Nabad Mise Colaad…? Q. 2aad

Dr. Axmad Cabdulahi (Keydmedia) - Aqriso Qeybta Kowaad Tee Soomaali Dantu Ugu Jirtaa…? - Nabadu waa Tiirka Nolosha bani aadamka ugu qurux iyo qiimo badan, oo qofkii aan Nabad haysanin waxkastoo oo cuno, uma seexan karo si raaxa iyo xasilooni kujirto.
Maqaallo Keydmedia Online

Markii Nabad lahelo ayaa lahelaa macaanka iyo qiimaha nolosha aadmaha, oo qofka cabsida iyo wadna garaac kunooli, masamayn karo hormar wanaag iyo fikrad curin midna. Sidaa darteed qafkii ama bulshadii rabta inay hormar, wanaag iyo wax qabad qiima leh gaarto waxaa waajib ku ah inay hesho, ku dadaasho siday nabad ugu noolaan lahayd.

Colaada iyo dagaalku waa dab holcaya, dabkuna wuxuu gubaa/ cunaa wixii u dhaw ama kusoo dhaca oo dhan, noocuu dooniba ha ahaadee. (dagaal wiil baa ku dhintee, wiil kuma soo dhasho).

Qofka caaqilka waxaa waajib ku ah inuu iska xirxiro dhamaan albaabada colka, cabsida iyo dagaalku uga iman lahayeen.

Dardaarankii ninkii xikmada badnaa ee Ilaahay Qura´ankiisa ku amanay Luqman waxaa kamid ahaa (wilkaygiiyaw yayna kula badanin kun qof oo nabad kuu ah, hana yaraysanin hal qof oo col kuu ah).

Nabaduna waa dhaqan labarto, ladhaliyo, lagu barbaariyo bulshada, oo ilmihii ku barbaara guri xasiloon oo layska jecel-yahay, lakala danbeeyo, jacayl iyo qadarin laysu hayo, wuxuu koraa isagoo nabada qadariya, jecel, uhiiliya.

Dhinaca kale ilmihii kusoo kora guri (bulshaduna waa lamide) aan xasiloonayn, layska jeclayn,dagaalka iyo qayladu ka aloosan yihiin, wuxuu koraa isagoo aan aqoonin macnaha iyo qiimaha nabada, cadaalada, ixtiraamka xuquuqda, diyaara u ah inuu dagaalamo, waxdilo, dhiig daadiyo, xoog wax ku muquuniyo.

Waxaa kaloo kamid ahaa dardaarankii Luqmaan (wiilkay-giiyaw; Holac haka horgaynin dab, waxaadna ogaataa ragga  dabka  damiyaa  ma isticmalaan  dab, ee waxay isticmalaan Biyo qabaw siay dabka u damiyaan).

Haday laba qof ama laba bulsho iska horyimadaan marwalba kan caqliga iyo cilmiga yar ayaa dagaalka iyo isdilka ku orda, madaama uusan haynin fikir, cilmi, caqli ama  garasho uu siku difaaco. Kan uu Ilaahay caqliga iyo garashada saxda ah siiyayna wuxuu ku dadaalaa nabada, isfahanka maslaxada iyo heshiiska, maxayeelay wuxuu garan karaa xumaanta iyo dhibka colka, dilka, dhaawaca iwm, wuxuuna ku dadaalaa siduu xaqiisa ugu soo dhacsan lahaa xaqraac, garsoor, wadahadal, isfaham.

Sidaa ayayna ahaayeen dhamaan Nabiyadii Ilaahay (nabad galyo korkooda ha aheete) oo markasta dadka Xaqa ugu cadayn jiray wanaag, caqli celin, degenaan, hadal qurxan iyo dabeecad macaan. Gaalada iyo xuma wada-yaashuna markay maqlaan; wanaaga Xaqa, khayrka Diinta, fikir ay ku jawabaana waayaan, bay kala hor imaan jireen col, dagaal, hanjabaad iyo gacan kahadal.

Bani aadamka Ilaahay wuxuu siiyay labo awoodood oo kala duwan; awooda caqliga, garashada ama maskaxda iyo awooda xooga, muruqa iyo gacan kahadalka.

Awooda caqligu waxay dhalisaa ama keentaa nabada, heshiiska isu soo dhawaanta iwm, awooda muruqa iyo gacan kahadal-kuna waxay keentaa colaad, isdil, burbur, isku dhac iyo kala fogaan.

Awooda hore waxaa adeegsada dadka leh garashada sare iyo caqliga fiican, madaama ay dhib yartahay, aadna u faa´iida badan tahay. Awooda muruqa iyo dilkana waxaa adeegsada dadka awoodooda caqligu ay yartahay, xaqoodana aan ku dhacsan karin fikir, caqli iyo ka shaqaysiinta maskaxda.  

Kaasina waa cudurka dilaaga ah ee ku habsaday umada Somalia sanadahan danbe, oo ay ka dhuntay qiimihii nabad ku noolaantu, kuna kalax-tagtay dilka, muquuninta dhiig-daadinta iyo naf goynta.

Waana cudur aad ufoolxun, noqdayna cudur bulsho oo daaweyntiisu ay ka dhib badan-tahay cudurada ku dhaca afraada, maxayeelay markii larabo in ladaaweeyo bulsho jiran, waxaa loo baahan yahay in lahelo dad kafayaw cudurka oo qadarin kara inta uu la'egyahay, kadibna kafikira sidii xal iyo daawo loogu heli lahaa.

Somaliduna waxaad moodaa cudurada colaada, isnaca, dagaalka iyo dilka inay si adag isugu talaalshay, is guudna isu wada gaarsiisay, haba lagu sareeyee garaadaha iyo dalacaada. Oo nasiib daro waxaan noqonay ummad dhamaanteed gudaha u gashay garoonka colaada, dagaalka iyo dhiig daadinta.

Ciyaartiina aad bay inoola dheeraatay, waxaana weynay wax inoo fura albaabkii nabada, maslaxada heshiinta, waxaana noqonay isma dhaanto iyo dhasheedii.

Ciyaartoydu markay garoonka ku dalaan waxay u baahan-yihiin dad nasnaa oo siiya biyo qabaw, oo ay kaga nastaan haraadkii iyo daalkii ciyaarta.

Inaguna dhamaanteen waxaan isugu tagnay gudaha Garoonka, ilaa hadana waxaan la´nahay kooxdii calanka nabada kor noogu qaadi lahayd siaan u bidhaansano/ uda gacno, ugu dayano.

Lasoco Q. 3aad, oo kusaabsan ururada somalia kajira qaybo kamid ah. Keydmedia Asbuuca soo socda ayee ku soo Bandhigi doontaa!

Dr. Axmad Cabdulahi - Editor of society, health and education policy for Keydmedia
Axmed.abdulahi@Keydmedia.net


Tee Soomaali Dantu Ugu Jirtaa…? Q. 1aad -> Daawo




Maqaallo 19 October 2020 5:00

Warqadda Rai'sul Wasaare Maxamed Xussein Roble u diray Afarta Dowlad gobolleed ee Puntland, Jubbaland, Hirshabelle, Galmudug- ee taarikhdeeda tahay 17.10.2020, kuna saabsaneyd magacaabidda Xubnaha Guddiga hirgelinta doorashada heer federaal GHDHF 2020/2021, waxay abuurtay isweydiin badan: