G. Banaadir xalaaleeyn buu u baahanyahay!

C/Qaadir Maxamed Cismaan, “Cabdiboqor” - Salaanta Islaamka kabacdi, Qormadu waxeey dulmar yar ku sameeyndoontaa taariikhda mugga leh ee magaalada Muqdisho oo kooban, iyo deegaan ahaan sida loo dago, balse waxey xoogga saari doontaa Sad-Bursiga, Cadaalad-Darrada Qabyaaladeed iyo Eexda-Qabiil ee indho-la’aanta ah ee lagu hayo beelaha kalee gobolka wax kadaga...
Maqaallo Keydmedia Online
G. Banaadir xalaaleeyn buu u baahanyahay!

Sidaan kor kusoo xusay, waxaan xoogga saari doonaa Sad-Bursiga, Cadaalad-Darrada Qabyaaladeed iyo Eexda-Qabiil ee indho-la’aanta ah ee lagu hayo beelaha kalee gobolka wax kadaga markasta oo lamagacaabayo jagooyinka ugu muhiimsan ee Gobolka Banaadir iyo Magaalada Muqdisho, haba ugu sii darnaatee qaabka hadda uu Madaxweyne Xassan Sheikh Maxamuud wax usoo magacaabay’e.

Waxaan tilmaami doonnaa waxa ka khaldan ee sixidda u baahan, iyo waxa jagooyinka kala ah: Gudoomiyaha Gobolka Banaadir iyo tan Duqa Magaalada Muqdisho loo kala qaadi la’yahay, ee markasta halka nin ee halka Juffo kasoo jeeda loogu wada dhoobo. Ugu dambeeyna waxaan kusoo gabagabeeyndoonnaa talabixin ku aadan sida xalka dhabta ah iyo cadaalada gobolka iyo tan magaalada Muqdishabaeey ku wada jiraan, ee ka bogasho wacan.

TAARIIKHDA MAGAALADA MUQDISHO OO KOOBAN

Aan ku billoowno’e magaalada Muqdisho sida Maraajicda Taariikhda iyo Taariikhyahannaduba in badan qoreen, waxeey hore u laheyd magacyo kala duwan inta aaneey qaaadan magaca eey ku caanbaxdey ee Muqdisho. Waxaa horey loo dhihi jirey: Xamar Weeyne, Xamar Cade, Xamar Jajab, iyo Xamar. Qarnigii 1-aad ayaa Diinta Islaamku soo gaartey. Waxeey taariikhdu sheegeeysaa in 77-dii Hijriyadii uu  Khaliifkii la oran jirey Cabdiweli bin Marwaan uu usoo direy Muslimiin Diinta ku dhex oogta. Qarnigii 4-aad ee Miilaadiyada magaaladu waxeey aheyd xarun iyo magaalo weyn oo jirta. Waxeey Magaalada Xamar ku soo caan baxdey sadex arin oo muhiimad gaar ahna siisey sida:

1- In magaalada Xamar eey aheyd xarun Diinneed oo Diinta Islaamka barashadeed loosoo doonanjirey, lagana faafinjirey. Sidaana waxaa looga dhisey Masaajidyo taariikhi ah  sida: Arbaca-Rukun, Masaajidka Xamar-Weyne, oo taariikhdu leedahay waxaa la dhisey qarnigii 6-aad ee Hijriyada, qaarna ka hore ayeeyba sheegayaan. Waxeey ka koobneyd 6-Tuulo oo mashaa’ikh eey ka kala talinjireen, ugu dambeeyna isku biirey iyagoo sameeystey Gole Wadatashi.

2- In magaalada Xamar ahaan jirtey xarun Ganacsi oo caalamka meelo ka mid ah Dooman loogaga imaanjirey, iyadoo badeecooyin kala duwana wadamadaa looga keeni jirey, halka  iyana sidoo kale wadamadaa badeecooyin looga qaadi jirey magaalada Xamar.

3- In magaaladu ahmiyad gaar ahna ku heshey in eey ku taalley meel aad muhiim Aduunka ugu aheyd (Strategic location) oo la isaga gooshi jirey Hindiya, Yurub iyo Bariga Africa, gaar ahaan inta aan la qodin Kannaalkii Suweys. Muhiimada eey laheyd meesha eey dhacdo Magaalada darteed ayaa xiliyo kala duwan waxeey aheyd xarun, sida xilligii Isticmaarka Talyaaniga oo eey sandhig dhinaca Koonfureed oo dhami u aheyd. Waxaa sidoo kale jirta in 1950-yadii xiligii ku meel gaarka Sal-Dhig aheyd, waa inta aan si rasmi ah looga dhigin Caasimad’e.

Magaalada Muqdhisho waxaa hal meel la ga wada xukumi jirey Malindi, Laamo, Baata, Baraawe iyo Zanzibaar oo xarun uwada aheyd.  Gumeystihii Talyaanigii ayaa qarnigii 18-aad biloowgiisi kala wareegey Boqortooyadii Siciid Barqash, isagoo siiyey aduun dhama markaa 40,000 Ruppi, una ballanqaadey in uu sanadkastana siindoono.

Waxaa muhiim ah in la xuso in uu yimid taariikhyahankii caanka ahaa ee Ibnu Badhuuda qarnigii 13-aad. Wuxuu sheegey dadkii maamulayey, iyo kuwii kusoo dhaweeynayeyba, sida taariikhyanno farabadaniba u sheegayaan iyagoo Sadex Beel maraajicdu eey markasta kusoo noqnoqoneeyso, kuwasoo kala ah: Beelaha Mudulood, beelahav Murusade, iyo beelaha reer Banaadiriga, inkastoo hadadanba Soomaalidu kawada dharagsantahay oo cidkastaba qireeyso taa.

MEESHA SARTU KA QURUNSANTAHAY MAAMULLA GOBOLKA BANAADIR

Aqrkistoow, marka laga soo tago Faqriga, iyo  Jahliga aadka u baahsan ee guud ahaan Ummadeena ku habsadey,  hadana arinta dhabta ah ee  kala geysey dadkeena, maantana ay usii kala fogaanayaan,  oo xaqiiqdii dalku uu ka dagi la’yahay waa: Sad-Bursi, Cadaalad-Darro Qabyaalad iyo Eex-Qabiil oo indho-la’aan ah,  tasoo keeneeysa in dadkii walaalaha ahaa, ee dad iyo deegaanba wadaagayey, ee la isu soo dhaweynlahaa sii kala gofaadaan, misana aaneey is aaminin, oo aaney wada shaqeeyn, dan guudna aaney wada ilaashan, taasoo cadowgooda u fududeeysa in uu kala qeeybiyo, iyagoo is heeystana uu kor ka wada heeysto sidaana kuwada xukumo (Divide and Rule), waa sida hadaba dhab ahaan ina wada heysato’e.

Walaalahaa Soomaaliyeed ee Sad-Bursiga iyo Eexda qabiil lagu sameeyey waxeey dareensiisaa in xaqooqdii la duudsiiyey, wax eey wax kalahaayeena laga leexsadey, Dulmi cadna lagula kacay. Xaqiiqdii waa dhab ahaan waxa maanta ummad badan oo Gobolka Banaadir iyo Caasimada dalaka ee Muqdisho deegaankoodu yahay ay dareemayaan, marka aad si dhab ah u eegto qaabka loo magacaabo markasta madaxda maamulka Gobolka Banaadir, xiliganba ha ugu sii darnaatee.

Hees Soomaali ah baa dhaheeysa:

“Sidan waan naqaannaa, Siddanna weynu garannaa,
Hadeey gacantu saa tahay , Sir bay cidhib ku leedahay”.

