Qaab Xumada Loo Dhisayo M. Goboleedyada Waa Muraayadda Dastuurka U Degsan Dalka

Dr. Saciid Ciise Maxamuud — Dastuurka u degsan dalka oo lagu maamulayo dadka waxaa awooda meelmarintiisa iska leh xukuumada uu horkacayo madaxweynaha oo ah madaxa ugu sareeya hayadaha fulinta ee dowlada Soomaaliya.
Maqaallo Keydmedia Online
Qaab Xumada Loo Dhisayo M. Goboleedyada Waa Muraayadda Dastuurka U Degsan Dalka

Turxaan bixinta dastuurka waxaa iska leh maxkamadda dastuurka oo aan hadda ka jirin dalka, bedelkeedana ay buuxisey madaxtooyada uu ka taliyo madaxweynaha. Ilaalinta dastuurka oo laga soo xiganayo raadraaca sharciyada la dejinayo waxaa dhaqangelintiisa iska leh baarlamaanka oo sida muuqata afhayeenkoodu iyo xubno badan oo ka tirsan ay qeyb ka yihiin xukuumadda uu hogaaminayo madaxweynuhu.

Intaas marka wadar ahaan la isku keeno waxey tilmaameysaa in talada dowladda Soomaaliya ay sida caadada u ahayd ay tahay tan madaxtooyada oo keliya oo u muuqata qaab kelitalisnimo, waayo madaxtooyada ayaa si dadban oo dabacsan ula wareegtey awoodaha ay lahayeen hayadaha sharci dejinta iyo maxkamada dastuurka, taas oo muujineysa sida lagu yaqaano boqortooyada in dalka taladiisu ku soo koobantay ku xirnaanta rabitaanka madaxweynaha iyo kooxdiisa la taliyeyaasha ka ah madaxtooyada oo aysan jirin cid kale oo xakameyn karta tacadiyadooda siyaasadeed.

Intaas waxaa wehlisa in kooxda sida gaarka ah uga talisa madaxtooyada ay qorsheynayaan iney dib u habeyn ku sameeyaan guud ahaan garsoorka dalka si ay saldhig adag ugu sameeystaan jidka ay u xaaranayaan qabashada doorasho ku sheeg ay qorsheynayaan iney ku shubtaan codadka marka la gaaro 2016. Qorshahaas waxaa ka mid ah in loo dhiso maamul goboleedyo dadka ay kooxdaas dan wadaagta yihiin, meesha loo baahnaa in shacabka degan degaanada Soomaaliyeed in iyaga loo curiyo maamulo xalaala.

Mar haddii aysan jirin baarlamaan la xisaabtamaya madaxda sare ee dowladda, dowladda Soomaaliya waxey danteedu ku jirtaa in dalka laga dhiso maamulo ku meel gaara oo u adeega maslaxadda danaha madaxda dowlada, taas oo ka soo horjeeda sida raacsan dastuurka oo sheegaya in dadku ay hoos ka soo dhistaan maamulada ay ku kalsoon yihiin.

Shacabka iney sameystaan maamulo waxaa ka horeeya dib u heshiisiin dhab ah oo la dhexdhigo dadka iyo iney dowladdu gacan dadban ku siiso dhismaha dowladaha maamulaya degaanadooda oo gaar ahaan ay ka taageerto dhinaca dhaqaalaha iyo sidii qaabka sharciyada loogu dhisayo maamul goboleedka loo waafaqsiin lahaa dastuurka dalka.

Howlahaas oo dhan waxey u baahan yihiin wakhti dheer iyo heshiis dhaba oo ay wadaagaan dhamaan dadka ku wada nool degaanada loo sameynayo maamul goboleedka, howshaasna ma ahan mid ay hadda dowladu rabto iney isku dhabar jebiso.

