Kursi Ma Qaado Kun Qofood Gadaalse waa ka Kaafiyaa!

Dr. Ali. A. Hirabe - Odayada Xamar yimid wax ma dhaamaan kuwii 2007 C/aahi Yusuf iyo Cali Mahdi ku soo xareeyeen Xamar, hadaba si aanan wax ugu ogaano dhaqanow maxaad tahay??? Siyaasiyow maxaad tahay??
Maqaallo Keydmedia Online

Sabbabta oo ah labadaa ayaa midba midka kale adeegsanayaa, kuwa dalka raba in aay madaxweeyne ka noqdaan waa shaqsiyaad aan aaminsanahay in qaar aay yihiin xoolo-doon,kuwana  xal-doon, qaarna xaq-doon iyo xurmo-doon.

Raga qaar waxaa aay ka weeyn yihiin da´dii xilka lagu qaban lahaa oo 75 ilaa 85 ayeey jiraan waa kuwa u baahan servicehus ama xanaano gaar ah si noloshooda inta ka dhiman eeyan u murugoon ,Odayada duubabka waagii hore umada waa is-haaysatay oo waxaa jiray heshiis bulshadeed (social contract) aragtiyada hishiiska bulshada waxaa fikirkeeda hormuud u ahaa oday dhaqameedka iyo culumada u dhalaty bulshadaa, iskuma xadgudbin jirin bulshada dhexdeeda ama mida ka baxsan bulshadaa,heshiiskaas micnahiisu wuxuu ahaa hadii aan nahay shacabka bulshadaa waxaan diyaar u nahay inaan xorriyadeena u dhiibano qaarkeen kuwaasoo  oo aan wax kale qaban balse danteena maahine, qaab dhaqanka noocaas ahi waxaa burburiyay gumeeystihii yurub ka yimid dalkana xukumay ku dhawaad 100 sanno.

Gumeeysiga waxaa uu dalka ku soo kordhiyay waxa somalida u taqaan  Qaran iyo dowlad, Creation of Nation-States, nation of Somalia waxaa abuuray gumeeysiga sida oo kale State of Somalia waxaa abuuray gumeeysiga caddaa, waxaa uu nagu soo kordhiyay dowladnimo iyo dastuur laga soo minguuriyay yurub ujeedada ugu weeyna aay tahay kala fogeeynta diinta dowladnimada sapartion of goverment and religion,oday aanan wax aqrin,wax qorin caalamka la socon waxa ka jira ayaa lagu sifeeyay kuwa ugu sareeyo masiirka dalka,dadka iyo diinta ??

Waxaase loo baahan yahay in la kala garto hogaanka dhaqanka iyo midka siyaasada,dhaqanka waa mid jiray, jiridoona weligiis oo aan is bed bedel laheeyn, basle siyaasada iyo siyaasiga waa kan la jaan qaadi kara isbedelka siyaasda markaas socota ama saxansaxda siyaasadeed ee soo socota, waxaad moodaa haddii mashruuc la rabo in la fushado in duubabka dhaqanka iyo kuwa siyaasada ku fashilmay in umada la horkeeno iyada oo la ogyahay in mashruucaani in uusan soconkarin dhaqanka shaqadiisa maaha siyaasada,mana mudna in odayada dhaqanka loo adeegsado siyaasada,waa waxa hada aay isku haystaan Faroole iyo C/weli Gaas.

Faroole waxaa uu taagan yahay Puntland waa dowlad iyadaana xaq u leh in aay soo xusho cida ugu qeeybgeleeysa ansixinta dastuurka qabyo qoraalka halka C/weli leeyahay Odayada duubabka ayaa xaq u leh cida soo xuleeysa cidii ansixin laheeyd dastuurka qabyo qoraalka ah,waa sabbabta Mahiga uu u joogo Garowe manta.

