Live Blogging: Dagaalka Kismaayo

Keydmedia Online - KON ayaa go'aansatay inay Aqristayaasheeda usoo bandhigto Wararka ugu dambeeya ee Kismaayo iyo Dagaalka halkaas ka socda, si Toos ah [Live Blogging], waxaana soo tabinaaya Wariyaha Keydmedia Online iyo Wariyeyaal Madaxbanaan oo ku sugan Magaalada.
Faallo Keydmedia Online

KON - Sabti - 16:56 (Saacada Soomaaliya) | Xafiiska Kismaayo

Kadib markii laga Maleeshiyaad Beeleedka Axmed Madoobe Magaalada Kismaayo, ayaa Taangiyada Ciidamada Kenya si Toos ah Magaalada usoo galeen, waxeyna dib u riixeen Ciidamadii Deegaanka oo uu Hogaaminaayay Barre Hiraale iyo Iftin Baasto.

Wariyaha Keydmedia Online ee Kismaayo ayaa wuxuu noo xaqiijiyay in Ciidamada Kenya ay hada ka Dagaalamayaan Agagaarka Guriga Gobolka iyo Darafka Bari ee Warshada Hilibka oo Xoogaga Ciidamada Degaanka halkaas la iskugu riixay.

Ciidanka Kenya ayaa Dagaalka waxey soo galeen kadib markii Koox Beeleedka Axmed Madoobe ay ku Jabeen Dagaalka labo Maalmood ka socday Kismaayo.

Sidaan Saakay soo qornay, Waxaa Magaalada lagu arkay Maydad badan oo ay kamid yihiin Labo Askaro oo Kenyaan ah.

Gawaarida Gaashaaman iyo Taangiyada oo ay ku Qoranyihiin Summada AMISOM ayaa waxey Madaafiic ku garaaceen Xaafada Guulwade, Madaafiicdaas ayaa waxey Dhulka dhigeen Guryo badan, halkaasoo ay ku dhinteen Dad aan ilaa iyo hada tiradooda la garan karin.

Guryahaas ayaa waxaa kamid ah Guriga Ugaaska Beesha Sade daganyahay, waxaana jira dhaawacyo Culus oo aan la hayn meel lagu daaweeyo.

Markii la wiiqiyay Kooxda Axmed Madoobe ayaa taliska Nairobi wuxuu Ciidamada Kenya ee Kismaayo ku sugan Amar ku siiyay inay Dagaalka galaan si loo badbaadiyo Maamulka Axmed Madoobe madaxda ka yahay ee dhawaan ismagacaabay.


KON - Sabti - 11:44 (Saacada Soomaaliya) | Xafiiska Kismaayo

Inta ilaa iyo hada la xaqiijiyay, waxaa Dagaalkii Saakay ku dhinteen 23 ruux oo Shacab u badan.


KON - Sabti - 11:20 (Saacada Soomaaliya) | Xafiiska Muqdisho

Wariyaha Keydmedia Online ee Kismaayo ayaa Qadka Telefoonka wuxuu noogu soo gudbiyay in hada Ciidamada Kenyaaanku ay Magaalada Madaafiic waaweyn ku garaacayaan Magaalada, waxaana la dareemayaa waxyeello ay Madaafiicdaas ay Degaanka gaarsiyeen iyo Dadkaba.

Dhinaca Waqooji iyo Bartamaha Kismaaayo ayaa waxaa laga dareemayaa inay ku yaraatay Saanta Dadka iyo mida Gaadiidka oo waxaa laga dhakaday Madaafiicda ay Kenyaanku kasoo tuurayaan 14 KM meel u jirta Kismaayo dhinaca Koofur.

Madaafiicdaan ayaa waxey bilowdeen kadib markii Maleeshiyaad Beeleedka Axmed Madoobe laga saaray Magaalada Kismaayo.

Labo Mayd oo Ciidamda Kenyaanka ah ayaa waxaa lagu arkay Magaalada, waxaana loo jiiday dhinaca Xarumaha Ciidamada Degaanka.


KON - Sabti - 10:30 (Saacada Soomaaliya) | Xafiiska Kismaayo

Dagaalka ayaa wuxuu saameyn xooggan ku yeeshay dadka ku nool magaaladaas oo billaabay inay ka barakacaan gurayahooda.

Qoyasas ka baqaya in ay Dagaallo ka dhacaan Magaalada ayaa la sheegayaa in ay Ubarakaceen dhanka Sanguuni, Jamaame, Sabca Ashraaf, Jilib iyo Kabsuumo oo ah Magaalooyin ay wali ka taliyaan Kooxda Shabaab-Qaacid.


KON - Sabti - 08:00 (Saacada Soomaaliya) | Xafiiska Kismaayo

Dagaalo iyo duqeymo xoogan ayaa Saakay dib uga qarxay Kismaayo.

Dagaalka ayaa bilowday kadib markii Maleeshiyaadka Axmed Madoobe ay Weerar rogaal celin ah ku qaadeen Ciidmada Barre Hiiraale, ftiin Xasan Baasto, Cumar Buraale iyo Cabdi Baalleey oo 80% Magaalada la wareegeen.

Xaafadaha Calanley, nawaaxiga wershadda hilibka iyo dalcadda ayaa uu dagaalka xoogiisa ka socdaa.

Dagaalka Kismaayo ee Shalay iyo Saakay ayaa la sheegay in ay ugu yaraan 60 ruux ku Dhinteen.

Wixii Faahfaahin ah kala soco Boggaan.


KON - Jumco - 21:30 (Saacada Soomaaliya) | Xafiiska Kismaayo

Wararkii ugu dambeeyay ee ka imaanaya Kismaayo ayaa sheegaya in uu Gabalku ku dhacay Dagaalkii Saakay ka qarxay magaalada Kismaayo iyadoo aan wali lagu kala awood roonaan.

Dagaalkaan oo Sababay Dhimasho iyo dhaawac ayaa skiis u istaagay Maqribnimadii.

Waxaa Caawa Magaalada laga maqlaayaa Xabado teelteel ah, Mana jirto cid magaalada Gacanta ku heysa.

Wariyaha Keydmedia Online ee Kismaayo oo Dariiqyada Xaafada Siinaay soo maray ayaa arkay Mayd badan iyo Burbur xoogan.


KON - Jumco - 20:10 (Saacada Soomaaliya) | Editorial Desk

Websiteyo kusheega Codka Qabaa'ilkooda iyo Caadifada ku hadla ayaa waxey Qaybweyn ka yihiin guud ahaan Colaada Soomaaliya, gaar ahaan Colaada Maanta Jubada Hoose ka taagan. Inta badan waxaa Qora kuwo Qurbajoog ah oo Fadhi kudirir ah oo Ceyr kunool ah (Sacabka Hoorsada).

Dhibaatada ay ku hayaan Shacabka Soomaaliyeed oo Colaada iyo Xasilinoonidarada ka daalay waxaa kamid ah Qaabka ay wax usoo gudbinayaan, ayagoo Dagaalka ka jira Kismaayo sii hurinayaan.

Geesinimadu ma’ahan Maanta Ninka xooga badan, ninka Hubka heesta iyo Ninka la wareega deegaano, laakiin waxaa geesi ah Qofkii xiisadda qaboojiya, Qofkii tanaasula iyo Qofka xalka keena.

Maanta lama joogo xiligii Hanjabaada iyo Waqtigii wax la sii kicin lahaa ee waxaa la joogaa xiligii xaalada la dajin lahaa, nin kasta Maanta wuxuu sameeyo iyo waxa uu reebto ayayna Taariikhdu ku xusi doontaa.


KON - Jumco - 19:40 (Saacada Soomaaliya) | Xafiiska Kismaayo

Maleeshiyaadka Axmed Madoobe oo laga Saaray Kismaayo

Kismaayo ayaa laga Saaray Maleeshiyaad Beeleedka Raaskambooni, sidaas waxaa sheegay Wariye Madaxbanaan oo ku sugan Agagaarka Madaxtooyada Kismaayo.

Waxaa Madaxtooyada Kismaayo Caawa ka socda Dagaal Xooggan oo u dhaxeeya Ciidamada Barre Hiiraale, Iftiin Xasan Baasto, Cumar Buraale iyo Cabdi Baalleey oo isku dhinac ah iyo Maleeshiyaadka Axmed Madoobe.

Fariisamihii Maleeshiyaadka Axmed Madoobe ayaa lala wareegay, waxaana la sheegaya in Ciidamada Barre Hiiraale ay Gacanta ku hayaan Maxaabiis badan oo Maleeshiyaadka Raskambooni ka tirsan.


KON - Jumco - 17:13 (Saacada Soomaaliya) | Xafiiska Kismaayo

Ilaa iyo hada waxaa la xaqiijiyay in 19 Qof ay ku dhinteen Dagaalka Galabtay ka bilowday Kismaayo. Wararka KON soo gaaraya ayaa sheegaya in ugu yaraan 30 Qof ay ku dhinteen Dagaalkaan. Maydad ayaa wali iska yaala Darriiqyada isku xira Magaalada iyo Garoonka Diyaaradaha.


KON - Jumco - 16:00 (Saacada Soomaaliya) | Xafiiska Kismaayo

Ciidamada Kenya ayaa Saraakiil ka tirsan Ciidanka Dowladda ku xiray Kismaayo

Wariyaha Keydmedia Online ee Kismaayo ayaa soo waramaya in Saraakiishaan la isugu wacay kulan Ammaanka looga hadlayo oo Saraakiisha Kenya ay sheegeen in ay ku qabanayaan Garoonka Magaalada Kismaayo.

Saraakiishaan ay Xirxireen Ciidamada Dowladda ayaa kala ahaayeen Korneel Max’ed Cali dhuubow, Gaashaanle Sare Cabaas Ibraahim Gureey iyo Korneel Max’ed Buulle Ibraahim.


KON - Jumco - 14:40 (Saacada Soomaaliya) | Xafiiska Kismaayo

Warar aan wali la xaqiijin ayaa sheegaya in Ciidamada Barre Hiiraale ay la wareegeen Fariisimada Maleeshiyaadka Axmed Madoobe oo lagu magacaabo Haamaha.


KON - Jumco - 14:05 (Saacada Soomaaliya) | Xafiiska Kismaayo

Ra'iisal Wasaaraha Xukuumada Federaaliga ah ee Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon Saacid ayaa ku baaqay in dhinacyada ku dagaalamaya Kismaayo ay si dag dag ah u joojiyaan dagaalka.

Waxaan u soo jeedinayaa dhinacyada ku dagaalamaya gudaha magaalada Kismaayo inay joojiyaan xabadda ayna ka wada hadlaan khilaafkaadka dhexyaala. Shacbiga iyo magaalada Kismaayo midkoodna kama bixi karo dagaal cusub, sidaas daraadeed waa inay labada dhinacba ka waantobaan in xalka qori caaradiis lagu raadiya, ayuu yiri Ra'iisal Wasaaruhu.


KON - Jumco - 13:55 (Saacada Soomaaliya) | Xafiiska Kismaayo

Dagaal Culus ayaa Maantay ka dhacay Magaalada Kismaayo, wuxuuna Dagaalkaasi u dhexeeyaa Ciidammo kala taageersan Col. Barre Hiiraale, Iftiin Xasan Baasto, Cumar Buraale iyo Cabdi Baalleey oo isku dhinac ah iyo Maleeshiyaadka Axmed Madoobe.

Dagaalkaan oo ka bilowday xaafada Siinaay ayaa haatan ka socda Magaalada oo dhan, waxaana weerar Xoogan lagu qaaday Fariisimiin ay Maleeshiyaad Beeleedka Axmed Madoobe ku leeyihiin Kimsaayo.

Dagaalada ka socda magaalada Kismaayo ayaa galay marxalad adag, waxaana Magaalada oo dhan laga maqlayaa Madaafiic iyo Hub Cul culus.

Wariyaha Keydmedia Online oo ku sugan Xaafada Siinaay ayaa sheegay in Shacab badan ay ku dhinteen Dagaalka. Sidoo kale ugu yaraan 19 Maleeshiyo ayaa laga dilay Raaskambooni.

Keydmedia Online - Editorial Desk




Maqaallo 19 October 2020 5:00

Warqadda Rai'sul Wasaare Maxamed Xussein Roble u diray Afarta Dowlad gobolleed ee Puntland, Jubbaland, Hirshabelle, Galmudug- ee taarikhdeeda tahay 17.10.2020, kuna saabsaneyd magacaabidda Xubnaha Guddiga hirgelinta doorashada heer federaal GHDHF 2020/2021, waxay abuurtay isweydiin badan: