Maxaabiista Soomaali ah oo Madax furasho maldahan laga qaato!

Keydmedia - Siday u dhacday Dawladdii dhexe ee Soomaaliya, wadanka waxaa ka qaxay Soomaali badan, oo u dagaagay dawladaha deriska iyo dunidaba, dadkaa ka qaxay wadanka waxaa qabsaday xaalado kala duwan, qaxootinimo, darasnimo, walaaltinimo iyo midab intaba kuma nabad gali.
Maqaallo Keydmedia Online

Qaxootigaas oo 96% in u dhiganta ay yihiin dhallinyo ah cududdii Dalka dib u dhisi lahayd, waxay u baahan yihiin nabad, caddaalad, nolol iyo dawladnimo ay dugsadaan oo dalkooda ku joogaan.

Intii nasiib u yeelatay inay tagaan dalal u gurmada oo soo dhaweeyey barakaceyaasha mooye, hirarkii ka dambeeyey waxay u badan yihiin maxaabiis gacanta u galay dalal shiisheeyey iyo qaxooti ku go’doonsan deegaanno shisheeye oo madiidin ka dhigta.

Maxaa sababa in danyartu dalkoodii Hooyo ka Qaxaan? Saababo badan, waxaana kamid ah:

  • Abuurid xiisado Dagaal Sokeeye oo koox yar oo siyaasiin sheegata ay ka dambeeyaan
  • Rag sheegta siyaasiin Qaran oo haddana ku heshiin waaya Maamulka Dawladnimo, dabadeedna curiya dagaal sokeeye oo ciduna ku adkaan, in badanina ku barakacdo
  • Maamul bililiqo ah oo koox yaru xukunka kula wareegto, dabadeedna la hoosgala magansi dawlado shisheeye
  • Un-ka oo la safta burcad siyaasiin sheegata oo bililiqaystay qaranimadii iyo karaamadii dalka
  • Koox yar oo boobka hantida qaranka, inta badanina ka qatan tahay, iwm.

Qaxooti waba qiso ayuu qabaa, qiso walbana xanuuneeda iyo xamaasaddeeda ayey leedahay, isla markiiba waxaa kugu soo dhacaya Kenyaantiga iyo ISBAARADA boolisku dhigto, Itoobiya iyo ARGAGXISO adeegsasiga, Yemen iyo XERADA ALJAXIIM, Sucuudiga iyo TARXIILKA xabsigu ka horreeyo, Libya iyo LAADARIINTA xabsiyada, oo SAFAARADDA Soomaalidu ku lug leheed, gaar ahaan sanadkii 2008-dii, Tanzaaniya iyo TUUGTADA boolisaysa, bariga iyo bartamaha Afrika oo sanadahan noqday bu’da maxaabiista Soomaalida.

Qisadan qiirada leh waxay ka dhacday wadanka Angola, oo ah wadan dhaca Afrikada dhexe, xadna la leh dalalka Jamhuuriyadda Dimoqoraaddiga ee Kongo, Namibia iyo badweynta Hindia, caasimaddiisu waa Luanda, xornimada ka qaatay wadanka Portugal sanaadkii 1975-tii, dabadeedana galay dagaallo sokeeye, oo soo afjarmay sanadkii 2002-dii.

Horudhacaa gaaban ka dib, sanadihii 2010 iyo 2011 waxaa lagu xiray Soomaali gaaraysa 68 qof, xiriggoodu ma ahayn fal dambiyeed, ma ahayn ku xadgud xeer, ma ahayn inay dambi galeen, kaliya inay sharci la’aan ku soo galeen ama ku joogeen wadanka, sida in badan dhacday sanadahan waxaaba Soomaaliga loo xiraa inuu Soomaali yahay, taa oo ah mid runtii xanuunkeeda leh, dhan walba oo laga eego!

Markii dadkaan la xiray ka dib, waxaa is xilqaamay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee wadankaa deggan, oo tira ahaanba aad u yar, marka loo eego wadamo kale oo isla qaaradda ku yaal, waxay isku dayeen inay wax u qabtaan dadkaan dambi la’aanta u xiran, waxaase la hor dhigay inay qabsadaan QAREEN u doodo, sidii loo soo deyn lahaa dadkan, taa oo noqonaysa meel ka dhaca labaad ee dadkan lagula kacay.

Taladii haddii la isla eegay, waxaa la dhaafi waayey in QAREEN baaskaa la qabto, maadaama aysan suuragal ahayn in si kale lagu sii daayo, haddii la guda galay QAREENKII arintiisa, waxaa soo baxday lacag aad u badan inuu u baahan yahay, aqriste is diyaari inta aannaan kuu sheegin cadadka lacagta, hubaal inay fajac kugu noqonayso, Soomaalida waxaa laga qaatay lacag gaaraysa 35.000 $(SODDON IYO SHAN KUN OO DOLLAR).

Ma nala yaabtay? Macquul ma ahan ma is tiri? Suuragal ma ahan ma dhahday? Caqliga wax galaya ma ahan ma ku doodday? Xisaab is keenaysa ma ahan ma is tiri? Tirada lacagta iyo tirada maxaabiistu isuma dhigmaan ma is tiri? Ma is tiri meesha qamaar miyaa lagu ciyaarayaa, waxani beeso qareen dhaafsiisane? Su’aaluhu aad ayey u badan yihiin, waase wax meesha ku jira.

QAREENKA difaacayey Maxaabiista Soomaalida waxaa la yiraa: Sebestian, aragti ahaan waxaa la is dhihi karaa waa dhurwaayeyn aan dhaayaha laa saari karin, waa dheel aan dhulka lagu ciyaarayn, maadaama aysan marnaba suuragal ahayn in qarashka intaa la eg ku boxo maxbuus daleel taagan, oo aan dakhli iyo dawlad midna haysan, hay’ad qaxooti danaysa iyo mid aadaminimo eegtana jirin.

