Qiimaha Amaanada! // Jiim & Shirkadii

Dr. Axmad Cabdulahi (Keydmedia) - Maalin maalmaha kamid ah ayuu Odaygii Shirkada iska lahaa, ee Duqa ahaa kufikiray inuu nasto, shaqadana udhiibo mid kamid ah Raga da´dayar, ee Shaqada bartay.
Maqaallo Keydmedia Online

Mana rabin inuu Shirkada dhaxalsiiyo mid kamid ah Wiilashiisa, ama kuwa ay sii dhaleen.

Wuxuuna isugu yeeray Ragii maamulayay waaxyada Shirkada oo dhan, wuxuuna dhexdhigay Qarkan culus "Anu waan Shaqo gabay, Shirkada Maamul-keedana waxaan udhiibayaa mid idinkamid ah". Waxaana idiin dhiibayaa Imtixaan, waxaana isku soo laaban doonaa halsano kadib.

Waxaan idiin keenay Abuur qiimo badan oon Sigaar ah usoo dooray, qofwalba waxaa lasiinayaa Hal abuur ah, waxaana laydin karabaa inaad aad udryeeshaan, si'ay ukorto.

Qofkii ii keena Ubax kaduwan waxa ay kuwa-kale keenaan ayaana nasiib uheli doona qabashada Maamulka Shirkada!!

Dhawr Asbuuc kadib ragii waxay bilaabeen inay kawar-bixiyaan ubuurkii inuu kobcay, weynaaday, qurxanaaday. Balse waxaa jiray Wiilyar oo layiraahdo Jiim, oo aan hadlin, naxdina kamuu-qatay, maxayeelay Ubixiisii makobcin, dadaalkasta oo ay sameeyeen isaga iyo xaaskiisii.  

Udanbayntii ballantii baa lasoo gaaray, Jiimna wuxuu kuyiri xaaskiisii anu Shirka lama aadayo weel maran, iyadiina waxay kutiri "Runta haka cabsanine iska aad Shirka".

Isna wuxuu ogaaday inay Runtu tahay raaxo, lakin wuxuu kabaqayay sidaxun ee loosoo fiirin doono markuu latago weel maran!

Wuxuuna goostay inuu latago weelkiisii marnaa, wuxuuna aad uganaxay ubaxyada lawatay dheerarkooda iyo Quruxdooda. Weelkiisiina wuxuu dhigay meel hoose, wuuna iska istaagay, saaxiibadiina wey kuqasleen, kadibna waxaa soo galay Maamulihii shirkada. Wuxuuna eegay ubaxyada kobcay/ dheeraaday, wuxuuna amaanay dadkii dadaalay, guusha raadiyay, wuxuuna yiri; qurux badanaa ubaxyadu. 

Jiimna wuxuu isku Qariyay Saaxiibadii gadashooda, Maamulihiina wuxuu yiri "Maanta waxaa lasharfi doonaa mid idinkamid ah", wuxuuna fiirinayay weelka eberka ahaa, wuxuuna kacodsaday xoghayihii, inuu usoo-yeero Jiim, isna wuxuu dareemay Naxdin daran, in lafiijin doono, madaama uu yahay Qofka kaliya ee aan keenin ubax Qurxan.

Maamulihiina wuxuu weydiiyay Jiim "Maxaa kudhacay Abuurkaagii", wuxuuna sheegay runta (inuu isku-dayay inuu koriyo, waraabiyo, balse ubixii uu dhintay dadaal-kastoo uu sameeyay).

Saaxiibadiina wey taagan-yihiin, waxayna daawanayaan Ceebta haysata Jiim, Maamulihiina wuxuu yiri fariista, wuxuuna kacodsaday inay salaamaan una sacbiyaan Maamulaha cusub Jiim.

Ragii kalana waxaa kudhagtay Jac, wareer iyo Madax xanuun, Maamulihiina wuxuu yiri "Sanadkii hore waxaan idiin dhiibay Abuur si'aad usoo korisaan, balse wuxuu ahaa Abuur halaabay, oo aan koraynin".

"Dhamaantiin waad badasheen Abuurkii aan idiin dhiibay, soo Run ma aha"!!? "Qofka kaliya ee runta sheegay, daacada ahaana waa Jiim, wuxuu soo celiyay ubuurkii  aan udhiibay Sanad kahore." 

Aqriste Ogaw in: Hadaad Abuurato Daacadnimana, waxaad helaysaa guulo badan ooda filanaynin.

Hadaad abuurato Amaano waxaad goosanaysaa -> Kalsooni.

Hadaad abuurato wanaagna waxaad goosanaysaa  -> Saaxiibnimo.

Hadaad abuurato Sabar iyo Dulqaadna waxaad goosanaysaa -> Raaxo/ Farxad.

Hadaad samayso Dadaal hufana waxaad goosanaysaa -> Guul iyo Horumar.

Keydmedia Online - [url=http://www.keydmedia.net]http://www.keydmedia.net[/url]

Qoraalkaan waxaa Bogga Keydmedia Online lagu soo daabacay 13.04.2012

Dr. Axmad Cabdulahi - Editor of society, health and education policy for Keydmedia
Axmed.abdulahi@Keydmedia.net




Maqaallo 19 October 2020 5:00

Warqadda Rai'sul Wasaare Maxamed Xussein Roble u diray Afarta Dowlad gobolleed ee Puntland, Jubbaland, Hirshabelle, Galmudug- ee taarikhdeeda tahay 17.10.2020, kuna saabsaneyd magacaabidda Xubnaha Guddiga hirgelinta doorashada heer federaal GHDHF 2020/2021, waxay abuurtay isweydiin badan: