Iimamka, Ugaaska iyo Malaaqa oo Gaday Caasimadii Muqdisho

Dr. Ali. A. Hirabe - Marba hadeeysan ka damqan, ka hadal, shir-wadajirhane oo ku wajhan Caasimada maqaamkeedii eeyan ku qaban dulmiga lagu soo qaray dastuurka qabyo qoraalka ah, waxaan u aragnaa in Imaamka, Ugaaska iyo Malaaqa laga Iibiyay Muqdisho, taariikhdana aay gelidoonta waxa aay ku kaceen iyo inta maalmood oo eey ka aamusan yihiin gardarada Muqdisho lagula kacay.

Wagii hore waxaa jiray rag aad u faro badan oo aanan halkaan lagu soo koobi karain balse bukshada dhibkeeda iyo dheefteeda sheegi jiray wacyi gelin jiray kuwa xukunka u haayana u sheegi jiray xumaantooda iyo samaantooda, sida Faarax Sefeey, Faarax Gololeey ,Jimcaale Dhagataag iwm.

Waxaan jeclahay in aan halkaan ku xuso in mudulood uusan weligiis noqon qabaan ama adoon u adeega umad kale, Faarax Seefey waxaa uu dhahay::Tanyo Tacdaad Minaad Tagteen Tacab Talaaya Maaragteen, maantase la arkay kuwa lagu adeegto oo waxii la rabo laga sameeysto.

Waxa socdaa waxaan soo xusuustay Jimcaale dhagataag iyo Farax Seefeey oo labaduba ahaa  reer Muqdisho sida aay siyaasda ugu  faaloon jireen  iyo damaca SYL kuwa ku abtirsada balse awooda dalka rabay in aay maroorsadaan,Jimcaale Dhagataag waxaa uu ahaa abwaan aad u taageera SYL ka ( Leegada ) waxaana uu ku guubabin jiray in dadka aay galaan si gumeeysiga leeysaga kiciyo,halka Faarax Seefeey uu ahaa abwaan aragtidiisa aad u fog tahay waxaa uu taageersanaa xisbigii Lego dei Giovani Somalo ( liberale ).

Waxaa uu umada ku guubaan jiray xornimo dabadeed in aanan leeysku xadgudbin cadaaladana aay noqoto mida umada hogaamisa,waa xiligii daaqiliyada ee 1da April 1950kii heshiiskii Q.M iyo talyaaniga ee xornimo gaarsiinta Soomaaliya,dalka waxaa ka socday dhismo xaga wadooyinka Infrastructure, qandaarsyada waxaa qaadan jiray oo lagu naaxin jiray rag gaar ah, Xaaji Baraako oo ahaa nin xoolihiisa aay ku dhamaadeen SYL mardanbese ogaaday in SYL xubnaha ku jiraa in aay leeyihiin hadaf ka duwan midka SYL ayuu isaga baxay halkaas ayuu aasaasay xisbigii Lego dei Giovani Somalo ( liberale ).

Talyaaniga ayuu u dhoofay Xaaji Baraako asaga oo raadinaya qandaraas dhismaha wadada G.Bay ilaa Muqdisho oo aheeyd ku dhawaad 250km oo markii danbe la siiyay Xaaji Ibraahim Uunlaaye, waxuu Xaajiga ku arkay Talyaaniga niman aqoontooda eey aad u liidato oo Geeljirayaal ahaa kana yimid asal ahaan Jariiban si loo baro xirfada Karaaninimo si marka Talyaaniga uu umada gaarsiiyo 1960 xornimada aay karaani ugu noqdaan xafiisyada dowlada u fadhiistaan,goortii uu dib ugu soo noqday dalka Xaajiga ayuu Faarax Seefeey uga sheekeeyay waxii uu Roma ku soo arkay.

Xasan Maxamed Shuuriye iyo Xaaji Buraake Allah u naxariistee ayaa meel kasta ka naadsheen in waxii reer Xamar aaanan aheeyn aay mudan tahay , in ay  'visa' ku soo galaan Xamar, 'visa' na ku joogaan Xamar, Faarax Seefey oo xaqiiqdaa ogaaday ayaa sugaan faro badan ku cabiray somalida waxa ku soo socda  xornimda 1960 ka dib.Xiligaa dadkii oo dhan afkii yeera ba, yiri: "Liberaalaan ahay, manta waxii ka danbeeya,Soomaalidii reer Leego ahaydna, arrintaan aad ayeey ugu xumaadeen dhacdada Roma iyo cadaaladarada somalida ku soo socoto,waa waxa hada socda iyo Muqdisho caasimad maaha.

Sidaas darteed Jimcaale Dhegataag oo walaakiis ahaa, ayay naf bideen SYL ka  in uu cabsigeliyo Faarax Seefeey, Mar dambana uusan lug geyn  Xarunta Xisbiga Liiberaalaha,Jimcaale Dhagataag ayaa waxaa uu dhahay:;

Tillaabadaada waan tirshee mug Tangayika waa tagee,taas uu Faarx Seefeey ugu jawaabay:Tiftifku tuugadoow yaqaan, Tixsina meel bugtoow timlaa ee waxaan tolmeeyn waxaanaan tereeyn, ninkii ku toosiyeey u taal, Anna tillaabadaada waa tirshee, mug tuugo waa idiin talee.Waxaa la maraya Tuugadii Faarax sheegay.

Shariifow afka in aad ka dhahdo caasimada Somali waa Muqdisho socon meeyso balse iyada oo qoraal ah soo saar oo raganimo iska day.Somalida waxaa aay dhahdaa  Nin waalan tolkii baa u miyir qaba,hadlada  uu Faroole  dhawaanahaan afkiisa ka soo baxayay waxaa umada somali u haysataa in aay raali ka yihiin uuna ka tarjumayo dhamaan inta uu xilka u hayo sida shacabka Puntland,Isamadooda,aqoon yahaynada,culumada,indheergaradka ee Puntland ku dhaqan.

Waxaa been noqotay maahmaada dhaheeysa Nin waalan tolkii baa u miyir qaba sow ma cadda in eeyan jirin cid ku diidan Faroole waxa uu ka qabo midnimada somalia iyada oo la ogyahay in midnimada iyo wadajirka umada somali uu qatar ku yahay ,somalida oo dhami hal dooni ayeey saaran tahay balse haddii damaciisu  yahay ka badbaadinta gumeeysiga ku soo wajahan somalia ka badbaadi  Faroole waxaan dhihi lahaa doonida somalida oo dhani waa aay la dageeysaa oo cid ka badbaadayo ma jirto gumeeysiga Ethiopia aanan ka aheeyn,duubabka Puntland war-murtiyeedkoodii waxaa ku qornaa:qodobka 2 aad.

Waxaa beeshu isku raacday in arimaha Dastuurka wax ka badal kooda iyo ansixintooda  loo daayo ergada ansixinta Dastuurka beeshuna soo xusho dad aqoon u leh howsha loo igmaday isla markaana beesha Darood soo gudbiyaan ergadii ansixnta Dastuurka qaybtoodii ay ku lahaayeen 825 xubnood. (Macnaheeda waa ma aqoonsani Muqdisho in aay tahay Caasimad).

Ciid Bedel waxuu ahaa shaqaalaha Un ka u jooga  Somalia xiligii C/aahi  halka Bangax uu haa wasiir ka mid ah wasiiradii C/aahi,duudbabka Daarood dhagarta aay wadaan Somali guul uma aha balse doonta eey Somalida wada saaran tahay waa aay dageeysaa cid ka badbaadi kartaa ma jirto.

Shariif dastuurka aad saxiixday ee ogolaanaya in caasimada Muqdisho aanan lagu qorin dasstuurka qabyo qaraalka waxaa eey noqotay taariikh,qiimaha aad ku laheeyd umada aad ayuu hoos ugu dhacay,ka fogaanshaha cadaalada iyo sinaanta umada Somali,waxaad somalida ku soo kordhiday in dib loogu fiirsado caasimada Muqdisho adiga oo 40 cisho kuu harsan tahay. Sorry. tillaabadaada waan tirshee, mug tuugo waa idiin tale.

Dr.Ali.A.Hirabe Hirabe_a@hotmail.com


Mas'uuliyada Qoraalkaan waxaa iska leh Qofka ku Saxiixan!




    Maqaallo 11 September 2020 15:57

    Khudbadihii Madaxweynayaasha dowlad goboleedyada Galmudug, Koofur Galbeed, iyo Hirshabelle ka jeediyeen Shirka ka dhacay Baydhabo 9.9.2020 waxay ahaayeen khudbado lagu muujinayo burburka heshiiskii dhusamareb-1, kala qaybsanaanta dowlad goboleedyada, iyo fashilka hadafka asaasiga ah iyo guulaha gogosha dhusamareb.