“Shacabka Ogadenya ma Kismaayaa lagu mashquuliyey mise anigaa is moodsiiyey?”

Shaki la’aan in qaarkiin cinwaankaan la yaabey, qaarna ka xanaaqey iyadoonba weli la aqrin. Isku day inaad aqrido ood dhuuxdo. Haddaad tahey dadka dega Soomaali Galbeed iyo haddaad tahey dadka dega Soomaaliyada Jamhuuriyadda ah iyo haddaad gobolkaas muranka badan ka taaganyahey ee Jubbooyinka taheyba wuu ku khuseeyaa maqaalkaani.
Maqaallo Keydmedia Online

Gobollada kaleba lagama hadlayee maxaa gobolkaan iyo magaaladaan kaligeed cid walbaaba uga hadlaysaa ayaan in badan maqley iyadoo la is weydiinayo! Waa su’aal u baahan in laga jawaabo. Jawaabteeduna iyadoo kooban waxey tahey waxaa gobolkaas ka socda wax aan gobollada kale ka jirin.

Arrintaani dhab ahaantii qabiil iyo qabyaalad ma ahane waa qadiyad dhab ah oo qowmi ah oo la xiriirta geopolitics Deegaanka Siyaasadeedka Geeska Afrika ee adigoon fududeysan si aan xamaasad ku dheehneyn fadlan u aqri.

Qofku markuu xamaasadeysan yahey focultiga/cunsurka wax fahmiddu wuu is xiraa oo uma shaqeeyo si sax ah. Waxaana howl gelaya qeybaha wax iska caabbinta ama cararida ee ka mid ah maskaxda.

Markey bur burtey dowladdii Soomaaliyeed kadib dadka Soomaali Galbeed kama aysan harin halgankii ay ugu jireen aayo ka talintooda. Waxeyna sii wadeen dagaalkii iyagoo sameystey jabhado arrintaas u dagaallama. Waxey ahaayeen jabhadahaasi labo jabhadood oo midna ay tahey Qabiil oo ah jabhadda ONLF iyo Jabhad Islaami ah oo markii hore la oran jirey Itixaadka Somaali Galbeed markii danbana la baxdey WSLF.

Labadaas jabhadoodba waxaa udub dhexaad u ahaa oo taageeri jirey qabiilka Ogaadeenka oo loogu magac darey dhulka lagu magacaabo Ogadeniya. Magaca nafsaddiisu wuxuu ka mid yahey waxa ay qabaa’ilka kale oo gobolkaas wax ka degaa uga maageen halganka. Iyadoo xinka qabaa’ilka ka dhaxeeyana uusan meesha ka maqneyn.

Halgankii waqti dheer ayuu socdey, waxaana ka dhashey qax iyo dhibaatooyin fara badan oon lasoo koobi karin.

Kaalinta ay leedahey kala geddisnaanta aragtida siyaasadeed ee ONLF iyo WSLF oo saameyn ballaaran yeelatey.

Meesha ay ONLF ka aheyd urur deegaanka Ogadenia  kaliya ku kooban, ayna u kala soocan tahey Soomaaliya iyo Ogadenia ururka kale WSLF markoodi horeba uma kala soocneyn S/Galbeed iyo Soomaaliya. Mar Bari ayey ka dagaallami jireen, marna Luuq, marna Muqdisho iyo Koofurta. Mucaskarka Raaskaamboonina wuxuuba ahaa saldhigga ugu muhimsan oo dagaal yahannada ururkaas lagu tababro oo Itoobiya iney kasoo dagaallamaan looga diro. Sidoo kale culimo waaweyn oo ururkaas ka mid ah saldhiggoodu waa Kenya oo Neyrobi iyo Garisa ayey fadhiyaan iyagoo qaatey dhalashada Kenya.

Ma arkeysaa kaalinta isku xirka ee ay sameeyeen wadaaddada Itixaadku ee saddexda dal? Adigoo haddana xisaabta ku darsanaya kaalinta ay islaamiyiintu ku dhex leeyihiin bulshada Soomaaliyeed dhanka bulshada iyo dhaqaalaha. Soomaalidu waxey mareysaa “wadaaddo ama waxba!”

Wadaaddadii WSLF siyaasaddii Soomaaliya iyo Itoobiya oo ay isku qaseen waxey u keentey iney ku haftaan mowjadihii kacsanaa ee Soomaaliya. Waxeyna ku dhex milmeen Maxaakiimtii iyo kacdoommadii Koofurta Somaliya. Ilaa aakhirkii ay is arkeen iyagoo ciidan ahaan iyo siyaasad ahaanba meel cidlaa taagan. Ugu danbeystiina waa tii ay isku dhaceen Axmed Madoobe iyo Shabaab oo Axmed MadoobeShabaabku ka ceyriyeen Kismaayo oo uu Kenya u galey.

Waxey noqdeen WSLF haad geed waayey waxeyna dantu ku qasabtey iney heshiis la galaan Itoobiya. Heshiiskaas oo ahaa is dhiibitaan magaca loo qurxiyey.

Kililka Shanaad iyo Itixaadkii oo isku dan noqdey, waan kasoo sheekeyney waana lala socdaa maqaamka iyo kaalinta culimada taageeri jirtey WSLF ay ku leeyihiin bulshada xag dhaqaale iyo xagga arrimaha bulshada iyo diinta. Maqaamkaas ay leeyihiin ayey qolyaha Kililku uga faa’iideysteen iney bulshada ka soo jeedda gobolkaas ku qanciyaan iney nabadda qaataan. Meel wadaaddadiiba is dhiibeen maxaa caammi ka soo gaaraya? Qolyihii Kililkana waxaa lagu qaabiley Masaajiddii iyo xarumihii Itixaadku ku lahaa meel kastoo adduunka ka mid ah. ONLF na waxaa laga dhigey sidii buufin qodax lagu mudey oo kale oo shacbiyaddii waxaa si dadban looga dhaadhiciyey in halganku yahey tacab khasaaro.

Meeshii wax ka baxaan wax kalaa buuxiyee dadkii ku sii jeedey halgan Itoobiya la iskaga xoreeyo ama xuquuq laga soo dhacsado, waxey firaaqo u heleen iney ku mashquulaan siyaasadda Soomaaliya oo calowsan iyo loollankeeda loogu jiro awoodda iyo degaanka.

Axmed Madoobe ruug caddaa Itixaad horaa

Sh. Axmed Madoobe dadka uu hoggaamiyo udub dhexaadkoodu waa wadaaddadii Itoobiya la heshiiyey ee WSLF, oo intii yar oo Kililka ku noqotey mooyee intoodi kale ay isku abaabuleen dagaal ay la galaan Shabaabka. Iyagoo isku milan  ayeyna is garabsanayaan qabiil ka mid ah qabaa’ilka dega degaanka Jubbooyinka iyo kuwa NFD.

Waxaa halkaas iyaduna soo gashey maslaxaddii caalamka iyo dowladda Kenya ay ka lahaayeen la dagaallanka Shabaab.

Iyadoo taasi jirto ayaa beel weynta oo ay hoggaaminayaan niman madax sar sare Kenya ka ah oo isla beesha ah iyo rag ay isku jaal yihiin Axmed Madoobe waxey is tusiyeen iney qaataan “deal” qorshe ama heshiis ay la galaan dowladaha deriskaa, ayna ku baddashaan nabaddaas ay qaateen in lagu taageero kaalin ay beeshu ka hesho Kismaayo iney noqoto caasimad iyo maamul goboleed beeshu leedahey. Ragga madaxdaa oo Soomaali Kenyanka ahna waxey soo qalqaaliyeen in la wada hadalsiiyo ONLF iyo Itoobiya. Dhanka kalena isla iyagaas oo dowladda Kenya ka socda ayaa dowladda Itoobiya waxey kasoo dhammeeyeen in Jubbaland loo sameeyo maamul goboleed kulmiya saddexda gobolee Gedo, Jubbada Hoose iyo Jubbada Dhexe. Heshiiska maamul u sameynta Jubbooyinka oo nuqulkiisa dadka qaar arkeenna waa mid sidaas ah.

Itoobiya arrintaas waxey u aragtey iney ka heli karto fursad dahabi ah oo lacag la’aan ah oo lagu soo af jari karo dagaalka hubeysan ee ONLF kula jirtey waqtiga dheer. Waxeyna sameysey carrab laalaadin ay u sameysey qorshihii loogala yimid dhankaas iyo Kenya. Soomaaliya oo la kala qoqobo haddii ay ku heleyso ONLF oo is dhiibitaan u saxiixda maxaaba uga fiican?

Waaba hal dhagax labo shinbirood ku dile!

Arrintaas iyadaa maamulka kililka sina wuu u taageersanaa, sina wuu uga shakisnaa. Oo kililku ma doonayaan in ONLF inta la soo dhaweeyo oo heshiis lala galo ay iyagu booska ka baxaan. Laakiin maamulka kililka iyo taageerayaashiisuba waxey aad u daneynayeen in shacabka Ogadenia lagu sii jeediyo Kismaayo si ay u illoobaan qaddiyadda Ogadenia oo dhibka badan.

Dowladda Itoobiya meeshaas fursad ayaa uga muuqatey ay danteeda uga faa’iideysan karto. Gabre oo ah safiirka Itoobiya u fadhiya Kenya dhinacna ONLF ayuu wada hadal kula jirey, dhanka kalena wuxuu ku mashquulsanaa maamul u sameynta Kismaayo oo qabaa’ilka ayuu shirinayey oo isku soo jiidayey!

Taas macnaheedu waxaa weeye iyadoo dadban “Haddaad qaddiyaddiinna Ogadenia ka tanaasushaan Kismaayo ayaan idinku taageereynaa!”!

Ogaadeenka jubbooyinka iyo qaddiyadda Ogaadeen weyne waa inaan la isku qasin Ogaadeenka Jubbooyinku waa muwaadiniin Soomaaliyeed oo dhexda uga jira lana mid ah muwaadiniin kale oo degaanku kala dhaxeeyo. Sidoo kale Ogaadeenka ka yimid Itoobiya si sahlan oon dhib laheyn ayey bulshada Soomaaliyeed oo walaalahood ah u dhex geli karaan. Oo dhibku kama jiro iney si dabiici ah ugu dhex milmaan waxna ula qeybsadaan bulshadooda Soomaaliyeed. Laakiin sida hadda wax loo wado oo ah degaan weyn oo Jubbooyinka in Kenya la hoos geeyo iyadoo meeshana ay ka muuqato damac Kenya leedahey. Ama in Itoobiya deal lagula galo in iyada culeyska laga qaadee Soomaaliya loo soo wareejiyo, waa arrin halisteeda keeni karta.

Dowladda Itoobiyana iyadoo aragtey damacaas oo ku gor gortameysa Jubbooyinka oo aysan laheyn ayey ONLF ka dalbatey iney aqoonsadaan Dastuurka Itoobiya shuruud la’aan!

ONLF shacabkii ayaa laga mashquuliyey

Horta jabhad haddaad maqasho waa shacab. Haddeysan jabhaddu shacab qaddiyaddeeda u xamaasadeysan heysanna qaddiyaddeedu way shiiqeysaa. Jabhaddaas waxaa lagu sameeyey waxa carabiga lagu yiraahdo “tajfiiful manaabic” Iliho gurin oo barkadda ayaa laga xirey ishii biyuhu uga imaanayeen. Taasoo aheyd shacabkii. Labo priority hal mar ma wada yeelan kartide waa inaad mid ka tanaasushaa.

Culimada Itixaadkii hore, Kililka iyo siyaasiyiinta Sooamali Kenyankaa oo beeshaa iyo Axmed Madoobe waxey ku guuleysteen iney qadiyaddii Ogaadeenka ka dhigaan arrinta Kismaayo, kana mashquuliyaan Ogadenia.

Yaan la isku qasin waraaqaha cid ay u roontahey ma jirtee!

Haddii Ogaadeenka degaanka jubbooyinka iyo kan NFD iyo kan Killilka la isku qaso, qabaaiilka kalena iyaguna u habar wacdaan kuwo kale oo ay isku heyb yihiin oo G/Afrika wax ka dega oo meeshaas lagu dagaalo, dagaalkaasi xataa Jamhuuriyadda wuu dhaafayaa oo G/Afrika oo dhan ayuu holcin karaa.

Waxaan ayaan dhoweyd daawanayey dad Soomaaliyeed oo qurbaha ku shirey oo sheegaya iney jubbooyinka kasoo jeedaan. Waxyaabihii ay ka dacwoonayeen waxaa ka mid ahaa arrin la yaab leh oo ka dhacdey Baarlamaanka Soomaaliyeed. Waxeyna aheyd in Guddoomiyaha Baarlamaanku codsadey in Xildhibaannada Baarlamaanka ku jira ee gobolladaas ka soo jeedaa ay iskugu yimaadaan shir gobolka arrintiisa looga arrinsanayo.

Waxaa soo xaadirtey baa la yiri 233 ka mid ah 275 tii Xildhibaan oo uu Baarlamaanku ka koobnaa! Wuxuu is weydiiyey ninkii hadlayey oo ma 42 kaliya ayaa dalka gobolladiisa kale ka yimid waa yaabe? Weliba waxaan u maleynayaa in 42 duna aysanba joogin oo ay yihiin kuwa ka maqan dalkee, haddey joogi lahaayeen waxey noqon lahaayeen Xildhibaannada soo xaadirey 275!

Laakiin Allow yaa shirkaas Norway ka dhacey oo arrintaas lagu dhaliilayey baara dadka dhab ahaan uga soo jeeda Jubbooyinka oo fadhiyey iyo kuwa ka kala yimid ama Kililka Shanaad ama NFD ama gobollo fog fog oo kale?

Dadka kalena waa sidaas oo kale oo ninba ninbuu ku soo duggaalayaa. Marka si aysan arrintaas Kismaayo ugu dhex baabi’in dood aan dhinacna u socon oo gebigeed is burineysa waa in aan laga dhex bixin siyaaqeeda (context) degaan oo ah dadka sida dhabtaa u dega degaanka oo ku nool iyo siyaaqeeda dal oo ah Soomaaliya oo ah qaran jira oo leh siyaado (sovereignty) oo laga wado aayo ka talinta dalkiisa. Ma jiro qabiil leh aayo ka talin oon dowladda aheyn. Dowladduna waa mulkiyad si guud uga dhaxeysa dadka qarankaasi matalo.

Haddiise ninkii ka yimid Jigjiga ama Garisa uu u maleeyo inuu magaca qabiilkee uu la wadaago dadka deggan Jubbooyinka awgeed uu ku yeelanayo aayo ka talinta dhulkaas, oo weliba uu ka xigsanayo dowladdii dhulka aayo ka talintiisa laheyd, waa qalad dadkaasi iska dhaadhiciyeen oo u baahan in qalinna loogu sheego oo laga saxo fikraddaas qaldan. Haddey dowladda qarankaa gaarto heer ay waajibkeeda ku qabsatana waaqica ayaa macallin u noqon doona.

Naga ilaaliya “nihilism” waxa loo yaqaanno carabigana lagu yiraahdo “cadamiya” jirid laa’aan oo ah in wuxu macnahooda dhanba lumiyaan oo la garan waayo nuxurka waxa dooddu ku saabsantaheyba.

Qolooyinka xagjirka diineed ah ayaa sidaas ku sameeyey Islaamkii oo aan la garaneyn maanta wax ujeeddo ah oo ay u adeegayaan oon ka aheyn waxbaan dilney, waxbaan qarxinney iwm.

Sidoo kale xagjirka qabiilkuna doodda degaanka Jubbooyinka bilaa macnahaas ayuu ka dhigayaa heer ay Baarlamaankii dhammaantiis hal magaalo iney ka soo wada jeedaan ay noqotey!

Ninka Jigjiga ka yimid inuu Kismaayo ka hadlo waxaa xeerarka adduunka u yaalla uga xaq leh inuu ka hadlo ninka ka yimid Lowyo cadde!

Marka doodda nihilismka (bilaa macne) ah oo qabiilka loo hadlana kaalin ayuu ku yeelanayaa ninka Lowyo Cadde oo dad ay isku heyb yihiin ayaa deggan.

Marka soo ma habboona inaan Geela Caloosha laga rarin oo si kale arrimaha loo kala furdaamiyo?

Haddaad biyo xireen aad u weyn oodda ka soo qaaddo adigoo eegaya wax yeellada uu dadka kale gaarsiin karo, laakiin, aadan ka fakarin tan uu adiga kuu geysan karo waa arrin aan meesha ku jirin in la iska waaniyana ku habboon.

Qoraha Qoraalkaan wuu ka cudurdaartay in magaciisa la adeegsado




Maqaallo 27 October 2020 4:05

Qorshaha uu Trump ku doonayo in uu Ciidamadda Mareykanka ugala baxo Soomaaliya ayaa walwal ku abuuray xulufadda ku lugta leh dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, iyadoo laga codsaday Washington in ay dib uga fiirsato go'aankeeda.