Halgankii Sayid Maxamad Cabdulle Xasan Ma lagu Cibaaro-Qaatay…? - Daawo Video

Dr. Ismail Malaas - Nairobi - (Keydmedia.net) - In kastoo Halgankii dheeraa ee Sayid Maxamad Cabdulle Xasan uu Taariikh ma- harto ah ku yahay dadka maankiisa iyo dhaqankiisa ku reebay, haddana samankiisii oo kale ayaa lagu jiraa, dad badan baana weli ku cibaaro qaadan la’.
Maqaallo Keydmedia Online

Muran kuma jiro halganka Sayidku soo maray inuu jiilasha dambe usii ahaan doono shuclad waddaninimo oo aan weligeed damin oo mar walba laga shidaal qaato, siiba marka aayaha dadka iyo tan dalkuba ku jiraan saman colaadeed.

Ninka weli majaxaabinaya halganii Sayid Maxamad, ama dhaleecaynaya shakhsiyaddiisa qof ahaaneed isaga ayey u taal sidii looga rumaysan lahaa qorraxda uu damacsan yahay inuu sacabka ku qurinayo, hase ahaatee qarni iyo in ka badan ayaa bulsho-weynta Soomaaliyeed Sayid Maxamad u qirsan tahay inuu ahaa halyay lama loodshaan ah oo ka caaggan in fadhi-ku-dirir dhaliilo ka sheego.

Wuxuu lahaa tilmaamo Rabbaani ah oo shakhsi Soomaaliyyed isu wada raacin, waxaana kamid ah:

Halyay. Aqoonyahan. Waddani. Macallim diimeed. Abwaan caalami ah. Dagaal yahan madale ah. Indheergarad baxdoy ah. Aftahan laga dabahadlin. Gumaysi-diid  qabweyn. Qareen ummadeed.  Dulmi-diid hal adag. Halgame qaran. Ma danayste dulmi-diid ah. Gumaysi-takoore lama loodshaan ah. Barbaariye iyo nabad-doon Soomaaliyeed, iwm.

Gumaystaha iyo inta ku lifaaqnayd waxay lahaayeen dano u gaar ah oo bulsho-weynta Soomaaliyeed ayna la qabin- In dalka la gumaysto in yaruna ku noolaato gunno lagu gufeeyo.

Sayidka iyo Daraawiishu taas lama qabin inta ku lifaaqnayd shisheeyaha: Talyaaniga, Ingiriiska iyo Xabashida, dagaal dheer bayna la galeen inaan la gumaysan ummadda Soomaaliyeed.

Sayidka iyo Daraawiishu waxay diiddanaayeen:

  • Inaan loo adeegin xeeladaha gumaystuhu dalka ka damacsanaa.
  • Inayna hoos gelin gumaysi shisheeye.
  • Inay axdi iyo gacansaar marna la yeelan gumayste ballanfuyo badan.
  • In gumaystuhu faragelin iyo fadqalallo ku samayn diinta, dhaqanka iyo hiddaha Ummadda Soomaaliyeed.
  • In gumaystuhu uusan balalaysan khayraadka dhabiiciga ah ee dalku leeyahay.
  • Inaan ummaddu lumen nasabnimada ay hiddaha iyo dhaqanka u leedahay.
  • Inaan xaq-u-dirirka marna laga gacansarrayn.

Ummadda Soomaaliyeed badankeed uma baraarugsanayn indheegaradnimada Sayidku lahaa, waxayna u qaybsanaayeen qaybaha soo socda:

  1. In kasoo horjeedday qofnimada Sayidka iyo fikradda uu qabey, sida: Kartidiisa, afyahannimadiisa, geesinimadiisa, gabayadiisa iyo hal-adaygiisa.
  2. In difaacaysey gacansaarka iyo gunnada ay gumaystaha ku haysteen
  3. In la safnayd iyo gumaysi-nacaybka Sayidku qabey, iyo
  4. in badan oo gooni-daaq iyo gurdan raac ahay isugu jirtey.

Kuwa Sayidka lidka ku ahaa maxay dhib Daraawiish iyo qayidda Soomaaliyeed u geysan jireen?

  1. Inay cadawga loo saftaan oo ka qayb-qaataan jabinta cududda Daraawiish iyo hormuudnimada Sayidka.
  2. In cadowga loo xuuraamo oo la gaarqaado sidii loo wiiqi lahaa cududda Daraawiish
  3. In bogaadin iyo kalsooni gumaystaha laga kasbado si looga helo hub, saanad iyo gunno dhaqaale.

Dhacdo Mahadho Ah

Dad badan oo ah kuwii shalay Sayidka dhabarjabinta ku hayey ayaa maaanta xambaarsan cadawgii waagaasba duullaanka nagu ahaa, waana laga guulaysan doonaa.

Su’aalaha soo socda ayaa jawaab u baahan:

  • Goormaa dhaqankii loo rogay in nacab Soomaaliyeed la xambaarsado oo xornimadii dalka lagu gato dano in yaru wadato?
  • Goormaa cadaw ku dilaya habaynkii loo sii gurguurtay si  gunno yar looga helo ama gacan lagu siiyo sidii uu madaxnimada sii hayn lahaa?
  • Madax-u-yaalka haadda jira yaa warqad cad u siiyey inay marin habaabiyaan qaranomada Soomaaliyeed ama ay  boobaan hanti qaran?
  • Sidee fal-dambiyeedk maanta ay galaan berry uga dhuuman karaa?  

Dr. Ismail Malaas - Keydmedia.net Chief Editor - Nairobi
Ismacil.maalas@keydmedia.net





Maqaallo 22 February 2021 13:48

Dowladda uu waqtigeedu dhamaaday ee Farmaajo hoggaamiyo ayaa 19/2/2021, magaalada Muqdisho galisay qalalaasihii ugu xoogganaa oo nuuciisa oo kale aan taariikhda la warin, waxayna joojiyeen mudaharaad nabadeed oo ay ku dhawaaqeen Golaha Midowga Musharixiinta.