Farmaajo: We Have No One Else to Blame
Magaalada Kismaayo ee Xarunta gobbolka Jubbada Hoose hadal heynta ugu weyn ee ka tirta waxaa ay ku saabsantahay Sheekh Xassan Yacquub horjoogaha Kooxda Shabaab ee Magaalada kaasoo Xaasaskiisa iyo Carruurtiisa kala baxay Magaalada isagoo ka baqaya inay waxyeello ka soo gaarta dagaalada ku soo wajahan Magaalada Kismaayo.
Mr Xasan Yacquub waxaa uu leeyahay Labo Xaas ah inkasoo aanan heynin tirada carruurtiisa, haddah Daraad ilaa shalay waxaa uu magaalada ka amba bixiyay Labadiisa xaas iyo carruurtooda kuwaasoo uu u kala diray Magaalada Nairoobi iyo Magaalada Muqdisho, waxaana tilaabadani ay imaaneysaa xili dadka Magaalada lagu amray inaysan jirin cid ka bixi karta.
Shugri Xuseen Nuure oo kamid ah Xaasaska Xassan Yacquub oo uu si hoose ula hadlay Wariyaha Keydmedia ee Magaalada Kismaayo ayaa u sheegtay in sababta ay Magaalada uga baxayaan ay tahay cabsi ay ka qabaan Ciidamada Dowladda ee ku soo wajahan Magaalada.
Sikastaba arrintaan waxaa ay cadeyn u tahay in horjoogayaasha Kooxda Shabaab ay sidda ay doonaan ay ka yeelaan dadka ku nool meelaha ay ka arrimyaan, waxaana xusid mudan in dadkii Kismaayo ka barakacaayay loo diiday inay Magaalada ka baxaan.
Keydmedia.net - Xafiiska Kismaayo
Add comment
Comments