Maamul Goboleedyadu Ma Guul la Gaaraybaa Mise Geeri iyo kala Guur Hor leh?

Waxaa sida umada wada ogsoontahay dalkeena soomaaliya ahaan jiray 18 gobol oo dowladii ugu danbaysay ay aqoonsanayd sida caadiga ah soomaalida waa dad wada leh deegaamo badan wadaagana dhul daaqsimeed , dhulbeereedka, xeebaha, iyo ceelasha ay ku tiirsan tahay noloshoodu.

Waxaynu markhaati ka nahay siyaasada gobolaysiga in aynaan gaadhin waqtigeeda una bislayn waxaan taas u leeyahay tusaale ahaan wadankan aan anigu ku noolahaay waa 26 gobol  dhul ahaan waxaa ka wayn  soomaaliya wax badan  sidaasay tahayna  malaha  xeebta dheer ee soomaaliya oo kale iyo dhulbeereedka , macdanta iyo khayraadka wadankeena ku jira, hase yeeshee bulshadiisa ayaa ah bulshada caalamka ugu nabada badan,  waana wadanka aduunka ka mida ee aan dagaal ka dhicin mudo dheer oo boqolaal sano  ah sida taariikhda ku qoran.

Waxaa lagaga  hadlaa  afar luuqadood mana laha luuqad dhexdhexaad ama dadka ka dhaxaysa gobolkaad degantahay hadaad ka tagto waxaad tagaysaa gobol aadan aqoon afkiisa adiga iyo muwaadinka wadanka u dhashayna haduusan gobolkaa u dhalan ama baran luuqadiisa waxaad kaga hadlaysaa luuqadaha laysku fahmo.

Waxay ka midaysan yihiin , dhaqaalaha., astaanta calanka, baarlamaanka,ciidanka amniga iyo ciidanka xooga dalka, gaadiidka dadwaynaha, siyaasada arimaha dibada, wax walba oo dowlad ka midoowdo keliya waxay ku kala duwan yihiin  maamulka dowlada hoose ama maxaliga oo qolo waliba iyada sida ay xal u aragto ay u dhisato,  waxay ka midaysan yihiin xisbiyada siyaasada oo gobol walba  waxaa degan sadexda xisbi ee dalka ugu waawayn mana laha xisbi gobol ku magacaaban waxayna doorashada axsaabta gobol walba la tiriyaa codkiisaa mana jiro nin beel ahaan ama deegaan ahaan ku soo baxa ee waxuu ku soo baxaa qof waliba codka taageerayaashiisa siyaasada.

Hadaba  sida wadama reer galbeedku iyo carabaha u badan yihiin wa jiraa gobolaysi laakiin maaha mid ku dhisan qabiil ama jufooyin  ama dad isku abtirsiimo ah ee waa mid ku dhisan deegaan iyo dad ood wadaaga oo kala duwan kana midaysan horumarinta bulshadooda.

Kasoo gudub waxaa waagii beryaba hada soo kordha magacyada maamul gobleedyada ismaandhaafsan siyaasad ahaan deegaan ahaan iyo damac ahaan  ee ku soo badanayaa wadankeena  waxaa hada magac loo sameeyay awal way qarsoonayde , qabiilkii waxaa taas ka sii daran in loo sameeyay qabiilkii astaan ama calan u gaara oo lagu garto dhulka soomaaliyeed ma gaadhin xili loo qaybiyo sidan oo kale ilaa la helo dowlad dhexe oo iyadu xadaysa oo ka qayb qaadata gooni isutaaga gobol uu gobol kale kaga maamul duwanaanayo.

Haddii tuulo ama degmo loo sameeyo sadex maamul goboleed oo mid waliba sadexda beelood ee wada degaa beel ka mida samaysato  saw maaha ifafaalo dagaal ku dhisan deegaan oo bilaabmaya iyo kala riixasho dhul. Mudadii dheerayd ee wadanka dagaalku ka socday ma jirin waana yaraa dagaalada ka bilowday deegaamada ama ceelasha dhulbeereedka iyo daaqsinka ee waxaa laysku hayay  dagaal aano iyo utun qabiil iyo dagaal siyaasadeed oo ka yimid kala duwanaanshaha iyo ismaandhaafka hogaamiye kooxeedyadii magacyada badnaa.
 
Isku soo wada duub maamul goboleedka waa wax muhiim ah hadiiba la helay in lagu helo nabad oo reer waliba , haantu guntay ka tolantaa ayna  xaliyaan  nidaamiyaan  wanaajiyaan  dhexdooda iyo dadka la degan qaabkay ula dhaqmi lahaayeen., balse haddii la helo wax sidaa ka duwan waa qalad tusaale ahaan  hadii 83dii degmo ee soomaaliya ay noqdaan 83 maamulgoboleed oo leh 83 madaxweyne  ma xalbaa la gaadhay mise xumaataa korodhay?.
 
Erayga midnimada la yidhaahdo, waa in umadi iska kaashato , Maskaxda, xooga, dhaqaalaha,  waxaa imaanaysaa intaasi haddii lagu midoobo midnimo taabagala  hadaba waayahee intii hadii loo qaybiyo 100 meelood waxaa imaanaysaa bil caksigeeda oo ah  awood yari, dhaqaale xumo, iyo kala feker duwanaanaansho mucaarad iyo colaad keeni kara.

Qurba joogta waxaan  odhan lahaa hadaad dalkii ka timaadeen waxaad hore uga qayb qaadan jirteen colaadaha idinka oo iibin jiray hubka iyo rasaasta lagu dilo waalidkiina iyo walaalihiina badidiin.

Hadana waxaad u gogolxaadhaan aqoontii iyo dhaqaalihii aad ka kasbateen dibada inaad dalkii tafaaraaruq hor leh ka bilowdaan oo aad qabiil walba iyo jufo kasta oo shalay mid isku ahayd inaad u sii kala qaybsaan kun qaybood..

Waxay dadku diidanaayan nidaamka 4.5 oo ah afar meelood iyo badh,oo la rabay in laga dhigay hal meel keliya  in nin walba aqoontiisa iyo kartidiisa wadaniyadiisa iyo waxqabadkiisa lagu tixgeliyo.

Hadana 4.5 muxuu dhalay.tusaale ahaan  waxaa jira madaxweynayaal badan oo aan  tegin mudo 20 sano iyo ka badan wadankii hadana tagaan waxaan ahay madaxweyne .

Waa horseedkii nabada deegaamada soomaalidu degto waxayna umada bareen in isku duubni iyo wada tashi guul lagu gaadhi karo taas oo aysan maalin qura dibada ku qabsan hal shir oo somaliland arimaheeda khuseeyaa ilaa maanta ilaa iyo maalintii ay gooni isutaagtayna kuma aysan tiirsanayn unitednationka ee waxay ku tiirsanayaan awoodooda shacab ahaaneed iyo rabitaanka bulshada soomaliland.
 
Hadaba  waxaa qasku ka taagnaa 20ki sano ee la soo dhaafay waa ka bilow Gaalkacayo ilaa kismaayo hadana waxaa  dhibaatada maamul goboleedyada  wadaa waa intaas  hadaba waa imsia gobol dhulkaasi.
 
Gaalkacayo waxaa waqooyi ka xiga oo nidaam iyo kala danbayni ka jirtaa intan oo gobol. Nugaal. Bari.Sool , Sanaag, Togdheer, Waqooyi Galbeed. Awdal.

Waxaa  Nabad ah iyada oo ay jiraan qulqulatooyin badan goboladan kor ku xusan badidooda marka laga reebo qaybo ka mid ah sool iyo sanaag.
 
Waxaa  xasilooni daro ka jirtaa mudo dheer.Qayb ka mida mudug. , Galguduud, Hiiraan, Shabeelada dhexe, Banaadir, Shabeelada Hoose, Jubada Dhexe, Jubada hoose, Gedo, Bay, Bakool.
 
Hadaba  gobolada ka xiga dhinaca koonfureed magaalada gaalkacayo  ilaa xeeb ilaa xuduud waa gobolada  mudada 20ka sano ah bulshada soomaaliyeed u xayirnayd xalkoodana aan la helin  taas oo ay sabab u tahay shacabkeeda iyo waxgaradkeeda iyo siyaasigeeda oo hal mawqif ku heshiiyay oo ah
 
Inaytu heshiin lahayn
Heshiisxumada ka roon
Intaynu is heli lahayn
Hanaan xumada ka roon
Intaan horusocon lahayn
Inaynu hadhnaa ka roon
Intaan dowlad helin lahayn
Inaan hakinaa ka roon
 
Umada ku dhaqan  gobolada waa umada ugu qaxa  , geerida , dhibaatada,  dagaalada badan soo mareen  markaad aragto afkaarta ay wali aaminsan yihiin waxaad ogaanaysaa inay u dhimantahay  20 sano oo kale oo bisayl ah ,hadaba waa is waydiine  waxay soomaalidu ku maahmaahdaa  Ruqo ninkii lahaa dabada hayo ma kacdo.
 
