Mooryaannimada ayaa dhaanta dulmi dawladeed!

Maqaallo Bashir M. Xersi

Dulmigu waa labo nuuc; mid qofku taagtiisa qof, qolo ama qabiil ku galo iyo mid uu u adeegsado awood intaa ka baxsan! Waa qofka si uu kuu waxyeelleeyo, kuu adeegsada itaal uusan lahayn, oo af ama addin leh; mar afmiishaar uu afka u buuxshay kaa adeejiya, marka kalana ciidan dawladeed ama cudud shisheeye kugu muquuniyo.

Mooryaannimada ayaa dhaanta dulmi dawladeed!

Wiil mooryaan isbaaro u taallo, oo dadka qori caaraddii ku baarta, marka meel ama magaalo lagu sheego dadka dhan ayaa cay, halgaad iyo habaar isugu geeya, oo gar iyo garasho ah, balse, marka wiil kale uu tuute dawladeed ama darajadeed dad ku dulmiyo qofna ma hadlo, mararka qaar qofkii hadla ayaaba lagu yiraa; dawlad-diid ayaad tahay mooryaannimo raba; Alle idin ku dhaarin maayee, saa Alle iyo iimaankii la idinka ka waaye, ee inta maankiinna adeegsataan; labadaa kee MOORYAAN ah?.

Labo dhacdo oo toddobaadkan taagan aan kuugu tusaaleeyo marka laga soo tago, in siyaasiyiin iyo waxgarad kale, oo ay madaxweynayaal ugu horreeyaan ISBAARO loogu dhigtay garoonka Aadan Cadde dhexdiisa, ayna sii dheer tahay qolo ku duulka iyo isku dirka beelaha.

Hooyo Layla Cismaan Xasan waa ku dhawaad 80jir, wiil ay dhashay, welibana ciidanka ka tirsan uu teer iyo 2017 ka xiran yahay kuna jiro xabsi dawladeed. Dambi kasta oo uu galay wiilkeeda dhibka haysta, xaggee MOORYAANNIMADU kaga jirtaa? Kuwa iimaanlaawayaal ah oo askar ku sheeggan oo ka shaqeeya xabsiga, ayaa hooyadaa weliba danyar in ay tahay ka sokow, xoogsata ah, mar walba oo ay rabto, in ay wiilkeeda booqato waxay ka BAARTAAN shilimaadkii ay xamaaliga ku soo heshay!

Xogta oo uu soo tebiyey Xuseen Sabriye, oon dhab ahaantii in aan ku mahdinayo ka sokow, aan ku bogaadinayo dadnimadiisa iyo duntiisa wanaagsan, ayaa markii ay baraha bulshada qabsatay waxaa hooyadaa booqday wasiirka CADDAALADDA; istaaqfurallaahi! Tubti toobo!

Dhacddada kale waxay qusaysaa HALGANTO Deeqo SOOMAALI, oo in mid fatashaari wata uu xabbadeeyey, weliba xabbad afgelis eheed, oo teeda ayaan geline dilid oo kale eheed, haddana, xarig loogu daray, ayaa haddana, baasaboorkeeda oo ay fiisa uga dalban rabtay safaaradda Turkiga waxaa baaaboorkeedii safaaradda ka soo BOOBAY Taliye Saldhig degmo!

Ogow, meel xeer ka jiro qofka waxaa safar u diidi kara ama aqoonsiysadiisa ka xannibi kara GARSOORE, haddana, qof aanba dambi aan ka ahayn, in uu bannaanbaxay aan gelin ka warran MOORYAANKA awood dawladeed ku baacsanaya, sow ma ahan; Mooryaannimada ayaa dhaanta dulmi dawladeed?!

Kaaga darane, labada dhacdo waxay ku wada saabsan yihiin dadkii bulshada ugu nugulaa oo dumarka ah, oo Soomaalidu turid iyo dhimrin sharfid ka sokow ay u la heellanaayeen, haddaba, dadkii xuquuqda aadaha, siiba tan dumarka  u doodayey aawaye; maa ka hadlaan, maxaa afka haysta?.

MOORYAAN qabiil dad looga dacwoodo iyo mararka qaar damiirceliya ayuu lahaaye, MOORYAAN dawladeed yaa looga dacwoodaa, aan xeerqabta iyo damiirceliya midna aan lahayn? Waa dhibka jira iyo dhimaalka taagan!

Mooryaan beeleedku ma lahayn mana lahan awood naga dhaxaysa oo uu kugu dulmiyo, balse, mooryaan dawladeedku wuxuu kugu dulmiyaa awood aan wada leenahay, oo dawladda ah, haddana, aan xidaab daba ool. 

Ayaandarrada weyn ee Muqdisho ka jirta waxay tahay, in dulmigaa magaca dawladeed lagu galayo la wada daawanayo, haddana qof walbaa leeyahay; dawladnimadu waa in aysan burburin, oo kaalaya; sidee ku sii dhisnaa kartaaa dawlad leh dhaqammadii MOORYAANNIMADA, weliba ka dhaqan xun MOORYAANKA?.

Gunnimada la qaayibayo qaladkeeda ma lahan gocorrada iyo gafanayaasha gaboodfallada gaysanaya, ee waxaa qaladka leh kuwa bulshadan madaxdeeda iska dhigaya ama isu haysta, ee dhaqanku ugu horreeyo siyaasiguna ugu faradhuuban yahay.

Mooryaan awood dawladeed ku takrifalaba la arkee, mooryaan qabiil i qarso iyo janno ayuu noqdaa! 

Si aan nacab duran 
Duubka ugu gefin 
Say u ka la didin
Dirka Soomaali
Si aysan u dumin 
Dawladnimadeen
Dulmi ha ka gelin 
Dalkaad maamuli
Ha dullaysannin 
Dadkaad metelee. 

Inta doqon diran 
Ku dullaynlaa 
Kuna dililaa 
Duud-u-dhigashada
Daqar joogtaa 
Diidnay baa roon 
Dubbaan joogseeyn.

Bashiir M. Xersi 
brdiraac@hotmail.com




Maqaallo 14 October 2021 8:20

Afar sanno ayaa kasoo wareegtay Qaraxii Isgoyska Zoobe, oo dhacay 14-kii October 2017, kaaso noqday midkii ugu dhimashada badnaa oo abid ka dhaca wadanka Soomaaliya, iyadoo ay ku dhinteen inta la xaqiijiyay oo ay dowladda faafisay dad gaaraya 632 ilaa 1000 qof, halka 316 kale ay ku dhaawacmeen.