Waxaase garab taagnaa oo kaliya dad ay walaaltinimo iyo wadan wadaagaan, taa oo ah tusaale aad u qiimo badan  ahna mid ku dayasho mudan, run ahaantiina ku galinaya wax yar oo rajo ah, marka aad eegto isgargaarkaa iyo is gacan qabashadaa, taana waxaa nooga filan abaarihii dhacay iyo sida dadku uga qaybqaatay.

Heshiisku wuxuu ahaa in dadkan loo celiyo Soomaaliya, gaar ahaan magaalada Hargaysa, nasiibdarro waxaa lagu daadshay soohdonka ay Angola la wadaagto Jamhuuriyadda Dimoqoraaddiga Kongo, taa  ah ballan furyo ay ka horraysay madax fursho maldahan, maadaama markii hore QAREEN lagu maaweeliyey, qaabkaana loo jiheeyey, qarash badan ka dib, qaxar kale gal ama ku sii jir saw  dhib ma ahan?.

Wax Qabadka Dawladda:

Maxay TFG-du u qabatay dhibaneyaasha Maxaabiista iyo go’doon Qaxooti isugu jira? Waxba. TFG-du maku talojirtaa inay dadkaas u gurmato oo wax u qabato? Jawaabtu waa Maya. Maxay u qaban kartaa hadday danaynayso inay u miciinto dhibbaneyaasha shacbigeeda kamidka ah? Wax badan. Maxaa madaxweynuhu dadkaas u qaabtay? Waxba. Maxaa Wasiirka 1aad dadkaas u qabtay? Waxba.

Maxaa wasiirka Caddaalladdu dadkaas u qabtay? Waxba. Maxaa xildhibaannadu walaalahood  oo dhibaneyaal ah u qabtaan? Waxba. Maxaa afhayeenka baarlamaanku dadkaas u qabtay? Waxba. Maxaa Golaha wasiirradu dadkaas u qabatay? Waxba.

Maxaa safiirrada TFG-du dadkaas u qabateen? Waxba. Maxaa Ambassador Augustine P. Mahiga uu maxaabiista iyo qaxootiga go’doonsan uu u qabtay? Waxba.Yaa wax qaban kara hadday isku taxallujiyaan? Dhaammaan inta kor ku xusan, waxa loo qaban karana waxaa kamid ah:

  • Iyagoo soo tiro kooba dalaka maxaabiistu ku xiran tahay iyo kuwa qaxootigu ku go’doonsan yihiin.
  • Iyagoo ka codsada dawladaha qaxootigu ku go’doonsan yihiin ama maxaabiistaastu ku xiran tahay inay maxaabiista dalkooda kusoo celiyaan si ay xabiska dalkooda ugu dhammaystaan, kuwa qaxootiga ahna daryeel u fidiyaa, haddii ayna dalka kusii dayn karina, dalkoodii kusoo celiyaan oo nooliga kazoo bixiyaan, ama laa kaashadaan UN-ka ama hay’adda IOM si dadkaas dalka dib loogu soo celiyo.
  • In warqado loo qoro hay’adda u codaysa xuquuqda aadamiga si ay dabagal ku samayso dalalka haya maxaabiis ama qaxooti Soomaaliyeed oo halkaas ku go’doonsan.
  • In dawladdu magacawdo wasaarad ku shaqo leh dabagal iyo taakulaynta qaxootiga iyo maxaabiista ku go’doonsan dalal shisheeye oo ay ugu horreeyaan: Kenya, Tanzania, Jasiiradda Sayshilis, Sacuudiga, Libiya, Jarmaalka, Fransiiska, Talyaaniga, Maraykaanka, Bellaruusiya, Griigga, iwm.

Gunaanad:

Gurmadka loo fidin lahaa qaxootiga iyo maxaabiista dalka ka maqan Soomaaliweynta ayaa ciirsi ugu dhow.

Akhristeyaasha Keydmedia taakulaynta ha ugu hormaraan oo ha furaan saanduuq dhaqaale oo lala kaashado soo celinta dadkaas. Is wargeliya oo ka wada tashada sidii dadkaas loogu ciidami lahaa oo dalka loogu soo celin lahaa.

Xalka taakulaynta ha lala kaashado UN-ka, Dawladaha Diinta Islaamka ku midoobay, Midowga dawladaha Carbeed, kuwa Midowga Yurub, Kongreeska Dawladda USA, Dawladda Turkiya, Dawladda Shiinaha, Dawlaadda Maleysia, Dawlaadda Indunisiya, iyo cid kasta oo arrintaas nagu gargaari karta.

Waxaa loo baahan yahay maagacaabid guddi arrintaas joogteeya, ama wasaarad ku shaqo leh soo furashada maxaabiista iyo soo celinta iyo dibu-dejinta qaxootiga oo dalkooda dib loogu soo celiyo, iwm.

Roadmap-ka ha lagu daro meel-marinta arrrinta oo dhab ahaan ka muhiimsan dib u yaraynta tirada xildhibaannada, samaynta dastuurka iyo ololaha kursi doonka Shariif Sakiin.

Keydmedia.net Editorial Desk




Maqaallo 22 January 2021 7:27

Ka dib burburkii ka dhacy dalkeena Hooyo, waxaa adkaatay in bulshoweynta Soomaaliyeed aan la kala garan kan qaba ama uu asiibay Cudurka Macaanka iyo kan kale, maadaama aanan jirin wax daryeel Caafimaad oo ku aaddan bulshada ku dhaqan Dalka. Waa qormadda Jimcadda ee arimaha Bulshada, Diinta & Suugaanta ee Keydmedia Online.