Godane Inta u duceysay & Inta Habaartay!

Keydmedia Online — Su'aallihii aan Shalay idiin soo gudbinay oo Ciwaankoodu ahaa » Godane: Yaa ka naxay, yaa ku farxay? «, waxaa nasoo gaaray 10.643 Jawaabo oo E-Mail iyo Fariimo Facebook kala ah, waxaana idiin soo xulnay Qaar kamid ah.
Maqaallo Keydmedia Online
Godane Inta u duceysay & Inta Habaartay!

Jawaabaha badankood waxay noogu yimaadeen dhanka E-Mail, maadaama aan akhristeyaasheena ka codsanay in ay noogu soo Jawaabaan dhanka boostada Elektroonikada.

Hadaba marba hadii aan kuligood lasoo wada tixi karin, waxaan idiin soo qaadnay Kunkiiba Hal Jawaab si aad Ra’yi uga qaadataan dareenka iyo fikradaha ay Dadku ka heysteen gaar ahaan Ina Godane guud ahaan Kooxda Al-Shabaab.

Waa kuwaan Fikradihii aan idiin soo xulnay:

Ayaan: "Waxey dileen Bin Laden, ayagoo rajakaqaba in Al-Qaacida burburta, waxaana meeshaas kasoo baxay Argagixiso ka daran oo ah ISIS. Waxey dileen Ceeyroow, waxaana booskiisa booxiyay Godane oo kasii daray. Hada waxey dileen Godane, maxaa isbadalaya? Ma aanan baran miyaa in Hogaamiye la dilo aysan waxba tareyn, meeshasna kasoo baxeyso kuwo ka daran? Godane wuxuu dilay Hooyadey, wuxuu dilay Adeerkeyga, laakiin waxaan aaminsanahay in Niman ka xoog badan ay fadhiyan daha gashahiisa. Illahey haka abaalmariyo wuxuu qoyskeyga iyo ummada u gestay"


Faarax Cilmi, oo kunool Dalka Mareykanka: "Godane wuxuu ahaa Argagixiye, waa Gaal. Qof Muslim ah Argagixiyo ma noqon karo. Waa qaatil dilay dad kor u dhaafaya boqol kun, Illahey cadaabtii jahnama haku rido asaga iyo inta raaliga ka ah oo maanta u booyesa'


Axmed Kadiye: Axmed Godane in uu Masraxa Soomaaliyeed ka baxay? "Waxaan u arkaa arin aad u wanaagsan oo mar hore la wada sugaayay, in uu Masraxa Soomaaliyeed ka baxay Godane, waayo dhib weyn ayuu ku ahaa dalka iyo dadkaba"

Soomaali ma u darnaa oo Dillaa Argagixiyo ah buu ahaa? "Shaki la'aan HAA, Dillaa aanan naxariis leheyn oo aysan ummada hilmaameyn ayuu ahaa" Soomaali ma u roonaa oo ma u nastexeenayay? "Marnaba Maya"

Waxqabadkiisi malagu diirsaday? "Shisheeyaha iyo Cadawga uu u shaqeynaayay macquul in ay ku diirsadeen howsha uu u haayay iyo waxa uu u qabtay, laakiin waxqabad aad u yar uma uusan gelin Dalka iyo Dadka Soomaaliyeed, ee bilcaksi waxbuu haleeyay wax badana wuu halaagiyay"


Max'ed Shabeelle: "Godane wuxuu ahaa nin Islam ah Somali. Cida dishayna waa Gaalo tii ugu waynayd markaa waan ka xunahay dilka godane. May Allah give him mercy and grant Jannah."


Sadek Abdirizak Saed: "Godane gaal buu ahaa ilaahey qabriga haku gubo"


Farhan Mohamed: "Muxuu nin Muslim ah ahaa intaas oo qof buu bilaa sabab u dilay, caruur aan waxba galabsan buu agoomo ka dhigay, dhalinyaro badan buu mustaqbalkooda ku ciyaaray uu soo qixiyay qaarna tahriibsiiyay, hooyooyin badan buu ka'il maysiiyay. side marka qofka dhiiga masaakiinta xalaashay jano ku helli waa aragtidayda Iyo Intuu cilmigaygu yahay. Ta Allahna meel bay taalaa"


Yuusuf Yiroowe Abdi: "Asxaabta waa run ina godane wuu idin dhibay dad bdn oo aan waxba galabsana wuu dilay kuma faraxsani lkn idinkuba siyaad bare oo na dhiibay waad tageertan markaas hadii dad reer somaliland ahi tageeran why ula yaabaysan waayo idinku cadowgayaga waxaad u aragtaan sxbkiina dee reer s,land sidaas yeelan hha la yaabin"


Muhiim Qaali Abdiqani: "Waaaa geeesi geesi dhalay godane wan ka naxay lkn wuu nolo yahay insha Allah Somaliland dar buu aha wana halyeey hadu dhintay iyo haduu nola yahay baa xamar waxaba kagamu tegin"


Ayaan Kayd oo wax ka barata Jaamacadda Hargeysa: "Ana ka naxay rabi naxaristi jano haka waraabiyo isaga iyo inta muslim ahba yuhuud iyo inta daba raxlaysana alle ha cadabo"


Guuled Cabdi Axmed - Sudan: "1. Waxay ila tahay markan eegno sida qax u dhaceen iyo sida looga hadlay alshabaabna uga gabsadeen inay run tahay uuna dhintay"
"2. Waxa uu ahaaa dhiigya-cab dana gaar ah wada, waa uu ahaa dilaaa somali neceyb wade ah"
"3. Ma aanu eheen nin somali uroon, lama hayo dan somalinimo, ama islanlmnimo uu qabtay."
"4. Aragtideyda laguma diirsan ee waa lagu darsaday wayo waa fikirkii somali aragga tiray"


Cabdikariinn007: "Waxaan aad ugu farax sanahay dhimashada shaydaankii godane wuxuu ahaa nin aad u arxan daran oo dadka gowraca qarxiya dhagax ku dila maga ceenii sharafta lahaa oo uu sharafta ka qaaday wadamada dariska ah oo uu u gaysan jiray qaraxyo fool xun dawlada sharafta leh ee maraykanka U.s.a oo u taagan markasta iyo xili kasta bad baadinta umada somaliyeed iyo umada caalamka waana ku farax sanahay dilka ay dileen xaya waanka dhiigya cabka ah ee argagaxisada ah ee shaydaan godane waxaan jeclaan lahaa inta kale oo all qaacidada ah oo ku hartay dalka somaliya iyo kuwa caalamka ku dhuu manaaya in ay dhamaan tood dilaan oo ay dadka ka qabtaan ebola iyo shabaab waa isku mid ee hala soo afjaro U.S.A hanoolaato U.S.A ha guulaysato cadaw gooda haka guu laysato ameerika illaah ha xafido dowladooda iyo dalkooda guul guuul usa"

Keydmedia Online - [url=http://www.keydmedia.net]http://www.keydmedia.net[/url]




    Maqaallo 11 September 2020 15:57

    Khudbadihii Madaxweynayaasha dowlad goboleedyada Galmudug, Koofur Galbeed, iyo Hirshabelle ka jeediyeen Shirka ka dhacay Baydhabo 9.9.2020 waxay ahaayeen khudbado lagu muujinayo burburka heshiiskii dhusamareb-1, kala qaybsanaanta dowlad goboleedyada, iyo fashilka hadafka asaasiga ah iyo guulaha gogosha dhusamareb.