Exclusive: Wareysi aan la yeelanay Nin kasoo goostay Al-Shabaab - Qeybta 2-aad

Keydmedia Exclusive - Aqrisatayaal waxan idiin soo gudbineynaa Wareysigii aann la yeelanay Maxamuud Hilaac Qeybtiisi Labaad ( Halkaan ka Aqriso Qeybta 1aad - ) oo ka tirsanaa Dagaalyahanada Kooxda Shabaab oo ka sheekeenaya Noloshiisa Labadii Sano ee uu kamid ahaa Kooxdasi, hadana ey ka Muqato Qoomameyn iyo Walaac xoog leh.
Maqaallo Keydmedia Online

KEYDMEDIA: Hadii aad Kooxda Shabaab Dhaqaale Owgeed ugu soo biirtay oo hada Dhul iyo Baabuur aad leedahay, Maxaa kaa soo saaray???

Maxamuud Hilaac: Saaxiib Nafsadeyda ayaan u baqay, kuwa aniga ila mid ahaa ayaan qaar kamid ah Gacanteyda ku duugay.

KEYDMEDIA: Oo Yaa ka baqeysay?

Maxamuud Hilaac: Dhexdayada iyo kuwa naga soo horjeedaba... khatar baan ka filaayay...

KEYDMEDIA: Dhexdiina hadii aad Shabaab tihiinbaa?

Maxamuud Hilaac: Haa, Marmar ayaa lagu fuli Amar aadan ku qanacsaneyn, hadii aadan fulinnah adiga ayaa lagugu fulinayaa.

KEYDMEDIA: Maxaa kamid ahaa Amaradaas?

Maxamuud Hilaac: Waa kuu sheegay waxey la xariireyn Howlgaladii aan fulin jirnay.

KEYDMEDIA: "Operation" aad fulisay ama aad wax ka fulisay oo si fiican idinku najaxday, wax manooga sheegi kartaa?

Maxamuud Hilaac: Kii Qaraxii Airaportka iyo Qaraxyo kale...

KEYDMEDIA: Haye, kuwa kalenah? Goormee ahaayeen? Xageesa ka dhaceen?

Maxamuud Hilaac: Anigu midkaas Airportka ayaan idiin sheegay.

KEYDMEDIA: Maxamuud, horta Nin Dhalinyaro waad tahay laaakiin Aniga 20 Jir waa igala weyntahay, hadaan marka Qofahaantaada ku Su'aalo: Ma ogtahay Qaraxaas aad sheegatay ee Airportka ka dhacay iney Dad Masaakiin ah oo Tuugsanahahay ee ku Nafwaayeen?

Maxamuud Hilaac: Walaahi Aniga ma garanaayo wixii ku nafwaayay, Amarkaas baa anagu fulineynay.

KEYDMEDIA: Radio-yaha ma ka maqashay in Dad Masaakiin ah ey ku Nafwaayeen Qaraxaas ama Qaraxyadii kale ee aad fuliseen?

Maxamuud Hilaac: Anaku Radio-yaal ma dhageysano.

KEYDMEDIA: Oo ma garankarit miyaa in Dad ey ku dhinteen Qaraxyadaas?

Maxamuud Hilaac: Haa waan garankaraa waana mida aan hada u go'aansaday in aan idinla hadlo, waxaan uga soo baxay, waxaa kamid ah: Amaradaas oo kale oo hadii aadan fulin adiga naftaada Halis galeyso hadii aad fulusidnah aad Walaac iyo Qoomame ku nooshahay.

KEYDMEDIA: Waxaad noo sheegtay inaad Labo Sano kamid aheyd Kooxda Shabaab. Labadaas Sano ma fursad baad weyday aad uga soo baxdid?

Maxamuud Hilaac: Saaxiib Meesha waa la is ilaaliyaa oo Amniyaadka, Amniyaad kale ayaa daba socda. Meel markaas aan u baxsadanah hada kahor ma helin.

KEYDMEDIA: Walaac iyo Qoomame ayaad ka hadashay, waa hadal weyn. Habeenkii markaad seexatit miyuu kugu badanyahay Walaaca iyo Qoomamuhu mise intaad soo jeedid.

Maxamuud Hilaac: Walaahi iima xisaabsanah laakiin Walaac waa jiraa...

KEYDMEDIA: Dareenkaagu see yahay hada?

Maxamuud Hilaac: Waa Dareen Taxadar joogta ah Marmarka qaarkoodnah waxaa ii uraahaya Dhiig!

KEYDMEDIA: Oo Dhiigu ma Uraa? Urkee buu leeyahay?

Maxamuud Hilaac: Walaahi aniga Maar baa inta badan ii urtah.

Maxamuud Hilaac Horudhiccii Wareysigiisi intaas buu ku egyahay, Waxaana soo socda Film Documentry oo ku saabsan Wareysiga oo kaamil ah.

www.keydmedia.net




Maqaallo 19 October 2020 5:00

Warqadda Rai'sul Wasaare Maxamed Xussein Roble u diray Afarta Dowlad gobolleed ee Puntland, Jubbaland, Hirshabelle, Galmudug- ee taarikhdeeda tahay 17.10.2020, kuna saabsaneyd magacaabidda Xubnaha Guddiga hirgelinta doorashada heer federaal GHDHF 2020/2021, waxay abuurtay isweydiin badan: