Keydmedia Exclusive: Wareysi - “Lacag ayaan u baahnaa…” - Nin kasoo goostay Al-Shabaab

Keydmedia Exclusive - Aqrisatayaal waxan idiin soo gudbineynaa Wareysi aann la yeelanay Maxamuud Hilaac oo ka tirsanaa Dagaalyahanada Kooxda Shabaab oo ka sheekeenaya Noloshiisa Labadii Sano ee uu kamid ahaa Kooxdasi, hadana ey ka Muqato Qoomameyn iyo Walaac xoog leh.
Maqaallo Keydmedia Online

Waxaan idiin soo gudbineynaa Wareysigii aan la yeelanay Maxamuud Hilaac - Qeybtii Koowaad, Wareysigiinah wuxuu u dhacay sidatan: 

KEYDMEDIA: Ma noo sheegi kartaa Magacaaga oo Sadexaan?

Maxamuud Hilaac: Maxamuud Hilaac, intaas waa idiin ku filantahay, hadaad Magac rabteen!

KEYDMEDIA: Haye, waxaan ku wadi doonaa Marka Maxamed Hilaac. Maxamuud, intee Sano ayaad jirtaa?

Maxamuud Hilaac: Maantay waxaan ahay 20 Jir.

KEYDMEDIA: Intee Sano ayaad jirtay markii aad kusoo biirtay Kooxda Shabaab. 

Maxamuud Hilaac: Waxaan ahaa 18 Jir.

KEYDMEDIA: Kohornah? Intaadan Shabaab kusoo biirin maxaad sameen jirtay?

Maxamuud Hilaac: Darawal.

KEDMEDIA: Waxbarashadaadu Diiniga ah Xagee baad gaarsiisay? 

Maxamuud Hilaac: War Anigu Nin Islaam ah waan ahay laakiin Barasho kale ma sii aadin.

KEYDMEDIA: Oo Shabaab soo ma ahan Koox Diinta Islaamka isku baheysatay oo ku Walaallooday?

Maxamuud Hilaac: Waa jirtaa Dad saas ah...

KEYDMEDIA: Ma waxaa jira Dad aan Diinta Islaanmka ku Dagaalameyn oo Shabaabka kamid ah?

Maxamuud Hilaac: Dadku waa badanyihiin, cid walba ayaanah laga helayaa...

KEYDMEDIA: Maxamuud, Maxaa ka wadaa "Cid walba baa laga helaayaa, dadku waa badanyihiin"?

Maxamuud Hilaac: Hada ma anaa wax i weydiisay mise Dad baad ka hadleysaa? Dadku waa badanyihiin, Nin walbanah Dan buu u yimid meesha. Aniga teyda wax hala iga weydiiyo, dadka kale Idinka raadsada.

KEYDMEDIA: Maxamuud Ha hanaaqin, Wareysigaan Anaka kuguuma aanan Qasbin. Adiga ayaa Ninkaan Saaxiibkayaga ah ka dalbaday in aad Wareysi siisid Keydmedia. Marka Su'aalahaan waxaan kuu weydiineynaa in Wareysiga la fahmo oo aad Dadka wax fahamsiisid hadii aad Diyaar u tahay.

KEYDMEDIA: Su'aasha aan kugu soo celino. Marka, Adigu Dantaada maxey aheyd oo Shabaabku ugu soo biirtay?

Maxamuud Hilaac: Saaxiib Anigu Dad Sabool ah ayaan ka dhashay....

KEYDMEDIA: Maxaad ka wadaa "Dad Sabool ah baan ka dhashay", noo Faahfaahi.

Maxamuud Hilaac: Koleyba waa garateen, anigu Ujeedadeedu Dhaqaale kama marneyn!

KEYDMEDIA: Oo Hada waxaa na leedahay Dad baa Shabaabka u gala sidii ey Dhaqaale ku sameen lahaayeen? Maalin walba Dad baa la qabtaa oo la dilaa... Dhaqaalahaas gormee bey Calfanayaan hadii maalinwalba ey dhimaneyso Tobonaan ka badan...?

Maxamuud Hilaac: Walaahi Nin walba iyo Nasiibkiis. Awalba waa la ogaa ama iney kula galeyso ama aad ka boodeysid. Koleey Aniga Illahey waa iga badbaadhsay oo ilama galin!

KEYDMEDIA: Haye Su'aal kale: Xagee baad ku dhalatay?

Maxamuud Hilaac: Laasqoray.

KEYDMEDIA: Oo Xagee ku taalaa Laasqoray?

Maxamuud Hilaac: Waa Gobolka Sanaag, Puntland.

KEYDMEDIA: Ma Laasqoray baad ka howl gali jirtay?

Maxamuud Hilaac: Maya, waxaa ka howl gali jiray hadba meshii Madaxdeydu ii garato laakiin waaayahaan Dambe waxaan kamid ahaa Ciidamada Amniyaadka Masaajidka Abuu Hureera ee Bakaaraha.

KEYDMEDIA: Ciidamada Amaaniyaadka Kooxda Shabaab!?

Maxamuud Hilaac: Haa!

KEYDMEDIA: Maxuu ku saleysnaa Howlgalkiinu? Maxaa kamid ahaa?

Maxamuud Hilaac: Walaahi Waxaan raadin jirnay Xog. Waxaan raadin jirnay inaan helno meelaha ey ku suganyihiin Ciidamada Dowlada.

KEYDMEDIA: Dowlada? oo Ma Dowlad baad u taqiineyn iney Dalka ka jirto?

Maxamuud Hilaac: Maya soo adigu hada ima weydiin... laakiin markaas waxaan oron jirnay "Ashahaado la dirir" waxey noo ahaayeen Mujrimiin hor kacaya Gaalada Dalka Dalka kusoo duushay.

KEYDMEDIA: Hadaayo Waxaad tiri "Aniga Illahey waa iga badbaadhsay oo ilama galin!" Marka, Micnaheedu muxuu yahay? Maxaad ka wadaa? Meshii aan rabay waan gaaray miyaad ka wadaa?

Maxamuud Hilaac: Meshii Illahey gaarsiiyay ayaa gaaray.

KEYDMEDIA: Dhaqaale ahaan maxamuud Hilaac hada see yahay?

Maxamuud Hilaac: Alxamdullulah ma deersanayo, Iimaanka waxaan ku qabaa inta aan Maantay heysto.

KEYDMEDIA: Oo Maxaad heysataa? Masalan: Guryo, Baabuur... Laasqoray Guryo ma ka gadatay?

Maxamuud Hilaac: Maya, laakiin Baydhabo ayaan Dhul ku leeyahay, labo Qol ka dhisantahay. Baabuurnah waa kaas oo waan heystaa.

KEYDMEDIA: Hadii aad Kooxda Shabaab Dhaqaale Owgeed ugu soo biirtay oo hada Dhul iyo Baabuur aad leedahay, Maxaa kaa soo saaray???

Wareysiga Qeybtiisa Labaad Halkaan ka Aqriso

www.Keydmedia.net - KON Nairobi




Maqaallo 19 October 2020 5:00

Warqadda Rai'sul Wasaare Maxamed Xussein Roble u diray Afarta Dowlad gobolleed ee Puntland, Jubbaland, Hirshabelle, Galmudug- ee taarikhdeeda tahay 17.10.2020, kuna saabsaneyd magacaabidda Xubnaha Guddiga hirgelinta doorashada heer federaal GHDHF 2020/2021, waxay abuurtay isweydiin badan: