Kheyraadka Soomaaliya, Dhurwaayo aan waxba reebeen ayaa loo Saxiixay!

Maxamed G. (Keydmedia Online) - Dhawaan ayey Dowladda Soomaaliya la saxiixatay Heshiis Shirkadda Soma Oil and Gas Ltd., Haddaba waxaan halkaan ku soo Bandhigeynaa macluumaad ku saabsan Shirkaddan iyo Ragga ka dambeeya.
Maqaallo Keydmedia Online

Shirkaddaan ma ahayn mid horay u jirtay oo waxaa la Aasaasay 26 May 2012, kadib Shirkii Dowladda Soomaaliya uga furmay Dalka Ingiriiska waxaana aasaasay Nin Magaciisa la yiraahdo Bansil Mutei Shiblaq oo ka soo jeeda Asia, haddase haysto Dhalasho British ah.  

Shirkaddaan waxaa Agaasime ka ah Lord Michael Howard, Chief Executive Officer waxaa ka ah Mr. Robert Sheppard, Waxaana aasaasay Ninka aan kor kusoo sheegnay oo la dhaho Bansil Shiblaq (Executive Director and Founder).

Haddaba waxaannu rabnaa in aan halkaan uga soo jeedino Ummadda Soomaaliyeed oo Dagaal, Gaajo, Aqoon darro, Caafimaad La’aan, Qax iyo Barakac ku raaktay in Maanta la doonayo in Kheyraadkoodi oo ay uga bixi lahaayeen intaas oo dhibaata ah, gacanta loo geliyay Rag ay ka mid yiihiin kuwa ku caan baxay wax Isdabamaris, Been Abuur, Dhac iyo Boob sida Ninka lagu magacaabo Bansil Shiblaq.

Bansil Shiblaq waxuu dhashay Sannadi 1944, wuxuuna deganyahay Magaalada London ee Dalka Ingriiska. Waxuu Madax ka noqday ilaa 12 Shirkadood inta aan soo ogaanay, Afar Shirkadood waa laga ruqseeyay, Lix Shirkadoodna waa laga Xiray kadib markii ay wax dhaqdhaqaaq ah ama Ganacsi ay sameyn oo guul darreysteen, waxaana lagu eedeeyay Musuq-Maasuq.

Shirkaddi ugu dheereyd ee uu Aasaasay waxaa la oran jiray CASTLEACRE FREEHOLD COMPANY LIMITED, Shirkaddaan waxaa uu ugu magac daray Waddada uu ka deggenyahay Magaalada London ee la dhaho CASTLECARE.

Mr. Bansil Shiblaq, Bishi January Kowdeedi, Sannadkii 2007 waxaa lagu xiray Dalka India, magaalada New Delhi isagoo kasoo degay Garoonka Diyaaradahay ee Indira Gandhi International Airport halkaas oo uu ku andacooday in uu Booqasho ugu yimid nin la dhaho Peter Simon oo Madax ka ahaa Shirkadda M/s Monsson Ltd, UK.

Xiritaankiisa ayaa yimid kadib markii Hay'adda Booliska Caalamka ee loo yaqaan Interpool ay ku baahisay Dunida waarantiga loo yaqaan Red Corner Notice – hoos ka eeg qeybaha ay u kala baxaan waarantiyada Interpool- kadib markii ay Dowlada Imaaraadka Carabta ay codsi u gudbisay in loo qabto dembiyo la xiriira Lacago la isdaba mariyay iyo Khiyaano, waxaa xiray Xafiiska diiwaan gelinta Dadka Ajaanibka ee Hindiya loona yaqaan Foreigners Regional Registration Office ayagoo ku saleynaya xarigiisa in uu yahay nin la baadi goobayo 'Look Out circular' (LOC).



Mr. Bansil waxuu la Taliye ka ahaa Shirkad maalgelin ee laga leeyahay Abu Dhabi oo si toos ah u hoos timaada waaxda Arrimaha Hantida gaarka ah ee Abu Dhabi (Department of Private Affairs of Abu Dhabi). 

Dowladda Imaaraadka Carabta si cad ayey Maxkamadda dembiyada ugu qaaday xukunna ku ridday isaga oo maqan markii lagu helay fal dembiyeedki loo heystay kadibna ay u jartay warqadda in la soo qabto. Saddex maalmood kadib. Bishu markey ahayd 10/01/2007 ayaa lagu sii daayay Abiil (bail) sababo loo nisbeeyay xiriirka ka dhaxeeya Dowladda Imaaraadka iyo Hindiya ee ku saabsan in la isku gudbiyo dadka baxsadka ah iyo ayadoo aanan laga codsiga in la qabto aan laga helin maxkamadda loo yaqaan Magistrate.

Hindiya kaliya ma'ahan, ee waxaa sidoo kale lagu xiray dalaka Koofur Afrika iyo Kanada. Waxaa kale oo galay dembiyo kala duwan oo ku saleysan Musuq-maasuq, wax isdabamarin laguna helay dhamaan dembiyadi lagu soo eedeeyay maxkamad Mareykanaka ku taallana ay ku heshay dembi kadbina la khasiray, Sannadki November 18, 1981.

Mr. Bansil  Shiblaq waxaa kale ee uu lug ku lahaa Ganacsi Khamriga loo yaqaan Wine ee Sannadki 100 Million oo Dollar dhaqdhaqaaqiisu yahay kaasoo aan ahayn mid sax ah ee uu yahay mid lagu been abuuray (Fake). Arrintaan oo ay aad u daba joogeen Sirdoonka Mareykanka (FBI) Sannadkii 2007.

Haddaba Ummada Somaaliyeed ee silica iyo Saxariirta ku nool in Dowladdi Masuulka ka ahayd ugu dhiibto Kheyraadkoodi Ninkaan intaas oo Dembi ah soo galay, soo musiiba u soo hoyatay maaha? Waa Dhurwaa Xoolo raacso. Ragaan Dawladaa Soomaaliya Matalaya ma ka Fiirsadaan oo ma baaran Dadka Ajnabigaa oo ay Salamayaan mase waxaa Cajabiya oo ku filan inuu yahay; Nin Cad oo Visit Card iyo Jaakad (Siid ah) ku Labisan?.

Soomaali Cidna uma maqna Ceelna uma qodna. War Waddanka iyo Shacabka sidaa ha laga daayo oo ha loo turo waxna ha loo reebo, Baarlamaanow maxaa tala ah?

Maxamed G. - Keydmedia Online - Editorial Desk




Maqaallo 22 February 2021 13:48

Dowladda uu waqtigeedu dhamaaday ee Farmaajo hoggaamiyo ayaa 19/2/2021, magaalada Muqdisho galisay qalalaasihii ugu xoogganaa oo nuuciisa oo kale aan taariikhda la warin, waxayna joojiyeen mudaharaad nabadeed oo ay ku dhawaaqeen Golaha Midowga Musharixiinta.