Shaqadaada Ma Taqanaa? | Qaladkaaga Ma Qirataa?

Dr. Axmad Cabdulahi (Keydmedia) - Maqaalkan waxaan ku bilaabaynaa Qiso dhab ah oo ka dhacday Soomaaliya. Nin Soomaali ah ayaa waqtigii isticmarkii Talyaniga kashaqayn jiray magala Luuq Kanane. Wuxuuna ahaa Tarjuman u shaqeeya Askarta Talyaniga ah, wuxuuna ka Tarjumi jiray Maxkamada, waxaana lookeeni jiray Dad badan oo lagu eedaynayo inay u gafeen Cadaanka Maamulka haya.

Isna wuxuu ahaa Qof damiir leh oo ay xanuujinayso Dadka Soomaalida ah ee lagu eedaynayo inay caayeen, aflagaadeyeen, wax u dhimeen Cadaanka Isticmaarka u yimid.

Wuxuu goostay inuu u hiiliyo Dadka Soomaalida ah, inta tabartiisa ahna kabadbaadiyo dhibka Cadaanka soo duulay.

Qofkii Danbi loo haysto, wuxuu ku oran jiray anaa ku badbaadine adu wax uun iska sheeg, xataa hadaada xujo haynin Afka iska dhaqdhaqaaji, anaa kudifaaciye.  

Arintaa ayuuna xil iska saaray, kuna dadaali jiray, wuxuuna ahaa Qof Salaadiisa iska Tukada, masaajidkanah kuxiran.

Kadibna wuxuu ku riyooday inuu lakulmay oo arkay Nabi Muxamad Calayhi asalam, aadbuuna ugu farxay arintaa, oo ah mid uu Qofkasta oo Muslim ahi ku farxi lahaa. Maalin kadib wuxuu u tagay Nin Wadaad ah, una sheegay riyada fiican ee uu arko marwalba, wadaadkiina wuxuu weydiiyay maxaad ka shaqaysaa? Isna wuxuu yiri waxaan ahay tarjumaan!

Wadaadkiina wuxuu yiri, ma cadaan dabacad baad u shaqaysaa/ daba socotaa, riyana ku arkaysaa Nabi Muxamad calayhi asalam!! Wuxuuna kula taliyay inuu Shaqada Cadaanka ka haro/ katago, oo Masajidka galo Ilaahay sifiican u caabudo, si'uu meel sare u gaaro/ hawada uduulo, nabigana joogto u arko.

Ninkiina taladii Wadaadkuu ayuu qaatay, shaqadiina wuu katagay, Masajidkuuna aaday, balse nasiib daro mardanbe riyo kuma arkin Nabi Muxamad calayhi asalam.

Aadbuu u naxay ugana xumaaday,  wuxuuna badiyay wardiga Qur´aan Akhrinta, Salada iwm.

Balse xaalkii wuu sii xumaaday, wuuna waayay mardanbe riyadii Qiimaha badnayd, sikastoo uu u tukaday u wardiyay, u cibaadaystay.

Waxaana isugu darsantay laba daran: Shaqo la'aan iyo Riyo la'aan, xaalkiina aad buu ugu xumaaday (Laba daran ooda kala dooran karin).

Hadaba Ninka Maxaa Ka Qaldamay?

Waxaan wada ognahay Diintenuna nabartay inuu Ilaahay Qofkasta karti iyo Awood ugaar ah siiyay, dhinacyo uu ku fiican-yahay, haduu kudadaalana Guulo sare ka keeni karo.

Hadii laga leexiyo ama uu fooftaan habaabo, oo loo diro Shaqo aan tiisii ahayna uu dhumayo, qasaarayo, natiijo fiicana uusan keenaynin.

Waxaana Qofka waxgaradka ah laga rabaa inuu sifiican isku baaro, isku barto, isku hubiyo si uu u ogaado dhinacyada uu ku Wanaagsan yahay, jecel yahay, kartina u leeyahay.

Midaana uu xoogiisa oo dhan isugu geeyo, kuna dadaalo inuu dhinacaa umada ka anfoco, baahideediina kadaboolo.

Hadaba Ninkaaa waxaa isugu darsamay Qaladaad fara badan oo ay kamid yihiin:

  1. Talo xumo, Inuu shaqadisii katagay, iskuna dayay inuu fanto Shaqo aan tiisii ahayn, oo aad looga badiyo, dad fara badana uga horeeyeen.

  2. Tiigsi xumo, Inuu katagay Shaqadii uu Rabbi Khayrka iyo Nuurka kusiiyay, isagoo u maleeyay inuu darajo tii hore ka saraysa kugaari doono Shaqo aan tiisii ahayn.

  3. Tusmo xumo, Inuu talo weydiiyay wadaad (Kitaab Gaable ah) oo aad u Maskax gaaban, oo caqligiisa oo dhani yahay; inuu Khayrku iman karo kaliya markii aad loo wardiyo, loo Ducaysto/ loo Alle baryo.

  4. Xilkasnimo La'aan, Inuu umadii kusoo daayay dhib uu kahayay, baneeyayna meeshii uu umada u hayay/Shaqdiisiina dayacay, ayna u badan tahay inuu shaqadisii qabto Qof aan damirkiisoo kale lahayn.

  5. Qadarin la'aan, Inuusan qadarinin shaqadii uu Rabbi udooray, ku anfacay, taasina waa arin khatarteeda iska leh, oo Qofkii kabooda shaqaduu Rabbi waa fajiyay, waxaa laga yabaa inuusan helin iyadii oo kale.

Hadaba Ninkaan dhibaatada ku habsatay mid lamid ahi wali Makugu dhacday?

Markay Arini kaa hor timaado yaad latashataa? Ama yaad talo weydiisataa?

Jawaabaha kala soco Qaybta 2-aad Insha'allah

Keydmedia.net


Dr. Axmad Cabdulahi - Editor of society, health and education policy for Keydmedia - Axmed.abdulahi@Keydmedia.net


Video-ga Ugu Dambeeyay - Latest Video





Maqaallo 27 October 2020 4:05

Qorshaha uu Trump ku doonayo in uu Ciidamadda Mareykanka ugala baxo Soomaaliya ayaa walwal ku abuuray xulufadda ku lugta leh dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, iyadoo laga codsaday Washington in ay dib uga fiirsato go'aankeeda.