In deegaan iyo beelo wax lagu qeeybsado waa la arkey. Cod iyo One-Man-One-Vote-na Allaah ayaan ka rajeeyneeynaa, waxa kasoo harase ee Sad-Bursiga, Cadaalad-Darrada Qabyaaladeed, Eexda-Qabiil ee indho-la’aanta ah iyo wax lagula leeyahay is xijin iyo isku wada qaadashada wax macquul ah, sax iyo maangal toona ah ma aha.

Sida caadiga iska ah, ee gobollada kalaba reeraha Soomaaliyeed u kala dagaan, ayaa Gobolka Banaadir-na asal ahaan ama taariikhiyan waxaa deegaan ahaan u daga sadex Beelood oo Soomaaliyeed, asalna lagu wada yaqaanney “Indigenous people”. Sadexdaasi waxeey kala yihiin: beelaha Mudulood, beelahav Murusade/Karanle/Sadex iyo Sagaal-Hadba sida aad u taqaan- iyo beelaha reer Banaadiriga.  Iyagaa ayaa loogu yimid oo deegaankooda rasmiga ahi uu yahay.

Walibana marka laga soo tago in eey beelahaasi wada daganyihiin sida Soomaalida kaleba hada u dagtey, labada beelood ee kala ah: Mudulood, iyo Murusade waxeey keenaan Xaabada iyo Caanaha Gobolka iyo Magaalada Muqdishaba, taasoo muhiimad gaar ah usii leh lahaanshaha deeqaan, waloow Soomaaliduba la wada socoto.

Xaqu wuxuu ahaa in marka la magacaabayo madaxda maamulka Gobolka Banaadir iyo kuwa magaalada Muqdisho eey si xaqiiqdaa ka turjumeeysa oo waafaqsan uga wada muuqdaan iyada oo aan cidna la dulmineyn. Waxaa sidoo kale muhiim ah in reeraha kalee walaalahood ah ee gadaashood wax kasoo dagay gobolka, maantana aad tiradooda ugu badan tahay iyana kaalin mug leh lagasiiyo marka la magacaabayo jagooyinka maamulka Gobolka Banaadir iyo kuwa magaalada Muqdisho.

Nasiibdarro! Madaxweyne Xassan Sh. Maxamuud wuxuu gartey in uu isugu daro, oo uu ku wada dhoobo  General Xasan Maxamed Xuseen “Muungaab” oo dabcan ay kaasoo wada jeedaan hal juffo Jagooyinka kala ah: Gudoomiyana Gobolka Banaadir, tii Duqa magaalada Muqdisho, iyo waliba jagadii Gudoomiye kuxigeenkii Gobolka Banaadir ee dhanka Ammniga oo uu hayey Mas’uul kaloo reero kale kasoojeeday. “Waa ka daroo Dibi dhal!” Iyadoo uu Madaxweyne Xassan ka dharagsanyahay taariikhda deegaaneed ee gobolk,a balse uu ka doorbidey Sad-Bursigaa, Eexdaa-Qabiil ee indho-la’aanta ah iyo Cadaalad-Darradaa Qabyaaladeed ee uu juffadiisa hoose ugu xaglinayo.

SIDA XALKA DHABTA AHI EE GOBOLKA BANAADIR UU KU JIRO

1- Horaa loo yiri “Sadaqo gurigaada ayey ka bilaabataa”. Madaxweyne Xassan Sheikh Maxamuud ileyn waa Madaxweynaha Dalka oo dhame, waa in uu usoo jeestaa cadaallada dhabta ah, ileyn ruux deegaankii uu kasoo jeedey reerihii walaalaha ahaa ee wada daganaaba  cadaallad darro kula kacaya, magarankarayo waxa Soomaaliweyn cadaalad uga filankarto, oo habayaraatee eey uga rajeeynkareeyso.

2- Waa in si degdeg ah loo kala qaadaa jagooyinkaa Gen. Muun-Gaab uu ku wada dhoobey sidii nin kaligii nool. Jagooyinkaa oo kala ah: Gudoomiyaha Gobolka Banaadir, Duqa magaalada Muqdisho, Gudoomiye kuxigeenkii Gobolka Banaadir ee Dhanka Ammniga……… IWM.

3- Waa in Madaxweynuhu inta meel iska dhigo Quursiga qaawan ee uu Beeshiisa ku horboodayo uu ku dadaalo in la helo Xaq-Soor, taasoo asalkeedu yahay in beelahaa wada daga gobolka, wada leh ama loogu wada yimid sida: Mudulood, Beelaha reer Banaadiriga iyo beelaha Murusade ee sida xaqa ah eey tahay in eey u qabtaan jagooyinkaa si la mid ah sida eey uqabtaan “Markasta” kuwan lagu koobey, si looga gudbo Sad-Bursiga, Cadaalad-Darrada Qabyaaladeed iyo Eexda-Qabiil ee indho-la’aanta ah, ee aan danta u aheyn gobolka banaadir oo ah xarunta iyo miraayada Dalkoo idil. Weey kala duwantahay marka gobol lawada leeyahay danahiisa la isu garabsanayo “Hiil & Hooba” iyo marka loo wada shaqeeynayo reer jagooyinka Gobolka ugu muhiimsanaa oo dhan isku koobey oo isku wada gaaryeeley “Monopoly of Power”.

4- Ugu dambeyna, waa in beelahaa gobolka Banaadir kuwada dulman iyagoo isku duuban eey arintaa kawada dhiidhiyaan dhamaan: Madax-Dhaqameedyadooda, Madaxdooda Siyaasada, Aqoonyahankooda, Ganacsatadooda, Siyaasiyoontooda, Culumaa’uddiinkooda, Dhalinyaradooda, Haweenkooda iyo waliba guud ahaan dhamaan Soomaalida cadaalada jecel ee kala jooga dal iyo Dibadba, sidii arintaa wax looga badali lahaa dadaal dheer iyo waqtiba loo galinlahaa. Hadaan arintan si dhab ah loogu istaagin sideeda ayey ahaaneeysaa waligeed, oo wax isbadal ah ma imaanayaan.

GUNAANAD

Waa xaqiiq in dowladani aaneey ubaahneyn mucaarad kaloo horleh oo loosii abuuro, iyadoo waliba laga maarmi karo, maxaayeeley waxaa badan inta ku mucaaradsan dowladoo dhan Isir-Naceybka Madaxweyne Xassan, iyo maxaan kaaga weeyney Sab-Bursigii aan guud ahaan Soomaaliweyn uga baranney ee caadada inoo ahaa Abid.

Madaxweyne Xassan-se waxaan ka rajeeyneynaa in uu uhiiliyo cadaalada gobolka. Talooyinkaa wax ku oolka ahna uu qaato. Isbadalkaa haboon ee laga sugayana degdeg ula yimaado.

Allahuma Ballaqtu.

C/Qaadir Maxamed Cismaan, “Cabdiboqor”


Qoraalkaan waxaa Qoray: C/Qaadir Maxamed Cismaan, “Cabdiboqor”, Malaysia, waana Bare/Macallin Jaamacadeed. Qeeybta Maamulka iyo Dhaqaalaha Jaamacadda Al-Madinah International University, Malaysia, Sidoo kale waa Maamule ku xigeen Qeeybta Maamulka iyo Dhaqaalaha, waxaana kala xiriiri kartaa E-Mailkaan: Abdulkadirphd@hotmail.com | Qoraalkaan waxaa dib u eegay Xafiiska Keydmedia Online ee Nairobi




Maqaallo 19 October 2020 5:00

Warqadda Rai'sul Wasaare Maxamed Xussein Roble u diray Afarta Dowlad gobolleed ee Puntland, Jubbaland, Hirshabelle, Galmudug- ee taarikhdeeda tahay 17.10.2020, kuna saabsaneyd magacaabidda Xubnaha Guddiga hirgelinta doorashada heer federaal GHDHF 2020/2021, waxay abuurtay isweydiin badan: