Ma Dhabaa In UN-ka Ay Kulminayaan Kooxaha Siyaasada? (XOG)

Nairobi (Keydmedia) - Maalmahaan dambe waxaa xarunta Girigiri ee UNPOS (United Nations Political Office for Somalia) ka socda dhaqdhaqaaq xoogan oo ku aadan isu diyaarinta kulan balaaran oo loo qaban doono dhinacyada isku haya Siyaasada Konfurta Somaliya.
Maqaallo Keydmedia Online

Si loo mideeyo aragtiyada kala duwan ee dhinacyadaan, iyadoo fooda nagu soo hayso Doorashadii Madaxweynaha Dowladda Federaalka KMG iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo kuxigeenadiisa ayaa Beesha caalamka gaar haan Qaramada Midoobey waxay wadaan la tashiyo ku aadan Doorashadaas iyo Xiliga kala Guurka ee Dowladda Federaalka.

Xogtaan ayaa tilmaamtay in dhawaan Magaalada Nairobi lagu qabto kulan hordhac oo ay qabanqaabadiisu leedahay Xafiiska UNPOS ee Qaramada Midoobey gaar ahaan Qaybta Siyaasadda Soomaaliya  waxaana lagu waramey in ay ka qaybgeli doonaan wakiilo ay soo xushey Qaramada midoobey, inkastoo Qaramada Midoobey lagu cadaadinayo in wakiiladu ay soo xushaan Xubnaha la doonayo in ay ka qaybgalaan waxaana kulankaan qabashadiisa ka wada Hadley Mas'uuliyiinta ugu sareysa Dowlada Federaalka iyo ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Mr Agustino Mahiga.

Qaramada Midoobey ayaa waxay u soo jeedisey in min saddex Xubnood u soo dirsadaan Kulankaas waxaana ka mid wakiilada ka qaybgalaya kulankaas kuwo  ka kala socda Madaxweynaha DFKMG Sheekh Shariif, Gudoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan, Raiisul Wasaaraha Dowlada Federaalka Maxamed Cabdulaahi Farmaajo, Maamulka Soomaaliland, Maamulka Pundland iyo Ahlu Sunna, Warar aan la xaqiijin ayaa tilmaamaya in Maamulka Siilaanyo ay ku gacanseyreen ka qaybgalka Kulankaas hase yeeshee waxaa u matalaya Xubno ka soo jeeda Gobolada Waqooyi Galbeed oo ku jira Dowladda Federaalka KMG.

Maamulo ay ka mid yihiin Galmudug, Ximan iyo Xeeb, SSC iyo Maamul Goboleedyo dhowaan la dhisey oo iyagu codsiyo u gudbiyey Qaramada midoobey qaybteeda Siyaasadda ayaan la ogeyn  in laga ogolaan doono ka qayb galka kulankaas oo looga arrinsanyo xiliga kala guurka ee Dowlada Federaalka

Kulankaan ayaa u muuqda saan saantiisa kii la qabtey xiligii Xukuumada Carte ee Cabdiqaasim Salaad Xasan oo isugu dirsaday ergo wakiil ka ahayd, waxaana kulankaas ka qayb galey ergooyin matalayaey Pundland iyo kuwo matalayey Qabqablayaashii dagaalka waxaana ka dib kulan socdey saddex sanno lagu doortey Madaxweynahii KMG Cabdulaahi Yuusuf, waxaana dhici karta in Musharax ay wataan xiligaan QM uu ku soo baxo tartankaasi kaasoo lagu wado in uu xilka hayo muddo 5 sano ah.

Ilo xogogaal ah ayaa tilmaamay in Qaramada Midoobey ay qorsheyneyso in marka uu qabsoomo kulankaan hordhaca ah iney Xildhibaanada Baarlamaanka la isugu geeyo Magaalada Nairobi si ay u doortaan Madaxweynaha Dowladda Federaalka iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo ku xigeenadiisa waxaana Doorashadaan la qorsheeyey in ay socoto muddo Todobaad ah waxaa kaloo ay noo sheegeen xubnahaan in Qaramada midoobey lagula taliyey in aysan Doorashada ka dhicin Magaalooyinka Garoowe & Muqdisho iyagoo sabab uga dhigin in ay dhici karto inay ku shubtaan ama ku soo baxaan Tartanka Madaxweynaha DFKMG Shiikh Shariif iyo Shariif Xasan iyo kooxda C/maan Faroole, waayo haddii lagu qabto Magaalada Nairobi waxaa kor kala socon kara Beesha Caalamka oo iyagu u saamaxeeyn arrimo amaan awgeed iney tagaan Magaalada Muqdisho inkastoo laba Shariif ay codsadeen in Doorashadu ay ka dhacdo dalka Gudihiisa maadama aan hore loogu qaban.


Keydmedia.net




Maqaallo 19 October 2020 5:00

Warqadda Rai'sul Wasaare Maxamed Xussein Roble u diray Afarta Dowlad gobolleed ee Puntland, Jubbaland, Hirshabelle, Galmudug- ee taarikhdeeda tahay 17.10.2020, kuna saabsaneyd magacaabidda Xubnaha Guddiga hirgelinta doorashada heer federaal GHDHF 2020/2021, waxay abuurtay isweydiin badan: