Ninba Dhan u Badi!!!

Dr.Bashiir M. Xersi ( Italy) Maahmaah ayaa dhahaysa “Weel walba wixii ku jiraa ka fiixa(dhididaa-dhalaala)”, qof walbana wuxuu sancadiisa garanayuu ku farayaraystaa, halka mid kalana ka leedahay “Ninba Dhan u Badi” sida ku cad cinwaanka qormada, waa hubaal inaan dadku ku sinnayn caqliga, cilmiga, camalka(shaqada), ninbaa caqli badan balse aan camal iyo shaqo ku wanaagsanayn, ninbaa camal badan balse aan caqi sidaa ah lahayn, qof baan cilmi badan lahayn balse caqligiisu wax badan ku taageerey, “La iimana Waxyoodo Waxna ima Dhaafsana”, sidaa ayaa adduunkan la isu dhaafsan yahay, qofba dhan ku roon, mayee uba badi oo ku xeeldhaaraa ama u dheellin!.
Maqaallo Keydmedia Online

Soomaali waxay tiih ku jirtaa muddo dheer, maalinba ninbaa u soo qalab qaata, indhasarcaad iyo xodxodasho isugu dara, si uu uga iibiyo badeecada uu wato ama uga dhaadhiciyo fekarka uu xambaarsan yahay, xoog iyo xeelad midba mar la adeegsay, haddii dantu dhaafin weysana washima ahaan ayaa wadajir loogu qaadaa, intuba waxay ku soo wada hoos duggaalaan qaran iyo garsoon toosin ama raadintood, aanse weydiin halkan dhigee: miyaa la arkay toosintaa ama baadigoobka mirihooda? Warcelinta weydiinta aan akhristaha iyo milicsadaja u daayo.


Gumaysigii saancaddaha si loo gabagabeeyo awgeed, waxaa loo baahdey gabanno geesiyaal ah, gabdho garraarku u giigsanyahay-maya kuwo gogol lagu gambiyey- hadduu meesha ka baxay gumaystihii maxaa xigay? Waa weydiin in badan la i weydiiyey, aanse warcelinteeda uga dambaynno murtida waartay ee Abwaan Axmed Ismaaciiil Diiriye "Qaasim", oo yiri :
 
Danbi kuma hadlaayee ma arag dawladdaan rabaye
Isma doorin gaalkaan diriyo daarta kii galaye
Dusha midabka Soomaali baad dugulka mooddaaye
Misna laguma diirsade qalbigu waa dirkii Karal'e
Meeshaan dad aan urursho iyo darar ka eegaayey
Iyaba waa darxumo ii hadhaye dacar miyaan leefay
Ma dorraato raadkaan dhigaan dib ugu soo laabtay?!
 
Dadaalkaa waqti iyo xoolo wixii loo huray hal bacad lagu lisay noqde!, si wax loo badalo ama wax lagu toosiyo, waxaa la marey waddo walba, waxay dhammaan nagu wada aroorsheen halaag iyo hoog.


Afgambigii ciidanka qalabka siday kula wareegeen xukunka, iyo marooqsigii awoodda dawladdee ujeedku ahaa maamul wanaajin iyo xaldoon, maxaa laga dhaxlay? In xalku ku jiro xoog iyo itaal, qofkaan lahaynna uusan wax sixi Karin haduusanba xaq u lahayn inuu wax saxo amaba noolaado!, sidaa waxaa ku dhashay jabhadiihii hubaysnaa ee Xabashida saldhigga ka wada dhigtay, ka dibna xoog ku soo doonay xukunka, malaha waa la dhihi karaa: haddaan xukunka si aan xoog ahayn lagu helayn waa lagama maarmaan, xoogsheegadkii maalintaa billowday ilaa maantadan wuu socdaa, wuuna sii socon intii mudda ah.


Ninba dhan u badi, qolodan xoogga ayey dhankiisa u badiyeen, dadka intiisa kalana uga dheereeyeen oo aysan jirin cid kula tartami karta, maadama ay sixiddiiba ku saleeyeen cudud, waxaa xigay mooryaantii dalka gees-gees ku fidday, kuna harqiyey: dilka, kufsiga, isbaarada dhaca, boobka, iyo bililiqada, hannaankooda xoog kama marna oo waa u saldhig, balse waxay si fiican u dhaqangaliyeen dadka dhanna deeqsiiyeen dhibkiisa cudurka la yiraa: “Qabiil(Qabyaalad)”, waxay salfadeen magac iyo muunad wixii jiray, mayee hambaba ma reebinoo waaba heensadeen.


Innagoo qabiilku qalbigeenna degay qooldheerna nagu xirtay, heer xubnihii dawladdaba lagu kala qaybsado sidii qawlaysto geel ku qablamaysa, qaatir ka taagan qayladhaanta qabiilka een qaarna reebayn, ayaa waxaa soo ifbaxay qolo wixii oo dhan isku wada darsatay, xoogsi iyo dirqin qabiil iyo qabyaalad calal lagu hoos wado, ay u sii dheer tahay Aayadda iyo xadiiska burhaanaysanaya, Shareeco Jihaad iyo Islaam yihiin jidka la marayo, Janno iyo Xuuralcaynna yihiin jasada iyo abaalmarintu, waxaa dhacday “Ka Dar oo Dibi Dhal” iyo “Warkii hore War soo dhaaf Waayeel qolof lahaa yimid”.


Marka laga soo tago xirfadda wadaad lagu yiqiinnay, ama lagu tilmaamsan karo, waxaa dhacay amakaak iyo fajac, lama arag iyo lama maql, in kasta oo dadku markii hore u wada riyaaqeen waa cadadoodee, sida ay kuwo badan oo lagu hungobay ugu sacbiyeen ayey kuwaanna kugu mashxaradeen, illeen kuwani burhaan Alle iyo baab aan la horjoogsan Karin ayey ka socdaane, gacma goyn, jedlid dhagax ku dilid ayeyba la yimaadeen!, wixii dhacay dhece, xanuunkii ka dhashay ayaase ah midka na wada damqaya, ama wali dikamaya ee aan la dabiibin, ayna ugu dambaysay gabar lagu karbaashay Marka.


Haddaan tusaalaha badiyo, oon walibya markaan magacdhabo dadyow siyaasadda ku jira ama ku jiray, Anoo ka billaabaya madaxweynaha afka iyo hadalka mudane C/qaasim Salaad Xasan, ahaana wasiiraan dhicin xilligii dawladdii ciidanka, iyo madaxweynihii Dawladdii Carta, hooyada Afarta iyo barta iyo haybdilka beelaha Soomaaliyeed, kolkuu muqdisha yimid wuxuu shaqadii ugu horreysay ka billaabay inuu laami saaro afarta jidcadde ee soo gasha hawgii uu xamar ka daganaa, kana dhigay aqalka madaxtooyada, aan isweydiinnee dhankuu u badiyey? Maadaaama uu la soo xamaashay madaxdii hore waa inuu dadka iska xiraa xerana jeexdaa xoolana dhurtaa.


Aan ku xijiyo madaxweyne madfaca iyo masiibada mudane C/laahi Yuusuf axmed, wuxuu markuu fursad u helay dadkii dhan ka dhigay hoobiye iyo madfac, xasuuq iyo xabaalo, wuxuu dalkii ka dhigay xaabo Xabasho, weydiintu waa dhankuu u badshay? Maadama uu ahaa ciidan la soo baray sida wax loo dilo, in badanna warjeef iyo waran ku soo qaaatay noloshiisa, wuxuu dabada qabtay hawshuu ku soo gaamuray ee uu ku gamaaray.


Madaxweynaha dawladda Islaanka iyo Shareecada, waa sida hadalka loo dhigee, mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed, markuu xilka qabtay wuxuu u hawlgalay siduu madaxtooyada uga dhisi lahaa Masjid, waxaa ku baxay dhismaha Masjidkaa adduun aan yarayn dadka qaar gaarsiyaan ilaa 50.000 $(kontan kun oo dollar), wuxuuna sheegay in cibaadada ka sokow duruus diini ah ka bixi doonto Masjidka, iminkadanna wuxuu ku sugan yahay Sucuudiga, Isaga oo gudanaya cibaadada Xajka sida la sheegay, mar sii horreysana wuxuu u aaday Cimro, taa oo ka dhigan markii labaad oo uu cibaado u tagayo Sucuudiga.


Ma ahan inaan Sheekha Cibaadadiisa faragashanayno, qof walba Isaga ayey u gaar tahay Cibaadadiisu, balse waxaan doonaynaa inaan iftiinsho lacagta lagu baxshay dhismaha Masjidkaa, miyeysan ku habboonayn in lagu maalgaliyo waxqabad kale, caafimaadka waxbarashada, dhismaha ciidanka qalabka sida, sugidda ammaanka hal degmaba Allaha ka dhigee, taakulaynta agoonta marasta danyarta iyo saboolka, siduu u xusuustay kuwa dhintay oo masjidka loogu magac daray-Shuhadada-, miyey ka wanaagsanayn in kuwa nool lagu badbaadsho? Haddaba wadaadku wuxuu u badiyey xernimo iyo xalqo laqbo.


Safarka iyo socdaalku waaba u hawle, malaha madfaca Xamar ayuu uga gambadaaye, Isaga oo ku dooda inuu u maqan yahay Soomaali, kuna matelo shirarka dibadaha iyo kulamada caalamigaa, halkaana isku illowsiinaya muwaadinkuu xilkiisa qaadey, haddaba muxuu ku doodi marka weydiintan timaaddo ah: awalba dalxiis iyo dibadjoog ayaad ku jirtee, ma waxaad noogu dartay cibaado gaara iyo camal Adiga kaliya kuu yaalla? Kala saar socdaalka gaarka ah eed u baxayso dantaada iyo socdaalka guud een natiijadiisu marna soo muuqan, tan waxay i soo xasuusinee Xajkii Incadde ee xilligii Maxkamadaha, iyo Xajkii Afhayeenka Xizbul Islaam Sheekh Daa’uud Abtidoon, waaba weydiine: Xajkaan loo wada ordayo muxuu yahay ?Saw laguma xajinayo xoolo dadow ama hanta guud? Oo haddaas muxuu faa’iido leeyahay?.


Ugu dambayn, qof walboow dhankaad doonto u badi, ee waa in lagaa nabadgalaa, aadan ku takrifalin hanti dadweyne, murugadu waa xeromeert,e xabaalbadiye iyo xalqojooge marka ay xil noo qabteen, miyaad aragteen mid mid dhaama, waxay ka wada siman yihiin inay xaglo daaciyaan umadda Soomaaliyeen, ku dadaalaan inaan xarig isugu xirmin, xaalkoodu sidaan iska sii ahaado, hadduu ka sii xumaadana waa xafladdooda.


Ilama ahan in sidaa loo wada dareensan yahay, waxaase la wada dhadhanshay silacdilyadooda iyo saxariirintooda, haddaba aan ka wada gudubno jadbada iyo xadrada aan xigmadda lahayn, caadifadda iyo caqliga xiran, aan xisaabtanno si aan naloo xaraarujin, haddii kale sida lagu jiro ma ahan mid laga baxayo, maalin Qabiil maalin Diin, miyaan marna qaranka la soo hadal qaadeyn, waaba ayaan darree maxaa labadaan naluugu daqraa ama naluugu dirqinaa, dawladnimo qarannimo, garsoon, sinnaan,iyo hoggaan, midna miyaan la doonayn?, mise waxaan u wada badinnay dhan aan wanaaggu ku jirin.
 
W/Q: Bashiir M. Xersi - Italy - brdiraac@hotmail.com

www.keydmedia.net




Maqaallo 27 November 2020 5:30

Waxaa Sanadahan danbe aad kor ugu kacay xaaladaha furitaanka, burburka Qoyska iyo dayacanka Ubadka, hadaba Qoraalkaan ka Aqriso Furayaasha Guusha Qoyska wanaagsan,  tani waa qormadda Jimcadda ee arimaha Bulshada, Diinta & Suugaanta ee Keydmedia Online.