Saadaasha Khayrka .... Ama Sharta…

Dr. Axmad Cabdulahi (Keydmedia Online) - Ilaahay wuxuu inoo sheegay in markay xaaskii Fircon aragtay Nabi Muuse oo bada laga soo bixiyay ay kutiri ninkeedii (Hadilina, wuxuu noo noqonayaa mid aan aragiisa ku raaxaysano aniga iyo adiguba, waxaana laga yaabaa inuu ina anfoco ama aan ka dhigano wiil… Suurada Alqasas ayada 9).
Maqaallo Keydmedia Online

Culimadii Qur´anka fasirayna waxay sheegeen, in markay tiri; wuxuu noo noqon doonaa mid aan aragiisa ku raaxaysano aniga iyo adiguba, uu Fircona yiri (Adiga haa, anigase maya).

Kadibna xaaskii Fircon waxay rumaysay Muse iyo diintisii, Ilaahay bayna ka bariday inuu agtiisa janada guri uga dhiso. Waxayna safka hore kagashay dumarka yar ee Ilaahay qisadooda iyo sheekadooda Qur´anka ku balbalaariyay, tusaale aad u sareeya oo kor loo fiiriyo uga dhigay dadka mu´miniinta ah, ee Xaqa ku dhaga waqtiga dhibka, cabsida iyo cadaadiska darani jiro.

Dhinaca kale Muse markii nabi laga dhigay wuxuu ka horyimid madaxnimadii, awoodii iyo ilaah-nimadii bugta ahayd ee Fircon sheeganayay. U danbayntiina Fircon wuxuu halgan adag ugalay siduu uga hortagi lahaa Muse iyo diintiisa, wuxuuna sameeyay wax kasta oo ay dadku ku beenin lahaayee Muse iyo diintiisa.

Halgen dheer kadibna wuxuu go´aansaday inuu salka kajaro diinta Muse iyo dadka raacsanba, wuxuuna diyaariyay ciidan aad u fara badan una hubaysan. Muse iyo mu´miniintii raacdayna way qexeen ama way carareen, iyagoo baqanayana waxay soo gaareen Bada, kadibna Rabbi baa uga furay bada Jidad ay maraan, biyihiina ukala istaajiyay, siay nabad ugu gudbaan, Fircon dhagartiisana uga badbaadaan.

Fircon iyo ciidankisiina badii bay kasoo daba galeen siay u raacdaystaan masakiinta cararaysa, markay wada galeena Badii baa isu furantay dhamaan-toodna way halaagsameen. Halkaas ayayna ku cadaatay inuu Muse u ahaa xaaskii Fircon Khayr wade, Fircona u ahaa naxsi iyo halaag soojiide. Waana miduu Fircon yiri; (adiga haa, anigase maye).

Qisadana waxaan raacinaynaa qiso kale oo gaaban, oo kadhex dhacday boqor iyo wasiirkiisii, waana sida tan:

Boqor baa lahaan jiray wasir muslim ah, oo ku xeel dheer saadaasha khayrka, wax kastoo dhacana (khayr iyo shar wuxuu dooni hanoqdee) oran jiray (khayr Alle haka dhigo)!

Baqorkii iyo wasiirkiina maalin bay ugaarsi u bexeen, markii waqtigii qadada lagaarayna boqorkii wuxuu qaatay xabad Tufaax iyo Mindi siuu ugu jarjaro una cuno, kadibna mindidiibaa ku fakatay far buuna iska jaray! Wasiirkiina wuxuu yiri (khayr Alle haka dhigo), boqorkiina wuu ku xanaaqay wuxuuna yiri, waa-maxay khayrka aad sheegayso doqon yahow! Wuxuuna amar ku bixiyay in xabsiga loo taxaabo, markii xabsiga loosii wadayna wuxuu yiri (khayr Alle haka dhigo).

Maalintii xigtayna boqorkii wuxuu kaligii u baxay ugaarsi, madaama uu wasiirkii raaci jiray xabsiga kujiro. Wuxuuna aad uraacdeeyay bakayle, wuxuuna u galay reero caabuda asnaam. Maalintaasina waxay ahayd ciidii Ilaahyadooda, waxayna raadinayeen qof ay ugu ciideeyaan Ilaahyada.

Markay boqorkii arkeena waxay dheheen, ooh, waa nin baruur leh, oo ilaahyada loogu ciidayn karo. Waxayna ugeeyeen saaxirkoodii siuu u barakeeyo/ u ogolaado, markuu fiiriyayna wuxuu yiri; (kani ma astaahilo in ilaahyada loogu ciideeyo, maxayeelay far buu la´yahay)!. Kadibna way iska siidaayeen.

Wuxuuna soo laabtay isagoo kabadbaaday khatar dhimasho ama gowrac. Wuxuuna shaqo ka bilaabay inuu wasiirkii xabsiga kasoo daayo, wuxuuna ku yiri (fartaan iska jaray waxay ii noqotay khayr aad u weyn, waxayna iga badbaadisay khatar dhimasho/ in laygowroco)! Balse ma ii sheegi kartaa, xabsigu siduu khayr kuugu noqon karo?

Isna wuxuu yiri; way sahlan-tahay oo hadaan kula socon lahaa, anigay ii gowrici lahaayeen ilaahya-dooda!

Hadaba fara badanaa dhacdooyin ama dhibaatooyin aan u malaynayno inay shar inoo yihiin, oon qaadan weynay culays-kooda iyo xanuun-kooda, mudo kadibna aan hubsano inay khayr noo ahaayeen, waxyaabo kaxuna naga xijaabeen naga celiyeen.

Sidaa darteed baa laga rabaa qofka muslimka ahi inuusan baasaysanin wixii ku dhaca xataa haday dhib ula muuqdaan, balse waa inuu ku raali noqdo Qadarka Ilaahay (swt), markastana Ilaahay wax fiican kamalaysto, karajeeyo. Oo qofku wuxuu baasaysto dhibsado xumaan buu ku noqon karaa. Xataa markuu dhib culays inagu yimaado diinteenu waxay ina fartay inaan sabaro, adkaysano, kuna raali noqono amarka Ilaahay. Kuna ducaysano ducadan qiimaha badan: (Ilaahayaw dhibkan ajar iga sii, wax ka khayr badana iigu badal).

Keydmedia Online - http://www.keydmedia.net


Dr. Axmad Cabdulahi - Editor of society, health and education policy for Keydmedia Axmed.abdulahi@Keydmedia.net




    Maqaallo 11 September 2020 15:57

    Khudbadihii Madaxweynayaasha dowlad goboleedyada Galmudug, Koofur Galbeed, iyo Hirshabelle ka jeediyeen Shirka ka dhacay Baydhabo 9.9.2020 waxay ahaayeen khudbado lagu muujinayo burburka heshiiskii dhusamareb-1, kala qaybsanaanta dowlad goboleedyada, iyo fashilka hadafka asaasiga ah iyo guulaha gogosha dhusamareb.