Qoto Daarood QEYBII 1-AAD (TOP SECRET)

Sanaa (Keydmedia) - Maqaalkanu wuxuu ka turjumayaa qoraal ku salaysan himilo Daarood oo isu huwanaa aragti siyaasadeed, mid deegaan dhaqaale iyo mid ku salaysnaa dal ballaarsi isir-raac ah. Keydmedia.net Qabiil ma rimana mana bogaadino oo waxaan nahay website dhexdhexaad ah oo runta faaqidda. Laab-lakaca qabiil waxaa noogu dambaysey godkii SYL ku aastay 1943.
Maqaallo Keydmedia Online

Haddii waayeelkii qoray Qoto Daarood ay wax ka qabaan sida warqaddan loo arko, fadlan nala soo xiriira si loo kaftamo.

Hordhac

Bishii Janaayo 1991-dii waxaa Degmada Huriwaa laga helay warqad 3 bog ah oo Af-Soomaali ku qoran kombuutarna lagu daabacay oo laga qaxay. Gacmo badan kadib, warqaddii aqoonyahayn bay gacanta u gashay, nuxurka ay xamaarsanaydna waa laga faallooday.

Ruug-caddaa labo xeerodle ahaa baa lala kaashada si ay wax u kordhiyaan. Waayelka warkoodu waa gaabnaa oo waxay isku raaceen in daaqsinta dalka la wadaagi jirey, magaalooyinkana nin walba meesha uu doorto ka dagi jirey oo ciduna cid kale udubka ku riixi jirin. Qoraalkii Qoto Daarood goleyaal badan buu isu soo maray, waxuuna akhristeyaalkii ku dhaliyey yaab, amakaag iyo dareen aan Hawiye hore qabin.

Nuxurka Qoto Daarood

Wax badan baa lays weydiiyey waxahormuudka Daarood ka maqnaan kara. Iyagoo dawladnimada aqoola, maxaa sababsay cabasho iyo hifasho Daarood? Yaa Daarood dal ka dhacay…? Haddii dhambaalkan la qori lahaa barakicii Muqdisho wixii ka dambeeyey, waxaa la oran kari lahaa malaha waxaa loola jeedaa qarandunkii dawladimo ee Daarood majaraha u hayey…

Warqaddu ma lahayn naxli qoraal oo waxay ahayd mid waqti iyo naqtiin badan la geliyey, gabidhaclayna laga ilaaliyey. Waxay lahayd arar cabasho iyo guubaabo isugu jirta oo tilmaamaysa in Hawiye isku ballaariyey dhulka dhaqaalaha dalka saldhigga u ah. Dulucda lagu nuuxnuuxsaday waxaa ugu weynaa afar arrimood oo dan u ah midaynta beelaha Daarood iyo tolaynta gobollada koofureed, waxaana kamid ahaa:

B - In la heshiisiiyo hormuudka siyaasiinta Daarood, sida: Maxamad Siyaad Barre iyo Maxamad Abshir Muuse. Maxamad Siyaad iyo Dhigic-Dhigic. Maxamad Siyaad iyo Gacaliye. Maxaamd Siyaad iyo Jaamac Cali Jaamac, inta hadda laga xusuusto.

T - In Mareexaan iyo Dhulbahante la dajiyo deegaan bad leh.

J - In Daarood la wareego ilaha dhaqaalaha dalka, iyo

X - In dardar cusub la geliyo xaqiijinta mataanaynta beelaha Daarood qaar kamid ah iyo qaar beelaha Hawiye ah, sida: Sacad, Saleebaan iyo Ogaadeen. Leelkase iyo Xawaadle. Harti Abgaal iyo Harti Daarood. Warsangeli Daarood iyo Warsangeli Abgaal, iwm.

Tusaale gaaban waxaa qodobka (x) u ah haddii maqaawiirtii Majeerteen xushumayn lahayd is-bahaysigii Sayid Moxamad Cabdulle Xasan iyo Boqor Cusmaan dhexmartay, Sayidku kuma hungoobeen hiyi-kicii iyo diiftii kasoo gaaray huleelkii uu Bari ciirsiga u aaday. Waa dhacdo taariikheed ee soo xigo gabaygii catawga Sayidka ee Jiinley.  

Qoreyaasha Qoto Daarood maxay ku gaari lahaayd mataanaynta beelaha Hawiye iyo kuwa Daarood mar haddii la ogsoon yahay in laysu yahay wiil iyo abtigiis, sodog iyo inankiis, hooyo iyo habaryar, awoowe iyo ayeeyo, deris iyo dugsi, dhaqan iyo dhaqqle wadaag…? Ma cod kororsi bay ula jeedaan marka doorasho timaado…? Ma cudub xoojin bay ula jeedaan marka dagaal beeleed dhaco…?

Ma boqortooyo Majeerteen baa la xambaarsan yahay…? Ma qas iyo walaac siyaasadeed baa loola jeedaa oo mar walba ka aloosma gobollada koofureed…? Ma dawladda Itoobia ayaa loola jeedaa in Al-shabaab lagu xuuxiyo si ay ula wareegto Juubada Hoose…?

Deegaannada koofureed iyo kuwa qawaqooyi, weli kama dhicin in qof isirnimo loogu diido dhul uu guri ka dhisto. Goob uu ganacsi ku samaysto. Dhul uu beer ku tacbado. Dhul uu xaraysto oo hadana dib usii iibiyo, iwm.

Danta iyo himilada Daarood waxaa hagi jirey toddobadii Xaaji oo Xamar salballaaran u daganaa. Lama qoonsan jirin oo waa la xushayn jirey iyaga iyo inta ku abtirsata oo iyaga kusoo biirtay. Taasu kuma iman diimoonaan waayeel Hawiye ee waxay ka ahayd xushmayn, is-qadarin iyo deris wanaagnimo lagu wada noolaado.

Si kastoo colaad xukun-jacayl, ku-xadgudub bulsho iyo burbur dhaqaale oo soo noq-noqday ay ka dhaceen gobollda koofureed intii u dhexaysey 1991-2011, haddana ma jirto colaad dhextaal beelaha Hawiye iyo kuwa Daarood-haddii isku-dhac beelood dhacdana waa mid dhagarqabe siyaasi sheegtay uu ka dambeeyo- dalkuna waa naga badan yahay.

Qofna dhulka kuma dhigan karo summadda geeliisa; hase yeeshee wuxuu qofku xaq u leeyahay inuu magaciisa ku dhigto qabri labo mitir ah oo lagu aaso; wuxuuse sheegan karaa dhulka tacabku ugu yaal oo hantidiisa ah, taasoo loo siman yahay.

Ogaadeen wuxuu kamid yahay beelaha ugu waaweyn ee beelaha Daarood oo mudan qaddarin iyo tixgelin, hadana laguma darin himilada Qoto Daarood, waxaana laga yaabaa inaan shaxda la hadoodilay waxba laga wargelin. Haddii Daarood isu danaynayo Ogaadeen lagama tegi karo.

Is-bahaysiga Harti Daarood, Sade Daarood, Absame, Al-Shabaab & Hardanka Jubbada Hoose.   

AQRISO QEYBTII 2AAD - RIIX MESHAAN: [url=http://alturl.com/g3jk4]http://alturl.com/g3jk4[/url]

Ayuub A. Aden - Sana‘a - Keydmedia.net Correspondent




Maqaallo 19 October 2020 5:00

Warqadda Rai'sul Wasaare Maxamed Xussein Roble u diray Afarta Dowlad gobolleed ee Puntland, Jubbaland, Hirshabelle, Galmudug- ee taarikhdeeda tahay 17.10.2020, kuna saabsaneyd magacaabidda Xubnaha Guddiga hirgelinta doorashada heer federaal GHDHF 2020/2021, waxay abuurtay isweydiin badan: