Sharciga Dalka Lagu Maamulayo - Xeerka Is Maamul-Goboleedka Soomaaliya U Dagsan

Keydmedia Online - Muwaadin walba oo Soomaali ah waxaa Waajib ku ah inuu Fahmo Dastuurka Dalkiisa lagu dhaqayo, waayo wuxuu Wahmahayaa Xeerka Dalkiisa u dagsan.
Maqaallo Keydmedia Online

Wuxuu fahmayaa Xuquuqda Dalksiisu iyo Dadkiisu ku leeyihiin, Wuxuu fahmayaa Xuquuqda uu Muwaadinku Dalkiisa ku leeyahay, Wuxuu fahmaayaa Xuduudka ay ka bilaabanayso Xoriyadiisu kuna dhamaanayso Xuduudka Xoriyada Muwaadinka kale.

Keydmedia Online waxay idiin soo bandhigaysaa Xeerka Dastuurka Dalka Soomaaliyeed u dagsan oo wali Qabyada ah, si aad u fahamtaan Sharciga Dalka lagu maamulayo.

Horta ma taqaanaa Dastuur, muxuu yahay?

Ma Aqrisay oo ma fahamtay Sharciga Dalkaaga lagu maamulayo?

Ma doonaysaa in aad fahamtit Xeerka Is Maamul-Goboleedka Dalka Soomaaliya u dagsan oo maalmahaan la hadal hayo?

Hadaba kutiri-kuteen waxaa dhaama yaqiin Aqooneed, ka faa'idayso Xeerka Dalkaaga Qeybta Quseesa Is Maamul Goboleed wuxuu yahay.

Halkaan ka Aqriso QEYBTA KOWAAD ee Qoraalka:-


Qodobka 48aad. Qaab-dhismeedka Dawladda

(1) Qaab-dhismeedka Dawladda ee Jamhuuriyadda Federaalku wuxuu ka kooban yahay 2 heer Dawladeed:

(a) Heerka Dawladda Federaalka
(b) Heerka Dawladaha xubinta ka ah Dawladda Federaalka oo ay hoos-imaanayaan Dawladaha Degaanku/Hoose.

(2) Gobol goonni isu taagi karaa ma jiri karo, inta uu Gobol kale uu kuu biirayo, Dawladda Federaalka Soomaaliya ayaana maamulaysa waxaana waajib ku ah gobolkaas inuu ku biiro gobol kale ama Dawlad xubin ka ah Dawladda Federaalka muddo labo sano gudahood ah.


Qodobka 49aad. Tirada iyo Xudduudaha Dawladaha xubinta ka ah Dawladda Federaalka iyo Degmooyinka

(1) Tirada iyo xuduudaha Dawladaha xubinta ka ah Dawladda Federaalka cusub waxaa go’aaminaya Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka.

(2) Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka, inta aanu goyn tirada iyo xudduudaha Dawladaha xubinta ka ah Dawladda Federaalka, wuxuu magacaabayaa guddi heer qaran ah oo daraasad ka sameeya, warbixin ay la socdaan talooyinna u bandhiga Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka.

(3) Magacaabidda guddigu lagu xusay faqradda 2 ee kore waa inuu ka horreeyo sharci Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka uu ansixyo oo qeexaya:

(a) xilalka iyo awoodaha Guddiga;
(b) hal-beegyada uu u cuskanayo samaynta Dawladaha xubinta ka ah Dawladda Federaalka iyo shuruudaha qayb dalka ka mid ihi ku mutaysan karto inay ka mid noqoto Dawladaha xubinta ka ah Dawladda Federaalka;
(c) tirada xubnaha guddiga, shuruudaha xubinnimada iyo siyaabaha lagu magacaabayo xubnaha guddiga, muddada xilhayntood, xuquuqdooda;

(4) Tirada iyo xuduudaha degmooyinka Dawladaha xubinta ka ah Dawladda Federaalka waxaa goynaya sharci uu soo saaro Baarlamaanka Dawladaha xubinta ka ah Dawladda Federaalka, Golaha Shacabka ee Federaalkuna oggolaado.

(5) Xuduudaha Dawladaha xubinta ka ah Dawladda Federaalku waxay ku salaysnaan doonaan xuduudihii gobollada ee jirey 1991-kii.

(6) Ugu yaraan laba gobol iyo ka badan ayaa ku midoobi kara Dawladaha xubinta ka ah Dawladda Federaalka iyaga xor u ah go’aankooda.


Keydmedia Online - [url=http://www.keydmedia.net]http://www.keydmedia.net[/url]




    Maqaallo 11 September 2020 15:57

    Khudbadihii Madaxweynayaasha dowlad goboleedyada Galmudug, Koofur Galbeed, iyo Hirshabelle ka jeediyeen Shirka ka dhacay Baydhabo 9.9.2020 waxay ahaayeen khudbado lagu muujinayo burburka heshiiskii dhusamareb-1, kala qaybsanaanta dowlad goboleedyada, iyo fashilka hadafka asaasiga ah iyo guulaha gogosha dhusamareb.