Majaxaabinta Kaalmada Dawladda Turkiya

Salma Abdikarim Ayuub (Keydmedia) - Turkiya waxay si hagar la’aan ah uga hawlgashay u gargaaridda dadka macaluushu ku habsatay oo kasoo barakacay lix gobol oo kamid ah gobollada koofureed. Kaalmadu waxau isugu jrtaa gurmad deg deg ah oo ku saabsan quudin iyo daryeel caafimaad ah, iyo mid ku wajahan waxbarashada guud.
Maqaallo Keydmedia Online

Si ay u joogtayso hawlqabadka ay Turkiya ka waddo dalka, waxay Muqdisho ka furatay safaarad xiriirisay wixii goobaha gargaarka looga baahdo iyo shaqaalihii lagu soo kordhin lahaa, taasuna abuurtay xiriir duulimaad dayuuradeed oo isaga goosha labada dal oo fududaynaya isu socodka iyo fulinta hawlaha kaalmada ah ooTurkiya ay dalka ka waddo.

Intaas keliya kuma sinna hawlaha ay Dawlaadda Turkiya ka damacsan tahay inay dalka ka fuliso. Waxay qorshjaysay inay Caasimadda Dalka ka nadiifiso Qashinkii is biirsaday 20kii sano ee lasoo dhaafay.

Wareysi uu Keydmedia.net Siiyay Safiirka cusub ee dawlada Turkiga u fadhiya Soomaaliya Cemalettin Kani Torun ayuu wuxuu sheegay in Turkiya ku talojirto inay Caasimadda biyo iyo korontaba geliso, jidadkana ay dayactgirto. Waxaa u qorshaysan inay dhisto Isbitaalo, bukaan socodyo iyo shaybaarro badan, isla markaana ay soo noolayso adeegyada guud, daryeelka caafimaadka, hirgelinta waxbarashada iyo kobcinta ilaha dhaqaalaha.

Waxay Turkiya ku talo jirtaa tababaridda shaqaalaha dawladda, sida: Adeegga guud, carbinta shaqaalaha dawladda, casriyaynta maamulka banuugta, tababaridda ciidanka nabadgelyada iyo qalabayntooda, difaaca xuduudka badaha iwm.  

Hawlqabadka Dawladda Turkiya waxaa qorsha ugu jira inay ballaariso tacabsoosaarka beeraha si looga hortago ama loo baajiyo macaluul dambe oo dalka ka dhacda, gobol kasta ha ahaatee, oo loo dhinto.

Turkiya waxay kaloo ay gacan weyn ka gaysanaysaa horumarinta iyo warshadaynta ilaha dhaqaalaha ee dhabiiciga ah oo dalku hodanka ku yahay, sida: Daryeelka iyo tarminta xoolaha, waxsoosaarka khayraadka badda, waxsoosaarka beeraha, sahaminta iyo waxsoosaarka macdanta, warshadaynta tacabka beeraha, hirgelinta tacabka cimilada oo la adeegsado, sida: Qorraxda iyo dabaysha oo koronto laga dhaliyo iyo macaanaynta biyaha badda, hadba sida loogu baahdo.

Intaas iyo in ka badan oo wada gargaar ah ayaa Soomaaliya miiska wada saaran oo sugaya in laga hawlgalo. Si loo hirgeliyo u gargaaridda nugulka bulshada, iyo taakulaynta danyarta ummadda iyo mashaariicda kor ku xusan, Turkiya waxay keeni doontaa ciidan nabadda suga oo xilka kala wareega kan fadhiidka ah ee Uganda iyo Rwanda Muqdisho ka jooga.

Waxqabadka Turkiya kuma salaysna luminta madaxbannaanida Qaranka- sida tan hadda aanu ku jirno. Kuma salaysna dan dahsoon oo Turkiya la hullaaban tahay oo dhaawici karta xornimada bulshada Soomaaliyeed. Kuma xirna dal-ballaarsi Turkiya ay damacsan tahay. Kuma salaysna in Turkiya abuurato ila dhaqaale oo ay macaash ballaaran ka kasbato ama dan kale oo istrateeji ah, iwm.

Waxay ku salaysan tahay in ummadda Soomaaliyeed oo la jahowareeriyey 20kii sano ee lasoo dhaafay ay cagaheeda ku istaagto. Inay dib u hanato qabkii qaranimo oo ay lahaan jirtey oo hadda dhalanteed noqday. Inaan dunida wax la qabsanno oo aan ka xorowno gacan-hoorsiga UN-ka, iyo magansiga dawlalka aynu deriska nahay oo ku hawlan sidii ay noo qayb-qaybin lahaayeen oo noogu talin lahaayeen sida aynu hadda ku suganahay.

Haddaan calfano, Turkiya waxay noo tahay aalladdii aanu ku xoroobi lahayn. Inta kor ku xusan iyo in kasii badan oo soo raaci doonta cid baa diiddan oo ay sun iyo waabaayo la tahay. Waxayna ku hawljiraan sidii rajadaas ay u fashalin lahaayeen. Waxay adeegsanayaan farsamo kasta oo lagu carqaladayn karo si xiriirka Dawladda Turkiya iyo kan Dawladda Dhexe ee Soomaaliya uusan marna mirodhal u gaarin…!

Muuqaalka Turkiya & Geeska Afrika

Dawladaha EGAD ayaa maqaawiir ka ah muuqaalka siyaasadeed ee Geeska Afrika, gaar ahaan arrimaha ku wajahan Soomaaliya. Soomaaliya uma arkaan waddan xor ah oo ummaddiisu leedahay ee waxay u arkaan dal bililiqo ah oo cid walba ay cad goosan karto. Waa dhab in amarka Meles Zenawi uu faro madaxda dalka in laga ansixiyo  guud ahaan dalka oo dhan, gaar ahaanna gobollada samaystay maamul goboleedyada.

Waa dhab in Museveni iyo Meles Zenaawi ay xukumaan madaxda TFG-da oo ay ku qasbi karaan inay xilka ka wareejiyaan ninka ayna rabin oo ku baddalaan ninka ay wataan, sidii Maxamad Cabdullaahi Farmaajo xilka looga qaaday oo loogu wareejiyey Cabdiweli M. Caligaas.

Waa dhab in jananka madaxda ka ah AMISOM inuu xilka ka wareejin karo wixii ka hooseeya "Madaxweynaha" iyo afhayeenka Baarlamaanka oo kasoo fula Madaxweyne Museveni.

Waa dhab in madaxda TFG-du ay marti u yihiin qorshaha siyaasadda ee ay wataan dawladaha aynu deriska nahay. Sidaas darted, madaxda EGAD ma oggola in dawladda Turkiya ay soo dargasho oo dib u jahayso aayaha ummadda Soomaaliyeed. Si taasu maarnaba u dhicin, waxay adeegsanayaa cid kasta iyo farsamo kasta oo lagu wiiqi karo hanaqaadnimada xiriirka Turkiya iyo Soomaaliya.

Danta Soomaaliyeed Xaggee Ku Jirtaa?

La arag dhibkii uu geystey ciidankii Xabashida oo gaba-gabeeyey gobollada koofureed. La arag ciidanka AMISOM oo burburiyey dad iyo hantiba, haddana aan dunidu wax ka oran dambiyada ay dalka ka galeen. AMISOM waa ciidan tababaran oo si door leh u hubaysan oo xorayn kara dal dhan, haddana waxay ka badin waayeen inay sugaan ammaanka Muqdisho oo qurah.

Yaa AMISOM ka aoggolaan kara inay godka difaaca dabada kula jiraan oo ay mushaarkooda halakaas ku sugaan? Haddaba dantoodu ma ahan inay Al-Shabaab dalka ka xoreeyaan ee waxay rabaan inay Al-Shabaab sii jirto oo halkaas kasii waddo xasillooni darro si AMISOM ay dalka usii joogto. Sidaas darted, Museveni iyo Meles Zenawiaayaa na haga, qaranimadiina iyaga ayaa la wareegay, TFG-duna waa maqaarsaar. Arrinta Soomaaliyeed waxay la mid tahay libaax neef qabsaday oo haddana diiddan in cid kale oo gurmato oo neefka ka dhigto.

Qarxintii Ardada Soomaaliyeed.

Xuuraanka Keydmedia ay heshay wuxuu muujinayaa in Al-shabaab qandaraas lagu siiyo in magaceeda la adeegsado oo dhacdo kasta lagu marin habaabiyo cidda ka dambaysa si loo wiiqo kalsoonida ay Turkiya doonayso inay dalka wax u qabato. Sidaas darted, Turkiya waa in la cabsigeliyo si ay uga rajo beesho wax ka qabadka gobollada koofureed.

Dhacdooyinkaas naxariis-dararada ku salaysan waxaa laga soo maleegaa Addis Abeba waxaana u xilsaaran nabad-diid Soomaaliyeed oo hortaagan xasilloonida gobollada Koofureed.

Meles Zenawi-Laba Daran Mid Dooro

Meles Zenawi wuxuu Geeska Afrika ku leeyahay muuqaal siyaasi fac weyn oo la jaan-qaada adeegsiga dawladaha waaweyn. Wuxuu abban u yahay danaha masiixigu ka damacsan yahay geeska Afrika, gaar ahaan Soomaaliya.

Wuxuu leeyahay ciidan ballaaran oo uu faragelin ku samayn karo hadba meesha danta dawladda Itoobia ku jirto, ama midda jaalkiisu doonayo.

Wax walba waxaa uga sii weyn in Meles uu awood u yeesho inuu kala qay-qaybiyo midnimada ummadda oo uu gacanta ku dhigo siyaasiin u godlan xiriirkiisa iyada oo dantoodu tahay in la bari-kiintaaro madaxnimada si ay xukunka ugu nagaadaan.

Madaxda u heellan Meles Zenaawi waxay ku qasban yihiin inay fuliyaan wax kasta oo looga hortagi karo gacaansaarka ay Dawladda Turkiya la yeelatay TFG-da inuusan marna miradhalin.

Keenid Ciidan Xabashiyeed

Meles Zenawi hore ayuu ugu guuldarraystay inuu hananto Koofurta Soomaaliya. Haddii madaxdu oggolaato in la keeno ciidan Xabashiyeed, bulshada ayaan oggolayn inay soo baalgeliso ciidan noo ah cadaw soo jireen ah; hase yeeshee bulshada xabashida ee rayadka ahu waa dad wanaagsan oo aanu nabad ku wada noolaan karno, haddayna ku dhaadan awood ciidan.

Waxaa nasoo gaartay in Madaxweyne Cabduraxmaan M. Faroole uu u ololaynayo ciidan Xabashiyeed oo Puntland ka difaaca Al-Shabaab. Inta hadda la hubo, al-Shabaab iyaga ayaa naf la caari ah oo kasoo baqanaya gobollada Jubbooyinka Hoose, waxaana la filayaa inay usii hiilgurtaan xagga Yemen oo ay gacansaar la leeyihiin.

Sidoo kale, ilaa hadda lama soo sheegin ciidan Al-Shabaab kamid oo soo dhex-qaaday gobollada dhexe oo usoo tallaabay Puntland. In Meles Zenawi uu oggolaado ciidan la geeyo Puntland oo looga hortago kuwa Turkiya damacsan tahay inay dalka keento, ma ahan arrin Xabashida ku gaar ah. Waxaa ka horreeya in marka hore Meles Zenawi helo aqbalka AU iyo UN-ka, isla markaana uu helo baallan-qaad dhaqaale oo lagu joogteeyo ciidankiisa.

Xeelladdan la damacsan yahay in lagu horistaago imaanshaha ciidan Turkiya waxba kama baddeli doonto mawqifka TFG-da iyo Dawladda Turkiya isla gaareen.

Brofesor Cabdiweli oo ku jira labo dhagax Dhexdood

Prof. Cabdiweli waa ku qasbban yahay inuu Faroole lasoo safto oo Meles Zenaawi ku booriyo in Puntland la geeyo ciidan Xabashiyeed. Waa la filayaa inuu isku dayo sidii uu u boqno-gooyn lahaa xiriirka wacan oo dhemaray TFG-da iyo Turkiya oo ku wajahan qorshaha gurmad oo lasii joogteeyo, soo noolaynta addegga guud iyo horumarinta guud oo Turkiya damacsan tahay inay ka fuliso gobollaada Koofureed.

Cabdiweli waa ku qasbban yahay inuu danta Puntland leedahay uu ka hormariyo midda guud ee Soomaalidu wadaagto. Haddana cagta ma saari karo danta guud oo dadka iyo dalku u baahan yihiin, maamulka dawladnimana madax kale ayay kala dhexaysaa.

Salma Abdikarim Ayuub – Keydmedia.net - Columbus - salma.a.ayuub@keydmedia.net




Maqaallo 22 February 2021 13:48

Dowladda uu waqtigeedu dhamaaday ee Farmaajo hoggaamiyo ayaa 19/2/2021, magaalada Muqdisho galisay qalalaasihii ugu xoogganaa oo nuuciisa oo kale aan taariikhda la warin, waxayna joojiyeen mudaharaad nabadeed oo ay ku dhawaaqeen Golaha Midowga Musharixiinta.