Ma ogtahay Waqtigu in uu Qaali yahay?
Haddana, qof walba oo geeriyooda ama dhinta isku si uma saameeyo dadka, qof walba meesha uu uga jiray bulshada ayaa lagu maamuusaa, maxaa yeelay dadku isku mid ma ahan, mana sinna dhan walba.
Maanta midda aan duljoognaa waa geeri naxdin iyo qarracanba wadata, maxaa yeelay qofka naga baxay qiimihiisa iyo qadarka uu nagu dhex lahaa baa ah mida an laga samri karin, waana midda iga qasabtay inaan tixddan yar ugu baruurdiiqo Abwaankii bulshada, Abwaan Maxamed Xaashi Dhammac “Gaariye” oo ku geeriyooday wadanka Norway.
Waxaan ehelllada Abwaanka, suugaanyahannada iyo umadda Soomaaliyeed ba uga tacsiyeynayaa geerida Abwaanka, Eebbana ugu baryayaa inuu naxariistiisa ugu deeqo.
Warka yaanan idinku badin, ee aan idiin soo gudbiyo tixdan aan ku magacaabay: “Murugo!"” waana tane, ka bogasho wacan:
Maansada: "Murugo!"
Noloshaaba murugiyo
Farxad ama macaanoo
Ku dul meerta labadaa.
…
Midbaa dhiman midbaa dhalan
Mid kalaa Sabool noqon
Midna waaba Taajiri!
…
Macallinkii Bulshada iyo
Maansada Abkeedii
Ma halyeey ayaa baxay?
Maaniye miyaa tagay?
Maantana ma Gaarriye(1)
Ayaa Mawdku joogaa!
Mushteeg(2) iyo kii hore
Ayaa wali ku sii maqan!
Maalmaha socdaayi
Marna nooma roonayn.
....
Maahmaah ayaa dhihi
Mawdkuba siduu yahay
Midka Macangaggaa iyo
Geeljire ayaa mudan!
...
Inta doqon magaalada
Muraad li'i u joogtee
Manfac aanan lagu qabin
Macno aanan lagu hayn
Mooryaanta xaqa neceb
Mid mid muu u beegsado?!
...
Mar hadduuse Gabay iyo
Geeraarro miidiyo
Noo reebay Maahmaah
Murti ay la jaal tahay
Arday uu u mariyee
Madrasooyin kiciyee
Masalooyin uu qoray
Gaarriye ma dhimanine
Waa dhuuntay Malaheey!
…
Waxba yaan maroorane
Gocoshada ku maahine
Mawloow darkaagiyo
Malagyada agtoodiyo
Maqaam gaara gaarsii!
...
Aamiin.
Dhammaad.
Eray bixin:
(1) Waa Abwaan Maxamed Xaashi Dhammac “Gaariye” (AUN)
(2) Waa Abwaan, Fannaan, Laxamiiste, Heesaa: Faysal Cumar Mushteeg (AUN) oo bishii tagtay geeriyooday.
By Bashir M. Hersi - brdiraac@hotmail.com
Add comment
Comments