Gogoldhigga Hawlgalka Aqoonyahanka - Worldwide Somali Students (Daawo Video)

By Prof. Mohamoud Iman Adan (Keydmedia) - Virginia, USA - RUNTA RAAD RAAC - Ma aha inuu qofku runta iyo rajada ka sambro da’ kastaba ha ahaadee. Taariikhaha soo jireenka ahu waxay na barayaa inaan ciduna kusii raagi doonin boqortooyo iyo xukun-qarqoosh kasta oo sii dabadheeraata. Burburka madaxnimada dhalanteedka ku salaysan oo koox yaru garqaadayso kama duwana kuwii is-mahadin jirey oo hankoodii iyo culaabtoodii jabsay.

Mar haddii siyaasadu noqotay xarig la kala jiidanayo, sidee nabadu u dhici kartaa…? Xoog iyo asaraar xaqiiqada ka fog dawladnimo laguma gaaro. Is-tixgelin, tanasul, is-qaddarin iyo wax wadaqaybsi turxaan la’ baa dawladnimo ku iman kartaa, laguna wadi karaa..

Soomaalida 5 himilo dawladnimo baa soo maray. Mid walba ray rayn iyo bogaadin bay ku bilaabatay, shallay iyo niyad-jab bayna ku dhaammaadeen:

Sayid Maxamad Caabdulle Xassan dawladnimo diino xambaarsan tahay buu usoo haalgamay muddo nus qarni ka badan, waana lala garan waayey oo waxaa looga hiilliyey cadawgii shisheeye oo dagaalka ku hayey. Talo, tusaale iyo cadaw iska caabbin Sayidka kuma baaqan ee dhag baan loo dhigin. Akhrita gabaygiisii Dardaaran iyo kuwo kale oo uu cawaaqibka gumaystaha lagu tilmaamay.

I-Hammigii iyo Halgankii Xornimo Dhalinta

Leegadii iyo ururradii kale ee siyaasadeed ayaa dawladnimo usoo halgamay xilkoodiina waa soo guteen oo xornimo ayay dhaliyeen sannadkii 1960kii ayadoo weliba xammaasad ballaaran wadaninimada loo qabo. Maamulkii dawladnimo ee dhismay 60kii iyo wiixii ka dambeeyey way ka bayreen himiladii asxaabtii xornimo-doonka ah usoo halgantay, waxaana maamulkii dawladnimo gacanta u galay madax danaysi ku shaqaysa.

Kuwii Leegadu soo xushay baa bilaabay inay lunsadaan hantidii qaranka. Masaal gaaban waxaa kamid ah: Nin hayey jagada Wasaaradda arrimaha gudaha oo markaas da’diisu ahayd 30jir baa leexsada 30 milyan oo doolarka maraykanka ah oo ahayd hanti qaran.

Bulsho weynta Soomaaliyeed way ogaatay xatooyada hantida qaranka, saxaafadda xorta ahubana farta ayay ku fiiqday dhacdadaas Soomaalia ugubka u ahayd. Haddana ninkaas lama xirin, lama casilin, hantidii uu leexsadayna ummadda looma soo celin oo waa la lunsaday.

In kastoo himiladii Leegadu usoo halganta 23 sano oo xornimo doon ah, qaranimadii la hantiyey oo loo caleema ruxay ummaddi waa ku hungowday wixii 60kii ka dambeeyey. Xatooyo aan laysku ceebin oo lagu tartamo ayaa halkaas ka bilaabatay. Lunsasho hanti dadweyne, laaluush bixinta iyo laaluush-cunka waxay noqdeen hab-dhaqan dawladeed waxaana xalaaleeye dawladihii dhismay 60kii ilaa 69kii.

II-Lagu Diirsay ee Maxaa Ka Dambeeyey

21 Oktoobar, 1969kii waa curatay dawlad milatari oo leh shucuur iyo aragti kacaanimo. Kacaan waxaa loola jeeday dawlad ku shaqaysa daryeelka bulshada oo lagu hoggaamiyo hab-dhaqan dawladeed oo nadiif ah iyo hawlkarnimo madaxda dawladdu ay tusaale bulshada u noqdaan.

Maamulkoodu wuxuu ka duwaanaa maamulladii kuwii ka horreeyey oo rayadka ahaa. Durbadiiba waxaa la takooray lunsash hanti qaran, eex, naasnuujin, laab-lakac qabiil, gobolaysi, caddaalad-darro iyo xoog-dhaliinino. Maxaa taqaan baa lagu baddalay yaa taqaan. Dadkii baa u riyaaqay hab-maamuuska dawladda, rajadoodiina kor ayay usoo kacday.

Muqdisho caasimad baa laga dhigay oo maamulkii dawladda ayaa sii fidisay. Waxaa la dhisay dugdiyo badan oo heer walba leh oo ku filnaaday 20 sano arday kasta oo jirsada da’ waxbarasho. Dugsi sare ee dawladeed ma jirin marka kacaanku dhashay.

Xawliga kacaanku hawlaha qaranka ku fulinayey ilaa 76dii waxay ahayd dhacdo cusub oo Geeska Afrika  laga daawado waxaana soo booqan jirey wufuud kala duwan si ay inay indhahooda ku arkaan oo ay ugu daydaan is-beddelka Soomaaliya ka socda.

Nasiibdarro kacaanku lama xisaabtamin kuwii ka horreeyey oo lunsaday hantidii qaranka, cid wax la xisaabtami kartana kacaanka ayaa ugu awood badnaa. Hase ahaatee taasu ma dhicin oo malaha waxaa loola jeeday yaan nin reer ka dhashay shiiska la saarin.

Inta ka daambaysa raggii kacaanka ayaa laga sugayaa waxa sisaabi xil ma leh loogu qaadi waayey waayey madaxdii ku can-baxda leexsashada hantida qaranka.
Marna lama filayn nafihureyaashii kacaanka dhaliyey inay reeryadiisii cunaan taasoo dhinac walba uga sii darnayd kuwii ay xukunka kala wareegeen oo ku caanbaxay “Musqmaasuq”

III- Dagaalkii Luggooyada

Dagaal lab-lakac ah oo sii dabo-dheeraaday baa Xabashida lala galay 77kii, waana lagu soo jabay, haddana saraakiil badan oo ka carootay hab-maamuuskii dagaalka ayaa la laayey, daawana laguma gaarin.

Labalixaadsigii kacaanku halkaas bu ku hakaday, wixii intaas ka dambeeyana dhutin baa la galay oo wax badan baa is-beddel ku yimid. Waa lays eedeeyey oo farta ayaa laysku fiiqay. In kastoo kalsoonidii kacanku isku qabay ay nusqaan iyo kalsoonidarro gashay, hadana kacaankii waa isa sii hufay.

Boobkii hantida qaranka ayaa dib loo curiyey, eexdii iyo caddaal-darradiina way labo-kaclaysay. Wax walbana waxay dib ugu noqdeen halkii laga soo bilaabay 69kii. Ummaddii waa ka niyad-jabtay maamulkii kacaankana dhabarka ayayna u duween. Allow kuwo dhaama kuwaan noogu soo beddel baa ummaddi ku ducaysatay, sannadkuna waa dabayaaqadii 1990kii.

IV-Guluf Caartamaya

Is-beddel hubaysan baa dalkii ka qarxaday. In badanu waa u sacabbatuntay, in kalena waa ku caano-weyday. Dil, dac, burbur, barakac, qax, cayrnimo, maskab-jab iyo rajo-xumo ayaa nolol-maalmeed noqotay. Sulux, Manifesto, Xukunkii Maxamad S. Barre iyo ururradii hubaysnaa waa keeni waayeen xal nabadeed oo ummadda lagu caymin karo, rajadii dadku qabayna halkaas bay ku ragaastay. Waxaa ku xigay in la kala anfariiray oo qoys walba ama qof walba afka saaray halkuu dan biday.

