Maxaa Xiga ?

Soomaaliya waxaa loo tiriyaa in mudo nus qarni ah ay xor aheyd isla markaana ay ka madax banaaneed gumeysi, waxaana gugii 50-aad uu u buuxsamay bishan. Tan iyo xiligaa Dalka waxaa isaga danbeeyay maamulo magacya kale duwan leh, waxaa la soo maray 9- sano oo xukuumad rayid, 21 Sano oo xukun milatari ah iyo ku dhawaad 20 sano oo looma dhama ah.

In ka badan 15 shir dib u heshiisiin oo Soomaalida loo qabtay ayaa ku soo idlaaday natiija la’aan iyadoona kol walbaa oo  shir la furaa natiijadiisa ay noqoto koox cusub oo hubeysan isla markaana xukun doon ah bal dib u eeg taxanaha taariikhda Soomaalida iyo shirarkii dhacay.

 

Sanad iyo bar ka hor Dalka Jabuuti waxaa lagu soo yagleelay Dowlad la sheegay in wadaag tahay isla markaana ay ku wada jiraan mucaarad iyo muxaafad, waxaana taasi ay timid kadib markii shirkaasi ay ka qeyb galeen xubno la magac baxay isbaheysiga Dib u xureynta Dalka oo asmara lagu dhisay kadib markii Ciidamadii Itoobiyaanka ay soo galeen dalka isla markaana la wiiqay awoodii maxkamadaha.

 

Dowladaasi iyada ah waxaa la soo dhisay horaantii Sanadkii hore,waxaana dadka indha indheeya arimaha Siyaasada ay la aheyd in is badal uu imaan karo maadaama Madaxda Dowlada ay yihiin maskax cusub oo dhalinyara ah laakiin sheekado waxay noqotay Dhaan daba gaale sinaba loo gaari waa.

 

Markii la doortay Madaxweynaha, isna uu magacaabay R.wasaaraha lana dhisay golaha wasiirada waxaa ay Dolwada soo sal dhigatay Magaalada Muqdisho, waxaana indhaha iyo dhagaha shacabka ku daalay dagaalada ay dhawrayeen dhawaq isbadal xanbaarsan iyo jawi dagan in wax walba ay ku idlaadaan laakiin gumicii rasaasta iyo gantaalada ayaa halkoodii ka sii socday.

 

Intaa kadib waxaa soo shaac baxday Ahlu-suna oo iyana noqotay awood kale oo ka mid ah awoodaha Dalka, waxaana ay dowlada wacad ay  kula gashay in ay ka garabsiineyso amaan ku soo dabaalida dalka iyo waliba in Dalka Laga saaro dhinacyada diidan dowlada, waxaana leysku raacay aqbalnay oo dowrkiina qaata inana waan idin ogaaneynaa oo macnaheedu ahaa laamaha Dowlada ayaad ka qeyb noqoneysaan, waxaana go’aamadani ay ka soo baxeen Shir ka dhacay Itoobiya.

 

Iyadoo heshiiska labadan dhan oo meel yaalay ayaa hadana waxaa aad u soo batay dhaliisha ka imaaneysa barlamanka ee dhanka Xukuumada la xiriirta, waxaana dhaliilahaasi ka mid ahaa in xukuumada aanay waxba qaban isla markaana in la xisaabiyo ay mudan tahay, la xisaabtan la’aantaasi darteed sida ay ku doodeen waxaa xilka uga tagay wasiiro ka mid ahaa xukuumada.

 

Madaxweynaha ayaa bishii May 16-keedii waxa uu ku dhawaaqay in xukuumada ay dhacday isla markaana uu soo magacaabi doono R.wasaare soo dhisa xukuumad yar oo taya leh, laba maalin kadib hadal ka soo baxay R.wasaare Sharmar’ke waxa  lagu sheegay in Madaxweynaha hadalkiisa uu yahay barkuma taal isla markaana aanu laga qaadin xilika uuna isaga yahay R.wasaaraha xaqa ah ee Dalka, goobtaasi waxaaR.wasaaraha kula sugna una sacaba tumaya wasiira badan oo xukuumadiisa ka tirsan.

 

Mudo kadib Mr sharmar’ke isaga ayaa go’aansaday inuu isku dhaf xukuumadeed sameeyo, waxaana liis dheer oo ka kooban 39 wasiir uu u gudbiyay Madaxweynaha oo isagana soo saxiixay.

 

3-dii Bishan ayeey aheyd markii xafiiska R.wasaaraha uu si rasmi ah uga dhawaajiyay isku dhafka xukuumadeed ee la sameeyay, waxaana filan waa noqotay in wasiiradii la filayay in la kala yareeyo wali ay halkoodii joogaan isla markaana wasaarada cusub oo aan hore loo maqlin la magacaabay, taa oo dadka qaarkood ay u fasireen qancin shakhsi ama qabiil.

 

Ahlu-suna oo in badan la aaminsanaa in wasiiradan ay si hufan uga soo dhex muuqan doonaan ayaa saacada kooban kadib markii liiska cusub ee wasiirada uu soo baxay afhayeenkooda waxa uu ka dhawaajiyay in aanu ku jirin xubnaha la magacaabay shaqsi matala Ahlu-suna, isla markaana dowlada ay iyada iska qortay rag ay ku sheegtay in ahlu-suna ay matalaan oo uu ka mid yahay Axmed C/salaam Aadan  oo hore uga tirsanaa xukuumadii Nuur Cadde.

 

“Dowladu way fashilantay, isla markaana way ka soo bixi weysay heshiiskii ahlu suna ay wada galeen, wayna garanweysay garabsiinteena, marka xili dhaw waxaan ku dhawaaqi doonaa go’aankeena ku aadan Dowlada” sidaa waxaa yiri Afhayeenka ahlu-suna Shiikh C/laahi C/raxmaan Abuu yuusuf Alqaadi, tallow muxuu noqon karaa go’aanka ahlu- suna? ma waxay noqon doonaan dhinac hor leh oo dowlada la dagaalama?

 

Iyadoo ay taagantahay cabashada ahlu-suna ayaa hadana dhanka kale waxaa jira dhaliilo ka soo baxaya mudanayaasha barlamaanka kuwaa oo iyagana muujinaya in xukuumada tani aanu wax is badal ah keeni Karin.

 

“ Muxuu isbadal sameeyaa R.wasaaraha, xukuumadii hore lama xisaabin, tan kale balan qaadka waxa uu ahaa in la dhiso hadiiba is badal la sameynayo xukuumad yar oo taya leh, macna weyna ma sameyneyso in qof qof kale lagu badala, tanina waxa ay u taala go’aanka barlamaanka’ sidaa waxaa yiri Xildhibaan Bootaan Ciise Caalin.

 

Hadaba xukuumadan Cusub marka la horgeeyo Barlamaanka maxay la kulmi Doontaa? Xoogaga ahlu-suna ee hada canabaya talaaba qaadkooda muxuu noqon karaa? R.wasaare sharmar’ke iyo Madaxweyne Shariif ma laga yaabaa in arinka ay wax ka badalaan isla markaana ay qanciyaan Ahlu-suna iyo barlamaanka ?.

 

Dhamaan su’aalahaasi waa kuwa hada hor yaala Madaxda Dowlada waxaana la gudboon sida dad badan ay rumeysan yihiin in talaaba walba oo ay qaadayaan dhinacya badan ay ka eegaan.

 

Hadii arimahan oo dhan ay dhici waayaan, ahlu-suna cabashadeeda la tix galin waayo, baarlamaanka codkiisa la hareer maro maxaa xiga oo dhica kara? Maxayse kula tahay in mustaqbalka Dowladan uu ku danbeyn karo?

 

www.keydmedia.net

 

 




Maqaallo 27 October 2020 4:05

Qorshaha uu Trump ku doonayo in uu Ciidamadda Mareykanka ugala baxo Soomaaliya ayaa walwal ku abuuray xulufadda ku lugta leh dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, iyadoo laga codsaday Washington in ay dib uga fiirsato go'aankeeda.