u tabaabusheysato gudashada xilkaas, isla markaana DF iyo DG ay tixgeliyaan wax ka qabashada dhalliilaha warhaabinta.

Dr. Maxamud M Culusow

Maqaallo 11 September 2020 15:57

Khudbadihii Madaxweynayaasha dowlad goboleedyada Galmudug, Koofur Galbeed, iyo Hirshabelle ka jeediyeen Shirka ka dhacay Baydhabo 9.9.2020 waxay ahaayeen khudbado lagu muujinayo burburka heshiiskii dhusamareb-1, kala qaybsanaanta dowlad goboleedyada, iyo fashilka hadafka asaasiga ah iyo guulaha gogosha dhusamareb.