Ma sharci baa lacagta leejada loo yaqaano?

Tan iyo intii ay meesha ka baxday dowladii dhexe ee ka talineysay Dalka waayada badan horaantii 1991, hadba dhegaha shacabka soomaaliyeed waxaa ku soo dhacaayey ereyo cusub oo aan hore loo maqal, kuwaasoo badankood tilmaan ka bixinayey dhibaato iyo wax la mid ah.
Maqaallo Keydmedia Online

Erayada waa kuwa la dhalan rogay oo laga weeciyay micnihii asalka ahaa ee lagu garan jiray oo waxaa loo adeegsadaa macno ka soo horjeeda kii hore loo asteeyay, waxaa ka mid ah erayada la dhalan rogay “Leejo”.

Dadka yaqaan luuqada talyaaniga marka dhawaqa erayga (Lego) leejo ay maqlaan waxa ay leeyihiin waa wax sharci ah oo waxa uu la micno yahay erayga afka ingiriiska lagu yiraahdo sharciga “Legal”.

Is weydiintu ma xumee hadda sidee loo adeegsada ereygaas? ma meel ku haboon baa la dhigay? yaase adeegsanaya, yaase loo adeegsadaa?

Su’aalahan iyo tii kore ee ahayd sharci ahaanshaha lacagaha leejada looyaqaan waxa ay imaanayaan marka aad maqasho ereygaas iyo sida loo maamulay, gaar ahaan kolka aynu joognaa Koonfurta Soomaaliya si gaar ah Caasimadda Muqdisho?

Maleeshiyaad aan muuqaalkooda iyo meesha ay joogaanba ku farxad gelinayn ayaa keeb layuurar ku ah iyagoo  dhigtay jid gooyooyin ay lacago baad ah ugaga qaateen gaadiidka dad weynaha.waxaana isbaaradaasi lacagta ay ku qaataan ay u ku sheegaan in ay tahay leejo “Lego”.

Qoriga ugu yar ee ay la fadhiyaan waa qoriga AK47 oo qaarkood furkii amaanka mar hore laga tuuray oo amaanka wuu balaqan yahay, waana isaga rid halka aad doonto iyo cidda aad doonto,

Rakaabka adeegsada gaadiidka ayaa xiliyada qaar is badan baadin darteed waxa ay qaataan go’aan ah in jeebkooda ay ka dhiibaan lacagta kooxahaasi ay doonayaan, waayo haddii la raali galin waayo waxa ay falayaan dhib dhaxalkiisa uu noqonayo geeri iyo dhaawac.

Maleeshiyaadkaa qaadico dariiqa ah ee lacagaha baada qaadanaya waxa ay leeyahay ‘keen leejada’ oo micnaheedu yahay in uu bixiyo lacagtaas laga doonaya oo halbeeg iyo cadad go’an toona aan  lahayn oo hadba waxa afkooda ka soo burqada ah.mana ahan wax ay su’aali ka keeni karaan lacagtaas dadka  bixiye waa karishbooyada iyo darawaladooda oo boqolaal ruux ayaa loo dilay arrimahaas, waxayna sidaa u yeelaan ‘weesha qal dibiga ha ku quus qaatee’ si darawal damba aanu lacagta isugu dhedhejin.

inta kooban ee DKG ah ay maamusha ayaa ka mid ah meelaha lacagaas lagu qaado iyo meelaha kale ee ay gacanta ku hayaan maleeshiyadka ka soo horjeeda dawlada.

Dhanka DKG ay maamusha waxaa lacagahaas looga qaadaa sidii ay hogaamiye kooxeedyadii u qaadan jireen waana iyadiiyoo la barxin ama iyagii oo dawlada ku jira ayaa qaata.waxaana dhacda in mararka qaar iyaga isugu dhaca sidii loo maareeyn lahaa lacagaha baada ay ku heleen oo rasaas isla dhaca.

Arrinta cajiibka ah waa: waxay dhigtaan burcadan meelaha ay beel ahaan ku tun roon yihiin oo ma dhigan karaan meel aysan ku abtirsan, taasina waxay marqaati cad ka bixineysa shaarkii la doona hala gishtee in aanu wali ka suulin Soomaalida dhexdeeda qabiilka iyo qabyaalada ku dhaqankeeda,meelahaas waa halka laga abaari karo marka ay noqota in xal laga gaaro oo dhaqanka iyo samadoonada ka wajihi karaan.

Ma ahan wax cusub oo hadda soo ifbaxay isbaatada oo dunida oo dhan ayaa laga adeegsadaan ha ahaato bad ama barri, balse waa mid ku dhisan nidaam dawli ah oo hufan oo sharci ah oo aan ahayn waxa aan sharciga u naqaan.

Waaya jooga Soomaaliya iyo Suugaanleyda ayaa laga hayaa  “waxa ceebta aad u taqaan qofbay camilkiisu tahay” , marka raggan waxaa camal u ah iney lacagaha baada qaataan tiiyoo hadda ugu sii darsan tay iney waardiyeystaan goobta isbaarada kadib markii qolyaha dawlada ka soo horjeeda miino ay dhigeen xarumahooda wax badan oo iyagaas ka mida ku galaafatay.

Dawlada ayaa ah iney jihayso dhalinyarada camalkooda sidan uu yahay  oo meel ay aadaan iyo wax qabtaan garan la’, tan gaadiidka ay ka qaataan haddii ay waayaan waxa hubaal ah iney jeebka dadweynha ku noqonayaan waana arrimo iyada laftooda dhacay.

Uganda oo ciidama nabab ilaaliyaal ah ka jooga Soomaliya ayaa soo martay dagaalada iyo qaadico dariiqnimada iyo isbaarada lafteeda iyadoo meesha maleeshiyaadka soomalida laba birood ka dhigtaan  ay dhigi jireen laba qof oo meyd ah madaxyadooda, haddana inta ay ka gudbeen fawdada iyo qalalaasaha ayaa loo dal xiis tagaa, ciidankooda waddamo kale  ayey nabbad illaalin ahaan u joogaan.

Maxaa diidan in Soomaalida ay ka cashar qaadato dadka soo dhadhamiyay  dhibaatada ee hadana ay wax la wadagaan? Hadaba akhriste wadadee baad is leedahay waa looga gudbi karaa nidaamkan ku dhisan baada ee loogu magac daray Leejada? Fadlan aragtidaada noogu soo dir Facebook.

Dr. Nero - Djibouti - keydmedia.net Correspondent




Maqaallo 27 October 2020 4:05

Qorshaha uu Trump ku doonayo in uu Ciidamadda Mareykanka ugala baxo Soomaaliya ayaa walwal ku abuuray xulufadda ku lugta leh dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, iyadoo laga codsaday Washington in ay dib uga fiirsato go'aankeeda.