London: Geesi Soomaaliyeed oo Booliska Ingriiska badbaadshay

Keydmedia Online — Maxamed Cabdullahi Gaagaale oo dagan Degmada West Norwood ee Magaalada London Dalka UK ayaa Madaxda Booliska London, UK waxey gudoonsiiyeen Abaalmarin & Shahaaddo Sharafta Geesinimo oo uu ku muteystay Badbaadinta Nolosha Askari British ah.
Maqaallo Keydmedia Online
London: Geesi Soomaaliyeed oo Booliska Ingriiska badbaadshay

Dhacdadaan Geesinimadda Sharaftu ku dheehantahay ee uu u soo hooyay Mudane Maxamed Cabdullahi Gaagaale inta Wanaagsa Jecel, gaar ahaan Magaca Soomaaliyeed ayaa waxey ka dhacday 24tii Bishii September Degmada South Kensignton ee Magaalada London, waxaana loo sameeyay Xaflad lagu maamuusayay guddoonsiinta Shahaaddo Sharaf oo ah Abaalmarinta ugu sareysa ee uu bixiyo Booliska UK.

Maxamed oo ah Milkile Shirkad Taxi ayaa Galab, saacadu markey aheyd Saddexdii Galabnimo ee 24tii Septemberii lasoo dhaafay ayaa si lama filaan ah wuxuu marayay Xaafad ku taala London oo la yiraado  South Kensignton Station. Waxeyna indhihiisi qabteen Nin dilaya Askari ka tirsan Booliska Degmada, Feer iyo haraati la dhacaya ka dibna Ceego ku dhagay.

Maxamed oo Keydmedia Online uga sheekeynaya Dhacadada ayaa yiri "Askarigu wax dhaqdhaqaaq ah ma laheeyn, Dariiqu waa Dariiq Saxmad badan, Dadkuna way farabadanyihiin, weyna daawanayaan," - Maxamed wuu rumeysan waayay Indhihiisi, waxeyna la noqotay in uu Daawanayo Filim, marlabaadna wuxuu lasii yaabay in Dadku aysan laheyn Diir danqada iyo dareen toona.

Maxamed damiirkiisi waa siin waayay in uu Daawade ku ekaado, Taxigii buu kaso dagay, Ninkii ayuuna isku dayay in uu qabto hase ahaatee Ninkii Feer ayuu lasoo booday, Maxamed Labadiisi Gacmood ayuu Gacan ku dhigay oo uu iskugu geeyay, Ninkii buu kala maroojiyay, dhulka ayuuna xabadka u dhigay, asagoo ku dulfadhiya oo u diidan Dhaqdhaqaaq ayaa Askarigii Naftii kusoo noqotay makaasuu ayuu jeebadii Suunka ka furay oo uu ku jabiyay Labadii Gacmood Daalinka.

Maxamed Gaagaale oo la gudoonsiiyay AbaalmarinMaxamed Gaagaale oo la gudoonsiiyay Abaalmarin London

Askarigaan ayaa Maxamed Isku duubay, oo si qarow ah oo uu rumeysan la'yahay ugu Mahadceliyay "Askarigii wuu rumeysan waayay wixii dhacay" Ayuu yiri Maxamed.

Kadib baa waxaa la ogaanayaa Ninka Askariga dilay oo uu Maxamed dhulka dhigay in uu ahaan Feeryahan la yaqaan (Ex Professional Boxer). Dadkii oo Maxamed uu Sacabiyey, ayaa waxey leeyihiin ayagoo Farta ku fiiqaya Maxamed, haduusan Ninkaan meesha soo mari laheen, Askarigu wuu dhiman lahaa.

Geesigaan Soomaaliyeed 'Hero' ayaa wuxuu Dalka Ingriiska ku yimid Ardaynimo sita Deeq Waxbarasho Sanadkii 1989. Maxamed waxuu ku dhashay Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan, waana Aabe Xaas iyo Saddex Caruur ah leh.

Dhacdadaan uu Geesigaan Soomaaliyeed ku badbaadiyay Nolosha Nin Askari ayaa waxey noqotay mid ka hadal siisa Bulshada London ku nool kuwaas oo Caadeystay in aysan Geesaha fiirin, isku hiilin, iskuna marag furin sidaa daraadeed ayaa dhacdadaan waxaa ka fariistay Gudigga London Metropolitan Reward and Recognition Panel waxeyna go'aamiyeen in Maxamed lagu daro Masraxa Geesiyaalka Boqortooyada Britan.

Maxamed Gaagaale iyo Qoyskiisa

Waayahaan dambe Magaca Soomaaliyeed Nasiibkiisu ma fiicneen. Dad baa dhaamay, oo waa la dhiiqeeyay.

Waxaa la arkay Seef labood Diinta si xun u isticmaalay oo Soomaali kula sheeganaya, kooxo Dadka furta oo Dariiqa u gala Magac Soomaaliyeed-na sheeganaya, Dumar Jirkooda ka Ganacsada oo Magaca kula wadaaga, Xabsiyadda Ingriiska oo ay ka buuxaan Ragg iyo Dumar ayaguna magaca Soomaaliyeed kula wadaaga.

Ficilkaan suuban ee uu fuliyay Maxamed Cabdullahi Gaagaale waa Sharaf u soo hoyatay dhamaan Bulshada Soomaaliyeed ee Wanaaga Jecel.

Keydmedia Online - London




Maqaallo 27 October 2020 4:05

Qorshaha uu Trump ku doonayo in uu Ciidamadda Mareykanka ugala baxo Soomaaliya ayaa walwal ku abuuray xulufadda ku lugta leh dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, iyadoo laga codsaday Washington in ay dib uga fiirsato go'aankeeda.