Faroole waxaa uu soo xulay in ka badan 30 xildhibaan halka C/weli Duubabka Puntland u soo xuleen 30 qof ,macnaha Faroole + C/weli ayaa dalka isku haysta, marna waxaad maqleeysaa Odayada duubabka waa kuwa leh goáanka ugu danbeeya masiirka dalka halka aad marar qaar aad ka maqleeyso madaxda ugu sareeysa dalka iyo Mahiiga oo leh Goáan ma laha odayada duubabka balse talo ayeey ku leeyihiin intaba waa walaacowga iyo xaqdarada aanan geed loogu soo gaban oo ku dhaceeyso qiimaha magaca Somali,Odayada duubabka waxaa haysata:; "Nin walaayad la saaray oo loo wakiishay aqoon Weer fagaare timaada hadduu weyda  ku ahaado wejigiisa la doori ummadii waddatay Walbahaar ku abuur”

Hogaanimada waa xirfad siyaasadeed leh Aqoon , karti , hufnaan , daacadnimo,garasho dheer iyo mid dhaw “odorosnimo” hogaamiyihii weeynaa ee dagaalyahanka ahaa mar wax laga weeydiiyay hogaanimada waxaa uu dhahay : Nabiliyoon. Ciidan Bakayleyaal ah oo uu hogaaminaayo libaax ayaa ka khayr badan ciidan libaaxyo ah oo uu hogaaminaayo Bakayle  waad garan kartaa akhristow farqiqa u dhaxeeya Libaax iyo Bakeeyle,dalka kuwa ku soo foolka leh ee raba xilka madaxweeyne waxaa quman in laga fiirsado wallow shacabka uusan laheeyn awood hadana waxaan leeyahay goobta hala keeno cid dhibaatada Somali wax ka qaban karta oo daacad ah,inksto oo la shaaciyay  boobka hantida qaranka hadana weli waxaa  socda in dhawaanahaan la soo bandhigo xadgudubyadii dalka Somali ka dhacay 1960 ilaa manta.

Musharaxiinta madaxweeynanimada Somalia oo xiligaan gaareeysa 50 Musharax,waxaan filiyaa in qaar faro badan kaga haraan fadeexada caalamka soo bandhigay ee lunsashada hantida shacabka Somalia,qaar-kale waxaa aay kaga harayaan da´da aay ku jiraan oo aanan u saamaxeeyn in aay xil umadi u qabtaan ayaga oo u baahan xanaano gaar ah servicehus, Siyaasiyiin qurbaha ku daalay ayaa xiligaan ka mid ah kuwa isa soo sharxay  ayaga oo la ogyahay in aay wataan  Baasaboora Yurub iyo USA ,xaqiiqdii waa caqabad weeyn maxaa yeelay danaha shaqsiyadood iyo tii somalinimada waxaa ka weeyn midka aay ugu adeegayaan dalalkii aay u haajireen welina caruurtooda degen tahay,dib u fiiri inta dalka xilka u soo qabatay ama weli haya ee ka yimid dalalka dibada watana jinsiyado shisheeye ??

Ogow qaarbaa wata jinsiyada Ethiopian, xildhibaano jinsiyado kala duwan haysta ayaa dalka xildhibaan u ahaa weliba  xilka ugu sareeysa dalka hayo welina soo qabtay sida r/wasaare wasiirka difaaca iyo midka dhaqaalaha  iwm Rasuulkeena suubbani (Sallallaahu calayhi wasallam) waxa uu leeyahay: ( (Qofka waxaa dembi ugu filan inuu dayaco kuwii loo xilsaaray daryeelkooda)  nin reerkiisii caruurtiisa iyo waalidkiis qurbaha kaga soo tahay Somali xil in uu u qabtaa waa xaaraan sabbabta oo ah awlaa waxaa ah inti lagu raaciyay .

 

Alow sahal umuuraha

Dr.Ali.A.HIrabe - HIrabe_a@hotmail.com




Maqaallo 19 October 2020 5:00

Warqadda Rai'sul Wasaare Maxamed Xussein Roble u diray Afarta Dowlad gobolleed ee Puntland, Jubbaland, Hirshabelle, Galmudug- ee taarikhdeeda tahay 17.10.2020, kuna saabsaneyd magacaabidda Xubnaha Guddiga hirgelinta doorashada heer federaal GHDHF 2020/2021, waxay abuurtay isweydiin badan: