Riyada Siilaanyo iyo Qarawga Itoobiya!!

Burburkii Soomaaliya kadib waxaa lumay wadaniyadii, dowladnimadii, qarannimadii, damiirkii iyo shaqsiyadii wanaagsaneed ee ku saleesneyd Soomaalinimada, waxaana hogaanka iyo talada Dalka gacanta ku dhigay dad aan u qalmin isla markaana aan kala aqoon cadaw iyo saaxib.
Maqaallo Keydmedia Online

Fakar la’aanta horjoogayaasha Siyaasadda Soomaaliya waxaa laga dhaxlay in Dalka uu u kala qeybsamo gobo Goob, iyo gobalo qabiil, waxaana qaranimadii laga door biday qabiil iyo qabiileysi, taasina dhaxalkeeda waxa uu noqday in cadaw soo jireen ah oo ay Soomaalidu laheyd ay ka faa’ideestaan kala qeybsanaanta umadda Soomaaliyeed.

Waxaan xusuusanahay in gobaladda Bari iyo Nugaal ee Dalka iminka ay ka socdaan qorshayaal ku saleysan heeb sooc qabiil kaasoo gobaladaasi looga masaafurinayo dadka ka soo jeeda gobalada koonfurta Soomaaliya, tiyoo gobaladaasi ay ku ilma dhalayaan Amxaaro ka soo haajirtay gobaladda kale duwan ee dalka Itoobiya.

Waxaa xusid mudan in dadka Ahlu-diinka ah ee ku dhaqan gobaladaasi kana soo jeeda isirka Soomaali naftooda ay beec tahay loona dhiibo dowladda Itoobiya taasoo ku cadaadisa xabsiyo bahala galeen ah oo ku yaala buuraleyda Itoobiya.
 
Talaabooyinkaas arxan darrada iyo uur ku taalada huwan waxaa laga dhaxlay in Soomaalida lagu dhibaateeyo gobaladaasi ay iska dhaadhiciyaan in Soomaalida aanay waxba isu aheyn isla markaana gobal walba Dalka uu xad la wadaago ay qaraabo yihiin.

Kuma simana Bari iyo Nugaal oo kaliya afkaarta la xiriirta iibinta dadka iyo dhulka Soomaaliyeed, ee sidoo kale arimo kuwaa la mid ah waxay ka dhacaan gobalada Waqooyi galbeed ee Soomaaliya.

Axmed Max’ed Max’ud Siilaanyo waxa uu dhawaan safar ku tagay dalka Itoobiya oo uu kula Soo kulmay R/wasaraha itoobiya Meles iyo taageerayaashiisa ay xisbiga Dalkaasi hogaamiya ku mataaneysan yihiin, waxaana halkaasi ka dhacay is afgarad ah in dowladda Itoobiya oo cadaw soo jiraan ah u aheyd Soomaalida lagu wareejiyo qeyb ka mid ah Dekadda Wey nee magaalada Berbera.

Lama gaban oo lama xishoon heshiiskaasi Siilaanyo, oo waxa uu ka sheegay Warbaahinta, isagoo ku faanaya in Itoobiya ay adeegsan doonto dekadda Qiimaha weyn ee Berbera, waxaana Ina Siilaanyo uu iska hilmaamay in taariikhdu ay tahay ma hadho diiwaan galisa dhacdooyina xumi iyo sami intuba.

Waa xaqiiq in shaqsi aanu si gaar ah u wareejin Karin hanti dadweyne ama hanti qaran, waxaan dekadda Magaalada Berbera ay ka mid tahay waxyaabaha ka dhaxeeya umadda Soomaaliyeed meel walba dunida ha ka joogaan, waxaana sidoo kale dekadaasi xuquuq ku leh Soomaaliga dhalan doona, iyo kan iminka dunida guudkeeda saaran.

Dad badan waxa ay rumeysan yihiin in hadalka ka soo baxay Siilaanyo ee ah in Itoobiya ay la wareegi doonto dekadda Berbera inuu yahay Riyo maalmeed, isla markaana doonista Meles ee dekadaasi ay tahay Qaraw aan qiil laheyn.

C/llaahi Yuusuf ayaa 2006-dii kolkii uu ciidamada Itoobiya soo galiyay Dalka waxa uu kula heshiiyay hadii himiladiisa ah in ay u qabtaan guud ahaan Soomaaliya ay u hirgaliyaan inuu ku wareejin doono dekadda kismaayo Shuruud la’aan, laakiin waxaa arinkaasi ka hor yimid oo ka biya diiday inuu hirgalo xoogagii muqaawamada ee ka dagaalmayay xiligaasi Dalka inta aanay u kala jabin jabhadaha.

Waa hubanti haddii Siilaanyo uu ku sii adkeesto talaabada Itoobiyo Lagu taageerayo inuu wajihi doono Mucaarado xoog leh, isla markaana suurta gal ka dhigi karta in guud ahaan awoodiisa maamul la wiiqo, waxaase iminka la gudboon inuu iska ilaashada kursigiisa madadaalada ah.

Dowladda itoobiya iyana waxaa la gudboon in ay iska hilmaanto qarawga ah in dhul Soomaaliyeed oo dadkiisii nool yihiin ay kula wareegto hadal shaqsi cidna aan metalin ka soo baxay.

Aqoonyahanka Soomaaliyeed ee taqasusuka u leh arimaha xiriirka caalamiga ah, waxaan ugu baaqeynaa in ay u istaagaan badbaadinta Dhulka, badda iyo dadka Soomaaliyeed, waayo waxaa muuqata in shaqsiyaad ay ka sal guurtay Soomaalinimada in ay doonayaan Dalka in ay iibsadaan tiyoo dadka Soomaaliyeed aanay dabar go’in oo dunida daafaheeda iyo Dalkaba ay ku nool yihiin.

Abdulkarim Haji Seeko - keydmedia.net Correspondent




    Maqaallo 11 September 2020 15:57

    Khudbadihii Madaxweynayaasha dowlad goboleedyada Galmudug, Koofur Galbeed, iyo Hirshabelle ka jeediyeen Shirka ka dhacay Baydhabo 9.9.2020 waxay ahaayeen khudbado lagu muujinayo burburka heshiiskii dhusamareb-1, kala qaybsanaanta dowlad goboleedyada, iyo fashilka hadafka asaasiga ah iyo guulaha gogosha dhusamareb.