Dowladda waxey dooneysaa in 2016ka ay dalka ka hirgeliso doorasho ku sheeg, sidaas ayey madaxda dowladda ay si cad ugu muuqataa iney dadka u abuurto dhismaha maamul goboleedyadooda, taas oo ay ku dooneyso in dhaqaalaha dibeda uga xiran in loo soo daayo si mashruuca hiigsiga doorashooyinka 2016 ay u helaan qarashka loogu talagalay abaabulidiisa iyo qabsoomidiisa. Mashruucaas oo ay dhaqaalahiisa wada daneynayaan wadamada deriska iyo UNka, iyo wadamo ka tirsan Midowga Yurub oo maslaxadda danahooda ka dhex arkay doorashooyinka dhacaya 2016.

Dowladda Soomaaliya waxey ku dhawaaqday hindisaheeda ku aadan in ay maamul goboleed u dhiseyso gobolada dhexe oo ay ku soo koobtay gobolada Mudug iyo Galgaduud, taas oo ah tilaabo wanaagsan oo loo qaaday dhinaca wanaagsan, waxaase dowladda looga baahan yahay ineysan maamulka loo sameynayo goboladda dhexe aysan kala reebin dhamaan gobolada kawada tirsan goboladda dhexe oo ka kooban Mudug, Galgaduud, Hiiraan, iyo Shabeelada dhexe.

Haddii dhismaha maamulka dowladda gobolada dhexe oo wada dhan la hirgeliyo waxey taas fursad u siineysaa dowlada in dadka ku nool degaanadaas ay ku qancaan magacaabista ay dowladu hormuudka u tahay, halkaasna ay dadku ka sii ambaqaadaan dhameystirida maamulka,waxeyna taas tusaale wanaagsan u noqoneysaa in ay dhismaan maamulo waaweyn oo ay talo ku wadaagaan dad badan oo kala heyb duwan, maamulkuna uu noqdo mid isku dhafa oo lagu wadaagayo hogaanka dowlada gobolka, kaas oo uu madax ka noqonayo gudoomiye gobol oo ay wehliyaan gole degaan oo loo wada dhan yahay.

Gobolada dhexe oo ku fadhiya dhulka inta u dhexeysa Jowhar ilaa Gaalkacyo waxaa ku wada nool beelo fara badan oo kala duwan, waxaana loo baahan yahay dhaqaale ahaan, bulsho ahaan, iyo siyaasad ahaanba in si wanaagsan la isku dhexgeliyo oo la wadaajiyo talo ay ku hogaansanayaan hal maamul. Taas waxey meesha ka saareysaa maamul goboleed ku dhisan beel gaara oo maamulkii dowladda keligeed isku koobta.

In kastoo Xisbiga Dadka uu yahay xisbi mucaarada, haddana wuxuu taageersan yahay hindisaha maamul goboleed ay dowladu ugu sameyneyso goboladda dhexe, wuxuuna u soo jeedinayaa dowladda in dhamaan goboladda ka wada tirsan gobolada dhexe loo sameeyo hal maamul oo keliya. Xisbigu wuxuu kula talinayaa dowladda in shacabka degaanadooda laga dhisayo maamulada dowlada in door weyn ay ku yeeshaan ka qeybqaadashada qaabka loo dhisayo xukuumadaha lagu maamulayo.

Wuxuu xisbigu raacsan yahay in dowladdu ay xal ka gaarista ay wado awgeed ay xaq ugu leedahay iney maamulo ku meel gaara u dhisto goboladda dalka si ay taas u noqoto bilow ay dadka degaanku dhameystirtaan. Waxaa xusid mudan in gobolada qaar ay adag tahay iney dadku sameystaan maamul guud oo ay heshiis ku yihiin, maxaa yeelay waxaa goboladaas ku wada nool beelo kala duwan oo tiradoodu aysan kala badneyn, talo mideysana aan yeelan karin, taas oo ay sabab u tahay dagaaladii sokeeye ee dalka soo maray iyo faragelinta ay ku hayaan wadamada deriska.