Maxaa u diiday  qaybta koonfur gaalkacayo  ilaa galguduud inay noqdaan hal maamul goboleed.
Qaybta  Hiiraan ilaa shabeelada dhexena hal maamul goboleed,Jubooyinka ilaa gedo hal maamul goboleed,Bay iyo bakoolna  hal maamul goboleed,Caasimada oo ah banaadirna inay noqoto sida Dastuurku qabo maamul goboleed  gooni u taagan ama state aan hoos tegin maamul goboleed kale.
 
Waxaa meeshas ka soo baxaya  imisa maamul goboleed. Waa lix maamul goboleed oo ah min laba iyo ka badan  gobol ayna wada degaan  dadkii isku deegaanka ahaa  degmo waliba ay hoos tagto gobolkii ay hore uga tirsanayd  haday doonayso inay ka mid noqoto maamul goboleed kale ay cod shacab iyo mid baarlamaan iyo  kalsooni  kaga mid noqoto kagana baxdo maamulkii ay hore uga tirsanayd.
 
Magacoowga gobolada waxaa xaq u leh  Madaxda sare iyo xukuumada waliba waxaa awood buuxda u leh haddii gobol cusub la magacaabayo madaxweynaha isaga oo marsiinayaa baarlamaanka  maaha  shaqsi iyo koox inay gobol ku soo kordhiyaan  aan ahayn goboladii dalka laga yaqaanay degmada xitaa haday maamul goboleed tahay waxaa ansixin kara  madaxda  dalka iyo baarlamaanka.
 
Shaqada madaxda dalka ayaa ah  iyo baarlamaanka  waxii dalka lagu soo darayo  waxii laga bedelayo   inay iyagu qabtaan  .wasaarada arimaha gudaha  ayaa waxay u qoondayn kartaa  haddii laga helo magaalo dhamaan adeegyadii looga baahnaa gobol ahaan sida  dhinacyada kala ah,
Bulshada ku nool cadadkeeda, adeega iyo goobaha waxbarashada, goobaha caafimaadka , dakhliga cashuurta ka soo baxda, iyo dhaqaalaha ay ku tiirsan tahay , bad ama wabi ama xoolaha nool in lagu qiimeeyo  kadib la horgeeyo markay buuxiso kaalintii gobolnimo, maaha dhismaayaal badan in lagu helo gobol  maaha  hal sar oo dabaqa in lagu helo gobol .
 
Waxaan qoraalkayga ku soo gebagebaynayaa  waxaynu raacaynaa jidkii  dib u duminta iyo kala dirka  beelaha soomaaliyeed ee deris wadaagta ah ee  halaga daayo  . maamulgoboleedyadan badan  ee calamada  kala duwan wataa waa kuwo aan ku salaysnayn sharci iyo rabitaan shacab ee halaga daayo bulshada in dib loogu celiyo wado ay ka soo gudubeen mudo dheer.
 
Siyaasada soomaaliya waxay u xuubsiitay  , intii isku dana iyo intii isku hadaf ah way ka gudubtay  waqtigii beelaysiga  ee yaan dib loogu celin waayo waa rajo hadaan laysku garabsanayn  beel ahaan ee  koox  ahaan iyo feker ahaan ama isku dan ahaan laysku garabsanayo haddiise sida hada wax u socdaan loo wado  state hebel iyo state hebel ayaa tuulo heblaayo isku haysta ayaa iman doonta.
 
Hubsiinadu waa dawoo
Halkii aad mari lahayd
Hanaankii nolosha iyo
Hilinkay kugu ridaaa
Hadaydaan maanra garan
Hadhow helimaysidoo
Horey kuu dhaaftayoo
Hilmaankuba wuu dhunshaa
Hantida aad adi lahayd
Hubsada soomaaliyeed
Hayaanka dalkeena iyo
Habkaan federaaliga ah
Heesaha gobolaysiga ah
Sidii loo heli lahaa
Habkeed loo marin lahaa
Hubsada soomaaliyeey
Hubsada soomaaliyeed

Waa Qalinkii:
Cabdiraxiin Hilowle Galayr
Galayr1977@hotmail.com




Maqaallo 19 October 2020 5:00

Warqadda Rai'sul Wasaare Maxamed Xussein Roble u diray Afarta Dowlad gobolleed ee Puntland, Jubbaland, Hirshabelle, Galmudug- ee taarikhdeeda tahay 17.10.2020, kuna saabsaneyd magacaabidda Xubnaha Guddiga hirgelinta doorashada heer federaal GHDHF 2020/2021, waxay abuurtay isweydiin badan: