Midowga Yurub oo Soomaaliya ka Dhigtay Xabaalaha Qashinqubka Sunta

Dr. Saciid Ciise Maxamud — Soomaaliya xukunkii Milatariga ee ku dhisnaa kelitalisnimada wuxuu baray in xoog waxkasta lagu muquuniyo, dagaalogayaasha beelaha oo aaminsan in xalka uu ku jiro adeegsiga xoog ayaa curiyey ciidamo fara badan oo ay dagaalgeliyaan.
Maqaallo Keydmedia Online
Midowga Yurub oo Soomaaliya ka Dhigtay Xabaalaha Qashinqubka Sunta

Odeyaashaas damacooda shaqsi iyo kan beeshooda wuxuu ahaa hanashada awooda dowlada, laakiin herden dheer kadib waxaa u cadaatay ineysan beelna ku guuleysan karin damacooda gaarka ah. Halgankii hubeysnaa oo ay isaga soo horjeedeen beelaha ku dirirsan hanashada hogaanka dalka ayaa wuxuu dhaliyey baahi xoogan oo loo qabo lacag adag iyo hub.

Hogaamiyeyaasha beelaha ayaa ka dalbaday talooyin hanti lagu curinayo iney abuuraan aqoonyahanada damacooda taageersan, kuwaas oo Soomaaliya ka curiyey fikradaha lagu hirgeliyey dekedo macmila, jarida dhirta, beerista mandooriyeyaasha, bixinta ruqsadaha looga kaluumeysanayo xeebaha Soomaaliyeed, tahriibinta dadka iyo ka ganacsiga carruurta iyo xubnaha jirka dadka, afduubka maraakiibta, iyo tan ugu dambeysey oo ah hirgelinta qorshaha ugu halista badan oo ahaa hub iyo lacag badan iney ku doorsadaan qashinka sunta halista badan oo laga soo saaro wadamada reer Yurub iney ogolaadaan in lagu duugo degaanada ay ka taliyaan.

1997 Ayaa xog huban lagu soo koobay warbixino ay dabagal ku sameeyeen ururo u badan Talyaaniga oo u dhuundaloola arrimaha Soomaaliya sida: Famiglia Cristiana, Greenpeace, Legambient, iyo Eccoterra oo dhamaantood u dooda dowrista xuquuqda degaanka iyo noolaha ku nool.

Warbixinadooda waxaa lagu cadeeyey in howlaha dhulka Soomaalida loogu qubayo qashinka sunta ee laga keenay wadamada reer Yurub ay bilaabatay dhamaadkii sideetameeyadii markaas oo dowladii milatariga ay la soo deristey dhaqaalihii caalamka uga imaanayey oo noqday gabaabsi, taas waxey dhalisay dowlada Talyaaniga oo saaxiib dhow la ahayd dowlada milateriga iney ka dhaadhiciso qashinqubka sunta reer Yurub iney soo gelineyso lacag adag iyo hub, waxaana arrintan ka shaqeeyey guddi aqoonyahan Soomaaliyeeda, dowlada Talyaanigana waxey kala shaqeysay iskuxirka gudigaas iyo dalaaliinta Maafiyada Talyaaniga, waxaana wadashaqeyntooda ka dhalatay in sunta lagu qubo badxeebeedka Soomaalida, iyo in hubka si dadban looga soo iibiyo South Africa, iyo Venezule, taas oo loo marayo shirkadaha ku shaqeysta calooshooda u shaqeystanimada iyo ka ganacsiga hubka sharcidarrada ah.

Qorshaha wejigiisa kowaad wuxuu la burburay isaga oo curdan ah dhicista dowlada milateriga, waxaana loo baahday in qiil loo helo sii socodka howshaas si ra'yiga caalamka loogu qaldo jiritaanka heshiisyo loo wada dhan yahay. Si loo meelmariyo heshiisyada beenabuurka ah ayaa 1992 waxaa soo rogaalceliyey shirkadaha qashinka Yurub ka soo dhoofiya oo dalaaliin u soo diray iney heshiisyo la galaan dagaaloogayaasha Soomaaliyeed, iyaga oo doorbidayey kuwa gacansaarka la leh Talyaaniga. Heshiisyada waxaa fulinayey dalaalin ka tirsan Maafiyada Talyaaniga oo damaanadqaad ka heysta dowlada Talyaaniga. Waxaa la magacaabay laba shirkadood oo si qarsoon ay u maamulaan Maafiyada Talyaaniga, lana kala yiraahdo Achair iyo Progresso oo laga kala leeyahay wadamada Swiss iyo Talyaaniga iney qandaraaska dalaalnimada ku qaateen fogeynta malaayiin tan oo ah qashinka sunta  oo ay ku soo shubeen fuustooyin iyo haamo aan lahayn wax sumada, kuna dambeeyey iney ku qubeen xeebaha Soomaaliya.

Waxaa la xaqiijiyey in ka badan lix boqol oo kun oo fuustooyinka ay ka buuxaan suntaas in loo adeegsadey gadiid ahaan maraakiib laga kala leeyahay wadamada Jarmalka iyo Daanishka, kuwaas oo marka ay qashinka ku rogaan badweynta Soomaaliyeed u xuubsiibta maraakiib soo jilaabata kaluunka nuucyadiisa kala duwan(trawlers) si sharcidarrana ay ula soo baxaan kheyraadka badweynta Soomaaliyeed, waxaana lagu qiyaasay sannad walba hanti dhan afar boqol oo malyan in laga helo ganacsiga kallunka laga xado xeebaha Soomaaliya. Waxaa gaadiidkaas bada ka dhinac shaqeynayey maraakiib ay horay u lahayd dowlada Soomaaliya oo shirkadahaas qandaraas kula jirey. Inta la hubo qashinkaas sunta ah asal ahaan wuxuu ka kala yimaada wadamada Jarmalka, Talyaaniga, iyo Fransiiska, kuwaas oo ka dhigay Soomaaliya dhul ah qashinqub raqiisa. Wixii ka dambeeyey 1997 xeebaha Soomaaliya waxey noqdeen xabaasha lagu duugo qashinka sunta, waxaana soo daabula shirkado badan oo ay ku bahoobeen lahaanshahooda wadamo badan oo ka tirsan wadamada reer Yurub.

Sirta ka dambeysey xogtaas la helay waxey soo baxday kadib markii dagaaloogaha waqooyiga Muqdisho oo kaashanaya dowlada Talyaaniga lala xiriiriyey dilka Ilaria Alpi oo ahayd gabar ah weriye Talyaaniya iyo sawirqaadaha la socdey Miran Hrovatin oo ahayd gabar ah Islofeeniya, kuwaas oo shirqool loo dhigay lagu diley March 20, 1994, bixiyeyna xog hor u dhaca. Suxufiyiintaas la diley waxey heleen xogta ku saabsan ganacsiga hubka iyo lacagta la isku weydaarsanayey, waxeyna soo gudbiyeen in dowlada Talyaaniga ay lug weyn ku lahayd hurinta dagaalka sokeeye ee ka jira Soomaaliya. Afduubka weriyeyaashaas iyo dilkooda wuxuu ka turjumayey ineysan cadeymaha dhabta ah aysan soo gaarin warbaahinta caalamka. Meelaha la cadeeyey in haraadiga sunta nuyukulerka lagu shubay waxaa ka mid ah: Baidhabo, Mogadishu, Hobyo,iyo Xaafuun. Sidoo kale meelaha lagu aasay sunta halista ah nuucyadeeda kale waxaa ka mid ah: Jamaame, Barawe, Marka, Jowhar, Mareeg, Bosaaso, iyo Growe. Waxaa la ogyahay xabaalaha laga sameeyey berriga inuu yahay mid aad u gaaban oo xataa ka yar xabaasha dadka lagu duugo, sida badana lagu aasay meelo qarsoodiya.

Dabagal dheer ka dib waxaa lagu ogaadey in wixii ka dambeeyey 1994 maraakib gabowdey loo adeegsado sunta qashinka iney ku qubaan xeebaha Soomaaliya, kuwaas oo aan heysan wax waraaqada oo cadeynaya alaabta ay sidaan ama ay dhacdo gudashada howshooda kadib in la  tirtiro dokumentiyada wata cadeymaha leh raadraaca, maraakiibtaas oo caalamka loogu tebiyo iney quuseen badweynta oo la la'yahay, waxaana la sheegaa markii ugu war dambeysey maraakiibtaas iney marayeen bada Mediterranean-ka.

Waxaa sidoo kale jiritaanka qashinqubkaas xaqiijisay markii 2004 ay xeebaha Soomaliya ku dhufatay dufaanti Sunamiga, taas oo xeebaha Soomaliya ku soo daadisay haamo iyo fuustooyin mirireysan oo aan wax sumada lahayn,kuwaas oo ay ka buuxeen suntaas, waxaana ay xaqiijiyeen UNka qeybteeda ku hawlan mashruucyada degaanka iney haamahaas ku jireen qashinka sunta halista ah, inkasta oo ay ka gaabsadeen iney dabagalaan cida ka dambeysey oo xaqiiq ahaan ay xogteeda hayaan, iyaga oo ka gaabsanaya iney eed ka galaan wadamo badan oo miisaaniyada howlgaladooda qeyb libaax ka qaata.

Qashinka sunta ee lagu shubayo badda Soomaalida ama lagu xabaalayo dhulka Soomaalida waxey ka koobmaan qashinka sunta nuyukulerka, qashinka sunta kimikada, iyo qashinka cudurada faafa oo loo adeegsado dabargoynta noolaha. Sida badan qashinka sunta asal ahaan wuxuu ka yimaada warshadaha dhaliya quwada nuyukulerka oo u isticmaala koronto iyo hub ahaan ama isbitaalada ku qalabeysan adeegsiga caafimaadka ee farsamada nuyukulerka oo loo isticmaalo baarista iyo daweynta cuduro gaara. Waxaa sidoo kale qashinka sunta ay ka soo baxaan hubka gaboobey oo halista ah ama la mamnuucay in lagu dagaalamo marka la tirtirayo. Waxaa kaloo jira sun fara badan oo kimiko ah oo loo adeegsado la dagaalanka cayayaanka.

Sunta nuyukulerka waxey ka dhalataa curiyeyaal aan degeneyn(isotops) sida: Uranium-235, Plutonium-239, Technetium-99, Radium-226, iyo Thorium-232. Curiyeyaasha dhaliya sunta nuyukulerka waxey sii dayaan kaah iyo walxo aad u yar oo danabeysan, kuna socda orad aad u dheereya(alpha oo ka kooban: Helium nucleu; beta oo ka kooban: electrons or positrons; iyo neutrons oo ka kooban walxo aan danabeysneyn).

Kaaha ka soo go'a burburka curiyeyaashaas aan degeneyn waa mid danabeysan oo awoodiisu ay aad u xoogan tahay sida Gamma, X-rays,iyo ultraviolet oo looga tilmaan qaadan karo biriqda oo ah nuuc ka mid ah iftiinadaas,waana iftiinkaas midka dilaaga ah,kana dhexgudbaya noolaha isaga oo aan la dareemi karin, wuxuuna sabab u noqdaa marka uu jirka dhexqaado in uu dhaliyo falgalo sababa dhaawaca hido sidaha(DNA), habowlayaasha nafta(vital organs), dhacaanada jirka oo burbura, howlgab ka dhalata hanaanka dareenka, neefsiga, dhiiga iyo dheefshiidka,waxaana la xaqiijiyey haddii mudo dheer iftiinkaas danabeysan uu kugu dhaco inuu sabab u noqonayo dhimasho, qaadista cudurka kansarka oo u badan kuwa ku dhaca dhiiga iyo maqaarka, dhalashada ilmo aysan lixaadkoodu dhameen,dhantaalida fikirka maskaxda iyo dhimirka, iyo dhaawacyo ay ku dhiigbaxaan halbowlayaasha uurkujirka ah.

Khatarta sunta nuyukulerka ay u geysaneyso caafimaadka noolaha ma ahan mid la soo koobi karo,mana ahan mid waxyeeladiisu ku kooban tahay wakhti gaaban,balse waxey soconeysaa malaayiin sanno oo ah inta suntaas ay noolaan karto. Waxaa jira curiyeyaal dhaliya shucaaca nuyukulerka oo ay isticmalaan isbitaaladu, kuwaas oo ay ka mid yihiin: Tc-99, I-123, Ga-67,In-111, Tl-201, Y-90,Sr-89,Ir-192, Co-60,iyo Cs-137, kuwaas oo shucaacooda loo habeeyey qaab lagu daweynayo kansarka ku dhaca ilmogaleenka, prostate-ka, maqaarka, naasaha, lafaha, thyroid-ka,iyo dhiiga. Waxaa shucaaca nuyukulerka ka xijaabi kara dadka marka la ogaado jiritaankiisa in loo jirsado masaafo ka durugsan meesha ay sunto ka soo maaxeyso, in la gashado dhar adag oo reeba inta badan kaaha, iyo in la iska xijiyo dhisme ama carro gabaada oo noqota dhextaal aysan soo gudbi karin shucaacaas.

Sunta kimikada oo ujeedada loo abuuray ay ugu xooganeyd in loo adeegsado dagaalka oo lagu naafeeyo ciidanka cadowga, xoolahooda, iyo beerahooda ayaa waxaa ka mid ah kuwa ugu caansan oo lagu howlgalay sida: Sarin, VX, Novichok, Phosgene, Ricin, Mustard Gas, iyo kuwo kale oo badan oo si qarsoodiya loo abuuray. Waxaana suntan loo kala saaraa kuwo dhaawaca uurkujirka(vesicants ama blister agents), kuwo maanka dooriya(incapacitating agents), kuwo jirka cuna(nettle ama urticants), kuwo dareenka waxyeela(Nerve agents), kuwo araga waxyeela(lachrymatory agents),iyo kuwo neefta dadka ku dhejiya (cyanides).

Sunta bayolojiga waxaa sidoo kale loo abuuray in loo adeegsado dagaalka,waxeyna ka kooban tahay cudur sidayaasha dhaliya cudurada faafa sida Virus iyo bacteria,ujeedaduna waa in lagu laayo dadka, xoolaha iyo dhirta. Cudurada, sunta geedaha iyo sunta ay dhaliyaan noolayaasha ayaa ah kuwo ka wada kooban sunta bayolojiga, waxaana ka mida kuwo sida weyn loo isticmaalay: Anthrax, Glanders, Tularemia, Ricin, Saxitoxin, botulinum, mycotoxins, Q-fever, smallpox, cholera, Ebola, fungi, Shigella,iyo Pneumonic plague.

Sida badan qashinka sunta dilaaga ah marka la burburinayo waxaa loo adeegsadaa gubniin(incineration) ama xabaalid ama waxaa lala falgeliyaa kimikaadyo u roga waxyaabo aan sun ahayn. Marka la gubo qashinka sunta waxaa ka dhasha sun ka halis badan tii hore oo raacda hawada ama ah dureere aan falgaleyn ama ah mid noqota dambas ay ka buuxaan biraha culus oo waxyeelo baahsan u geysta caafimaadka noolaha, kuwaas oo ay ka mid yihiin: Arsenic, Cadmium, Chromium, Mercury, selenium, lead, dioxins, iyo horarka kala ah : Furans, hexachlorobenzene(HCB), iyo DDT (dichlorodiphenyltrichloroethane) oo weli addunka looga isticmaalo dabargoynta kaneecada sida Malariyada.

Suntaas oo marka la xabaalo u gudubta biyaha, dhirta, iyo xoolaha, waxeyna dadka ku dhalisaa cudurada kansarka (carcinogen), maskaxdilanka, taran la'aanta, dhiigxumo, sinjirog, iyo howlgabka halbowlayaasha waaweyn sida keliyaha, beerka, sambabada iyo dareen xambaarayaasha. Dibuhabeynta qashinka waa farsamo qaaliya oo ay ku baxeyso adeegsigeeda shidaal badan iyo teknoolojiyo culus oo qaaliya, taasna waxey dhalisay in wadamada Yurub ay ku bixiyaan qarash xad dhaafa, waana taas mida keentay in Soomaaliya loo soo dhoofiyo qashinka sunta oo aysan ku kaceynin qarash fara badan, waxeyna u fududeyneysaa wakhti dheer oo howshaas geli lahyd iyo lacag fara badan oo u badbaada. Waxaa kaloo ka jira wadamada Yurub ururo mucaarada oo xoogan, kuwaas oo difaaca caafimaadka dadka iyo degaanka, waxeyna ku qasban yihiin shirkadaha qaata qandaraaska qashinka sunta iney raacaan xeerarka adag ee lagu hubinayo dhowrista nolosha deegaanka, iyo iyagoo fahamsan wixii qasaaro ah oo ka dhasha tixgelin la'aanta xeerarkaas iney dushooda noqoneyso iney magdhabaan.

Midowga Yurub waxaa ka dhaqangalay xeerbeega ah Euratom oo lagu qeexay summadaha 259/93 iyo 92/3, kuwaas oo wadamada reer Yurub faraya in wadankasta uu masuul ka yahay dhaqangelinta habmaamuuska lagu asturayo qashinka sunta iyo iney waajib ku tahay dib ula soo noqoshada qashinka haddii si aan raacsaneyn sharciga ay u maamulaan qashinka ama ay sharcidarro ugu qubaan meel aan loogu tala gelin.

Xisbiga Dadka wuxuu aad uga walaacsan yahay qiyaasta 70 milyan oo tan oo qashinka sunta ah oo lagu daadiyey wadanka Soomaaliya, taas oo ka dhigeysa Soomaaliya meesha ugu badan adduunka oo ay ku duugan yihiin qashinka sunta, kuwaas oo laga sameeyey macaash gaaraya 6.7 bilyan oo Dollar. Qashinka sunta oo lagu qubay xeebaha iyo xabaalaha gaaban oo dhulka gudahiisa loogu duugey waxey halis ku tahay nolosha malayiin Soomaaliyeed, kuwaas oo si aysan dareensaneyn ugu sumoobey 30 Sanno ee la soo dhaafay oo qaarkood ay la ildaran yihiin xanuunada ka dhasha qashinka sunta(radiation sickness) oo ilaa hadda aysan jirin cid gargaar ugu fidisay daweynta jirooyinka naftooda howlgabtay,waxeyna sidoo kale suntaas halis gelisey hab nololeedka dheelitiran ee ka dhexjira kalluunka ku nool xeebaha Soomaaliya.

Waxaa lagu qiyaasayaa ilaa 3000 oo dad Soomaaliyeeda iney u dhinteen suntaas wixii ka dambeeyey duufaanta Sunaamiga markey 2004 ku dhufatay xeebaha Soomaaliya oo ay suntaas banaanka u soo saartay, kuna dhexmishay biyaha bada oo kaluunka cunay uu u gudbiyey dadka noloshoodu ku tiirsan tahay cunida kaluunka.

Waxaan la qiyaasi karin inta ay la egtahay baaxada dhibaatada xanuunka badan ee suntaas ay ku hayso Shacabka Soomaaliyeed ee ku ag nool meelaha ay ku duugan tahay, kuwaas oo u haysta mucjiso xanuunada aysan horay u aqoon oo waqtiyadan dambe ku soo batay. Xisbiga Dadka wuxuu u arkaa qashinka sunta oo lagu soo fogeynayo Soomaaliya mid ka mid ah xadgudubyada gaboodfalka ah oo lagu hayo xuquuqda aadaminimoo ee dadka Soomaaliyeed oo ay u geystaan tacadigaas wadamada ku bahoobey Midowga Yurub.

Waxaa ay halis ku timid dhulkii daaqsiinka, caafimaadka dhirta, nolosha xeebaha, iyo caafimaadka guud ee degaanka oo hoy u ah noolaha ay noloshoodu isku xiran tahay. Xisbiga Dadka wuxuu cabsi weyn ka qabaa in Soomaaliya ay ku soo food leedahay mustaqbalka dhow masiibooyin halaaga degaanada lagu shubay qashinka sunta.

Dr. Saciid Ciise Maxamud


Dr. Saciid Ciise, waa Gudoomiyaha Xisbiga Dadka, waxaana kala xiriri kartaa E-Mailkaan: saciidciise258@aol.com




    Maqaallo 11 September 2020 15:57

    Khudbadihii Madaxweynayaasha dowlad goboleedyada Galmudug, Koofur Galbeed, iyo Hirshabelle ka jeediyeen Shirka ka dhacay Baydhabo 9.9.2020 waxay ahaayeen khudbado lagu muujinayo burburka heshiiskii dhusamareb-1, kala qaybsanaanta dowlad goboleedyada, iyo fashilka hadafka asaasiga ah iyo guulaha gogosha dhusamareb.