Xisbiga Dadka wuxuu dhiirogelinayaa gogosha taala Cadaado oo dadku ay uga wada tashanayaan maamul u sameynta goboladda dhexe, kulamadaas oo wejiyo kala duwan yeelan doona,haddii ay noqon lahyd kuwo gaara iyo kuwo guudba ama kuwo lala yeelanayo dowladda si wadajir talo wadaag wax loogu dhiso.

Xisbigu wuxuu talo ugu soo jeedinayaa abaabuleyaasha qabanqaabinaya gogosha ka fidsan Cadaado ineysan dhumin fursadda ay xal dhexdhexaada kula gaari karaan dowlada tabarta daran oo sida sharciga waafaqsan u dhisan. Haddii la helo wada shaqeyn ka dhex dhalata labada dhinac, waxqabadkoodu waa iskabayaa oo weliba si miisaaman ayuu isku dheelitiri karaa.

Waxaa nasiibdarro noqoneysa haddii dowladda dhexe iyo dadka deegaanka uu ismaandhaafkoodu ku dhamaado isfahamdarro, taas oo uu xisbigu ka digayo iney ka dhalan karto ineysan gobolka ka shaqeyn maamulka ay dowladu u soo magacawday gobolka iyo sidoo kale ineysan dowladda dhexe iyaduna aysan aqoonsan maamulka ay soo dhistaan waxgaradka matalaya inta badan dadka dega degaanka. Si looga gudbo ismariwaaga qaabkaas u dhici kara waxaa haboon in dowladdu ay fursad siiso waxgaradka isabaabulay oo gogosha ka fidiyey Cadaado oo ay la sameyso wadashaqeyn ku dhisan isixtiraam, shacabka gobolada dhexena ay soo dhoweeyaan dhawaaqa ay dowladu maamul ugu dhiseyso goboladda dhexe.

Xisbiga Dadka wuxuu dowladda uga digayaa ineysan maamulka loo dhisayo goboladda dhexe aysan ka reebiin gobolka Hiiraan iyo Shabeelada dhexe, maxaa yeelay waxaa adkaaneysa sidii loo kala saari lahaa Galgaduud iyo Hiiraan ama Hiiraan iyo Shabeelada Dhexe.

Dadka dega goboladda dhexe waa dad u badan xoolo dhaqato reer miyi ah,dhexdoodana ma lahan wax xuduuda oo kala reeba inkastoo ay heybta ku kala duwan yihiin, dhiilooyin qabyaaladeedna ay ka dhexeyso, sidaas oo ay tahay ayey haddana dadkaas wadaagaan xididtinimo, xigaalnimo, iyo degaan ay ku wada nool yihiin. Dhibaatada ka dhalata goboladda dhexe waa mid ay adag tahay si xal waara looga gaaro, laakiin waxey leedahay ka hortag, sidaas daradeed dowladu ha ka fiirsato waxyaabaha ugu muuqda xalka deg dega ah oo yeysan dhismaha maamulka goboladda dhexe aysan si fudud khatarta ka imaan karta u sahlan, taas oo laga yaabo iney curiso soo ifbixida aanooyin siyaasadeed, jabhado hubeysan, iyo beelo fara badan oo isku baheysta mucaaradnimo xoogan.

Dhinaca kale dowladu waa ineysan si qalada dadweynaha ugu mashquulin abaabulka maamul goboleedyo looga dan leeyahay shacabka qaar ka mid ah in laga sii jeediyo xaquuqaha ay ku leeyihiin degaanada kale ee ka tirsan dalka oo beel ahaan looga tirada badan yahay.

Dr. Saciid Ciise Maxamuud | 03.08.2014
Gudoomiyaha Xisbiga Dadka Soomaaliyeed
saciidciise258@aol.com




Maqaallo 22 February 2021 13:48

Dowladda uu waqtigeedu dhamaaday ee Farmaajo hoggaamiyo ayaa 19/2/2021, magaalada Muqdisho galisay qalalaasihii ugu xoogganaa oo nuuciisa oo kale aan taariikhda la warin, waxayna joojiyeen mudaharaad nabadeed oo ay ku dhawaaqeen Golaha Midowga Musharixiinta.