V- Dawladnimo Laguu Diiddan Yahay

2006dii ayaa wadaaddo calan-diimeed Muqdisho ka ruxeen dhaliyeen maamul nabadeed. Ummaddu waxay u aragtay maamul diin ku dhaadanaya oo xaqsoorid ku salaysan, waana la taageeray.

Qababaalle horumarineed iyo nabad-curin bay muddo yar ku kasbadeen. Burcad iyo tuugo wax la laayey, wax la xiray iyo wax cararay bay noqdeen oo nabad- ballaaran baa deegaamo badan ku fidday. Ummaddi rajadii rajo yididiilo hor leh baa kusoo korortay. Ganacsigii baa fiday, qiimaha dhulka iyo guryaha baa sare u kacay. Kii guri laga boobay ama xoogay baa loo soo dhiciyey.

Muddo ku siman 6 bilood ayaa dibadda iyo dalka gudihiisaba laga qiray in wadaaddadu nabadda ehel u yihiin, xukunka diintuna yahay xeerka keliya oo dalka lagu maamuli karo.  

Nabadda ka dhacday gobollada koofureed dad badan bay xaraar la noqotay oo si toosan iyo si dadbanba  ula dagaallameen. Dawlado badan oo gobollada koofureed cadawnimo u qabay baa dalkii kusoo duulay, xukunkii wadaaddadana cagta ayaa la mariyey.

Waxaa la dhisay xukun-qarqoosh ah oo Xabashidu caleemasaartay, ummadduna dhabarka ayay u duwday. Kadib TFG 2aad baa xukun-qaybsi lagu dhisay iyadiina hadda ayay shafka dhulka ku dhifatay oo waxaa dhufaysyo isugu jira golihii Barlamaanka iyo maamulkii dawladda. Waa madhacdo in xal waara halkaas ka dhasho.

VI- Ilayska Soo Ifaya  

Aqoonyahannada hadda kusoo fool leh inay dalka tagaan bisha soo socota ee Juunyo arrimo badan baa u yaalla, waxaana ugu horreeya:

a) Marka hore waa inay samaystaan urur siyaasi ah oo leh hadaf siyaasadeed, mid bulsho iyo mid dhaqaale oo dalka lagu horumarin karo, ciddii doontana ay kusoo biiri karto oo aqoonyahanku hoggaaminayo.

b) Ururku waa inuu leeyahay dastuur u gaar ah oo ku wajahan sugidda nabadgelyada dalka, siiba gobollada koofureed, dhawridda qaranimada ummadda iyo horumarinta dhammaan gobollada dalku ka kooban yahay.

c) Ururku wuxuu gacansaar siyaasadeed iyo mid wadashaqaynba la yeelan karaa ururrada siyaasadda ee hadda dalka ka jira ama ka dhalan doona.

d) Ururku wuxuu xiriir tixgelin leh la yeelan doonaa dawladaaha aanu jaarka nahay, UN-ka iyo hay’adihiisa, Ururka Jaamacadda Carabta, tan Islaanka, Dawlaadaha ku jira EU, dawladda Maraykanka, Dawladda China, India, Malaysia, iwm.

e) Ururku wuxuu xiriir joogto ah la yeelanayaa bulshada qurob-joogta Soomaaliya oo talo iyo taakulaynba looga baahan yahay.

Aqoonyahannadu waa inay soo darsaan xaaladda ay ku sugan yihiin gobollada koofureed oo hadda xiisaha dagaallada iyo nabadgelyo-xumadu ay ka taagan yihiin, dabadeedna usoo bandhigaan UN-ka iyo dawladaha kale ee daneeya arrimaha Soomaaliyeed.

Tanu waa naga waano. Hawlaha sugaya in aqoon yahanku wax ka qabto waxaa ugu badan dhibka dadka lagu hayo iyo kan siyaasiintu dhedooda isku hayaan, hase ahaatee ay kula galgashaan bulshada tabaalaysan.

Mar walba waxaan la weyn doonin fadhi ku-dirir been afuufaya oo bulshada iska horkeenaya, farsamooyin badan bayna adeegsadaan. Waxaa jira kuwo khatal iyo hagardaamo gaamurtay maleega oo doonaya inaan bulshada gobollada koofureed ayna fiidkii nabad ku seexan, arooryadiina nabad kusoo toosin. Xasarad iyo qulqulato siyaasadeed baa cidu maalgelin ku samaysaa, lamana oga goorta ay ka waantoobi doonaan.

Fadhi ku-dirirku wuxuu ku takhasusay sida ummadda loo marin habaabiyo. Wuxuu sugayaa inuu sidaas oo kale uu u majaxaabiyo dhallinyarada diyaarka u ah inay dalka nabadeeyaan horumarna gaarsiiyaan. Waxay marmarsiinyo u raadin doonaan sidii himilada aqoonyahanka loo fashili lahaa: Ma xag qabiil baa qof walba laga soo geli doonaa?

Ma waxaa lagu dayi doonaa inay laaluush qaataan si waxqabadkooda iyo kalsoonidii lagu qabay ay dhalanteed u noqoto? Ma waxaa laysku dayi doonaa in laga dhex-abuuro caadifad beeleed, mid  gobolaysi iyo mid danaysi gaar ahaaneedba? Ma waxaa siyaasiintu ku dadaali dooonaan in aqoonyahanka dhexdiisa loo kala tebiyo war beenaad wiiqa kalsoonida ay isu qabaan?   

Dhoolotus badan baa loo samaynayaa in maanka iyo miyirka aqoonyahanka la macnadilo arrrintaas iyo kuwo kasii daran baana lloo adeegsan doonaa

Gogoldhigga Hawlgalka Aqoonyahanka

Wax walba ka hor, aqoonyahanka diyaar u ah inuu dalka tago, wuu inuu xiriir la yeesho xafiiska UNPOS oo Nairoobi ku yaal iyo Xoghayaha Jamciyadda Qaramada Midoobay oo N.Y.ka furan si loo diwaan-geliyo meelaha ay tegi doonaan iyo ciddii ay kulmi lahaayeen markay dalka tagaan.

Waa in hore loo qorsheeyo sidii UNOPS uu u qoondayn lahay kharajkii ku bixi lahaa hawlgalka aqoonyahannada iyo socdaalladooda dalka gudihiisa iyo dibbaddisaba.

Aqoonyahannadu waa inay u gudbiyaan Xaghayaha guud iyo Guddiga sare ee taliska UN (Security Council) qorshaha hawlgalkooda si loo tixgeliyo hawlqabadkooda isla markaana loo sameeyo tixgwlin iyo qaab cusu oo ku slaysan wadashaqayn hufan iyo is-tixgelin dheellitiran.

Waa inay xiriir qoraal iyo kulamo taxane ah la yeeshaan hay’adaha dalka taakuleeya isla markaana ay u bandhigaan inay yihiin rajadii ugu dambaysey oo Soomaaliya badbaadin lahayd.  

Aqoonyahannadu ma haystaan waqti dheer oo ay cid walba la kulmaan, balse waa inay gacansaar deg deg ah la yeeshaan (UN Segretary General and UNPOS in Nairobi) si ay uga dhaadhiciyaan hawlgalkooda. Aqoonyahannadu waa inay isku diyaariyaan shirweynaha bishan dabayaaqadeeda ka dhici doona Nayroobi oo (UN Security Council) ay soo qaban qaabisay. 

By Prof. Mohamoud Iman Adan (    mohamoud.iman.adan@keydmedia.net ) - keydmedia.net Correspondent




Maqaallo 19 October 2020 5:00

Warqadda Rai'sul Wasaare Maxamed Xussein Roble u diray Afarta Dowlad gobolleed ee Puntland, Jubbaland, Hirshabelle, Galmudug- ee taarikhdeeda tahay 17.10.2020, kuna saabsaneyd magacaabidda Xubnaha Guddiga hirgelinta doorashada heer federaal GHDHF 2020/2021, waxay abuurtay isweydiin badan: